Wadanaha waxa uu dhiigga siiyaa guud ahaan unugayada jirka, sidoo kalena jirka waxa uu dhiigga ku soo celiyaa wadnaha si uu u isticmaalo, waxaana lagu kala magacabaa: dhiigga uu jirka siiyo wadnaha: Dhiigga kore (systolic) halka dhiigga jirka kasoo laabto loo yaqaano: Dhiigga hoose ( Diasytolic),cabir ahaan waxaa loogu talagalay labbada dhiigg in ay noqdaan 120/80mmHg.Cabirka cadaadiska dhiigga marka  uu ka hoos maro 90/60 mmHg waxaa looyaqaanaa dhacsanaanta cadaadiska dhiigga.

Haddaba Ina mari Aan Isla Ogaanee Wax-yaalaha  Sababo Dhacsanaanta Cadaadiska Dhiigga:

  • Uurka ayaa kamid ah wax-yaalaha sababo hoos u dhaca cadaadiska dhiigga, taasoo oo ay keeneyso baahida jirka oo aad u badan.

  • Dhiigga bax badan oo imaado xilliga qalliinka lagu guda jira waxa ay sababta hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

  • Cudurada wadnaha ku dhaca waxa ay sababaan hoos u dhaca cadaadiska dhiiga.

  • Cudurka Macanka ,iyo cudurada ku dhaca qanjirada waxa ay kamid yihiin cudurada keena hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

  • Infekshanka qaar waxa ay keenaan hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

  • Daawooyinka qaar waxa ay sababan hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

  • Qofka oo fuuq baxo waxa ay sababtaa hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

  • Qofka oo nafaqo daro ku dhacdo jirkiisa waxa ay sababtaa hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

Calaamadaha Lagu Garto Hoos Udhac Cadaadiska Dhiigga Waxaa Kamid Ah:

  • Cabirka dhiigga oo ka yar 90/60 mmHg.
  • Daal faro badan.
  • Neef tuur.
  • Wadno garaac badan.
  • Wareer iyo lallabo.
  • Ogaalka oo hoos u dhac ku imaado.
  • Qabow maqaarka ah.

Yaa Halis Ugu Jira In Uu Ku Imaado Hoos U Dhaca Cadaadiska Dhiigga?.

-Da’ahaan qofka ka weeyn 65 sano.

-Cudurada qaar waxa ay halis u yihiin in ay kenaan hoos u dhaca cadaadiska dhiigga

Qofka aanan cabin biyo badan waxa uu halis ugu jiraa in uu hoos u dhaca ku imaadaa cadaadiska dhiigga.

  • Dadka shaqada badan  qabto cunistoodana ay yartahay waxa ay halis ugu jiraan hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

Sidee Loo Daaweeyaa Hoos U Dhaca Cadaadiska Dhiigga:

Cunista badan ee cusbada ayaa ah qeeyb kamid ah daawada hoos u dhaca cadaadidka dhiigga.

   -Cabista biyo badan ayaa ah qeeyb kamid ah daawada hoos u dhaca cadaadiska 

   – Qofka oo laga daaweeyo infekshanka keenay hoos u dhaca cadadiska dhiigga.

 

 

 

 

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim