Dalkaygoow Raali Ahow – Dalkasta waxaa dhisa dadkiisa, uhagar baxa, dib udhaca ka dhowra, difaac adag ka yeesha, daandaansi aan aqbalin balse dadkeena ma ogola in ay dhisaan dalkooda. Waxaan nahay dad abaal lahayn dalkaygow waan kuu garnaqaynaa, gaboodfal baan kuu gaysanaye cafi baan kaa dalbanaynaa. Damiirkii baa na dhintay damac baa naqaaday, dagaal baan kugu qaadnaye madaafiicdaan kugu goobnay.

Qeyb kamida dadka waxay ku kacaan wax caqliga xayawaanka uusan ku fakarin. Waxay rideen dowladoodii, ma aysan dhisin dowlad kale dagaal bay qaadeen dadkoodii bay dhaceen, hantidoodii bay kala boobeen, dirir bay darajo moodeen balse waa duul qarsoonoo damiirku dhintay khaa’inimo ubareeray.

Ciidanku waa kuwo uheelan marwalba difaaca dalka, dadka iyo diinta, sidaas darteed waa in labaro sida deegaanka looga badbaadsho xaalufka ba’an ee lagu hayo. Waxaan ubaahanahay deegaan fiyow oo nabdoon, si aan uqaadano hawo quruxbadan waa in aan ilaashano hawada iyo deegaanka. Ciidankuna waa lafdhabarta dal iyo dowlad, sida ku cad heestii ay wada qaadayeen kooxda Onkod ee dowladnimo.

Dhulkaygow raalinoqo, guduntay qaateen dhirtii bay jareen, dabaa lagugu shiday holac bay kugu gubeen, xididaday kuu siibeen, inta ay jawaano kugu cabeeyeen dhoof miyay kuu direen dal aadan ka bixin malaguu iibgeeyay tolaayay dalkaygoow raalinoqo. Dowlad xoogleh mahaysto, dirirna magalikaro, difaac kuuma noqonkaro, qowlaysataa jirtoo dagaal uheelan, diirnaxa lahayn ku baabi’inayee dalkaygoow raalinoqo.

Sida ay dowladdii dhexe khadka uga baxday waxaa meesha ka baxay ciidankii waddanka difaaciisa utaagnaa waxaana taas beddelkeeda soo batay dad har iyo habeen burburinaya deegaankooda, dhirtii ayay gubeen iyagoo ka samaynaya ganacsi aan lagu aflaxayn ayna ugu yeeraan Dahabka madow. Dunida waxaa ka mamnuuc ah in geed la jaro iyadoo dhuxul laga guraayo. Ruuxii ku dhiirada in uu geed jaro inta uusan jarin waa in beddelkiisa sameeyo waa in uu geed abuuro, xanaaneeyo kana fekero waraabkiisa iyo daryeelka geedka.

Dhibka ugu daran ee cimilada naga soowajahaysa waa xaalufka lagu hayo deegaanka. Maalinkasta waxaan gubnaa dhir gaarays inkabadan 5000 oo geed geyiga Soomaaliya kuwaas oo isugu jira kuwo dhuxul laga samaysto, kuwo beeraha iyo xeryaha lagu oodo iyo kuwo dhismaha loo addeegsado. Haddii halkii maalin la jaro 5000 oo geed, bishii intee geed ayaa la jaraa waa 150000 oo geed. Waa tirada ugu yar ee lajaro kawaran haddii maalin kasta dhirteenii saan ugu bayno sow dhib ma ahan in aan raaxo ku noolaano.

Sidee abaaruhu nooga baxayaan haddiiba aan dhirteena jarayno kuwaas oo soo jiita roobabka. Si aan dalkeena ubadbaadsano anaguna aan uga baxno abaaraha iyo cimiladaan isbeddelaysa waa in aan dhirta dib u abuurnaa, dhaqaale gooniya usamaynaa deegaanka iyo ilaalintiisa, cadowkasta oo ku soo dhiirada ugaga hortagno geysh iyo ciidan adag oo difaac gala kuwaas oo ilaasha nafta dadka iyo deegaanka.

