Cimiladu waa xaalada ay meeli leedahay waqti dheer. Waxaana ugu yaraan lagu ogaan karaa 30 sano ilaa 35 wixii ka badan. Si loo ogaado cimilada ay wadani leedahay waa in la daraasadeeyaa celceliska 30 sano, si loohelo xaalada dhabta ah ee halkaa ka jirta. Waxaa jira wax la dhaho cimilo gooreed, waa xaaladda ay meeli leedahay waqti gaaban. Taas oo ah mid nagu xeeran, waxayna noqon kartaa habeen iyo maalin, maalin, habeen, gelin iwm. Ayaa la dhahaa cimilo gooreed. Soomaaliya cimiladeedu waa ay isbed bedeshaa maalina waa kulayl, maalina waa qabow, wallow aysan isku mid ahayn gobolada soomaaliya oo dhan.

Sidaynu wada ogsoonahay soomaaliya waxaa uu kuyaal geeska Afrika. Waana dhul saxaro xigeen ah. Waxaana mara dhulbaraha min 2 derejo ee koonfurta dhulbaraha iyo 12 derejo ee waqooyi dhulbaraha. Waxaa ku yaal labada webbi ee JUBBA iyo SHABEEL, ee mara koonfurta soomaaliya iyo bartamaha soomaliya. Soomaaliya waxa ay leedahay oo ay kulaashaa labada badood ee caanka ah badweynta hindiya iyo badda cas, raas casayr ilaa raas karbooni. Marka loo eego dunida kale waa wadan qani ku ah khayraadka, waana dhul dihin oo barwaaqo ah. Soomaaliya waxay leedahay carro iyo cimilo wanaagan oo ku kor nool dhir iyo nafley aad u tira badan oo kala duwan. Geyiga soomaaliya waa dhul bad iyo birriba hodan ku ah, biyaha kor maraya, kuwa dhulka hoose jiifa, macdanta kala gadisan ee ceegaagta wadankeena. Waxa uu leeyahay laba webi oo xili kasta biyo qulqulayaan kaas oo mara koonfurta iyo bartamaha soomaaliya. Waxaa ay leedahay beero kumaan kun oo hektar oo laga heli karo soomaaliya.

Waqooyiga iyo gobolada bari waxa ay caan ku yihiin togag. Ku waas oo ka soorog mada buuraha Golis ilaa deexda gaara oo badda ku darsama, iyo biyaha ka soo rogmada waqooyiga oo ku darsama badweynta hindiya qaybo ka mida.

Togagga keenitaan koodu biyaha waxa uu ku xiran yahay hadba roobka da’a inta uu awoodiisu leeg yahay iyo meelaha ay gaari karaan biyaha. Biyaha ay togagu keenaan waxa ay ku hakadaan meelaha god godan, dooxooyinka, baliyada iyo kuwo ku darsama badda. Dhulka noocaas ah oo aan ka soo sheekaynay ma jiraan wax farsamo ah oo loo geystay aan ka ahayn xaaluf iyo barabixin nafley. Waxaa sanad walba badaha ku darsama biyo aan la qiyaasi Karin inta ay leeg yihiin xaddigooda. Mana jirin cid isku dayday in ay wax ka qabato biyaha ku darsamaya badweynta hindiya iyo badda cas ee ku xeeran dhulka soomaaliya oo dhan.

Dadka soomaalidu waxa ay inbadan iska dhaadhicisay in dhulku yahay mid ilaahay leeyahay oo aan loo kala sokayn. Qofkastana uu siduu doono ugu dhaqmi kara, haddu doonana xaaluf ugaysan kara hadduu doonana faraha ka qaadi kara. Dhibaatadaas noocaa ah, waxa ay keentay in dhulku burburo loogaysto xaaluf ba’an oo aan duqay iyo dhalin yaro ukala harin. Xaalufka loo gaystay dhirta waxa ay keentaa in ay isbedesho cimiladu ayna timaado waxa manta ka jira dalkeena. Ayna ka mid tahay duufaanada wadankeena ku soobadanaya qarnigii ugu danbeeyay, fataahadaha, abaaraha, kulayl iyo qabowgaan meelaha qaarkood uu siisiyaadayo sida wadama reer galbeedka.

