Cudurkan ay Soomaalidu u taqaan af-ruurka isla markaasina afka qalaad dhawr magac oo kala duwan looga yaqaan sida kan cinwaanka aynu ku xusnay ama (Contagious ecthyma) waxaa keena mid ka mid ah fayras-yada (virus)  kaas oo lagu magacaabo “poxivirus” waxa uu cudurkani ku dhacaa xoolaha sida,  Riyaha iyo Idaha iyo waliba dadka oo uu u gudbo.

Xanuunkani waxa uu ka dhacaa meelo badan oo dunida ka mid ah,  qaaradda Africa inta badan  deegaanada Soomaalida waa uu ku badan yahay cudurkani, waxa uu ku soo shaac-bixi karaa astaamo xanuunna uu ku muujin karaa bukaanku muddo 4-7 cisho ah.

Maxaa Lagu Garan Karaa Cudurkan?

  • Waxa ugu muhiimsan oo xanuunkan lagu arki karaa waa nabaro ka soo baxa faruuryaha sare ee afka iyo waliba cirridka iyo dibnaha hoose ee neefka.

  • Sidaas oo kale nabaradu waxa ay ka soo bixi karaan xiniinyaha, candhada iyo meelo ka mid ah lugaha hoose ee neefka, kuwaas oo ku keeni kara in uu neefku dhutiyo.

  • Heer-kul oo sare u kaca, dhareer iyo in uu neefku calafka joojiyo.

Haddaba xanuunkan waxa lagu qaldi karaa xanuunada kala ah cabeebka, raaf dillaaca iyo furuqa, laakiin waxa si fudud lagaga sooci karaa cudurkani waxa uu leeyahay nabaro afka u badan oo qaabkoodu goobo yahay (circle structure). waxaana uu gaar ku yahay adhiga (Riyaha Iyo Idaha)

Ka Hortagga Iyo Daawaynta Cudurka

  • Waxaa neefka jirran lagu daawayn karaa 3% Iodine Solution.
  • Sidoo kalena waa in xoolaha inta fayaw la siiyaa tallaalka ka hortaga ah ee cudurkan.
  • Waa in dadku aad uga foojignaadaan cudurkan kana xidhtaan gacmo gashi

 ( gloves) iyo waxyaabaha lagu yarayn karo in uu u soo gudbo dadka wakhtiga daawaynta.

  • Ugu dambayn waxa lagu taliyaa In la iska ilaaliyo quudashada caanaha neefka cudurkani hayo.

Fikirkaada Waa Muhiim