Xanuunka buruseelaha ama sida ay Soomaalidu u taqaano qoodha walahu, waa mid ka mid ah xanuunada faafa isla markaasna dhibaato caafimaad iyo mid dhaqaaleba ku keena bulshada caalamka.

Xanuunka buruseelaha waxa keena koox bakteeriyada ka mid ah, isla markaana nooca keenaysaa ay ku xidhan tahay nooca xoolaha ee uu ku dhacayo cudurku.

Haddaba buruseelaha lo’da waxa keena bakteeriyada nooca loo yaqaan ”brucella abortus”  tani kaliya waxa ay ku dhacdaa lo’da.

Cudurkan buruseelaha waxa laga helaa bariga dhexe, gobolka meditereeniyaanka, waddamada ka hooseeya saxaraha ee Africa , China, India, Peru,  Mexico iyo waliba waddamada badhtamaha iyo koonfur galbeed ee Asia.

Guud ahaan xoolaha uu xanuunkani ku dhici karo waxa ka mid ah,  Lo’da,  Doofaarka, Riyaha,  Idaha, Geela,  Qooblayda iyo Eyda,  sida oo kale xanuunkaan waxa uu ugudbaa dadka.

Maxaa Lagu Garan Karaa Cudurkan?

Guud ahaan calaamdaha iyo astaamaha neefka  xanuunkan qaba lagu garan karo waxa ka mid ah kuwan:

  • Xiniinyaha oo barara, gaar ahaan laboodka xoolaha xanuunkani hayo.

  • Is-goysyada lugaha oo xanuuna ama barara.

  • Fardaha iyaga waxa sidoo kale lagu arki karaa barar qoorta iyo xagga dambe ah.

  • Waxa uu caan ku yahay dhicis ku yimaada neefka rimman.

  • Waxa uu keeni karaa madhalaysnimo xoolaha iyo dadkaba ah.

  • Mandheerta oo neefka ka soo dhici wayda waa mid ka mid ah calaamadihiisa

  • Marka uu dhalo neefkaasi ilmuhu waa daciif dhogortiisu xun tahay.

  • Neefka dhalay oo caanaha yareeya, ayaa sida oo kale ah astaamaha lagu garan karo cudurkan.

      Maxaa Lagu Garan Karaa Dadka Qaba Cudurkan?

Calaamadaha qaar waa isku mid dadka iyo xoolaha xanuunkani saameeyay, balse waxa jira astaamo badan oo uu dheer yahay qofka xanuunkan qabaa xoolaha:

  • Qandho aan joogto ahayn oo lagu arko bukaanka.
  • Madax xanuun.
  • Awood darro iyo daal.
  • Dhidid iyo culayska bukaanka oo hoos u dhaca.
  • Caabuq beerka iyo beer yarada ah.

Haddaba waxa xusid mudan in aad looga taxadiro xanuunkan oo ku gudba dareerayaasha neefka ka yimaada wakhtiga dhalmada ama dhicisku jiro, sida oo kale waxa ay cudurkan dadku ku qaadi karaan hilibka iyo caanaha aan aad la’iskaga karinin.

Ka Hortagga Iyo Daawaynta Cudurka

  • Xanuunkan daawayntiisu waxay qaadataa muddo bilo ah sidaas darteed dhakhaatiirta xooluha, waxa ay ku taliyaan in daawaynta neefka xanuunku helay ay ka fiican tahay in laga saaro xerada oo loo iibiyo dhaqaale ahaan.
  • Waxa jira ka hor tag tallaal oo uu xanuunkani leeyahay
  • Sidaas oo kale waxa jira ka hortag nidaam, oo ah in si fiican la iskaga kariyo cuntooyinka maxsuulka xoolaha ka yimaadda ee ay dadku quutaan sida, hillibka, caanaha iwm.

Fikirkaada Waa Muhiim