Teetanadu waa cudur  ay halistiisu badantahay waxaana sababto bakteeriyo ilma-aragta aha oo loo yaqaano Clostridium tetani, waxaa laga helaa bakteriyadaan ciida oo ay ku dhaxnooshahay, marka ay soo gasho jirka waxa ay soo deysaa sun, Suntaas oo  naafeeyso shaqada neerfayaasha jirka.

 

Haddaba Kaallay Aan Isla Aragnee Calaamadaha Teetanada Lagu Garto:

  • Qofka in ay ku adkaato liqidda.

  • Qofka in aan ku aragno qoorta iyo murqaha jirka oo uu soo laabi waayo .

  • Qofka in aan ku aragno qandho iyo dhidid badan.

  • Qofka in aan ku aragno wadno garaac badan.

  • Ilmaha yar waxa aan ku arki karnaa in uu ku adkaato nuugida naaska.

  • Dadka waaweeyna waxa aan ku arki arkanaa cadaadiska dhiigga oo sara u kaco.

 

Yaa Halis Ugu Jiro In ay Ku Dhacdo Cudurka  Teetanada?

  • Qofka ay ku dhacdo xabbada waxa uu halis ugu jiraa in ay ku dhacdo cudurka teetanada.
  • Qofka haddii u jabo waxa uu halis ugu jiraa in ay ku dhacdo teetano.
  • Qaniinyada xayawaanka waxa ay soo gudbin kartaa cudurka teetanada.
  • Boog lugeedka Macaanka ee aan laga daaweeyn qofka waxa uu halis ugu jiraa cudurka teetanada.
  • Infekshanka ku imaado ilkaha waxa uu keeni karaa halista cudurka teetanada.
  • Qofka haddii uu gubto waxa uu halis ugu jiraa cudurka teetanada.

Cawaaqibaha Ka Dhasho Cudurka Teetanada waxaa kamid ah:

-Lafaha oo jabo, taasoo ay sabab u tahay  adkaanshaha murqaha  ku imaaday waxa ay keeni kartaa lafo burbur.

–   Waxa ay keentaa in uu xirmo halbowlaha Sanbabada. (Blockage of a lung artery).

  • Dhimasho ayaa kamid ah caawaaqibaha cudurka teetanada.

Sidee Looga Hortagi Karaa Cudurka Teetanad:

  •  Ilmaha in loo dhammeystiro talaalka  teenanada.
  • Talaalka teetanada qof walbo oo weeyn waa in uu qaata Rag iyo Dumarba, waa muhiim in aan u qaadanno si dhammeysiran.

Fikirkaada Waa Muhiim