Waxbarashada oo ku  adkaanto  ilmaha ama liidashada fahankooda  waxbarsho, badanaa  waa waxa ugu badan oo ay ku wareeraan waalidka iyo macalinka ayaga oo mararka qaar ay u maleeyaan cunugga in uu yahay mid  ay  liidato guud ahaan  shaqada maskaxdiisa  .inkastoo aysanjirin sababo toos ah oo cadeeynaayo in ay keento adkaanshaha waxbarashada cunugga, balse waxaa  jiro wax-yaalo ka qeeyb qaato hoos u dhaca  fahanka waxbarasho ee  cunugga,  Arin taasna waxa ay katimid  dhibaatooyin ku dhacay canugga yaraantiisa.

Haddaba  kaallay Aan isla Argnee Wax Yaalaha Ka Qeeyb  Qaato Liidashada  Fahanka Waxbarashada Cunugga:

Wax-yaalaha ka qeeyb qaato  liidashada fahanka  waxbarsho ee cunugga waxa aan u kala qaadi doonaa 3 marxaladood oo kala ah : Marxladda uurka uu ku jira cunugga , Marxladda uu cunugga dhalanaayo wax-yeelo soo gaartay iyo Marxladda uu la kulmay marka uu dhashay ka dib.

 1- Marxalada uurka uu ku Jiro Wax-yaalaha Hoos Udhaca Ukeeno  Fahanka Waxbarshda Cunugga Waxaa Kamid ah:

 -Hooyada oo cabto sigaar ama qamri  xilliga uurka waxa ay ka qeeb qadata hoos u dhaca fahanka waxbarsho  ee  cunugga  ku jira ilma galeenka hooyada.

– Hooyada oo infekshanka laga daaween waayo xilliga uurka ,waxa ay ka qeeb qadata hoos u dhaca fahanka waxbarsho ee cunugga.

-Nafaqo  darada ku dhacado Hooyada  xilliga Uurka  waxa ay  ka qeeb qadataa  hoos u dhaca ku imaada cunugga fahankiisa  waxbarashado.

 2- Marxlada   uu  cunuga dhalnaayo wax-yaalaha ka qeeyb qaato hoos u dhaca fahankiisa waxbarsho waxaa kamid ah:

  • Cunugga dhasha waqtigiisa ka hor sida in uu cunugga ku dhasha 37 isbuuc ka yar , waxa ay ka qeeyb qaataa  hoos u dhaca  fahanka waxbarasho ee  cunugga ayadoo ay sabab u tahaya kornishaha maskaxda  cunugga  oo aanan dhameeystirneeyn, wallow ay muuqaal ahaan uu u egyahay cunugga  mid dhameeystiran.

  • Cunugga oo marka u dhashay naqaska ku dhago,wax ay wax-yeelaysaa shaqada maskaxda cunugga ,waxa ay ka qeeyb qaadataa hoos u dhaca fahanka waxbarsho ee  cunugga .

  • Hooyad oo ku daahdo foosha xilliga dhalmada waxa ay saameeysaa maskaxda cunuga, waxa ayna ka qeeyb qaadataa hoos u dhaca fahanka waxbarashada cunugga .

 3- Marxalada  Dhalashada Canugga Kadib:

Wax-yaalaha Saameyaa   Shaqada Maskaxda  Cunnugga  kana qeeyb qaato hoos udhaca fahanka waxbarshada ee ku imaado cunugga marka uu dhasho kadib  waxaa kamid ah :

 – Nafaqo daro ku dhacda cunugga inta uu yaryahay waxa ay ka qeeyb qaadataa hoos u dhaca fahanka waxbarashada cunugga, waana sababta ilmaha marka ay yaryihiin  hooyada lagula taliyo in ay siiso cunugga naas nujin baraxla.

–  Cudur walbo ee ku dhaca cunugga inta uu yaryahya haddii anan laga Daaweeyn  waxa ay saameeysaa shaqada maskaxda cunugga taasoo keeni karta hoos u dhaca fahanka waxbarashada cunugga.

– Burada ku sameeysmato maskaxda cunugga waxa ay  qalqal galisaa shaqada maskaxda cunnuga waxa ay keentaa liidashada fahanka waxbarsho ee cunugga.

– Jugta uga dhacdo madaxa cunugga waxa ay keentaa hoos u dhaca shaqada maskaxda, waxa ayna ka qeeyb qaadataa hoos u dhaca fahanka waxbarasho ee cunugga.

Gunaanad, Waxa aan Hooyooyinka ugu baaqaayaa  xilliga uurka haddii  ay isku aragto infekshan sida :   kaadi gub,dhabar xanuun, mindhicaro xanuun iyo qoyaan badan. waa muhiin ah in ay hooyada ku xirnanto mar walbo goob caafimaad. Hooya walbo  waxa aan kula talinayaa in ay cunuggeeda  siiso naas nuujin baraxla. Sidoo kale in ay qaadato cuno dheelitran si aysan ugu dhicin  nafaqo daro. Hooya walbo waxa aan kula talinaayaa in ay cunuggeeda jugta ka ilaaliso jugta gaar ahaan madax.

Fikirkaada Waa Muhiim