Waa waxyaabo ku jira dheecaannada jirka bani’aadanka, electrolytes-ka waa waxyaabo macdan ah oo laga helo dheecaannada jirka sida dhiigga, kaadida, iyo dhammaan dheecaannada kale ee ku jira jirka bani’aadanka. Dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waxay jirka uga jiraan labo qaab oo kala ah kuwa ku jira unuga banaankiisa iyo kuwa ku jira unuga dhexdiisa ama gudaha unuga, macdanta ku jirta jirka bani’aadanka waxa kamid ah sodium, calcium, magnesium, potassium, chloride, iyo macdan kale oo fara badan.

Macdanta ku jirta dheecaanka jirka meelaha ay ku kala jiraan waa ku kala badan yihiin, marka loo fiiryo unugyada jirka, tusaale unuga gudahiisa waxa ku badan potassium iyo magnesium, halka dheecaanka banaanka unuga ay ku badan tahay sodium-ta, chloride iyo biocarbonate.

Shaqooyinka uu u qabto electrolyte-ka jirka waxa ka mid ah.

  • Isku dheelitirka dheecaannada jirka
  • Waxay ka qayb qaadtaan xinjirowga dhiigga
  • Waxay caawiyaan dheecaannada ku jira jirka
  • Waxay ka qayb qaadtaan in la soo saaro tamar (ATP)
  • Waxay ka qayb qaadtaan metabolism-ka ka dhaco jirka.
  • Waxay kaloo ka qayb qaadtaan shaqooyinka uu qabto murqaha iyo wadnaha.
  • Waxay isku dheelitiraan cadaadiska dhiigga.

Sida aan soo sheegnay macdanta ku jirta jirka bani’aadanka waxay qabtaan shaqooyin aad u muhiim uga ah jirka, laakiin waxa jira dhibaatooyin ku dhaca ama cuduro ku dhaca macdanta ku jirta jirka sida in ay jirka ku yaraato ama ay badadto. Inta badan cawashooyinka lagu arko bukaanka waxa kamid ah caajis fara badan, garaaca wadnaha oo qaldama macnaha cabirka laga rabo inuu qaldamo, matag, lalabo, shuban ama calool fadhi in lagu arko qofka sidoo kale murqaha oo daciif noqda, madax xanuun, iyo walwal farabadan.

Waxyaabaha sababi kara qofka macdantiisa (electrolytes) inay dhibaato ku timaado waxa kamid ah shuban badan, matag badan, dhidid badan oo qofka ka baxo sida ka duwan caafimaadkiisa, dhiig bax ama inuu dhaawac soo gaaro jirkiisa iyo daawooyin qaar oo keeni karta inay macdanta dhibaato u keento.

Waxaa soo sheegnay in macdanta ku jirta jirka ay ka mid yihiin sodium, potassium, calcium, magnesium, chloride intaan waa inta ugu muhiimsan ee lagu sameeyo baaritaannada waxa si kooban uga hadli doonaa mid walba iyo waxa uu jirka ka qabto haddii uu jirka ku badto iyo haddii u ku yaraado. 

Sodium: waa curiye macdan ah oo aad daruuri uga ah jirka wuxuuna ka mid yahay macdanta ku jirta unuga banaankiisa, waxay shaqadiisu tahay isku dheeli-tirka iyo koontaroolka dhammaan dheecaannada ku dhex jira unugyada jirka oo idil. Wuxuu ku shaqo leeyahay dayactirka korontada ka dhex socota dareen wadka maskaxda, sidaa daraadeed wuxuu aad muhiim ugu yahay murqahooda iyo shaqadooda, badanaa waxa curiyahaan laga helaa cuntada la cuno.

Waxaa shaqo ku leh isku dheeli-tirkiisa kelliyaha waxaa ka qayb-qaadta hoormoonka loo yaqaano aldosterone oo laga soo daayo qanjirka ku yaalo kellida korkeeda oo loo yaqaano (adrenal cortex), hoormoonkaan waxay shaqadiisa tahay inuu sodium-ta jirka kusoo celiyo sidoo kale potassium-ta jirka ka saaro. Waxaa loo baahan yahay in jirka uu helo qiyaas fiican maalintii haddii uu batana waxaa laga yaabaa in unugyada jirka biyo galaan sababtoo ah markasta meesha ay sodium-ta ku badan tahay waxa soo raaca biyaha, tani waxa lagu arki karaa ilmaha caanaha dhalada ku caba, taasoo ah mid sodium-ta aad uga badan sababtoo ah ilmaha ma awoodaan in jirkooda ay ka saaraan sidaadsi daraadeed waxa ka dhalata in ay naftooda halis gasho sidoo kale waxay dadka waa weyn ku dhalisaa dhiig karka iyo jir qaleel sida biyaha oo jirka ka dhamaada.

