Soomaalidu dhawr nooc ayey hadda u xisaabsataa xilliyada, mar waxay ku xisaab sataa xilli dhaqameedka soomaaliya, marna waxay ku xisaabsataa sanadka qamariga ah ee islaamka. Marka kalena waxay la qabsataa sanad taariikheedka, iyadoo aynu mar walba kor u eegayaa meerayaasha lana yaaban sida eebeheen ukala agaasimay ama ukala habeeyay cilmiyadiisa aan aadamigu weli dhibic yar ka garan. Haddana cilmi falagu wuxuu ahaa kuwii ugu horeeyey oo aadamigu maskaxdiisa ku mashquuliyo, siiba dayaxa iyo xiddigaha markasta iyo meel kasta oo la joogo isbedelo u muujiya halkaasna ay ka dareemaan in ay yihiin wax isla meeraysanaya.

Soomaalidu xiddiginta waxay u adeegsan jireen dhawr nooc oo kala duwan. Mid walibana qaabkiisa gaarka ah leeyahay, ku waas oo ilaa maanta ka dhex muuqda dhaqanka bulshada ee soomaaliyeed. Soomaaliduna waxay leedahay taaariikh soojireen ah iyo sooyaal ay jiilba jiil kale ka dhaxlo.

Xilliyada Roobabku Ay Da’aan

Sida la wada ogsoon yahay waxaa jira afar xilli ee sanadka qamariga ah ee islaamka ayna soomaalidu tirsato. Waxayna kala yihiin:

  1. Dayr
  2. Xagaa
  3. Jiilaal ama diraac
  4. Gu

Midkasta oo kamida xilli roobyadaas waxa ay ku beegmaan waqtiyo kala duwan haddaynu usooqaadano mid mid:

Dayr: Waxay gashaa oo ku beegantaa bisha sagaalaad ilaa laba iyo tobnaad, waana xilliga uu roobabku da’o ee la xisaabsado.

Gu: Wuxuu ku beegmaa bisha saddexaad ilaa bisha lixaad. Waana xilliyada uu roobabku da’o oo la tirsado.

Xagaa: Waxa uu ku beegmaa bisha lixaad ilaa sagaalaad ee sanad taariikheedka milaadiga ah. Waxayna ka mid tahay xilliyada aan roob di’in.

Diraac ama Jilaal: Waxay ku beegantaa bisha laba iyo tobnaad ilaa bisha saddexaad ee sanad taariikheedka milaadiga ah.

Waxaa jira xilli hoosaad yada sanadka labada xilli ee roobab ku da’aan. Waxa ay kala leeyihiin habab loo qaybiyo iyo siddii soomaalidii hore utaqaanay, waxaana iyago kooban idin soo gudbinayaa sida ay ukala saarsaarto xilli hoosaad yada sanadka.

Lixda bila danbarsame ee dayrta iyo diraacda.

Lixda bila danbarsame waa lix xilli hoosaad ee 1-182 beri oo ah sanadka nuskiisa hore marka laga soo tiriyo dabshidka, lixda xilli hoosaadyada. Waxayna salka ku hayaan xagaaga iyo dayrta, waxayna kala yihiin:

