Waa nooc ka mid ah dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waa dheecaan dareere ah oo ku jira inta u dhexeeysa sambabada iyo xabadka. Sambabada iyo xabadka waxa ku dahaaran xuub weyn oo qafiif ah oo loo yaqaano pleural membrane.

Pleural membrane-ka waa xuub weyn oo ka hooseeya xabbadka kasoo daboola sambabada, wuxuu ka kooban yahay qaab kiish oo kale u samaysan waxaana ku jira dheecaano, dheecaankaas waxay xuubka ka caawiyaan ilaalinta xubnaha in ay is xoqaan.

Dheecaankaan mararka qaar aad ayuu ugu badtaa sambabada taasoo inta badan keenta kansarka ku dhaca sambabada iyo naasaha waxa kaloo keeni kara wadnaha oo shaqadooda joojiya, beerka oo adkaada ama shaqada beerka oo daciif noqda, waxa kaloo sababi kara pneumonia.

Labo nooc ayaa loo kala qaybiyaa dheecaankaan transudative effusion iyo exudative effusion.

Transudative effusion: inta badan noocaan waxaa sababa inuu xirmo xuubka u dhexeeya sambabada iyo xabbadka taasoo ka dhalan karta in borotiinka ku yaraado dhiigga ama uu siyaado cadaadiska xididada dhiigga laakin waxa ugu badan wadnaha oo shaqadooda joojiya.

Nooca labaad waxa sababa caabuqa ku dhaca sambabada ama burooyinka qaar sidoo kale waxa sababi kara jug soo gaarta sambabada iyo in ay xirmaan xididada dhiigga.

Astaamaha lagu arko bukaanka waxa kamid ah qandho, afka oo qaleel noqda, neefsashada oo ku adkaata, xabbadka oo xanuun ka dareemo.

Baaritaannada loo sameeyo waxa ka mid ah CT scan, chest ultrasound iyo pleurocentesis.

Pleurocentesis waa hab loo adeegsado in dheecaan, malax, dhiig ama hawo laga soo saaro booska ka banana xuubabka daboola sambabada iyo unugyada ubucda, ayadoo la adeegsanaayo cirbad aad u dheer oo lagu dalooliyo xabbadka kore si looga soo saaro dheecaanka ku jirka sambabada, waa marka uu siyaado dheecaanka ku jira xuubka sambabada.

 

Xasuus.

Sambabka waa laba unug oo xabbadka ku yaalo oo geesaha ka xiga wadnaha kuwaasoo shaqadoodu tahay neefsiinta jirka. Sambabada waxay ka sameeysan yihiin xiidmo isku xirxiran si kiish ah oo jiid jiidma markii xabbadka cadaadis muujiyo waqtigaas oo ah marka ay hawo soo gasho islamarkaana uu soo celiyo.

Shaqooyin badan ayuu jirka u qabtaa sambabka oo ay ka mid yihiin neefsashada, biyo soo saarka iyo isku dheeli-tirkooda, waxaa intaa sii wehliya kul ka iyo ilaalinta xubnaha jirka. 

Fikirkaada Waa Muhiim