Sodium-ta marka ay dhiigga ku badadto waxa loo yaqaanaa hypernatremia, waa marka ay ka badadto 135 mmol/L, Waxyaabaha sababi kara waxa ka mid ah shuban badan, dhidid badan inuu qofka ka baxo sidoo kale qofka oo gubta ama qofka oo jirkiisa dheecaan badan ka baxa, Sidoo kale haddii ay ku yaraato jirka waxa loo yaqaanaa hyponatremia waa marka ay ka hoos marto 135mmol/L, waxyaabaha keeni kara waxa kamid ah in la waayo hoormoonka ku shaqada leh (aldosterone), kelliyaha oo shaqadooda joojiya, matag iyo shuban wadnaha oo xanuuna iyo nafaqo daro, hurdo la,aan, haraad badan, iyo gacmaha iyo cagaha oo soo barara qofka.

Sodium-ta waxa laga baari karaa labo meel dhiigga aan midabka laheyn (serum sodium) iyo kaadida intaba waa laga baari karaa cabbirka saxda ah ee ku jira jirka wuxuu gaaraa 135-145mmol/L. Marka aad ku baareyso sodium-ta semi-automatic machine waxaan isticmaaleena labo qaab waxaa soo diyaarsanee seddax dhalo ama glass test tube mid walba waxa u samaynee sumad lagu garto sidoo kale waxa soo diyaarsanee daawooyinka lagu baaro sodium-ta.

Daawada lagu baaro sodium-ta waxay ka kooban tahay labo daawo oo kala duwan reagent-ka kowaad wuxuu ka kooban yahay Ammonium thioglycolate 550mmol/l iyo Ammonia 550mmol/l. Reagent-ka labaad wuxuu ka kooban yahay uranyl acetate 19mmol/l iyo magnesium acetate 140mmol/l. Standard-ka sodium-ta waa 150mmol/l.

Xasuus

Marwalba shirkadaha soo saara daawooyinka waa ku kala duwan yihiin marka loo fiiriyo sida layskugu daro iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay daawada laakin waxaa muhiim ah marwalba inaa aqriso warqada ku timaada daawada ama ku dhex jirta kartoonka lagu keenay daawada si aad u raacdo tilmaamaha ku qoran warqada.

Qaabka loo sameeyo baaritaanka.

Marka hore waxa soo diyaarsanee labo dhalo iyo daawada labaad Reagent 2 labada dhalo waxa ku kala qoree labo magac kala ah standard iyo sample.

Shaxdaan waxay kuu muujinee qaabka layskugu daro daawada.

Sida layskugu daro Dhalada 1aad Dhalada 2aad
standard sample ama serum
Daawada 2aad 1000 µl 1000 µl
reagent
Qayb ka mid ah 20 µl
dhiigga aan
midabka laheyn
Standard-ka 20 µl

 

Marka aad intaan isku darto labada dhalo afka ka xiree waana isku qasee ilaa iyo 5 daqiiqo, 5 daqiiqo kadib waxaad dhex galinee centrifuge-ka xawaaraha centrifuge-ka waxaad ka dhigee 4000rpm ilaa iyo 10 daqiiqo kadib kasoo saar centrifuge-ka. Marka aad kasoo bixiso dhallada centrifuge-ka waxad isticmaalaysaa qaybta sare oo loo yaqaano supernatant. Markaan waxaan isticmaaleena seddax dhalo mid walba waxaa lagu qoraa magac sida standard, blank iyo sample. Shaxdaan waxay kuu muujinaysaa sida layskugu daro daawada.

Sida layskugu Dhalada 1aad Dhalada 2aad Dhalada 3aad
daro Blank standard Sample
serum
Reagent 2 20 µl
Supernatant 20 µl 20 µl
Reagent 1 1000 µl 1000 µl 1000 µl

 

Intaan marka aad isku darto isku qas 5 ilaa iyo 30 daqiiqo kadib machein-ka ku aqri, cabbirka saxda ah ee laga rabo 135– 155mEqL.

Qaabkaan waaka duwan yahay qaababka kale ee loo diyaariyo sodium-ta waxa jira qaab ka fudud sida loo diyaariyo laakin marwalba waxay ku xiran tahay shirkadaha soo saarada daawada.

