Jabka waa jabida lafaha iyo isbadalka ku imaado lafta shaqadeeda iyo qaab dhismeedkeeda ayadoo taas la socoto xanuun aad u badan. Waxay noqon kartaa mid gabi ahaanba lafta jabtay ama qayb kamid ah inay lafta jabto, ayadoo la raacinaayo qaabab kala duwan sida inay dheerar u jabto ama balac u jabto ama inay lafta qaybo yar yar ka jabto.

Maxaa Sababa Jabida Lafaha?

  • Jugta waxay keeni kartaa lafta inay jabto.
  • Shilalka gawaarida, qaraxyada, meelaha sare oo laga soo dhaco waxay keeni karaan jabniinka lafaha.
  • Waxaa jiro Cudur ku dhaca lafaha oo keeni kara inay lafaha jabaan cudurkaa waxaa loo yaqaanaa ostiyaabrosis (osteoporosis)

Calaamadaha Lagu Garto Lafta Inay Jabtay:

  • Xanuun aad u daran
  • Barar xaga lafta jabtay agteeda ah
  • Danqasho lafta agteeda ah
  • Laft oo shaqadeeda gabta
  • Dhaqdhaqaaqa inuu ku adkaado qofka
  • Gududasho ayaa lagu arki karaa agagaarka jabka

Jabka waxaa loo qaybiyaa labo qaybood jabida xiran (close fracture) iyo jabida furan (open fracture). Jabida xiran lafta jabtay ma wax yeeleenso maqaarka, mana lahan dhaawac bananka yaalo. Jabka furan waxuu dilaaca gaarsiiyaa maqaarka iyo nudaayasha gudaha (internal tissues), waxa uu leeyahay dhaawac bananka yaalo .

Sidee Ayaan Ku Xalin Karanaa Jabka?

  • Xanuun baa’iyaal in la siiyo.
  • Lafta jabtay in aad dhaqdhaaqa ka ilaalino sida socodka xogan iyo culus badan.
  • Dhaawaca in aan ku dadaalno.
  • Daawooyin germis dilayaal inaa siino.
  • In lagu duubo bataajo si ay lafta u caawiso.
  • Waxa kaloo lagu caawiyo biro ayaa lagu xiraa lafta jabtay waxaa lagu saxaayo lafta qaabkeeda ayadoo dib usoo celineyso qaabkii hore.
  • Xogaa markay boksooto in loo sameeyo jimicsi si ay shaqada lafta u ilaawin.
  • Raajo in la saaro si loo ogaado lafta jabniinkeeda inta uu gaarsiisan yahay

Bulshada Soomaaliyeed waxa aan ugu baqaayaa hadduu qofka soo gaaro jab inay goob caafimaad la geeyo inta aan la geyn ka hor waxaa wanaagsan qof walbo bulshada ka mid ah innuu barto gargaarka degdega ah sida: haddii uu qofka jabo oo uu dhiig baxaayo dhiiga in laga xiro, lafta jabtayna laga illaaliyo dhaqdhaaqa badan, in qofka jabay la siiyo cunta ay u badan tahay buritiin si uu kabsado dhaqsana u kabmo.

Bulshada Soomaaliyeed waxay caan ku tahay kuna amaanan tahay qofka markuu jabo waxa siiyaan xararsimo wax ay u yaqaanan qofka waxa ay u qalaan xoolo hilibka ayey siinayo si uu qofka u kabmo, waxaan dhihi lahaa halkaa ka sii wad qofka nafaqo dhamaystiran hala siiyo, cunta dhammaystiran waxaa laga wadaa cunta ka kooban fitamiin, macdan, dufan, qudaar iyo cuntooyinka tamarta.

Fikirkaada Waa Muhiim