Xanuunka Rift Faali (Rift Valley Fever). Waa maxay xanuunka Rifti Faali (Rift valley fever)?

Xanuunka Rifti Faali (RVF) waa xanuun uu keeno mid ka mid ah noocyada fayras ee xanuun dhaliyaasha ah, kaas oo la dhahoPhlebovirus” isla markaasna ku dhaca noocyada xoolaha aynu dhaqano sida, Lo’da, Riyaha, Idaha, Buufalada, qaar ka mid duur-joogta iyo waliba dadka oo uu cudurkani u gudbo.

Sida magaca xanuunkan ka muuqata, cudurkan waxa laga helaa oo uu caan ku yahay waddamada geeska Afrika sida, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya oo la rumaysan yahay in xanuunkan markii u horaysay lagu arkay sida loogu magac daray dooxada Rift Valley ee Kenya ku taala.

Waxa kale oo xanuunkan laga helay waddamada Senegal, Mauritania and Gambia, Swaziland, Sucuudi Arabia, Yemen, Egypt iyo waliba South-Africa.

Haddaba xanuunkan Rifti faali waxa uu saamayn dhaqaale oo taban ku yeeshay xoolaha Soomaalida muddo labo jeer ah intaan ka xasuusto, oo labadaas jeerba uu u istaagay ganacsigeena xoolaad ee aynu u suuq-gayno Sucuudiga iyo waddamada kale ee carabta, walina wax siyaaasad ah oo lagu cidhib-tirayo ama lagu yaraynayo aanay ka qaadan xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray.

Wakhigan aynu ku jirnana (2017) ay xoolaheenu u xayiran yihiin xanuunkan (RFV) oo laga helay xoolaha soomalida ee sucuudiga u dhoofa.

Xanuunkani waxa uu caan ku yahay oo gudbiya kaneecada nooca loo yaqaan “Aedes species” taas oo laga helo meelaha biyo fadhiisinka ah, sida wabiyada iyo harooyinka inta badanna waxa ay kaneecadani dilaacdaa wakhti roobaadka ay daadadku jiraan.

Muddada ugu badan ee uu xanuunkani calaamado ku muujin karaa waa 1-6 cisho oo kaliya.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Cudurkan Rifti Faali waxa lagu garan karaa astaamahan hoose:

  • Waylaha yar yar waxa lagu arki karaa qandho heer-kulkeedu sarreeyo 40-41C”
  • Calafka oo ay joojiyaan bukaanka cudurkani hayo.
  • Cudurkani waxa uu caan ku yahay wakhti roobaadka.
  • Shuban dhiig weheliyo oo lagu arko bukaanka.
  • Awood-darro iyo in uu neefku daciifo.
  • Lo’da waawayn waxa lagu arki karaa duuf, dhareer, xummad iyo dhogor madaw oo uu bukaanku muujiyo.
  • Neefka Rimman waa uu dhiciyaa, haddii cudurkani helo ( 85% xerada lo’da joogta ).
  • Adhigu waa uu kala siman yahay inta badan astaamahan sare lo’da
  • Maqasha dhimasho degdeg ah ayaa lagu arki karaa iyagana.

Astaamaha dadka lagu arki karo

Dadka cudurkani asiibay marka hore waxa ay ka qaadaan quudashada hilibka xoolaha cudurkani hayo, isla markaasna astaamaha dadku waa ay ka duwanaan karaan kuwa xoolaha, maadaama oo aanu fayraskani awood u lahayn in uu caadiyan dadka cudur ku keeno, haddaba astaamaha qofka cudurkani u gudbo lagu arki karo waxa ka mid ah;

  • Astaamo la mid ah kuwa qofka hargabka qaba lagu arko sida, qandho saa’id ah, madax xanuun, muruqyo xanuun iyo hindhiso.
  • Waxa kale oo uu qofku isku arki karaa beer xanuun, indho la’aan, xanuun maskaxeed, dhiig bax iyo dhimasho.
  • Sida oo kale bukaanku waxa uu kaga soo kaban karaa xanuunkan 4-7 cisho.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

  • Cudurkani sida aynu ogsoonnahay waa cudur jeermis (virus) keeno, inta badan cudurada noocan ah ee jeermisyadu keenaan wali looma hayo wax daawo rasmi ah oo lagula tacaalo, balse waxa loo diyaariyaa cudurada uu kani ka mid ka yahay (Rifti Faali) in lagaga hortago tallaal u gaar ah oo lagu hayo dhamaan goobaha caafimaadka xoolaha lagu daryeelo.
  • Sidaas si la mid ah waxa muhiim ah in la cidhib tiro kaneecada, lagana hortago wax kasta oo sahlaaya in ay dillaaco sida biyo fadhiisinada.

 


Qalinkii: Dr. Abdirahman Mohamed Abdirahman

Dr. Abdirahman22@gmail.com

+252 63 4241312

Lecturer of Gollis university

Hargeisa, Somalia

 

Fikirkaada Waa Muhiim