‘Halgan la’aan, ma jiri karo horumar.’

_Frederick Dougles


Macalin Biology ayaa barayay ardaydiisa sida diirtu(diirdiir) ay isagu bedesho balanbaalis. Wuxuu ku yiri “labada saac ee dambe balanbaalistan waxay la halgami doontaa siday uga soo bixi lahayd qolofta ku dahaaran, qofna yuusan caawin.” Wuuna tagay. Ardaydi waa sugeen wayna dhacday. Balanbaalisti waxay larafatay inay ka soo baxdo qolofta, Arday ayaa ka naxay wuxuna go’aansaday inuu caawiyo siday u soo bixi lahayd, iskana dhegatiro waanadi macalinkiisa.

Wuxuu jebiyay qolofti si ay uga soo baxdo oo aysan u halgamin waxbadan. Balse wax yar ka dib balanbaalisti waa dhimatay! Goortii macalinka soo noqday, waxaa loo sheegay wixi dhacay. Wuxuu u sheegay ardaygi “caawintaada darted ayaa dishay balanbaalista sababtoo ah waa sharci Rabaani ah oo Alle ugu talagaly in halganka ay kaga soo baxayso qolofta uu run ahaantii ka caawiyo in uu horumariyo xoogna siiyo garbaheeda.

Wiilki ardayga taa ayuu u diiday.”Tani aan ku dabaqno nolosheena. Wax qiimo leh nolosha lama helo lamana gaaro halgan la’aan iyo dhibtoodo la’aan:

Qof baad tahay guul abuura

Qof baad tahay guri yagleela

Qof baad tahay gaar ahaantiisa

Ku gaajo baxoo iskeena

 

Gankaa kuma dheer caara

Aqoontaaduna ma gaaabna

Ma gaagixin aayahaagu

Dadkaaguna kuma girifine

 

Dalkaaagana kama go`aysid

Gob`baad tahay moog inteeda

Abwaan xasan daahir weedhsame

Markaad hindisaha qorshayso

 

Si aad hirashada u dhabayso

Hawshaada dedaal ku biirsho

Abwaan abdiraxmaan cismaan cumar

Fikirkaada Waa Muhiim