Dhulka qiimiihiisa waxaa ay garan karaan soomaalidu marka ay tagaan wadamada shisheeye. Sida wadamada reer galbeedka, kadib markii ay arkaan dabaylo, duufaano, qabow baraf ah, hawo aan saafi ahayn iyo cuduro aan horay u jiri jirin sida canser-ka iwm. Kaas oo sababay saamaynta loo gaystay ozon layarkii iwm.

Sida taariikhda ku cad dhulka soomaalida waxa uu ku fadhiyaa bed lagu sheegay 640.000 km2. Waxaa dhulkaa ku wareegsan xeeb dhererkeedu yahay 3330km wadartooda guud. Badweynta hindiya dhererkeedu waxaa lagu qiyaasay 2100km. Badda casna waxaa lagu qiyaasay dhererkeedu in uu yahay 1230 km.

Dhulka soomaaliya ma ahan dhul sabool ah. Balse waa dhul hodan ah oo ay ku hoydaan dad sabool ah oo qaybtood ay quutaan wax ka yar haldoolar, qaybtoodna ay milyineero leeyihiin. Xog aan ka sooqaatay buug uu qoray khaalid cali guul warsame, ayaa adeegsiga dhulka ku sheegay in dhulku ukala qayb samo sida tan:

1. Dhul beereedka 1,035.00 hektar.
2. Dhulka la beeri karo 8,000.000 hektar.
3. Dhulka daaqsinka ah 20,568.000 hektar.
4. Dhulka xoolaha iyo beeraha 53,034.000 hektar.
5. Dhulka kaymaha ah 14,400.000 hektar.
6. Dhulka la dhisay magaaliga ah 10,000.000 hektar.

Waxaa ciidaha dhulka loo qaybin karaa ilaa afar qaybood oo waaweyn oo hadana mid kasta loo qaybin karo dhawr qaybood. Kuwaas oo midkastaaba leeyahay astaamo ugaara haddana nooc kasta oo dhir ahi ka bixi karto wuxuuna qoraagu ku sheegay:-

  1. Dhul carra cadka: Ama suuban oo u badan bariga iyo Waana dhul ku fiican daaqsinta xoolaha, ariga iyo geela. Waxaa ka baxa dhir badan kuwo waaweyn iyo kuwo geed gaab ah. Waxaana lagu beeri karaa qudaarta kala duwan. Waa dhul leh dooxooyin hodan ku ah geed cawsaadka iyo nagaarka kala duwan. Wuxuu leeyahay buuralay fidsan iyo dhul geed gaab ah iyax ama safaana oo roob yari marka uu helo waxka soosaara. Waa dhulkii ay oran jireen barti cirka ka soo dhacdaa geed bay soosaartaa. Waxa dhulkani leeyahay togag aad u waaweyn oo qaarkood sanadkoo dhan biyo leeyihiin, sida EYL oo kale, waana durduro, biyahana badaha ku shuba.

  2. Dhul carro guduudda: Ciid ama doy, waa ciid jilicsan oo aad hodan ugu ah dhirta ka baxda. Wuxuuna ubadan yahay gobolada dhexe, webiyada dhexdooda iyo meelo kale. Waa ciid ku fiican daaqsinta xoolaha siiba ariga, geela iyo lo’da. Waa ciid hodan ku ah dhirta dabiiciga ah ee xooluhu daaqaan, geed mirood kala duwan iyo geed weynba leh. Haddii roob helo ama ay doogato waa dhulka xoolaha ugu fiican. Waa dhulka roobka hela cabirkiisu lagu ogaan karo gacan sida kab lakac, faraqarar, toombaakh, calaacal, calaacal dabo leh, xididool, jinqool, jirweynaan, suxul, ilaa kala jeex iyo gacan iyo gaari waa. Waa dhulkii waayadii caafimaadku qabay xooluhu aanayn biyo dooni jirin ee ay ku dhacaran jireen. Waa dhulkii geed miroodkii kabaxa loo baxsan jiray, sida geedka gudda ee yicibtu ka baxdo, sida badan malahan togag biyaha qaada.

