Marwalba waxa loo baahan yahay qof xirfad u leh qaadista dheecaankaan sababtoo ah qof aan xirfad u lahayn ma samayn karo baaritaankaan.

Sawirkaan wuxuu ku muujinaa sida dheecaankaan looga qaado isgalka lafaha.

Dheecaankaan marka la rabo in la qaado waxa la isticmaalaa cirbad af-dheer leh oo loogu talagalay in la dhex-geliyo meelaha isgalka ah ama meesha la-rabo in laga qaado dheecaankaan sida sawirka kore aad ka araktaan.

Dheecaankaan marka la rabo in la qaado waxa la isticmaalaa cirbad af-dheer leh oo loogu talagalay in la dhex-geliyo meelaha isgalka ah ama meesha la-rabo in laga qaado dheecaankaan sida sawirka kore aad ka araktaan.

Bukaanka marka laga qaadaayo dheecaankaan waxa wanaagsan in dareenka laga dilo meesha la rabo in laga qaado dheecaanka si uusan bukaanka u dareemin xanuun inta uu socodo baaritaanka.

Caadi ahaan inta ku jiri karta dheecaankaan dadka waa weyn wuxuu gaaraa wax ka yar < 3.5 ml laakin mararka qaar ayuu badtaa wuxuu gaari karaa 25 ml waa marka wuu jiro cudur. Dheecaankaan caadi ahaan looguma talagalin in uu noqdo mid xinjirow ah (clotting) laakin haddii uu jiro cudur dheecaanka waxa ku dhacaayo xinjirowid (clotting).

Dheecaankaan dhoor baaritaan ayaa lagu sameeyaa marka la joogo sheybaarka baaritaannada loo samayn karo waxa kamid ah in aad beerto (culture) macnaha in aad beerto si aad uga baarto jeermis ku dhashay dheecaanka adigoo u isticmaalaayo gram stain, gram stain-ka waa qaabka loo midabeeyo bacteriyada si loo kala saaro noocyada ay u kala baxdo bacteriyada sida gram positive iyo gram negative, waxayna ka kooban tahay ilaa iyo afar midab oo kala ah crystal violet, iodine, decolorization ama alcohol iyo safranin sidoo kale waxa ka baari kartaa dheecaankaan sokorta ku jirta adigo u isticmaalaayo dhalo ku jirta maadada (sodium fluride) waxa kaloo u isticmaali kartaa dheecaankaan marka la rabo in la xisaabiyo unugyada ku jira (cell counts) sida unugayada cad cad iyo unugyada cas cas.

 

Goormee bukaanka loo diri karaa baaritaankaan?

Waxa inta badan loo diraa baaritaankaan marka uu bukaanka ka cawdo xanuunnada ku dhaca isgalka lafaha waxaa astaan u ah in ay soo bararaan ama ay soo gaduudtaan meelaha ay iska galaan lafaha waxa kale oo jira xanuuno kale oo ku dhici kara bukaanka sida arthritis, autoimmune disorder, gout, iyo in uu dhaawac soo gaaro isgalka lafaha.

Xasuus:

Arthritis: waa xanuun ku dhaca isgalka lafaha waa is xoqid ama carjawda oo dhaamaadta meel ama in ka badan halka ay lafaha iska galaan waxa lagu qeexaa barar yara qandac ah, gaduud saaid ah in ay noqdaan dusha maqaarka ka horeeya halka lafaha iska gallaan, xanuun xad dhaaf iyo in ay yaraato dhaq-dhaqaaqa kala goysyada lafaha gaar ahaan halka uu bararka ka jiro sida xaglaha, xusulada, ilaa iyo 200 oo cudur ayaa keeni kara isgoys xanuunkaan oo ay ka mid yihiin jeermisyada qaarkood, lafo xanuunka iyo cudurka qaaxada. Daaweeynta iyo wax ka qabadka waxay ku xiran tahay nooca uu xanuunkaan yahay, laakin asbariin-ka iyo kuwa la mid ah ayaa loo isticmaalaa in ay bararka cadaadiyaan si uu u yaraado xanuunka.

Autoimmune disorder: waa cuduro ka mid ah cudurada soo siyaaday maalmahaan dambe oo aan ku xirneen cuduro kale waxa hada loogu shakisan yahay in ay ka yimaadaan burburka iyo barararka xubnaha jirka oo ka yimaada jeermis la deriska jirka difaaci lahaa.

Lama oga sababta uu jirka u lumiyo awooda uu ku kala saari lahaa unugyadii jirka difaaci lahaa iyo kuwa soo weerara, burburka unugyada dhiiga gaduudan oo dhaliya dhiig yari, xanuunka isgalka lafaha iyo lafo xanuunka qaarkiisa.

Gout : waa marka uu aasiidhka kaadida sameeya uu siyaado noqda oo sababta in ay cusbada jirka badadto kadibna ku darsamaan dheecaanada jirka. Wuxuu aasiidhka noqdaa quruur ja-jabta oo sida dhalada oo kale u dhalaalysa, islamarkaana gaara hab dhiska wareega dhiigga iyo isgalada lafaha jirka.

Waxay dhalisaa in isgalada lafaha ay burburaan oo nabro dil-dilaaca ah noqdaan waxay kaloo wax u dhintaa maqaarka jirka iyo carjawda dhegta, aasiidhka haddii uu siyaado waxa laga yaabaa in uu wax weyn gaarsiiyo kellida isla markaana dhagaxyo ku abuura, waxaa daawo u ah in la adeegsado daawooyin siyaadiya kaadida jirka ka baxda ama hoos u dhiga aasiidhka jirka oo kaadida ka dhashta.

Fikirkaada Waa Muhiim