Candhuufta waa nooc ka mid ah dheecaannada ku jira jirka kuwooda ugu muhiimsan sababtoo ah dhoor shaqo oo muhiim ah ayey u qabtaan jirka bani’aadanka, dheecaankaan guud ahaan wuxu ka kooban yahay 98% biyo halka inta kale ee soo hartay ka kooban yahay waxyaabo isugu jira sida electrolytes, glycoprotein, enzymes (amylase) iyo waxyaabo ka hortaga jeermiska cuntada soo raaca.

Fiiri tusaalaha sawirkaan ee soo saaridacandhuufta waxa ka qayb qaata qanjirka loo yaqaano salivary glands oo ku yaala afka, seddax nooc ayaa jirta mid ku yaala daanka korkiisa oo loo yaqaano submandibular, iyo mid ku yaala carabka hoostiisa oo loo yaaqaano sublingual gland iyo mid ku yaala dhuunta hoosteeda loo yaqaano parotid glands, waxay ka jawaab celiyaan marka wax la cunaayo, la dha-dhaminaayo ama wax la urinaayo.

Soo saarida candhuufta waxa ka qayb qaata qanjirka loo yaqaano salivary glands oo ku yaala afka, seddax nooc ayaa jirta mid ku yaala daanka korkiisa oo loo yaqaano submandibular, iyo mid ku yaala carabka hoostiisa oo loo yaaqaano sublingual gland iyo mid ku yaala dhuunta hoosteeda loo yaqaano parotid glands, waxay ka jawaab celiyaan marka wax la cunaayo, la dha-dhaminaayo ama wax la urinaayo.

Parotid glands waa labo qanjir oo ku kala yaala horaadka labada dheg oo laga arki karo gadaasha dambe marka afka lakala qaado, waxay masuul ka yihiin in ay samayaan candhuufta afka kasoo baxdo.

Sublingual glands waa labo qanjir oo ku yaala qaarka hoose ee afka, geesaha carabka qanjiradaan waa kuwa ugu yar yar ee candhuufta keena mid walba wuxuu heystaa 20 tubbo oo badankooda u furan xaga afka si toos ah.

Submandibular glands waa labo qanjir oo sameeya candhuufta oo ku yaala daanka hoostiisa. Amylase oo laga soo daayo qanjir ku yaala afka oo loo yaqaano salivary gland waxa kaloo laga soo daayaa beeryaraha waxaa kaloo la dhihi karaa ganaca (pancreas), Amylase-ka waa dheecaan laga helo candhuufta iyo beeryaraha waana falgal dedejiye wuxuu caawiyaa dheefshiidka dareeraha adag iyo burburinta sokorta.

Shaqada ay qabadto candhuufta afka ee loo yaqaano (saliva), waxay ka qayb qaadadtaa burburinta cuntada marka ay afka soo gasho waxayna ka dhigeysaa mid ka gudbi karta dhuunta iyo sidoo kale waxay door ku leedahay nadaafada afka iyadoo ay soo dayneyso waxyaabo ka hortaga jeermiska afka ku dhashta sidoo kale waxay door muhiim ah ku leedahay dha-dhanka cuntada .

Marka ay yaraato candhuufta ka timaada afka ama ay ku filnaanweyso candhuufta afka, qofkaas waxa lagu arkaa afka oo qaleel noqda xaalladaan waxa loo yaqaana (xerostomia).

Xerostomia waa xaalad ka timaada in ay qulqulka candhuufta ka yaraato afka taasoo inta badan keenta cudur ku dhaca qanjirada candhuufta sameeya ama kiimiko daawo ah in loo adeegsado kadibna uu burburo qanjiradaas waxa qasab ah in dadkaas si gooni ah loola socdo cuntadooda iyo caafimaadka guud ee ay ku sugan yihiin. 

Waxyaabaha sababi kara waxa ka mid ah cudurka AIV/ADIS, cudurka sokorta, fuuqbax iyo sidoo kale in ay xirmaan tubbooyinka soo saara candhuufta iyo qaar ka mid ah daawooyinka sida anti-histamin drugs, diuretics, analgesics.

Sidoo kale haddii qofka lagu arko candhuuf xad dhaaf ah ama qanjirada soo saara candhuufta ay shaqadooda siyaado noqoto qofkaas xaalada lagu arko waxa loo yaqaana hypersalviation.

Waxyaabaha keeni kara waxa ka mid cudurka gaastariiga oo ku dhaca hab dhiska dheefshiidka, sidoo kale waxa keeni kara qofka in uu weynaado carabka waxa loo yaqaanaa macroglossia, sidoo kale dumarka uurka leh waa lagu arkaa xaalladaan oo ah candhuuf badan xilliga ay uurka leedahay iyo daawooyinka qaar sida daawooyinka loo qaato qalalka sida klonopin, clonazepam.

Fikirkaada Waa Muhiim