Dhididka waa dheecaan biyo ah oo ka soo qulqula qanjirada u xilsaaran dhidid soo saarka jirka, dhididka wuxuu badanaaba ka dhashaa wasaq iska saarka jirka gaar ahaan hawo aan midab lahayn iyo cusbo isku tagta waxaa kale uu koontoroolaa heer kulka jirka.

Dhididka ka soo hoos baxa maqaarka jirka waxay awood u leeyihiin in ay hab dhiska jirka qabowjiyaan sidaa daraadeed haddii heer kulka jirka uu kor u kaco waxaa siyaada dhididka ka soo baxa jirka, waxa kale oo dhididka ka soo baxa jirka kor u qaada xaalladaha sida xanuunka, lalabada, iyo walwalka, cabsida, waxa hoos u dhiga qabowga, shubanka, iyo nooc kamid ah daawooyinka xanuunka baabiyaha qaarkood.

Waa qanjirada u xilsaaran jir qabowjinta kuwaas oo ku tixan maqaarka hoostiisa waxay si gaar ah ugu badan yihiin kilkisha, calcaasha gacanta, lugaha, foolka wejiga badanaa waxay soo daayaan dhididka jirka kasoo baxa.

Waxa jira qanjiro ka qayb qaata soo saarida dhididka waxa loo yaqaana sweat glands, waa qanjirada u xilsaaran jir qabowjinta kuwaas oo ku tixan maqaarka hoostiisa waxay si gaar ah ugu badan yihiin kilkisha, calcaasha gacanta, lugaha, foolka wejiga badanaa waxay soo daayaan dhididka jirka kasoo baxa.

Bani’aadanka waxay leeyihiin wax ka badan afar malyan oo qanjirada dhididka soo saara ah kuwaas oo ku baahsan dhammaan xubnaha jirka. Seddax malyan ka mid ah qanjiradaas waxa loo yaqaanaa eccrine sweat glands, eccrine sweat glands waxay soo daayaan biyo nadiif ah oo aan wax ur ah aan laheyn waxayna ka qayb qaadtaan isku dheeli-tirka heer kulka jirka iyo in ay qabowjiyaan jirka, eccrine sweat glands waxay aad ugu badan yihiin meelaha sida calcaasha gacanta, lugaha, foolka wejiga, iyo daamanka.

Waxa kale oo jira qanjirka kale oo loo yaqaano Apocrine sweat glands qanjirkaan wuxuu ku yaallaa meela qaas ah sida kilkilsha iyo qeybaha hoose ee xubnaha taranka waxay soo daayaan dhidid adag oo aan ur laheyn laakin dhididkaan aan urka laheyn waxa badalaayo jeermis, jeermiskaas wuxuu ka dhigaa mid ur xoogan leh.

Qofka haddii uusan jirkiisa soo saarin dhidid ama uu hoos u dhaco dhididkiisa xaalladaas waxa loo yaqaanaa hypohidrosis ama anhidrosis waxaa inta badan keeni kara cilad lagu dhashay ama in ay jiraan waxyaabo lagu celiyo dhididka sida in loo isticmaalo daawooyin sida anti-hidrosis iyo daawooyinka xanuun joojiyaha qaarkood.

Dhibaatada ugu badan ee sababta waa nerve damage in ay neerfaha dhibaato soo gaarto taasoo sabab u ah in ay qanjirada dhididka soo saara shaqadooda ay hoos u dhacdo waxa kaloo keeni kara cududrada ku dhaca maqaarka marka uu si xun u gubto taasoo ka dhalata in ay qanjirada dhididka soo saara ay baaba’aan ama ay shaqadooda hoos u dhacaan, waxa kaloo keeni kara cudurada dhaxalka ee lagu dhashto.

Haddii qofka lagu arko dhidid badan ama uu jirkiisa soo saaro dhidid badan xaalladaan waxa loo yaqaanaa hyperhidrosisi, waxyaabaha keeni karo waxa kamid ah walwalka, cudurada ku dhaca sambabada sida tiibishada TB, dumarka marka uu dhiigga caadada ka joogsado waa lagu arkaa xaalladaan sidoo kale waxa keeni kara kansarka iyo xaallado kale laakin inta ugu badan waa intaas.

Baaritaannada loo sameeyo waxa ka mid ah, Axon reflex test, silastic imprint test iyo thermo-regulatory sweat test. 

Fikirkaada Waa Muhiim