Cudurkan ay Soomaalidu u taqaan furuqa, waa cudur inta badan ku dhaca xoolaha aynu dhaqano ee Adhiga  (Riyaha iyo Idaha) sida oo kale waxa uu ku dhici karaa shimbiraha ay digaagu ka mid yihiin.

Cudurkan waxa keena mid ka mid ah fayras-yada cudurada keena,  kaas oo loo yaqaan ” Poxviridae, genus Capripoxvirus”

Cudurkan waxa laga helaa waddamada waqooyiga Africa, kuwa bariga dhexe, Turkey, Iran, Iraq, Afghanistan, Pakistan, India, Nepal iyo waliba waddamo kale oo uu  aad uga qarxay sida, Vietnam (2005),  Mongolia ( 2008, 2009)

lnta badan waxa ay hay’addaha ka shaqeeya caafimaadka xooluhu aaminsan yihiin in dalkii ugu horeeyay ee uu cudurkani dhibaato baahsan ka gaystaa uu ahaa  waddanka China sanadkii (2008).

Haddaba cudurkani waxa uu ku gudbi karaa taabashada nabarada, quudashada caanaha, saxarrada, kaadida iyo dhareerka neefka xanuunsan.

Maxaa Lagu Garan Karaa Cudurkan?

  • Nabaro dheecaan leh oo ka soo baxa dhamaan jidhka neefka .

  • Dhareer, heer-kul sare iyo dareerayaal dabada ka yimaada neefka.

  • Qanjo barar iyo neefka oo calafka ka go’a

  • Cudurkani waxa uu gaar ku yahay Riyaha iyo Idaha oo kaliya.

Ka Hortagga Iyo Daawaynta Cudurka

  • Cudurkani ma laha wax daawo oo sax ah.
  • Iodine ayaa lagu taliyaa in nabarada jidhka la mariyo.
  • Waxa muhiim ah in aad neefka ka jabiso xumadda adiga oo siinaya daawada xummad jabinta ah (antipain drugs)

Fikirkaada Waa Muhiim