Nin ugaadhsade ah baa maalin maalmaha ka mid ah ugaadhsi tegay. Wuxu maalintii oo dhan keynta dhex jibaaxaba, markii uu waayey wax ugaadh ah oo wakhtiguna noqday goor casar gaaban ah oo ninkiiba damcay inuu iska hoydo, ayuu shimbir ku taagnaa geed aan isagaba sidaa uga durugsanayn halkaa ka ciyey. Ninkii baa qalabkiisii ugaadhsiga ee uu xareeyey intuu la soo baxay ayuu si fiican shimbirkii u shiishay oo deeto dhulka soo dhigay. Shimbirkii baa markii uu ugaadhsadihii gacanta ku dhigay ku calaacalay oo yidhi “illeen nabadgelyadayduba waxay ku jirtay aamusnaanta, oo haddii aan iska aamusi lahaa illeen w’aan nabadgelilahaa.”

‘Farxad ma dareemo nimaan murugo arag !

Nimco ma dareemo nin aan xanuun arag!

Raaxo ma dareemo nin aan rafaad arag!

Guul ma dareemo nin aan samir lahayn!

 

TALOOYIN WAX KU OOL AH

  • Garwaaqso naftaada.
  • Ahaw naftaada.
  • Ku kalsoonoow naftaada.
  • Maree noloshaada.
  • Habee noloshaada.
  • Kobci aqoontaada.
  • Dhis aqoontaada.
  • Naftaada daryeel.
  • Sameyso noloshada.
  • Dhiirigeli naftaada.
  • U fikir si kale.
  • Fuli fikradahaaga.
  • Wanaaji rajadaada.
  • Samir yeelo
  • U foojignaw naftaada.
  • Hano hankaaga.
  • Badi yididiiladada.
  • Yeelo yool.
  • Qeex hadafkaaga.
  • Sameyso qorshe.
  • Qiimee qorshahaaga.
  • Ku dadaal………..
  • Hore u soco.
  • Wakhtigaaga ka faaiidayso.
  • Samee jimicsi

 

TACAB

Meerisyadan gabayga ahi waxay kamid yihiin gabay ka hadlayay tacabka wanaagsan ee lagu gaadho guush gabaygaas oo magaciisu aha TACAB Waxaana tiriyay maxamed khaliif ibraahin (xaraash)

  • Aduunyadan nin taagdarani waa lama tabaankiiye
  • Taajir iyo ninkii xoog leh buu uun ku tiriyaaye
  • Miskiin tacadi haystaa ileen ruuxna tabi waaye
  • Hadii uu tafaha xayto uu tacab u qaan shaarto
  • Maruun buu wuxuu tiigsadaba taas ka baxayaaye
  • Nin tabcaday wuxuu taransaduu toos uhelayaaye
  • Tashan waaye aan garan maradan tolo dilaacaysa
  • Oon tashiilan maalkuu tabcaday amase tuurtuura
  • Sadexdaas nin waa laga tagayee taas hala ogaado
  • Tubta nolosha kii seega ee tooyo garan waaya
  • Taladuu ka baydhuu hadhaw dib ula taahaaye
  • Oo uu tola’ ayeey dhehaa taas ma garanayne
  • Anigoo tabtaas aaminoo kana tusaalaystay
  • Qaaraabiyo tolaan kaashadiyo ehel itaageera
  • Talo iyo anoon dhiiri galin taakuliyo waano
  • Cidna iila taagnay dunida tu alla mooyaane
  • Tacliin iyo aqoon tag yaraan soow ma taban taabin
  • Aniguba tagoogiyo mar baan turuqyo waynaaye
  • Tifkaas waxaa iga dhigayee aan la tabar belay
  • Tunkan qaadhay dhafoorahan itagay lafahan tag taagan
  • Tacliin iyo waxa iigu wacan tiigsigaan wado e
  • Maruun baad tanaadida waxaan tab ka galiyaaba
  • Waxa aan shinkeed tiriyo oon tanran ka dhawraabaa
  • Tuludaan sugaayayi haday taagantahay foole
  • Waxaan tiigsi eegaba haday timir dhalaysaaye
  • Inkastoo waxaan taami jiray aan tamilay haatan
  • Hayee shee allay tiisa tahay talo dhamaanteede
  • Mahadana tawaabaa lahoon taas u qirayaaye
  • Tacabkii ilaah kaabayaa taaba galayaaaye
  • Talankiyo dhibkaan maray waxaan tawstii kaga raysto

 

  • Nolol dhaanta tii baan rabaa inaan tusmeeyaaye
  • Waalidkay inaan diif ka tiro waa tu aan rabo e
  • Taran iyo awlaadiyo inaan oori helo toosan
  • Qorshayahaygu taasuu ahaa taniyo waagiiye
  • Tacab iyo allahayoow isii taakuliyo xoogba
  • Taban taabadaan wado allaw toosi marinkeeda

 

Fikirkaada Waa Muhiim