Dunida waxaa ka jira iskaashiyo caalami ah, isbahaysi wada shaqeeyo iyo istaakulayn taasoo loo yaqaano Qaramada midoobay (QM).

Soomaalidu waxay ka mid tahay dadka dega geeska Afrika kuwaasoo ilaa hada aysan lahayn dowlad iyo dal ay ku mideysanyihiin inkasto ay jiraan dowlado kala gooni gooni ah iyo kuwa lahaystayaal u ah wadamada Itoobiya iyo Kenya.

QM waa dhowr dal oo isku tagay kuwaasoo u taagan waxyaabaha ka dhaca adduunka in ay go’aan ka soo saaraan ayagoo markaasi ay jirto dal walba oo dunidan dhaca inay u joogaan safiiro matala qaramadan isku tagay.

Sidoo kale waxaa jira dalal Afrikaanka ah kuwaasoo leh gole loogu magac daray ’Midowga Afrika oo dalal badan ay ku mideysanyihiin oo qaaradan Afrika dhacda.

Ujeedka maqaalkaan ayaan rabaa inaan ka jawaabo ’Waa maxay wadajir ummadeed?

Midnimo qaranse maxay u taagantahay?

Ka Soomaali ahaan halkee ka joognaa midnimada iyo isbahaysiga adduunka ka jira, mise ma nahay dad wadajir ummadeed ka dhaxayso?

Intaasi iyo in ka badan waxay maskaxdeydu u maxataa sababaha kalifay inaan noqon weyno ummad ku heshiiso hal dal iyo hal dad, waliba anagoo ah hal qowmiyadood, oo diin iyo dhaqanba wadaaga oo misna isir mida kawada yimid.

Kala qaybsigii ummadda Soomaaliyeed ee midowgii Yurub, taasoo ka timid hab fikirkii gumeysi ee ay ka damacsanaayeen qaarad weynta Afrika, Soomaaliduna xilligaasi waxay ka mid ahayd dalkii dhowrka gobol loo kala qaatay.

Kala qaybsigaas muxuu nagu sababay?, maxaanse ka dhaxalnay?, mise u muuqataa in wali intii yareyd xittaa laynaga damacsanyahay! in la sii kala jaro oo laga dhigo dowlado yar yar, oo midba dano gaara loogu shaqeysto.

Wadajirka ummadeed ee dad iyo dowlad walba lagu yaqaanaa wuxuu yahay, fikir iyo mowqif lagu wada heshiiyay taasoo ka abuuranta midnimo qaran iyo dowlad sal adag oo nidaam iyo arimo u gaara leh.

Soomaalidu waxay ka mid tahay dadka dega geeska Afrika kuwaasoo ilaa hada aysan lahayn dowlad iyo dal ay ku mideysanyihiin inkasto ay jiraan dowlado kala gooni gooni ah iyo kuwa lahaystayaal u ah wadamada Itoobiya iyo Kenya.

Isticmaarkii reer Yurub wuxuu Soomaalidu u kala daadiyay shan qaybood taasoo qayb walbana loo dhiibay gumeystayaashii Yurubiyaanka ahaa, kala qaybsigii ka dib waan aragnay waxa dhacay oo ah, halgan iyo dadaalo kala duwan oo ay sameeyeen qaar ka mida shantan gobol kuwaasoo ugu dambeyntii laba ka mida ay xoryadoodii la soo laabteen, hase ahaatee labada gobol ay ku midoobeen midnimo qaran taasoo laga u jeeda lahaa in sadexda gobol ee maqan dib loo soo celiyo, hase ahaatee ay markii dambana dhacdo in labadii gobol ee ku midoobay magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya midkood uu sheegto in sad bursi baahsan lagu sameeyay taasoo ka mid ahayd jagooyinka ugu sar sareeya oo loo dhiibay gobolkii koonfuurta, waxayna abuurtay kala shaki iyadoo sidaasi ay tahayna soo korortay in wadankii labada gobol ku mideysnaayeen uu af gambi ka dhoco.

Af gambigii ka dib waxaa curtay wax loogu yeero kacaan dowladeed taasoo curisay in hankii iyo rajadii laga qabay is raac midnimo uu mad madow halkii ugu sareysay soo kala dhex galay, taasna waxaa qireysa xoryadii Jabuuti ka dib oo iskood u sheegtay dowlad ka madaxbanaan labada gobol, inkastoo kacaanku uu dadaalo badan bixiyay laguna amaani karo doorkii hormarinta dowladeed ee ay gaarsiiyeen Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Doorka ugu muhiimsanaa ee lagu faani karo xukuumadii kacaanka fulisay wuxuu ahaa isku daygii ku aadanaa soo celinta gobol ka mida shantii Soomaaliyeed taasoo Itoobiya ay maamulkeeda haysay, hase yeeshee isku daygaasi noqday mid aanan suura galin markii dambana, quus cad laga dhaxlo hankii Soomaaliweyn ugu dambeyntiina heshiis xumo darteeda labadii gobol ee jamhuuriyada Soomaaliya dowladii ka talineysay ay burburto.

Halkaasna waxaa ka dilaacmay is jabhadeysi iyo colaado ahliyan ah waxayna sababtay in goboladii waqooyi ay gacanta u galaan maleeshiyo jabhadeedyadii kuwaasoo sheegtay inay yihiin dowlad ka madax banaan gobolada waqooyi oo ay markaasi awoodoodu ku badnayd.

Inkastoo maqaal iyo sheekaba lagu soo koobi karin marxaladaha kala duwan ee Soomaaliya ay soo martay, ayaa hadana wali ay naga maqantahay midnimo iyo iskaashi Soomaaliyeed, oo wali helitaankeeda aynu ku jirno balse waxaa meesha ka baxday waxa loo yaqaan wadajir ummadeed taasoo badalkeeda aanu nahay kala maan kala fog oo midna isku waafaqayn. Waxayna nagu hoggaamin doontaa inaan ka harno caalamka tagay ee talaabsaday halka aan anaguna nahay kuwa isugu faano qabyaalad iyo sokeeyenimo.

Hadaba ma oran karnaa maanta aan joogno waxaaba sheegisteedu suushay helitaanka Soomaaliweyn?

 Xitaa mise aragnaa cid dadaal ku bixisa magacaaasi soo nooleyntiisa….

Jawaabtuna waxay tahay midnimo ku dhisan helitaanka Soomaaliweyn, waxaa ka horeyso isu tanaasulka kuwa isku heysta arinta dhexdooda ka jirta oo aan kala jeedo in koonfurta Soomaaliya oo ah halka ugu mashaqada iyo mashaakilka daran, tanaasulkaasi ka dibna loo sii gudbaa in tirsashada gobolada waqooyi loo sad buriyaa taaso sii raacsan isu tanaasulkii ka dib waxaa dhici karta in dadaal lagu galo sidii dowlad Soomaali u madax banaantahay loo heli lahaa taasoo ku dhisan wadajir ummadeed…..

Fikirkaada Waa Muhiim