Ciidanku waa kuwo uheelan marwalba difaaca dalka, dadka iyo diinta, sidaas darteed waa in labaro sida deegaanka looga badbaadsho xaalufka ba’an ee lagu hayo. Waxaan ubaahanahay deegaan fiyow oo nabdoon, si aan uqaadano hawo quruxbadan waa in aan ilaashano hawada iyo deegaanka. Ciidankuna waa lafdhabarta dal iyo dowlad, sida ku cad heestii ay wada qaadayeen kooxda Onkod ee dowladnimo.

Askari daacadaan ahay
Daljir geesiyaan ahay
Dugsi lagu hirtaan ahay
Daacad muuqataan ahay
Dadka ehelkii baan ahay
Daafaca dalkaan ahay
Marna dacar ayaan ahay
Cadow dila ayaan ahay
Daandaansi ma ogoli
Dib unoqosho ma aqaan
Deyr qaran ayaan ahay
Sharci kala danbeyn iyo
Dowladnimaan utaagnahay
Askari diiran baan ahay
Derbi adag ayaan ahay
Guumaysi diid ayaan ahay
Dayax soo baxaan ahay
Damal la harsadaan ahay
Dembi ka hortagaan ahay
Marna deeqsi baan ahay
Mada daadahshaan ahay
Daruur hoortay baan ahay
Dib udhigasho ma aqaan

Ifka markaan usoo baxno ee dunida guudkeeda nimaadno meesha keliya ee aan hawo iyo anfac ka helno waa deegaanka, waa hoyga dhabta ah ee aan haysano haddii gurigii aan degi lahayn ama aan deganayn burburino kawaran? Maxaan samaynay? Haddii aan nahay dadka Soomaliyeed waa in aan ilaashano dalkeena, waa in aan ka dayno dhibka aan ku hayno bay’ada aan ku noolnahay. Haddii aan waxaan ku faanaynay iska baabi’ino sow noqon mayno qoom aan lahayn dal oo deegaankooda burburshay. Dalka waa isha keliya ee aan waxkala soo baxno, kana helno anfacaadka aan cunno, hawada aan qaadanayno, waana meesha aan ka helno deganaanta iyo raaxada.

Waxaan soo xasuustaa heestii waddan ee uu sameeyay Abwaan Cabdi Maxamed Amiin uuna ku luuqaynaayay Axmed Naaji jiibta Waaberi.

Inkastoo dushaada
Qaar daalimiini
Danbaajinaayeen
Dalkayagiiyoow
Kii daahirnaayoow
Kii aan dushiisa
Deeqdaan cunaynay
Ka doonanaynayow
Kii aan dushiisa
Dad iyo duunyo
Kor deganeynow
Kii aan idaa iyo
Waan daalay lahayne
Dulqaad badnayow
Dalkayagiyoow
Dunida oo dhan
Kii layga dooree
Daa’im nasiiyayow
Dalkayagiyow
Degmada Afrika
Bari docdiisa
Iftiin ka daarmoow
Dalkayagiiyoow
Kii doobirkiisa
Dadku dhammaantii
Durraamanaayow
Dalkayagiiyoow

Qofkasta oo Soomaali ah waxaa xil kasaaran dalka difaaciisa waa in uu af iyo adin ku difaaco, waa in uu qalin ku difaaco, waa in uu niyadda difaac kagalo. Waana waajib qaran ee nawada saaran. Dalka waxaa ka jira dowlad waa in aan ilaashano dowladda. Waxaa lagayaabaa in aadan jeclayn qofka xukunka haya balse qofkaas ma ahan dowlad ee waa shakhsi inta uu kursiga ku fadhiyana waa astaan qaran oo ubaahan xushmad iyo ilaalin guud.

