Shilintu waa nooc ka mid ah dulin dibadeedka  xoolaha saamayn kara, taas oo xoolaha u gaysata dhibaatooyin baaxad leh oo ay ku keeni karto xanuun khatar ah, sidoo kale shilintu mararka qaarkood waxa ay u shaqaysaa xanuun gudbiye ahaan (vector),  iyada oo xanuunka iskaga qaadaysa laba neef oo midkood xanuun sidaha yahay.

Haddaba Soomaalidu inta badan waxa ay dhahaan neefka Shilinbaa haysa laakiin waxa neefka hayaa maaha Shilin,  sida saxda ahina waa in ey Shilintu xanuun ugudbisay neefka marki ey qaniintay kaddib.

Xanuunada shilintu ay gudbiso waxaa ka mid ah kuwaan (Babesiosis, anaplasmosis iyo kowdriosis)  kuwaan oo dhamaantood ah xanuuno kayimaada noola yaal kale.

Maxaa Lagu Garan Karaa Neefka Shilintu Qaniiintay ?

  • Ugu horayn neefka waxa aad ku arki kartaa dhogor madoobaad uu muujiyo.

  • In aad aragto neefka oo calafka joojiyay sidoo kalena is buuraya.

  • Neefka laftiisa waxa aad ka heli kartaa cutub ka mid ah noocyada shilinta, kuwaas oo kaga dhegsan, dabada, raafaha, indhaha, dhegaha hoostooda, laabatooyinka iyo xiniinyaha dhexdooda.

  • Heer-kulka neefka jirran oo kor u kaca.

  • Dhiig la’aan iyo kaadida neefka oo midabkeedu isbedelo.

Ka Hortagga Iyo Daawaynta Cudurka:

  • Cuduradan Shilintu keento waxaa inta badan keena fayrusyo (virus) aan daawo sax ah lahayn.
  • Laakiin shilinta si loo yareeyo waxa muhiim ah in shilinta gacmaha lagaga guro xoolaha, sida oo kale in lagu buufiyo daawooyinka cayayaanka dila.
  • Sidaas si la mid ah in lagu duro neefka daawooyinkan Avermectin ama oxytetracyclin.
  • Xaddiga daawada la siinayo (dose-ka) iyo halka laga siinayo (route-ka) waxaa go’aaminteeda leh dhakhtarka kuugu dhaw ama in aad akhrido warqadda daawada la socota (leaflet).

Fikirkaada Waa Muhiim