Lixda bila danbarame ee dayrta iyo diraacda

  1. Habar-ari: waa marka laga soo bilaabo dabshidka 30 ka beri oo u horeeya sanadka. Waxaa soo dhacda dabayl xoogleh oo ka timaada koonfur galbeed. Waxa roobab ka da’aan buuralayda galbeed kaas oo looyaqaan karan. Waxaa kale oo roobab xiif xiif ah ka da’aan xeebaha koonfurta kaas oo isna loo yaqaan xagaayo. Wuxuu ku beegmaa bisha sideedaad. Dhulka kale wuxuu keenaa cadar iyo daruuro aan roob lahayn iyo dabaylo.
  2. Diraacgoog: Waa xilli hoosaadka ku beegma 30 ilaa 60-ka beri, waa xilliga layiri- afartamaad iyo afdhalaan toona dhacaan lagama waayo. Waana midda qalajisa dhirta oo dabaylo xoog leh iyo cadar bay dhulka ka sintaa, waxayna ku beegantaa bisha sagaalaad.
  3. Ximir: Waa xilliga ku beegma 60-ka ilaa 90-ka maalmood ee Waa xilliga kaliisha ee dayrta, sida badan waxaa da’a roobabka ugu horeeya ee dayrta ee wax tar ah. Roobka ximirka aalaaba wuxuu ka soobaxaa badda weliba dhankeed bari. Waxaana dhacda dabayl cel celis ah oo ka soo dhacda koonfur galbeed marna ka soo dhacda waqooyi galbeed. Haddii la waayo ximirka , dayrtaasi waxay noqotaa mid xun, waxayna ku beegantaa bisha tobnaad.
  1. Axal: Wuxuu ku beegmaa 90-ka ilaa 120-ka maalmood ee Waxaa roobab ka da’aan xeebaha badda qaybta bariga soomaaliya, iyagoo dabayla wata. Wuxuu ku beegmaa qabow loo yaqaan dayra dhaaf meelana looga yaqaan daqan. Waa xilliga isbedelka dabaylaha oo xilligaan waxay kasoo dhacdaa waqooyi bari, waxay ku beegantaa bisha kow iyo tobnaad.
  1. Musareemo: Waxa kale oo loo yaqaan istaaq furow. Wuxuu ku beegmaa 120-ka ilaa 150-ka maalmood ee sanadka. Waana roobka loo yaqaan xayska. Wuxuuna ka da’aa xeebaha bariga iyo waqooyi bari isagoo dabaylo xoogleh wata. Waxayna ku beegantaa bisha laba iyo tobnaad.
  2. Lifato: Waxay ku began tahay 150-ka ilaa 182-da maalmood ee sannadka. Waa xilliga kala barka sanadka, waana kan ugu danbeeya xilliga danbarsame. Waxay roobab ka da’aan xeebaha iyo buuralayda ku jeeda badda cas iyo geeska. Waxay noqdaan mararka qaarkood duufaano xoog badan oo bad iyo biriba waxyeela u geysta. Wuxuu ku beegmaa bisha kowaad.

Lixda bila dirir guga iyo xagaaga.

  1. Lixkor: Wuxuu ku beegmaa 183 ilaa 213-ka maalmood ee Sida badan roob kama da’o dalka. Wuxuuna ku beegmaa bisha labaad.
  2. Todob: Wuxuu ku beegmaa 213 ilaa 243-da maalmood ee Sida badan waxaa dalka ka da’a roobab aad waxtar uleh. Marka todobku aarmo waa sannadka gugu ugu fiican yahay. Haddii todobka la waayo waxaa xoolaha iyo beeraha ku dheeraada jiilaalka. Waa xilli aad ukulul oo la dhaho kaliil. Waxay qoraxdu dultaagan tahay dhul baraha. Wuxuuna ku beegmaa bisha saddexaad.
  1. Aminla: Wuxuu ku beegmaa 243 ilaa 273-da maalmood ee sannadka, weli lama sheegin aminla roob aaran ahi da’ay. Haddii la arko roob aminla da’aya waxaa lagu yaqaan onkod badan iyo qawqaw iyo dabaylo aan biyo dhig lahayn. Wuxuu ku beegmaa bisha afaraad.
  1. Gusoore: Ama ceelka geeye, wuxuu ku beegmaa 273 ilaa 304-ta maalmood ee sanadka. Xilligaani waa kan lagu tiriyo guga. Haddii xiligaan roob lawaayo, waxaa loo qaataa in gugaas xumaaday. Wuxuuna ku beegmaa bisha shanaad.
  2. Fishade: Wuxuu ku beegmaa 304 ilaa 334-ta maalmood ee Waa xilliga labaad ee roobka fiican da’o. Waxaa la yiraahdaa haddii gusoore la waayo fishade waxba uma yimaado. Wuxuu uyimaadana waa laayaa waayo xoolaha ayaa aad utabar dareeya. Beeraha uma fiicna oo waxa uu ku beegmaa xilli aan fiicnayn, galayda iyo masagada waxaa la abuuraa xilli hore, sidaa darteed fishade wuxuu ku beegmaa bisha lixaad.
  3. Samuulad: Ama dirirka cawleed, wuxuu ku beegmaa 334 ilaa 365 maalmood ee sanadka. Waxaa roobab ka da’aan buuralayda galbeed oo waxa bilawda roobabkii karanta loo yaqaan. Waxaa kale oo roobab ka da’aan dhanka koonfurta inta ku jeeda badda hindiya waa roobka loo yaqaan xagaayada inta badda u jirta ilaa 150 km ayuu ka da’aa. Waxaa bilawda dabayl xagaa xoogleh oo ka soo dhacda koonfur galbeed iyo daruuro guuraaya ee dhulka cadar ka dhiga. Waxaa loo yaqaan xagaa madoobe. Wuxuu ku beegmaa bisha todobaad.

Fikirkaada Waa Muhiim