Xameetida waa xubbin muhiim u ah jirka waxa ay soo daysaa dheecaano, sidoo kale waxay jirka u kaydisaa dheecaanada uu soo daayo beerka. Mararka qaar waxaa ku samaymo dhagax, dhagaxa aan ka hadlaayo ma ahan midka caadiga ah ee aan aragno maalin walbo.

Xameetida waxa uu ka samaysmaa dhagax marka dheecaanada iyo dufanka cusbada jirka uu soo daayo ay ku badato xameetida.

Dadkeenna Soomaaliyeed wuu ku badan yahay Xameetida dhagaxa ka samaysmo, markasta waxaan ku aragnaa isbitaalada dad laga qalay Xameetida dhagaxa ku samaysmo.

Waxaaba dhihi karnaa dadlkeena Soomaaliyeed Isbitaalada ku yaallo qalliinada ugu badan ee lagu sameeyo waa Xameetida dhagaxa ku samaymo, tusaalle haddaan usoo qaadano ( Isbitaal Shaafi, Isbitaal Digfeer) waa isbitaalada ugu badan ee lagu sameeyo qalliinada dhagaxa ku samaysmo ee loo yaqaano Xameetida.

Haddaba Kaallay An Isla Fiirine Waxyaabaha Sabbaba Xameetida Dhagaxa Ku Samaysmo:

b . Badsashada cunista cuntada ay ku badan tahay dufanka waxa ay keentaa dhagaxa ku samayso Xameetida.

t. Cayilka xad-dhaafka ah waxa uu keeni karaa Xameetida dhagaxa ku samaysma.

j. Qofka uu Xameetida ka xanuunsan wey keeni kartaa innuu dhagax ku samaysmo.

Kaallay Aan Isla Aragnee Calaamadaha Lagu Arki Karo Dhagax Ku Samaysma Xameetida:

  1. Qofka oo uu xanuun uu ka qabnaayo qaybta sare ee caloosha kasoo qaadaanayo saacado baddan
  2. Matag iyo lalabo.
  3. Laabjeex.
  4. Dibiro.

Sidee Ku Ogaan Karnaa? Uguna Daaweeyn Karnaa Dhagaxa Ku Samaysma Xameetida?

  1. Qofka inaan ka baarno dhiiggaga Beerka.
  2. Qofka inaan ka baarno dhiigga guud .
  3. Qofka inaan saarno kombuutarka Caloosha .
  4. Qofka inaan u diyaarino qalliin looga soo saaraayo dhagaxa ku samaysmey Xameetida
  5. Qofka inaan siino xannuun baabi’yaal
  6. Qofka inaan siino daawooyin geermis dilaayaal ah.

Waxaan ku soo gunaanadayaa in dadkeenna Soomaaliyeed iska yareeyaan cuntada ay ku badan tahay dufanka, waxa kaloo dhihi lahaa inay iska illaaliyaan cayilka oo caafimaadka aan u wanaagsaneyn, waxaan jeclaan lahaa inay marwalbo qaataan cunto isku dheelitiran inay samaystaan, jimicsigana si joogta ah u sameeyaan si ay u yaraato samayska xameetida.

Fikirkaada Waa Muhiim