Caadi ahaan jirkeenna waxa uu kuxiranyahay ama ey nafaqadiisu ku dhameystirmataa marki aan cunno guud ahaan nuucyada cunnada sida barotiinka, kaarboohaydaraytka,macdanta, fitamiinada iyo biyaha. Haddii eysan nafaqada jirkeennu dhammeystirneen waxaa jiro calaamado uu jirkeennu ku muujiyo in ey nafaqada jirku ey yartahay:

  1. Cidiyaha iyo timaha oo jajaba ama gurma

Waxa ey muujinayaan in uu jirkeennu heysan barotiin kufilan, barotiinku waa isha aan kahelno kobaca timaha,cidiyaha iyo murqahaba. Haddii uu jirka kuyaraadana waxa ey muujinayaan calaamadaha aan kor kuxusnay.

  1. Daal joogta ah iyo murqo xanuun

Calaamaddaan haddii aad isku aragto xilliga aroortii ah marki aad toosto, haddii aad wali daalantahay macnaheedu waa in ey jirkaaga ku yartahay maadada Magniisiyaamta. Ilaha laga helo maadadaan waxaa ugu muhiimsan looska.

  1. Maqaarka oo qalala ama Maqaarka oo miin yeesha

Maadada Omeega6 ayay caddeyneysaa calaamaddaan in ey jirkaaga ku yartahay, maadadaan waxa ey qeyb katahay in maqaarka uusan lumen biyo badan si’uusan uqalalin, qalalka ayaana kaqeyb qaata in in ey miintu soo deg-degto.

  1. Kalarka maqaarkaada oo caddaad noqda {pale}

Calaamaddaan haddii ey jirkaaga kasoo muuqato waxa ey si’aad ah umuujineysaa in jirkaaga ey ku yartahay maadada aayroonta {iron deficiency } taas oo macnaheedu tahay in aad dhiig la’aan tahay ama aad ku dhowdahay. Meelaha ugu muhiimsan ee laga helo aayroonta waxaa kamid ah: beerka, killiyaha,qudaarta cagaaran ama iyada oo kiniini ahaan udiyaarsan ayaad heleysaa.

  1. Maqaarka oo ey nabro kasoo yaacaan

Intabadan waxaa lagu arkaa dadka cuna raashinka lawarshadeeyay ama caba alkahoolka,sidookale haddii uu jirkaaga ku yaraato maadada Zinkiga waxa ey kaqeyb qaadataa in xasaasiyad kugu dhacdo.

  1. Miisaankaaga oo si dhaqsoleh kudhumo ama kusiyaado

Haddii uu miisaankaaga kusiyaado isbuuc ama labo isbuuc adiga oo aanad qorsheyn ama aanadba kawarqabin waa calaamad kuu muujneyso in aad ku biirtay dadka nafaqa darada laxanuunsan?

Jirkaaga waxaa kuyaraatay soosaarista maadada aayodhiinta {iodine deficiency} , waxaana halkaas kulumaya kontoroolkii cunnada lagu bur-burin lahaa iyada oona jirku keydin usameynaayo cunno aad ubadan, qofkana waxaa ku imaanaya cayil.

  1. Ciridka oo dhiiga iyo dhaawacyada oo aan dhaqso bogsoon

Haddiiba aad calaamaddaan isku aragto waxaa jirkaaga kamaqan fitamiin C, waxaana calaamadahaan badanaa lagu arkaa hooyada nuujineysa,midda uurka leh, iyo dadka waaweyn. Meelaha ugu muhiimsan ee laga helo Fitamiin C: Liinta, Isbaandheyska,Malabka, Qudaarta cagaaran iyo Miraha.

Fikirkaada Waa Muhiim