Cudurka ay soomaalidu u taqaan kudku waa mid ka mid ah cudurada ugu khatarta iyo saamaynta badan ee galaafta nolosha dad iyo xoolaba, haddii aan foojignaan gaar ah loo yeelan. Cudurkan kudka waxa sababa ama keena bakteeriyo la dhaho (Bacillus anthracis) taas oo laga helo dhamaan qaaradaha dunida, marka laga reebo qaaradda Antarctica

Cudurkan kudka waxa sababa ama keena bakteeriyo la dhaho (Bacillus anthracis) taas oo laga helo dhamaan qaaradaha dunida.

Bakteeridani waxa ay awood u leedahay in ay ku dhacdo dhamaan xoolaha aynu dhaqano iyo dadkaba, waxaana xusid mudan in xayawaanka ugu jilicsan ee ay bakteeriyadani saamaysaa ay yihiin kooxda loo yaqaan naaslayda.

Bakteeriyadani waxa ay ku noolaan kartaa ama joogi kartaa carrada muddo gaadhaysa 30 sanno, iyada oo samaysanaysa qolof ama shal aanay saamayn karin qorraxda, qabawga iyo waxyaabaha kale.

Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?

Cudurkani waxa uu ku gudbi karaa:

  • Taabashada tooska ah ee bukaanka cudurka qaba la taabto.
  • Hawo qaadashada oo ay kuu soo raacdo bakteeriyadu ka dibna aad ka liqdo sanka ama afka hawo wasakhaysan.
  • Quudashada hilibka bukaan cudurkani hayo
  • Taabashada carrada wasakhaysan ee hore bakhti ama hadhaa xoolo uu cudurkani dilay loogu aasay ama loo dhigay.
  • Dadka ugu badan ee cudurkani qaadi karaa waa dhakhaatiirta ama kaaliyayaasha caafimaadka xoolaha iyo shaqaalaha hiliblayda ah.
  • Xooluhu laftoodu waxa ay iskugu gudbin karaan intaas aynu soo sheegnay.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

  • Cudurkani waxa uu leeyahay dhimasho degdeg ah, waana cudurka ugu dhimashada badan inta cudur la aqoonsan yahay.
  • Bukaanka cudurkan u dhintay waxa lagu arki karaa dhiig madaw oo aan xinjiraw lahayn oo afka, sanka iyo dabadaba ka socda.
  • Heer-kul iyo neef qabatow kadis ah, ka dibna dhimasho deg-deg ah keena.
  • Fardaha waxa lagu arki karaa barar iyo heer-kul daran geerida ka hor.
  • Xayawaanka duur-joogta ah iyagu markay quutaan hillibka neefka cudurkani dilay, heer-kul daran iyo astaamo cudur oo caloosha ah oo lagu arko kadib, way ka bogsan karaan mararka qaarkood waana ay u dhintaan inta badan.
  • Bukaanka cudurkan u dhintaa ma tawafo sida lagu yaqaan bakhtiga xoolaha.

Dadka uu cudurkani u gudbo maxa lagu garan karaaa?

Inkasta oo dadku ka duwan yihiin xoolaha marka loo eego cudurkan, haddana maaha mid sahlan dhibaatada cudurkani ku leeyahay dadka, astaamaha lagu garan karo dadka waxa ugu muhiimsan kuwan: Astaamaha cudurkan ee dadka ka muuqan karaa waxay noqon karaan saddex nooc midkood uun.

  • In ay cudurkan ku qaadaan taabasho, wakhtigaas dadka waxa uu kaga dhacaa maqaarka, nabaro iyo boogo ayaana lagu arki karaa maqaarka sare .
  • In ay ku qaadaan quudashada hillibka xoolaha cudurkani hayo waxaana lagu arki karaa caabuq iyo nabaro hab-dhiska cunto-mareenka ah oo ku keeni kara geeri deg deg ah.
  • Qaabka saddexaad ee uu dadka cudurkani ugu gudbi karaa waa in ay ku qaadaan neefsiga iyo hawo qaadashada, waana xaalada ugu daran tani, qofku waxa uu muujinayaa astaamihii cudurada ku dhaca neef-mareenka sida , dareerayaal ka yimaada iyo sambabada oo caabuq sameeya, iyada oo ay xaaladaasi geeri kadis ah ay keeni karta.
  • Marka la isku qaado saddexdan xaaladood afka qalaad waxa loo yaqaanaa, PIC (pulmonaray, intestinal and cutaneous clinical signs).

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

  • Inkasta oo uu cudurkani yahay mid bakteeriyo keentay oo daawooyin loo heli karo haddana, waxa uu cudurkani caan ku yahay dhimasho degdeg ah.
  • Markasta oo aad aragto neef dhimasho deg deg ahi ku timid, walow yaanay muuqanba astaamaha kale ee uu cudurkani caanka ku yahay ee aynu hore u xusnay, ka foojignaw in aad taabato bakhtigaas meesha kuugu dhawna ka dalbo dhakhtar caafimaad si loo xaqiijiyo cudurka keenay dhimashadan.
  • Hadii la xaqiijiyo in uu cudurkani jiro isla meesha uu ku dhintay neefku ka qod god cabirkiisu yahay 2M, ka dibna ku aas adoo raacinaya carrada uu dul yaalay iyo dareerayaasha uu soo daayay bakhtigu.
  • Ka foojignaw! in aad furto ama jeexdo bakhtiga cudurkani dilay jidhkiisa.
  • Ka foojignaw! in neef xanuun ku soo boodo ahi helay aad gawracdo, isla markaasna aad wax ka cunto hilibkiisa.
  • Ka fagoow! kana guur goobtaas calaamad foojignaan ahna ka taag si looga taxadiro in ay xoolaha iyo dadkuba ay degaan.
  • Si dhakhso ah u tallaal (talaalka ka hor tagga kudka) xoolahaaga isla wakhtiga la xaqiijiyo in uu cudurkkani ka jiro xeradaada ama xoolaha deegaanka ku nool.
  • Bukaanka marka u horaysa ee cudurkani soo rito waxa lala gaadhi karaa daawooyinkan hoose:

Penicillin, Erythromycin, ciprofloxacin iyo penicillin+streptomycin drugs.

Fikirkaada Waa Muhiim