Waa nooc ka mid ah dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waa dheecaan dareere ah oo ku jira ubucda caloosha (abdominal cavity) wuxuu ka qayb qaadtaa in ay is xoqaan xubnaha ku jira ubucda caloosha, ubucda caloosha waxa ku dahaaran xuub loo yaqaano peritoneal membranes waa xuub weyn oo aad u jilicsan oo ku dahaaran xubnaha ku jira ubucda caloosha.

Dheecaankaan marka la qiyaaso inta ku jiri karta jirka caadi ahaan ubucda caloosha wuxu gaari karaa 5 ml ilaa iyo 20 ml, laakiin marka loo fiiriyo dumarka waa ku kala duwan yihiin qaarkood inta aan soo sheegnay waa ka badan karaa wuxuu gaari karaa ilaa iyo 50 ml waa marka uu dhiigga caadada u joogo laakin dumarka oo dhan ma’ahan.

Dheecaankaan waxyaabaha uu ka kooban yahay waxaa ka mid ah glucose, protein, amylase, urea, cholestrole, alkaline phosphate.

Dheecaankaan culayskiisa wuxu gaari karaa wax ka yar 1.016, sidoo kale marka la cabiro pH (power of hydrogen) waxa laga rabaa inuu noqdo 7.5 ilaa iyo 8

Dheecaankaan marka uu ku siyaado ubucda caloosha waxa loo yaqaanaa ascites ama hydroperitoneum.

Ascites waa dheecaan isugu taga unugyada ubucda caloosha kaas soo keena ubuc xanuun saa’id ah oo barar xad-dhaaf ah keena, waxaa keeni kara jeermiska cudurka qaaxada, xidid barar, beerka oo aad u dabca ama adkaada (cirrhosis) iyo qaar ka mid ah cudurka kansarka gaar ahaan nooca gala beerka iyo ugxaanta dumarka, waxa kaloo keeni kara wadnaha oo shaqadooda joojiya iyo sidoo kale xanuunnada ku dhaca

beeryaraha, xaalladaan waxay kaloo keeni kartaa inuu barar ku yimaado xubnaha kale ee jirka (odema).

Xasuus:

Odema: waa biyo iyo dheecaan oo si xad-dhaaf ah xubnaha jirka u gala, taasoo sababta barar lagu arko meelaha ay ku jiraan. Waxaa sababa wadnaha ama kellida oo hawl yareeya guud ahaan waxa la arki karaa in xabbadka iyo ubucda ay biyo galaan oo ka dhalan karta shil jirka ku dhaca. Laakiin taas waxa u diyaar ah kellida oo jirka ka soo saari karta biyaha iyo dheecaannada ku jira, haddii la adeegsado daawooyinka dheecaannada jirka ka soo saara.

Waxa jira daawooyin dhaliya in ay jirka biyo galaan kuwaas oo ay kamid yihiin phenylbutazone, cortisone, waxa kale oo jirta biyo gala lugaha iyo qoobabka dumarka marka ay dhiigga caadada usoo dhow dahay, laakin nasasho iyo lugaha oo kor loo dhigo ayey ku baxaan.

Cirrhosis: waa cudur ku dhaca beerka, kaasoo beerka ka dhiga mid marka ay unugyadiisa dhintaan ama dhaawac gaaro unugyada beerka sidoo kale beerka wuxuu noqdaa mid jilicsan qafiif ah ama inuu noqda mid adkaada, qofka waxa lagu arkaa in ay caloosha soo bararto.

Waxa inta badan dhaliya aalkoolka la cabo, jeermisyo, ama fayrus ku dhaca beerka sidoo kale waxa keeni kara beerka oo soo gaari waayo dhiig ku filan, wadne xanuun joogta ah iyo hab dhiska difaaca jirka oo cudur ku noqda beerka.

Cudurkaan ma’ahan mid la daaweeyn karo laakin waxa looga horti karaa inuu faafo iyo haddii qofka aalkoolka cabo laga joojiyo iyo in la isticmaalo xanuun qaade laga soo dhiraandhariyey hoormoonada jirka soo saara.

Goormee bukaanka loo sameeyn karaa baaritaankaan?

Marwalba waxa wanaagsan in bukaanka wareeysi lala yeesho dhaqtarka wuxuu baaritaanka u soo diri karaa marka bukaanka lagu arko astaamaha iyo waxyaabaha uu ka cawanaayo sida ubuc xanuun, daaco oo marwalba soo noq-noqta, neefshada oo ku adkaata, lalabo iyo matag, caloosha oo soo bararta, intaan marka lagu arko ayaa bukaanka loo soo diri karaa baaritaankaan.

Baaritaannada loo sameeyo waxa ka mid in loo isticmaalo qalab lagu xiro qofka si looga soo saaro biyaha ku jira caloosha (dialysis), dialysis-ka inta badan waxa la isticmaalaa marka bukaanka laga nadiifinaayo kelliyaha, waa marka uu kelliyaha aad ugu xanuunsan yahay ama shaqadooda ay joojiyaan, waxa kale oo la siticmaali karaa CT-scan ama ultrasound inta badan bukaanka waa la suuxiyaa si uusan u dareemin xanuun, sidoo kale waxa loo samayn karaa in caloosha cirbid laga geliyo si looga soo qaado biyaha caloosha ku jira.

Fikirkaada Waa Muhiim