Odhaahyo murti ah:

“Hadii aanad duuli Karin orad, hadii aanad ordi Karin lugee, hadii aadan lugayn Karin gurguuro, balse si kasta oo aad samaysid ha joojin hor u socodka.”

Martin Luther King

 

“Waxaan soo guuldarreystay marar badan taasina waa sababta aan u guulaystay.”

Micheal Jordan

 

“Guuldarradu waa keliyaata fursad labaad si aad mar labaad u bilawdid balse markan xariifnimo dheeraad ah ayaa lagaa rabaa.”

Henry Ford

 

“Waxaa jira habka fiican oo loo sameeyo – soo hel.”

Thomas Edison

 

“Maan guuldarraysan waxaan kaliya helay 10,000 oo waddo oo aan shaqaynayn.”

Thomas Edison

 

“Anigu waa aan aqbali karaa guuldarada laakiin ma aqbali karo in aan laysku dayin.”

Micheal Jordan

 

“Ma aqaan furaha guusha, laakiin furaha guuldaradu waa isku dayga in qof waliba la raaligaliyo.”

Bill Cosby

 

“Horumarku macquul ma aha isbedel la’aan, kuwa aan maskaxdooda beddeli Karin wax kalena ma beddeli karaan.”

George Bernard Shaw

 

“Yool aan lahayn qorshe waa rabitaan keliya.”

Larry Elder

 

“Si aad u guuleysato, rabitaan kaaga guusha waa inuu ka waynaadaa cabsidaaada guuldarada”

Bill Cosby

 

“Hadii aad ku riyoon karto waad sameyn kartaa”

Lama yaqaano

 

Hadii aad rabto inaad u iftiintid sida cadceedda lahow kulayl keed oo kale.”

Adolf Hitler

 

“Ha ka oggolaan waxyaalaha aanad samayn Karin in ay kaa hor istaagaan qabashada waxyaalaha aad samayn kartid.”

John Wooden

 

“Guushu aad bay u fududdahay samee waxa sax ah, u same sida saxa ah waqtiga saxda ah”

Arnold H. Glasow

 

“Hadii aad naftaada kalsooni siisid,waxaad jiidi kartaa ku dhawaad wax walba.”

Katty Perry

 

“Guushu ku imaan meyso waa inaad adigu u tagtaa.”

Marva Colins

 

“Guuldarradu waa guul hadii aan wax ka barano.”

Malcolm Forbes

 

“Dadaalku waxaa uu leg yahay maxsuulka.”

Dale Carnegie

 

“Anshaxu waa birishka u dhexeeya yoolka iyo guusha .’

Jim Rohn

 

“Halgan la’aan, ma jiri karo horumar.”

Frederick Dougless

Fikirkaada Waa Muhiim