Soomaaliya waxaa kabaxa dallagyo aad ubadan kuwaasoo xaddigoodu uu kala duwan yahay. Waxaa jira nidaamyo carrada fadaraysan loogu abuuro qudrado kala duwan. Waxaad arkaysaa sawiradaan hoos kaaga muuqda marka geedka latalaalayo iyo maraaxisha ay soomaraan dalagyada la beerto. Jaantuskaan waxaa uu ku tusinayaa habab kala duwan oo isku dhafan.

Dhirta qaar ayaa latalaala marka aad wax beerayso iyadoo la isticmaalayo adeega uu u baahan yahay geedka ama dallaga. Waayo dhirtu ama dalagaba waxa ay ubaahan yihiin in ay helaan bacrin. Islamrkaana ay helaan biyo, hawo iyo macaadino ku filan si ay durbadiiba u koraan oo midho dhalaan. Dhirta ama qudaarta waxaa loo abuuraa saf-saf, sababta ayaa ah in geed walba uu helo hawo ku filan oo uu ku noolaan karo.

Kadib marka uu geedku baxo oo uu xoogaysto yeeshana xidido awood siinaya in wax ku soonuugo sida walxaha nafaqada ah, biyaha, macaadinta iwm. Waxaa uu si fudud uga dhex baxayaa shaygii loogu talagalay awalkii talaalka. Waa walax jilicsan una sahlaysa geedka in uu baxo, noqdana mid gaamuray. Marka uu xidid yeesho geedku waxa uu si sahlan uga dhex baxaa bacdii ama caagii lagu talaalay. Waxaad fiirsataa jaantuskaan hoose waxaad arkaysaa sida uu uga baxay caaga una noqday dalagyo caadiya wax ka maqana majiraan oo waa gaamuray geedkii.

 

Jaantuskaan sare iyo kii hore maxay ku kala duwan yihiin? Waa maxay farqiga u dhexeeya? Jaantuskii hore waxa uu ahaa mid latalaalay oo ku dhex jira shay siinaya koritaan iwm. Midkaan se waa geed toos loogu beeray carrada, lamana adeegsan wax caag ah iwm. Dalagyada badan kooduna waa sidaas oo kale, midkastana waxa uu leeyahay habab loo talaalo iyo hab uu u koro.

Dalaga iyo dhirtaba waxay siimaraan mar xalado kala duwan koritaankoodu. Geed ma jiro geed kale isku si wax ugu baahan yihiin ama isku hab u koraan. Waxaase jirta dhirta badan kooda siiba dalaga in uu ku soo go’o waqtiyo cayiman. Dhirta qaar ayaa kumidho bixiya marka ay gaadhaan 90 cisho waana tay ubadan tahay dhirta. Qaybna waxaa dhacdaa in ay intaa inka yar ku midho dhalaan. Waxaa jira qaar dalaga ka mid ah ay ku qaadato waqti dheer. Waxayna geedahaas ku soo go’aan 5 sano iyo kabadan. Waxaana dhirtaa ka mid ah cambaha.

Dhirtu waxay u baahan tahay waxyaalo badan oo u wanaagsan nolosheeda caafimaadkeeda iyo korsiimadeeda. Waxyaalahaas oo marka lasoo koobo ah nafaqada dhirtu ku nooshahay, qaarna, waxay ka heshaa dhulka qaarna qoraxda iyo hawada. Dhinaca dhulka dhirtu waxay uga baahan tahay cunto, biyo iyo nefis xididkoodu helo. Intaas oo dhan waxay dhirtu hawl yari ku heshaa marka loo jilciyo ama loo qodo ciida lagu beeraayo. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in marka hore la caro gediyo dhulka qamadiga, masagada iyo gallayda lagu beeraayo.

  1. Beerta la carro gediyo, haddii roob helo ama la waraabsho, biyuhu ma dul cararaan dhulka ee hoos bay u galaan ciidda. Kadibna waxay ku dhaafaan rays badan oo qamadi ah, masagada iyo galleydu ku noolaadaan muddo dheer.
  2. Beerta la carro gediyo lagu beero qamadi, masagada iyo galeyda xiddidadeedu waxay helaan ciid jilicsan oo ay ku fidaan. Isla markaasna ay hawo ka helaan cuduro iyo cayayaan badan ayaa ku dhuunta ciidda beeraha. Kuwaasina marka beeraha la carro gediyo kor bay u soo baxaan kadibna waxaa dila qoraxda iyo dabaysha.

Abuurka waxaa loo beeraa safsaf, masaafada labada saf waxaa la isu jirsiiyaa talaabolabada geedna waxaa la isu jirsiiyaa dhudhun.

Abuurka waxaa godkiiba lagu ridaa 2-3 oo qamadi, ama masago ama galley ah, dhulkana waxaa hoos loo gelshaa 2 xubnood oo farta ah in la’eg.

Abuurka: – waa in beerta lagu abuuraa abuur wanaagsan oo cafimaad qaba. Abuurka wanaagsan ee qamadi, masagada iyo galleyda waxaa uu noqon karaa.

