Akhriste waxa aan jeclaystay in aan halkan kugula wadaago qormo xiiso badan oo khusaysa caafimaadka xoolaha iyo caafimaadkaagaba!

  • Akhriste wali ma maqashay cudurka loo yaqaan waalida Lo’da (Mad cow disease) ?
  • Se, ma u malayn kartaa in uu jiro xanuun waali ku keeni kara xoolaha?
  • Se, ma aaminsan tahay in uu jiro booratiin (protein) ka mid ah qaab-dhismeedka xoolaha oo ku keeni kara xoolaha xanuun khatartiisu baahsan tahay?
  • Ila akhri qormadan kooban ee aan kaga jawaabayo su’aaalahaas iyo kuwo kale oo badan oo maskaxdaada ka dhex guuxaya.

Xanuunka waalida lo’da: Waa maxay xanuunka waallida ku keena lo’da (Mad cow disease)?

Cudurkan loo yaqaano xanuunka waallida ku keena lo’da, sida oo kalena leh magacyo kala duwan sida (Bovine spongiform encephalitis, mad cow disease) maaha mid ay keenaan waxyaabaha aynu sida caadiga ah u naqaano ee xanuun dhaliyayaasha ahi sida, bakteeriyada, fayras-ka, fungus-ta iyo gooryaannada, balse xanuunkani waxa uu noqon doonaa mid ka duwan intaas oo dhan kaas oo uu keeno mid ka mid ah booratiinada ay ka samaysan tahay maskaxdu, kaas oo la dhaho (prion protein).

Booratiinkaas oo qaab-dhismeedkiisa saxda ah lagu yaqaano ay wax ka khaldameen, haddaba sida kaliya ee ay xoolaha ama dadku ku qaadi karaan waa in ay quutaan hillibka ama cunto laga diyaariyay lafaha xoolaha uu xanuunkani marka hore hayay.

Xanuunkan markii ugu horaysay hilaaddii 1986kii ayaa lagu arkay dalka Egland, sida oo kale cudurkan waxa lagu arkay waddamada Europian-ka, japan, maraykan iyo Canada.

Xanuunkani xoolaha uu saamayn karo waxa ka mid ah lo’da adhiga, doofaarka , bisadaha, daanyeerka, jiirka iyo dadka.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Xanuunkan astaamaha ugu badan ee lagu garan karo waxa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:

  • Bukaanku in uu noqdo mid hab-dhiska dareenkiisu aanu si sax ah u shaqaynayn,
  • in uu bukaanku si dhakhso ah u bedelo dabeecadiisa, oo uu noqdo mid gadoodsan oo dadka dilaya
  • Cudurkani waxa uu ku sababaa xoolaha waali ama xanuun dhimir.
  • In uu noqdo mid caato ah oo culayskiisu hoos u dhaco bukaanku.
  • Neefka irmaan oo caanaha yareeya
  • Bukaanka maalmo gudahood ayaa uu kaga soo if-bixi karaa cudurkani.
  • Ugu dambay waa uu dhintaa bukaanka uu cudurkani saameeyay.

Astaamaha lagu arko dadka cudurkan qaba?

Marka ay dadku quutaan hillibka iyo waxyaabaha kale ee laga diyaariyay hillibka xoolaha xanuunkani helay, waxa ay qaadaan cudurkan, laakiin marka dadka la joogo waxa loo yaqaanaa cudurkan magacan kale “variant disease” Si kastaba ha ahaatee, waxa jira astaamo gaar ah oo dadka xanuunkan qaba ka muuqda sida:

  • Dabeecadda dadka oo isbedesha, sida hab-dhiska dareenka bukaanka oo khalkhala.
  • Is xakamayn la’aan iyo garasho la’aan maskaxda ah
  • In uu qofku koomo galo ama miyir doorsoomo ka dibna dhinto sannad gudihii.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

Xanuunkan wax daawo ah oo rasmiya wali looma shaacin, in kasta oo uu ka dhaco waddamada dhaqaale ahaan kobcay sida Ingriiska iyo Maraykan.

Si loo xakameeyo cudurkan waxa lagu talliyaa in la raaco tallaabooyinkan hoose:

  • In bukaanka lagu arko astaamaha aynu kor ku soo sheegnay, si dhakhso ah xerada looga saaro isla markaana la gawraco, dhammaan hillib-kiisana la aaso waxna aanay ka quudan dadka iyo xayawaanku.
  • In dhammaan cuntooyinka laga diyaariyay hillibka xoolaha tayadooda la iska eego oo aan quudashadooda lagu degdegin.

Fikirkaada Waa Muhiim