Yaraanshaha dabaasha cunugga waa xaalada caafimaad daro ee lagu arko Hooyada xilliga uurka,taasoo u harseedi korto wax-yeelo caafimaad daro cunuga anan wali dhalan.

Gormee Ayaan Dhihi karnaa Dabaasha cunuga Way Yartahay?

Dabaasha cunuga sida caadiga ah waxa ay u dhaxeeysaa 500-800 oo ml cabir ahaan, Cabir ahaan markay ka yaraadan 400ml waxaa yaraato biyaha  dabaasha cunuga. Waxaana   lagu ogaan karaa cabirkaan  kumbuutarka caloosha( ultrasound) ,waxa  ayna ku keentaa halis caafimaad daro cunuga  marka ay yaraadaan  biyaha daabaasha kaas oo  ku dhexnool ilma galeenka Hooyada.

Haddaba Kaallay  Aan Isla Aragnee Waxyaalaha   Sababo Yaraanshaha  Dabaasha  Cunugga?

  • Waxaa kamid ah daawooyinka wax-yeelayo caafimaadka cunuga  aanan wali dhalan sida:  Asprinka  haddii ay hooyada ay cunto Hooyada xilliga uurka, waxa ay keeni kartaa yaraanshaha dabaasha cunuga.
  • Yixda oo dilaacdo aydoo aan la gaarin waqtigeeda.
  • Infekshanka qaar, gaar ahaan kuwa ay sababo fayruska (viral).
  • Kiliyaha cunuga oo aan shaqeeyneeyn waxa ay sababtaa yaraanshaha dabaasha cunuga.
  • Hooyada oo uu ku dhaco infakshanka kaadi mareenka  iyo kiliyaha waxa ay ka qeeyb qaadataa yaraanshaha biyaha  dabaasha cunuga
  • Hida-sida yaalka ee uu ku imaado  qalqal (chromosome abnormality) waxa ay ka qeeyb qaataan yaraansha dabaasha cunuga.
  • Ibida cunugga xajmi ahaan oo aad u yar, waxa ay ka qeeyb qaadataa yaraansha dabaasha cunuga.

Sidee Ayaa Lagu Xalin Karaa Yaraanshaha Dabaasha cunuga?

Maareenta yaraashaha dabaasha cunugga  waxa ay  ku xiran tahay  hadba sababta  keentay, waxaana ugu caansan oo badanaa hooyoyinka lagu arkaa, yixda oo waqtigeeda ka hor dilaacdo, yixda waxaa ay dilaacdaa marka uu cunugga dhalanaayo caadi ahaan. Haddii ay xilliga uurka dilaacdo waxa ay keentaa yaraanshaha dabaasha cunuga, waxaana loo  kala qaadaa xilligaa ay dilaacdo yixda  labbo qaybood oo kala ah: 

Qeeybta 1aad  36 isbuuc kahor haddii ay dilaacdo yixda waxaa la siiyaa hooyada daawooyin ka qeeyb qaadanaayo korinta sanbahaha iyo killiyaha cunuga,maadaama uusan cunuga wali qaangaar aheeyn xubnihiisa nolosha sida kiliyaha iyo beerka,sidoo kale waxaa la siiyaa  daawooyin geermis dilayaal ah, ayadoo laga hortagaayo infekshanka ku  imaan karo marka ay yixda dilaacdo.

Qeeybta 2aad: haddii ay Hooyada ka dilaacdo yixda 37 isbuuc iyo wixii kabadan waxaa hooyada loo billaabaa in lafooliyo ( induction) ayada oo  laga hortagaayo  dhibaatada ay cunuga ku keeni karto yaraanshaha dabaasha cunuga.

Dhibaatada ka dhalan karta yaraanshaha dabaasha cunuga waxa ay tahay  in uu yaraado dhaq-dhaqaaqa canugga kujira calooshada Hooyada, Sidoo kale dhibaatada ay ku reebi karto waxaa kamid ah cunuga marka uu dhasho in uu naqaska ku  dhago(Asphyxia).

Fikirkaada Waa Muhiim