  3. Dhulka buuralayda: Ah oo ciidda iyo dhagaxu isku laban yihiin. Waa dhul dhir aad uwaaweyni ka baxdo, taas oo hawadeeda sarayso waaciso iyo togagga biyaha leh ee durdurada ah. Waa dhulka xilliga abaarta ah lagaga baxsado, waxaa ka baxa geed mirood badan oo dabiici ah. Dhirta beeyada ee qaaliga ah iyo dhirta alwaaxda laga jarto. Buuraha ugu badan waxay teedsan yihiin min bari ilaa galbeed iyadoo ku dadban badda cas oo ay ka hoosayso dhulka gubanta looyaqaan oo aad dhirtu ugu yartahay.

  4. Carra madowda: Waxay ubadan tahay galbeed iyo koonfurta dhulka beeraha ku fiican waa dhul badidiisu dihintahay. Waana inta dalka wax laga beerto. Hadana wuxuu lahaan jiray dhul balaaran oo kayma ah haddase aan la aqoon waxa ay ku danbeeyeen. Sida agagaarka webiyada siiba webiga jubba ee ay ugu dambeeyeen kaymaha dhulbaruhu. Waa dhul aad ugu fiican beeraha iyo isku dhafka xoolaha iyo beeraha. Waana dhulka roobku ugu badan yahay oo waxaa ka da’a guga, dayrta iyo xagaayo ama karan.

 

Gabay – Dhulka iyo dhalin yarada,

Gabaygaan waxaa la yiraahdaa dhulka iyo dhalin yarada. Waxaa tiriyay qoraaga buuga la dhaho haad geed waayay ee mudane Khaalid Cali Guul Warsame. Waxa uu dhalinyarada dareensiinayaa dhulku waxa uu u yahay qofka, isagoo dhinacyo badan wax ka eegaya.

Wuxuuna yiri:-

Dhulkaan dhaxal awoowe u heloo, laysku wada dhaafay.

Dhulkii dhalashadaydii sugee, foosha dhereraayey.

Dhabta kii nasaaree misana, dhadabta iiqaaday.

Dhulkii aan habkiisii dhamee, dharaqdi nuugaayay.

Dhulkii aan dhufsaday oo qurquro, dhabanaduu saaray.

 

Dhulkii aan dhanaan iyo macaan, dhuuxa ka hiraabnay.

Dhulkii aan hawadii soo dhacdiyo, carafti dhuuqaayey.

Dhaxaniyo kulayliyo anoon, dheda dareemaynin.

Dhulkaan dhuub anoo xiran hurdada, dhag isasiinaayey.

Dhallanimo dhulkii aan cayaar, waaya dhinac yeeyey.

 

Tallaabada la dhiibshiyo dhulkaan, dhaax ku adadaahay.

Dhayal kuma barbaarine dhulkaan, cunayney dheeftiisa.

Dhulkii aan ku dhoosaaliyee, wada dhex maaxaayey.

Duddadii aan dhaafaba mid kale, igu dhoway neysey.

 

Dhulkii gogol naloo dhigay xurmada, layla dhinac joogey.

Cilmiga laysku dhaafiyo dhulkaan, diin ku dhiganaayey.

Dhooyada dalxiiska ah dhulkaan, dheehday qurux diisa.

Iyadoo mayay dhabac leh iyo dhool gu’ ku hilaacay.

Oo dhalanka soo baxay dharjadu, ubaxa soo dhiibtay

Oo dheel habeen iyo sayaxu, bara dhalaalaayo.

 

Iyadoo falaaraha dhalcada, dhibicdii roob hayso.

Dhudhubaha biya qaadayee, dooxyada u dhiiba.

Dhulkii uu dhakawlow rahii, wadar u dhaaleeyey.

Wixii laga dhursugu beeraha, ugu dhabiil roone.

 

Abuur laba dhegoodiyo midaad, dhalid ka eegeyso.

Oo layrta dheelida ruxdaa dhinac, walbuu ciirtey.

Oo dharabta laamaha ku taal, dhidid aad moodeyso.

Oo uu dhexgalay wiil intuu, yaanbada u dhaabtay.

Oo inuu bakaaraha dhigtiyo, dhereg ku taamaya.

Fikirkaada Waa Muhiim