Waxaa looga hortagi karaa siyaabo badan, isbeddelka cimilada waxaana lagu wajahayaa xaalad kasta sida ay tahay:

B) Canshuur: In lagu soo rogo canshuur adag shirkadaha. Shirkad kastaana ay bixiso inta ay soosaartay oo qiiq ah, in laga qaado qiime u dhigma, si loo yareeyo kaarboon laba ogsaydhka hawada galaya.

T) Dhir abuurid: Si loo xakameeyo kaarboon laba ogsaydhka hawada kubadanaya in la sameeyo dhir beerid si looga hortago isbeddelka cimilada. Waayo dhirtu waxa ay qaadataa kaarboon laba ogsaydh haddii lawaayo dhir, kaarboonkii waxa uu kubadanayaa hawada waxaana dhacaya in ay hawadu diiranaanto.

J) Xeer hoosaad: In lasameeyo xeerar qeexaya in aan hawada lagu siidayn Karin wax wasakheeya, haddii lagu siidaayana in sharciga lala tiigsado.

X) Xeerar dhaqameed: Waa in la helaa xeerar dhaqameed haddii aysan halkaa ka jirin dawlada xoogleh oo wax maamulikarta, si looga hortago dhibaatada soo gaaraysa deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

KH) Xakamaynta gaadiidka: Qiiqa ugu badan ee hawada gala waxaa ku siidaaya gaadiidka, waliba diyaaradaha, si loog dheeraado in ay qiiq farabadan hawada galaan waa in layareeyaa qiiqa ay gaadiidku siidaynayaa.

 

Talo soo-jeedin

Waxaan dawlada, shacabka kulatalinayaa in ay dhawraan deegaanka badqabkiisa, cidna uma maqna ceelna umaqodna. Waxaa lagarabaa dawlad iyo shacab in ay ilaaliyaan deegaanka, kana dhawraan wixii waxyeelaynaya. Qofkasta oo qaangaara waa in uu xil iska saaraa sidii uu ugu noolaan lahaa deegaan caafimaad qaba, kaasoo laga sifeeyay dhammaan wixii dhib kuwada. Waxaana soo jeedinayaa in la fuliyo qodobadaan wixii macquula:-

  1. In sharci adag laga soo saaro deegaanka, si loo xakameeyo dhibaatada siibaahaysa.

  2. Qofkii jara geed ama guba, in laga qaado mag dhaw.

  3. Haddii uu qof ama koox dada ay gubaan dhir ama ay jaraan waa in sharciga lala tiigsadaa si loo yareeyo xaalufka lagu hayo deegaanka.

  4. Hal geed qofkii jara waa in uu beeraa toban geed, mas’uuliyadiisuna u dheertahay, hadday noqon lahayd wixii uu geedkaas ku noolaan lahaa, biyo, nafaqo, hawo.

  5. Waa in isna la fulshaa xeerar dhaqameedka ama waxa loo yaqaan afka qalaad customary law.

  6. In la hirgasho sharciga udagsan wasaarada deegaanka si loo yareeyo dhibaatada lagu hayo bay’ada xaalufka loo gaystay.

  7. In la hirgaliyo mashaariic cusub oo dib loogu dayactiro looguna cusboonaysiiyo deegaanka bilicdiisa.

  8. In la dardargasho sharciga u degsan bii’ada dalka oo ay ugu horayso ilaalinta duurka, duurjogta, dhirta iyo nadaafada deegaanka.

  9. In la joogteeyo cilmi baarisyo iyo cilmiga barashada la xiriirta deegaanka iyo wixii ku kor nool.

  10. In la sameeyo meelo lagu dalxiiso, oo dadka dalxiisayaasha soojiidata si uu wadanku usoogalo dakhli lagu maarayn karo deegaanka.

  11. In qofkastaa kafakaro sidii uu dalkiisa iyo dadkiisa u hormarin lahaa.

  12. In mudnaanta kowaad la siiyo deegaanka, duurjoogta, dalxiiska, iyo fayadhawrka deegaanka.

  13. In la sameeyo dhul beereedyo kuwaasoo laga hirgasho meelaha loogu talagalay ee ku haboon.

  14. In meelaha dhirta laga xaalufiyay dib loogu beero dhir si loo sii ilaasho bii’ada.

  15. In la beero dhir cusub meelaha aan dhirta lahayn, si wadanku unoqdo mid dhir leh oo wadanka bilicdiisa bila.

  16. In wadanka laga xakameeyo dhirta aan manaafacaadka inoo lahayn waxyeelaynaya deegaanka sida: garanwaaga oo kale.

  17. In la ilaasho, lana xakameeyo biyaha dhulka hoostiisa maraya sida webiyada, waraha, balliyada, barkadaha , kannaalada, togagga, iyo biyo dhacyada kale ee lagu kaydsado biyaha.

  18. In la sameeyo olole balaadhan kaasoo lagu baahinaayo in wadanka uu noqdo mid bad qaba.

  19. In la joogteeyo wacyigalinta iyo kor uqaadida aqoonta bii’ada si loo helo dad garasho iyo ogaal leh oo dalka ka dhawra wixii dhib kuwada.

  20. In la sameeyo quudinta calafka xoolaha, qoysaska reer guuraaga ah, barakacyaasha si iyagana loo dejiyo loogana badbaadsho dhirta.

  21. In dalka lagu diyaariyo dhir ku haboon in latalaalo si qofkasta ugu fududaato in uu helo dhir lacag la’aan ah, taasoo dhiiri galinaysa qofka, si uu u abuuro dhir badan.

  22. In la dejiyo nidaam cusub oo lagu maaraynaayo deeganka, beeraha iyo daaqa.

  23. In qofkasta xil iska saaro si aynu ugaari lahayn duni cagaaran insha allah.

  24. In warbaahinta qaybaheeda kala duwan lagu booriyaa in ay ka qayb qaataan ilaalinta bii’ada iyo wixii ku kor nool.

  25. In ay dadka ku dhiiri geliso in deegaanka annagu ku nool nahay, ee loo baahan yahay in siwada jir ah shacab iyo dawlad bii’ada dhawraan.

  26. In miyiga iyo tuulooyinka la booqdo, dadkana loo sheego in deegaanka ay iyagu ku nool yihiin.

  27. Deegaanku waxa uu jirikaraa bini’aadan la’aan, asii bini’aadamku uu san jiri Karin deegaan la’aan.

  28. Balanteenu waa see ugaarnaa duni cagaaran.

 


Tixraacyada ugu muhiimsan:

  1. Haad geed waayay
  2. UNEESCO PEER BOOK, GRADE 6, 7, AND 8.
  3. ABRIEF GUIDE TO BIOLOGY WITH PHYSIOLOGY.
  4. BRANDY,N.C. AND WEIL 2014. THE NATURE AND PROPERTIES OF SOILS 14THPEARSON NEW INTERNATINAL EDITION.
  5. Waheen Media.
  6. Baargaal Media.
  7. Biology life on earth with physiology, ninth edition by Teresa Audesirk, Gerald Audesirk, and Bruce E.Byers.
  8. Colleen Belk Vginia Borden.
  9. Biology: Dimensions of life/joelle C.presson, Janann V.Jenner-11s
  10. Study Guide and solutions manual marvin L.Hhackert.Roger K.sandwick Michael W.pelter.Libble S.pelter.
  11. Comp Bell, Reece, simon, essential biology second edition.
  12. Bioinquery making connections in biology.

Fikirkaada Waa Muhiim