Calcium:

Waa curiye macdan ah oo qayb weyn ka qaata koritaanka jirka iyo hab dhiska shaqooyinkiisa, calcium-ta aad ayuu muhiim ugu yahay lafaha iyo ilkaha jirka. Lafta iyo dhuuxeeda waxay ka kooban tahay macdan qiyaas ahaan 99% waxaa muhiim ah maalintii in nafaqo ahaan loo qaato 1g halbeega oo ay ku jirto macdanta nafaqadeeda, waxa laga helaa caanaha iyo farmaajada, haddii ay jirka ku yaraato waxay leedahay lafo xanuun, jirka aad ayuu ugu baahan yahay curiyahaan macdanta ah.

Calcium-ta 0.9% waxay ku jirtaa unuga dhexdiisa (intracellular) halka 0.1% ay ku jirto unuga banaankiisa (extracellular) inta soo hartay ee ah 99% waxay ku jiraan lafaha.

Calcium-ka marka ay dhiigga ku badadto waxa loo yaqaanaa hypercalcemia waxa inta badan keena cudur ku dhaca kelliyaha, xanuunnada ku dhaca sambabada sida TB waxa kaloo keeni karaa in qofka isticmaalo fitamiin D farabadan iyo qofka oo lagu arko xanuunnada ku dhaca qanjirada sida thyroid gland waxa kalo sababi kara kansarka qaar sida kansarka ku dhaca sambabada iyo naasaha, waxa kaloo keeni kara daawooyinka qaar sida daawooyinka anti-acid-ka.

Sidoo kale marka uu jirka ku yaraado calcium-ta waxa loo yaqaanaa hypocalcemia waxyaabaha sababa waxa ka mid ah kelliyaha oo shaqadooda joojiya, nafaqo daro in lagu arko qofka sidoo kale in laga waayo jirka fitimiin D, xanuunnada ku dhaca qanjirka ragga ayagane waxay keeni karaan in calcium-ta jirka ku yaraato.

Calcium-ta waxa laga baari karaa dhiigga aan midabka laheyn (serum-ta) caadi ahaan inta laga rabo jirka wuxuu gaaraa ilaa iyo 8.9 ama 10.8mg/dl laakin inta badan sheybaarada waa ku kala duwan yihiin tirade la soo saaro laakin wax badan kuma kala duwana marka loo fiiriyo cabbiradooda.

Marka aad ku baareyso calcium-ta semi-automatic machine waxaa soo diyaarsanee seddax dhalo ama glass test tube mid walba waxa u samaynee sumad lagu garto sidoo kale waxa soo diyaarsanee daawooyinka lagu baaro calcium-ta.

Daawada lagu baaro calcium-ta waxay ka kooban tahay buffer solution, colour reagent, iyo standard laakin shirkadaha soo saara daawooyinka waa ku kala duwan yihiin sababtoo ah qaar waxay soo saaraan ayagoo diyaarsan qaarna waxay soo saaraan ayagoo laysku qasaayo.

Standard-ka calcium-ta waa 10 mg/dl standard-ka wuxuu marwalba ku tilmaamayaa in ay daawada tahay mid shaqeynaysa iyo in kale.

Tusaale sida Dhalada Dhalada Dhalada 3aad
loo diyaariyo 1aad 2aad Sample/serum
blank standard
Reagents 1000 µl 1000 µl 1000 µl
Standard 20µl
Sample/serum 20µl

Isku qas waxa aad isku dartay kadib waqti u qabo ilaa iyo 5 daqiiqo kadib machine-ka ku aqri. Cabbirka saxda ah ee laga rabo calcium-ta waa 8.9 ama 10.8mg/dl

Magnesium:

Waa curiye bir ah oo nolosha aad muhiim uga ah, jirka dadka waxa qiyaastii ku jirta 25 g oo macdantaan ah gaar ahaan lafaha iyo murqaha taasoo ka caawisa koritaankooda iyo sida ay u shaqeeyaan, aad ayuu daruuri uga yahay jirka waxaana laga helaa caleemaha dhirta.

Magnesium-ta waxay ka qayb qaadataa shaqada murqaha iyo dareen wadka jirka. Magnesium-ta marka ay dhiigga ku badadto waxa loo yaqaanaa hypermagnesemia waxyaabaha sababa waxa kamid ah kelliyaha oo inta badan sida la rabay aan u shaqeeynin, xanuunnada ku dhaca beerka iyo xanuunnada ku dhaca hab dhiska caloosha.