Tan iyo inta dunida la sameeyay waxaa koonka ku badanaayay ummado kala duwan oo kala af ah, kala diin ah, kala dhaqan ah aan sinji iyo diir wadaagin balse waxaa ummadaha dunida ku nool kala haga oo isku haya waa xeer iyo dastuur siguud loo ilaasho. Waxayna kawada simanyihiin mabda’ guud oo ah difaaca dalkooda, ilaalinta qarankooda iyo diinta ay aaminsanyihiin. Waxkasta waxaa uga qiimo badan marka lagayimaado diintooda ama caqiidada ay aaminsanyihiin waa dalkooda iyo midnimada ummadooda. Waxay ka fogaadaan waxkasta oo dib udhac iyo burbur keeni kara, waxay ka fogaadaan sharaf dhaca deegaankooda iyo tan bulshada. Waana tarabiyayn iyo mabda’ lagu barbaarsho ubadka, midkastana midka kale ayuu usii gudbiyaa si uu dalka u ilaasho.

Soomaalida waxay iska dhaxleen burburinta deegaankooda midba midka kale waxa uu ka eegaa hab dhaqanka dadka ka horeeya sida ay caddaynayso maahmaahdaan {Ratiba ratiga ka horeeya saan qaadkiisu leeyahay}. Balse fekerka nala ka aaminsanyahay waa in aan beddelno una jihaysano sidii aan dalkeena u ilaashan lahayn ubadkeenana ay ugu noolaan lahaayeen deganaan iyo barwaaqo. Waana lama huraan in bulsho kasta hesho deegaan fiyow oo qurux badan oo wanaagsan.

Haddii reerkasta oo dunida ku soobiira uu abuuro geed, dunidaan aan ku noolnahay waxay noqon lahayd dunida ugu quruxda badan, ugu cagaaran soojiidashona leh. Si waddankaaga unoqdo meel dalxiis, qurux badan indhaha iyo araga uroon waa in aan ka shaqeyno siwada jir ah dhiraynta deegaanka iyo ilaalinta kheyraadkeena Alle nagu galadaystay. Waa in aan beerano lana soo baxno manafacaadka ku duugan deegaankeena iyo guud ahaan biri iyo bad.

Waxaan ku soo idlaynayaa heestii uu qaadayay Alfanaan Jaamac Cabdi Cilmi iyo kooxda Dream Team ay siwada jir ah ugu luuqaynayeen ee ahayd Arligeygoow.

Haddii aneyn dabeyl urin
Awoodmale naftayduye
Marka aan uurka hooyadey
Ifka uga soo baxay
Anigoon anfaca baran
Neecowdiisa udugaleh
Kii igu anqariyow
Arligeygoow
Inaan kuu addeegoon
Adduunyada intaan jiro
Waajibkaaga oofshaan
Axdi kugu marayaa
Arligeygiyoow
Ninkase kaa ordee
Kaa abaal dhecee
Adoonsiga la degay
Sow ma oga horta
Noloshiisa oo idil
Sow ma oga
Waxay ku ambaqaadaba
Sow ma oga
Oontaadii iney tahay
Sow ma oga
Ablooga har inaad tahay
Sow ma oga
Dhaxal awoowe inaad tahay
Isagu inuu ku leeyahay
Sow ma oga
Waxad seed ku uur samaataa
Arligeygiyoow
Irbad kaama ridikaro aqoon yare
Bulshadana ku eedow
Udubkiyo dhigihiyo
Aloolka iyo raarkaba
Aqalkan ka helayoow
Intaan dibadda joogo
Ajashu iitimaadana
Kii leysoo anbinayee
Iilkey ku iilow
Arligeygiyoow
Inaan ku ogolaadoon
Adduunyada intaan jiro
Aayahaa ka taliyaa
Axdi kuugu marayaa
Arligeygiyoow

Fikirkaada Waa Muhiim