Guud ahaan dabeecadaha qof ahaneed, qaab-fekerkiisa, waxyaalaha uu xiiseeyo shaqsi ahaan iyo hab la dhaqankiisa bulshada, dhammaan arimahaas marka la isu geeyo waxaa kasoo baxdo shaqsiyada qofka.

Waxaa jiro wax-yaalo ka qeyb qaato kala duwanaansha shaqsiyadaha dadka waxaa kamid ah arimihaas:

  • Dareenada gudaha sida qaab shaqeeynta qanjiraha iyo soo saarista hormoonada ee jirka aadanaha,dareenada maskaxda, iyo qaab shaqeeynta caqliga taas oo uu qof walba leeyahay heer u gaar ah, iyo habdhiska qaab dhismeedka jirka, dhammaan  wax-yaalahaas waxa ay ka qeeyb qaataan kala duwanaashahaa shaqsiyadaha Aadanaha.
  • Xaaladaha bulshada iyo dhaqanada kala duwan ee  bulshada,ee uu ku soo koray qofka  waxa ay qeyb weeyn ka qaadataa kala duwanaanshaha shaqsiyadaha Aadanaha.
  • Deebeecada qofka iyo qaabka uu ula falgalo bulshada, iyo go’aan qaadashada qof ahaaneeyd  waxaa saameeyn weeyn ku leh deegaanka uu ku soo koray qofka waxa ayna keentaa kala duwaanaansho shaqsiyadaha aadanaha.

Waxaa jiro xeer caalami  ah oo oo uu leeyahay Maslow nin la yiraahdo oo ku caan baxay daaraseynta cilmiga nafsiga ee loo yaqaano psychology.

Waa Maxay Xeerka Cadaynaayo Baahida Shaqsiyada qofka oo leh dabaqada kala sareeyso? (Aragtida Maslow).

Waa Maxay  Xeerka Cadaynaayo Baahida Shaqsiyada qofka oo leh dabaqada kala sareyso? (Maslow).

Waxaa kamid baahiyaha shaqsiyad ee aas aasiga ah sida:Cunada, Biyaha, iyo Hooyga. Oo ah dabaqadaha  1aad ee baahida qofka.

Dabaqada 2aad waxa ay tahay qofka in uu helo amaan,xurnimo noolaansho, iyo cabsi la,aan.

Dabqada 3aad waa in uu helo qofka : saaxiibo, qoys, xaas, iyo dad jecel. Waxaa la yiraahda dabaqadaan dabaqada jeceelka.

Dabaqada 4aad waa qofka in uu helo kalsooni sida qofka in uu ku guuleeysto waxbarshada ama ganacsiga,qofka in uu helo ixtiraam dadka kale kaga imaanaayo.

Dabaqada 5aad ahna dabaqada ugu sareeysa  baahida shaqsiyada ayaa noqoneysa : Qofka in uu leeyahay hal abuur, iyo qofka oo dareemaayo dhamaystir buuxdo.

Waxaa dhacdo marar badan in dad wada dhashay oo hal meel ku soo koray in ay noqdaan kuwa shaqsi ahaan ku kala gadisan, sababa laxariira  saameeynta waxbarashada iyo dareenada gudaha oo uu qof walbo la gaar yahay.

Waxaa kamid wax-yaalaha aad ilmahaada  aad shaqsiyadiisa aad ku wanaaji kartid : waxbarasho tayo leh iyo macalimiin aad u wanaagsan dabeecad ahaan. Ogow in Macalimiinta iyo Waalidiinta ay qeeyb weeyn ka yihiin kala duwunaanshaha shaqsiyada caruurta. Sidoo kale korinta maskaxda iyo joogteenta aqriska waxa ay ka qeeyb qaadataa in uu qofka yeesho shaqsiyad aad u wanaagsan .

Fikirkaada Waa Muhiim