Marka uu dhiigga ku yaraado waxa loo yaqaanaa hypomagnesium waxyaabaha keeni kara waxa kamid ah naqafo dari, cudurka sokorta nooca labaad, iyo qofka isticmaala alkoolka, waxa kaloo keeni karaa daawooyinka qaar.

Qaabka magnesium-ta loogu baaro machine-ka semi-automatic analyzer:

Marka hore waxa soo diyaarsanee dhiigga la rabo in laga baaro magnesium-ta kadib waxaad dhex gelinnaysaa centrifuge-ka xawaaraha loogu talagalay inaa geyso waa 3500rpm ilaa iyo 15 daqiiqo si uu u kala dago dhiigga, marka uu kala dago dhiigga waxaad kasoo qaadane qaybta sare oo loo yaqaano serum sidoo kale waxaa soo diyaarsanee daawooyinka lagu baaro magnesium-ta daawada lagu baaro magnesium-ta waxay ka kooban tahay calmagite 0.30mmol/l iyo amino-methyl propanol 1mmol/l. Stanadard-ka magnesium-ta waa 2mg/dl.

Shaxdaan waxay kuu tilmaamaysaa sida loo diyaariyo magnesium-ta

Sida layskugu Dhalada 1aad Dhalada 2aad Dhalada 3aad
daro Blank standard sample/
serum
Working 1000 µl 1000 µl 1000 µl
reagent
Standard 10 µl
Sample/serum 10 µl

 

Isku qas 5 daqiiqo kadib machine-ka ku aqri. Magnesium-ta Inta laga helo dhiigga wuxuu gaaraa 1.7–2.3 mg/dl.

Xasuus:

Marwalba waxay ku xiran tahay daawada shirkada soo saartay waxaana habboon inaa aqriso warqada ku jirta kartoonka uu ku yimaada daawada si aad u raacdo tilmaamaha ku qoran warqada. 

Potassium:

Waa curiye macdan ah oo jirka aad muhiim uga ah wuxuuna ku badan yahay unuga dhexdiisa laakin 2% waxay ku jiraan intravascular-ka ama plasmaha. Waxa laga helaa saxarka maatarka iyo dheecaannada ku jira gudaha unugyada jirka. Waxa caawiya curiye cusbo ka samaysan, labadaba waxay shaqadooda tahay in ay ilaaliyaan quwada koronto ee ka dhex socota unugyada dareen wadka maskaxda, waxa qiyaas ahaan loo baahan yahay in uu cabbirkiisa ahaado 3.5 ilaa 5.3mEq/L, marka uu yahay 5.3mEq/L iyo wixii ka badan waxay cadeynaysaa in ay kelliyaha shaqo joojiyeen, wadnaha oo qofka istaago.

Haddii uu ka yaraado 3.5mEq/L waxay cadeynaysaa in jirka dheecaannadiisa ay yar yihiin sida qofka oo mataga ama shuban daraadiis, taasoo sababta tabar dari murqaha iyo jirka oo idil. Potassium-ta waxa laga baaraa dhiigga aan midabka laheyn serum-ta, iyo kaadida. 

Marka aad ku baareyso potassium-ta semi-automatic machine waxaan isticmaaleena labo hab waxaa soo diyaarsanee seddax dhalo ama glass test tube mid walba waxa u samaynee sumad lagu garto sidoo kale waxa soo diyaarsanee daawooyinka lagu baaro potassium-ta.

Daawada lagu baaro potassium-ta waxay ka kooban tahay seddax daawo oo kala duwan reagent-ka kowaad wuxuu ka kooban yahay Trichloroacetic acid 0.3 mol/l, sodium tetraphenylboron 0.2 mol/l, sodium hydroxide 2.0 mol/l iyo standard 5.0 mmol/l, seddaxdaan daawo mid kasta waxay ka kooban tahay 50ml.

Marka hore waxa soo diyaarsanee labo dhalo iyo daawada kowaad PREC (Trichloroacetic acid 0.3 mol/l) labada dhalo waxa ku kala qoree labo magac oo kala ah PREC iyo specimen.

Shaxdaan waxay kuu tilamaamaysaa sida loo diyaariyo.

Sida layskugu daro Dhalada 1aad
Daawada 1aad 1000 µl
Trichloroacetic acid
Specimen 100 µl

Marka aad isku darto daawada kowaad iyo qaby ka mid dhiigga aan midabka laheyn (serum-ta) waa isku qasee kadibna centrifuge-ka galinee 5 ilaa iyo 10 daqiiqo kadib waxaa kasoo bixinee centrifuge-ka. Habka labaad waxay tahay inaa isku darno daawada 2aad iyo tan 3aad, daawada labaad waxaad kasoo qaadee 500 µl sidoo kale daawada seddaxaad 500 µl labadaan daawo marka laysku daro waxaa loo yaqaanaa working reagents.

