Geedka cinabka waa geed soo jireen ah waxaana lacuni jiray sida Taariiqda ku xusan xilligii NC 200 oo sano ka hor. Waana miro leh fitamiino iyo macdan intabadan dhaqaatiirtu waxa ey kula taliyaan bukaanadooda si ey u helaan nafaqo dhammeystiran.

Waxaana la’isku raacay in ey aad ufiicantahay marki ey miruhu sabiib noqdaan in habeenkii biyo lagu milo kaddibna aroortii lacabo. Xarunta latalinta caafimaadka Soomaaliyeed waxa ey idiin soo gudbineysaa qaar kamid ah faa’iidooyinka mirahaan laga helo

Baarka Iyo Mindhicirada Waxa Ey Sifudud Uga Saaraan Suntan.

Sida aan ognahay beerka waa xubin aad muhiim u ah waxa uuna kaqeyb qaataa in jirka uu sunta kasaaro, miraha sabiibka waxa ey caawiyaan saarista suntan ee baarka taas oo kadhigan in jirkaagu eysan ku harin wax sun ah. Sidookale mindhicirada waxaa ufududaata in ey qashinka jirkeenna ksaaraan marki aad mirahaan cabto kaddib, maxaayeelay waxa ey jilcinayaan qashinka adkaaday ee kujira mindhicirada.

Waxa Ey Jirkeenna Siiyaan Tamar Iyo Awood     

Koox katirsan cilmi baarayaasha caafimaadka ayaa sheegay in miraha sabiibka oo subixii hore lacabbo ey aad u caawiyaan dadka raba in ey aalamiitada sameeyaan waxa eyna jirka siiyaan awood iyo tamar uu ku sameeyo fir-fircooni.

Waxa Ey Yareeyaan Dhiig-Karka Iyo Kolistaroolka Ama Duxda Xun

Mirahaan macdan ahaan waxa ey kakoobanyihiin botaashiyaam (potassium), sun-ilaaliye( antioxidants), miiq-miiqa(Fiber) iyo nafaqooyinkale( phytonutrients). kuwa sida joogtada ah ucuna mirahaan ee qabay dhiig-kar iyo duxda xun ayaa baaris lagu sameeyay, sida ey sheegeen koox cilmi baarayaal ah waxaana la’ogaaday in cadaadiska dhiiggooda hoose iyo sareba uu dhax-dhexaad yahay. Waxaa kaloo caadi noqday qaddarka duxda iyada oo lamid noqotay duxda dadka caadiga ah.

 

Xigasho

https://brightside.me/inspiration-health/what-happens-to-your-body-if-you-drink-raisin-water-after-waking-up-

Fikirkaada Waa Muhiim