Hooyada inta ay uurka leedahay waa 39isbuuc ama 9 bil,  xilligaas inta ay kuguda jirto Hooyada kama maarmi karto daawooyin, balse waxaa jiro daawoyin haddii ay  qaadato anaan laheeyn wax saameyn caafimad daro ah taas oo ku imaan karto cunugga anan wali dhalan.

Daawooyinka Loo Ogal Yahay Oo An Laheeyn Wax Saameeyn Caafimaad Daro Ah Waxaa Kamid Ah:

  1. Antimetic oo loo yaqaano  daawoyinka liqaanyada ama lalabadda.

  2. Analgesics oo loo yaqaan xanuun baabi’yaal sida:paractamol oo kali ah,waxaa jiro daawooyin loo isticmaalo xanuun baa’biye oo aysan cuni  Karin Hooyada sida Asprinka.

  3. Antibiotic oo ah daawo bakteeri dila ah waxaana kamid daawoyinkaa: Amoxillin.

Daawooyinka wax yeelaya cunugga anan wali dhalan  waxaa caafimaad ahaan loo yaaqaanaa  teraatoojinic “Tetrotogic Drugs”.waxa ay ka gudbaan xariga isku xira Hooyada iyo cunugga anan wali dhalan, taasoo loo yaqaan xariga xudunta cunugga.Xariga xudunta cunugga waa mariinka  nafaqada ay u gudbiso Hooyada   cunugga ku dhexnool ilma galeenkeda.

 Daawoyinka Ka Gudba Xariga Xadunta  Waxa Ay Waxyeelo Caafimaad Daro U Geeystaan Cunuga Anan Wali Dhalan Waxaana Kamid Ah  Waxyeelooyinkaa:

  1. Waxa ay yareeyaan qaarkood koriinka cunuga ku dhex nool ilma galeenka.
  2. waxa ay keenaan saameeyn caafimaad daro oo uu kasoo kabsan waayo cunuga inta uu nool yahay.
  3. Waxa ay  cunugga  ku keenaan adimo la,aan.
  4. Qaarna waxa ay keenan guud ahaan cunugga in aan weeyno “ dhimashada cunaga ilmagleenka dhexdiisa”.
  5. waxa sidoo kale ay keenan qaarkood  cunuga oo ilkihiis  jaalo noqdo.
  6. Dawooyinka qaar waxa ay naafeeyaan maqalka.
  7. Waxa ay ku keenan shaqoda maskadiisa ilmaha hoos u dhac.
  8. Daawooyinka qaar waxa ay dhaawacaan neerfayaasha cunugga sida xangulaha.
  9. Daawoyinka qaar waxa ay keenaan yaraanshaha dabaasha cunugga.

Daawooyinka Dhibaatada Ba,an leh Xilliga Uurka Waxa Kamid ah:

  1. Phenobarbital oo ah daawoyinka loo isticmaalo qalalka.
  2. Warfarin oo ah daawoyinka loo isticmaalo xinjirowga .
  3. Asprin oo loo isticmaalo xanuun baabi’ye ahaan.
  4. Streptomycine oo ah nooc kamid ah daawoouinka lagu daaweeyo infekshanka qaar ayaa kamid ah daawooyinka wax-yeelo caafimaad dhalaanka aan wali dhalan.

Halkaan kuma soo koobi karo daawooyinka Hooyada xilliga uurka wax-yeelo balse waa tusaalooyin oo kali ah . waxa aan Hooya walbo oo uur leh ama nuujineeyso aan oga digaayaa in aysan cunin daawo aan dhaqtar  soo qorin ama aysan la kaashan sarkaal caafimaad.

 Waxaa Daawoyinka Aysan Cuni  Karin Hooyada Saddaxda Bilood Ee Hore.

 Waxaa jiro daawooyin Hooyada hadday cunto saddaxda bilood ee uurka u horeeyso keeni karo saameeyn caafimaad daro,lakiin haddii laga gudbo saddaxdaas bilood ay cuni karto, waxaana kamid ah daawooyinkaas:

  1. Daawooyinka lagu daaweeyo cudurka duumada.

  2. Aminoboratin (Amnopterin ) oo ah daawooyinka loo isticmaalo kansarka.

  3. Kaarbonmasabiin (carbonmazapine)  oo  ah daawooyinka  loo isticmaalo  neerfo xanuunka.

Fikirkaada Waa Muhiim