Dhalladii kowaad ee aan kasoo bixinay centrifuge-ka waxaan uga baahanahay qaybta sare ee loo yaqaano supernatant. Hada waxaan haysanaa labo dhalo mid waxaa ku diyaarsan working reagent midna waxaa ku diyaarsan supernatant oo ah Trichloroacetic acid iyo Specimen marka aan isku darnay wixii nooga soo baxay kadib marka aan galinay centrifuge-ka. Shaxdaan hoose waxay noo tilmaamaysaa sida layskugu daro working reagent iyo supernatant si aan u ogaano inta ku jirta potassium-ta dhiigga.

Sida layskugu Dhalada 1aad Dhalada 2aad
daro standard-ka sample
Working reagent 1000 µl 1000 µl
Supernatant 100 µl
Standard-ka 100 µl

 

Intaan marka aad isku darto 5 daqiiqo kadib waxaad ku aqrinee machine-ka. Marka laga baaraayo dhiigga aan midabka laheyn cabirkiisa wuxuu gaaraa 3.5 ilaa iyo 5.3mEq/L sidoo kale caruurta yar yar marka laga baaro waxa laga rabaa inuu gaaro 3.7 ilaa iyo 5.9mEq/L, kaadida marka laga baaraayo potassium-ta waxa laga rabaa inuu gaaro 25 ilaa iyo 125mEq/L.

Chloride:

Waa nooc ka mid ah macdanta ku jirta dhiigga waa curiye macdan ah oo laga helo inta badan unuga banaankiisa, wuxuu ka qayb qaataa isku dheeli-tirka biyaha ku jira jirka sidoo kale wuxuu door muhiim ah ka qaataa cadaadiska dhiiga.

Chloride-ka caadi ahaan marka laga baaro dhiigga aan midabka laheyn cabbirkiisa wuxuu gaaraa 100 ilaa 110mEq/L sidoo kale marka laga baaraayo kaadida cabbirkiisa wuxuu gaaraa 110 ilaa iyo 250mEq/L, chloride-ka waxa kaloo laga baari karaa dheecaanka ku jira maskaxda oo loo yaqaano cerebrospinal fluid, cabbirkiisa wuxuu gaaraa 120 ilaa iyo 132mEq/L.

Dhiigga marka uu ku badadto waxa loo yaqaanaa hyperchloremia inta badan waxa keena fuuqbax, wadanaha oo shaqadooda joojiya, xanuunnada ku dhaca tubbooyinka kelliyaha dhiiga oo ku badta aasiidhka. Dhiigga marka ay ku yaraato waxa loo yaqaanaa hypochloremia waxa sababa in ay hoos u dhacdo aasiidhka laga soo daayo caloosha, sidoo kale in ay cusbo badan ka baxaan qofka taasoo sabab u ah xanuunnada ku dhaca tubbooyinka kelliyaha.

Waxaa jira qalabyo badan oo loo isticmaalo in lagu baaro macdanta ku jirta jirka sida machine-ka semi-automatic analyzer sidoo kale waxa jira qalab kale oo loo istcmaalo in lagu baaro macdanta ku jirta jirka waana qalab u gaar ah waxaa lagu baaraa oo kaliya macdanta ku jirta jirka.

Inta badan marka la baaraayo macdanta jirka waxa la isticmaalaa dhalo u gaar ah oo fur cagaaran waxaana loo yaqaana lithium heprin waa maadada ku jirta dhalada, dhalaadaas waxa loo isticmaala baaritaannada kala duwan marka la samaynaayo sida hoormooniska, iyo macdanta jirka marka la baaraayo.

 

_____________________________________________________________________________________________

Raadraaca:

Buuggaagta iyo qoraladii aan ka soo qaatay.

Magaca buugga

  1. Maadada shaqada jirka noolaha.

(Asal ahaan unugyada inteey ka soo jeedaan)

Magaca qoraha:

Dr Jamal Abdi moallim osman

Ereyada terminology intooda badan waxaan kasoo qaatay ama kasoo turjumay buugga uu qoray Dr liban Ali Diriye.

Magaca buugga aan kasoo qaatay erey cilmiyeedka.

QAAMUUSKA CAAFIMAADKA QEEXAN (Concise Somali Medical Dictionary)

Fikirkaada Waa Muhiim