  1. miro laga soo gudhay sabuulo laga soo xushay beerta intii aan miraha kale laga jarin. Sabuuladaas waa in ay ahaadaan kuwo dherer iyo dhumucda leh isla markaasna laga soo guray dhir cafimaad qabtay oo si wanaagsan u baxday. Ma wanaagsana in miraha beerta marka lasoo jaro laga dhex xusho abuurka la beeri doono. Sababtu waxay tahay dhirtu beerta ka baxday qaar ka mid ah ayaa jiran oo qabey cudur kadibna marka la isla soo jaro kii caafimaadka qabay iyo kii bukey waxaa hubaal ah in ay cudurkii is gaarsiiyaan. Sidaas daraadeed ayaan abuur looga dhex saari Karin marka midhaha beerta la isku daro. Haddaba waxaa haboon in inta aan beerta la jarin laga soo dhex xusho abuurka si loo helo abuur caafimaad qaba.
  2. Abuur fiican marka la helo waxaa lagama maarmaan ah in sun lagu labo suntan waxey abuurka ka celinaysaa cudurkii uu dhulka kala soo dhalan lahaa. Waxaa kale oo suntan abuurka ka celinaysaa cayayaankii ku cunni lahaa inta uu dhulka ku jirta sida dixiriga loo yaqaan (dirxi digood ama digo-gale).

Waraabka: – qamadiga, masagada iyo galleydu inta ay baxayaan waxaa la waraabshaa 4 jeer. Haddii aan markaas roob jirin, si waraabku u fududaado isla markaasna oo u noqdo mid faa’iido keena oo aan qasaare keenin waxaa lagama maarmaan ah in beerta qamadi, masagada iyo galleyda lagu beerayo marka hore dhulkeeda la simo. Isla markaasna kanaalo (canels) iyo faro fiican loo sameeyo. Haddii la awoodana biyo shuur loo sameeyo.

Haddii beerta aan marka hore la isku simin waxaa laga la kulmaa waraabkeeda lagu soo daayo ay meesha godan isugu tagaan, meesha taaganna ku yaraadaan. Taasina ay keento in qamadidii, ama masagadi ama galleydii ku tiil meesha godan biyihii ku batay waxyeelo weyn u geystaan, tii ka baxday meesha taaga ahna biyo la’aani waxyeelo weyn u geysato. Halkaasna uu qasaare kasoo gaaro qofkii beerta tacbay. Haddaba si dhibaatadaas looga baxsado waxaa lagama maarmaan ah marka hore beerta in la simo inta aan la beerin.

Falka (baaqbaaqida):- inta ay baxayaan qamadida, masagada iyo galleyda waxaa haboon in la fallo 2 ilaa 4 jeer taas oo ku xidhan sida hadba dhulka ay ku taal khashinkiisa ama cawskiisa u yahay (ama uu leeyahay). Falka ugu horeeya waxaa lagu bilaabayaa marka qamadi, masagada ama galleydu ay gaarto 3 baal ama ay bixiso saddex caleemood. Isla markaasna balku hadii uu isku badan yahay (sida markii lagu abuuro beerta firdhis ahaan) waa la kala sarayaa oo godkiiba waxaa lagu reebayaa 1-2 geed oo qudha.

Qamadida, masagada iyo Galleyda haddii aan laga nadiifin cawska ama qashinka kale waxaa yaraada faa’iidada laga helo beerta. Sababtu waxay tahay nafaqada iyo rayskii ay ku bixi lahayd waxaa ka booba ama la qaybsada cawska iyo khashinka kale. Waxaa kale ee jirta in cudurada iyo cayayaanka beeruhu had iyo jeer ku dhuuntaan khashinka iyo cawska ka dibna ay ku soo gurguurtaan dalagii sidaas darted ayay u tahay lagama maarmaan in beerta dalagu ku taal nadiif u ahaato had iyo jeer.

Cudurada dalagaas: – dalka soomaaliya cayayaanka dhibaatada badan ugeysta dalaga waxaa kamid ah:-1) Dhuunqabadka (chilo partellus.

Waa dixriga galleyda ka gala dhuunta (growing point) hoosna ugu dhuuxa balka halkaasna uu ku dila geedka. Waxaana wax laga qaban karaa inta uu caleenta saran yahay ee uusan hoos dhuuxa ugu deign. Si kastaba ha ahaatee, waa in marka beerta lagu arko cayayaankaas si deg-deg ah looga sumeeyaa inta uusan kuwada faafin.

  • Malabiso (aphids) waa cayayaan dhibaato weyn ugeysta dalaga qaarkiis. Wuxuuna had iyo jeer ka gala caleenta ama geedka oo dhanba wuxuuna ku siidayaa dheecaan sida malabka oo kale ah hase yeeshee, midabkiisu madow yahay kaas oo geedka ku dhamaada kadibna waxyeelo weyn u geysta dhinaca dhalmada geedka ama jiritaankiisaba. Haddaba waxaa haboon in marka beerta malabiso lagu arko boqolkii geedba hal geed 1% si deg-deg ah in loo sumeeyo.

Ka hortagga cudurrada dalaga:- si looga hortago cudurrada waxaa lagama maarmaan ah in la raaco talaabooyinkan:-

  1. Waa in beerta la carro gediyaa inta aan la beerin si cudurrada iyo cayayaanka ku dhuunta ciidda ay kor ugu soo baxaan kadibna qoraxda iyo dabeyshu dilaan.
  2. Beerta oo dalagyada lookala beddelo (rotation of crop) haddii beerta fasal (xili) kasta dhul abuurisku isku mid ah ama lagu beero masago ama gallay ama nooc la mid ah. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in beerta saraca lookala beddelo oo dhulkii fasalkii ama xiligii lasoo dhaafay lagu beeray galley xiliga ama fasalka dambe lagu beero digir ama masago IWM. Kuwaas oo isla markaasna nafaqada dhirtu u baahan tahay ku celiya carrada.
  3. Waa in had iyo jeer beertu nadiif ahaataa oo aan loo ogolaan khashin (caws) ka baxo iyo mid dhexyaal toona.

Fikirkaada Waa Muhiim