Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ayaa Dawladda Dhexe ee Soomaaliya ugu mas’uul ahaa tan iyo horaantii warshadaynta qaranka ee 1970yadii-. Waxaa la aas aasay Warshadii Hilibka ee Kismaayo iyo rugo kale oo badan oo kor u qaaday nolosha qoysas badan oo beeralay iyo xoolo dhaqato ah. Webiga Jubba iyo Shabeelle aagaga beeraha ayaa waxaa laga hirgeliyay mashaariic muhiim ah sida Mashruuca Waraabka Mogambo, Mashruuca Beeraha Bariiska Muuri ee Baardheere iyo xarumihii ADC (Agricultural Development Centers) ee Jowhar ilaa Luuq 1985-1987.

Soomaalidu waxay beeraha u taqaannaa dhulka lagu beerto dalagyada loogu tala galay in laga dhigto cunto, laakiin waxaa soo galaaya dhaqashada xoolaha.

Cilmiga barashada beeraha waxaa loola jeedaa barashada dhirta la beerto iyo xoolaha labadaba.

Beeraha Soomaaliya ugu wax soo saarka badanni waxay dhacaan dhul beeraadka ku yaal labada wabi ee Shabeelle iyo Jubba.

Beeraha Bedka Soomaaliya oo ah 63.8 million hecters [hektar] waxaa beerista ku haboon siddeed-meelood-oo-meel [1/8] ama 8 million hektar. Waxaase labeeri jirey in yar oo keli ah.

Meelaha beeraha ugu haboon ee Soomaaliya waa inta ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliya. Qiyaastii labada webi iyo dhexdooda waxaa beerista ku haboon 7.5 million hektar. Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay Soomaaliya ka yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka.

Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag. Boqolkiiba-sagaashan (90%) Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha nool iyo beeraha. Waxyaabaha kasoo go’a ama ka baxa beeraha Soomaaliya waxaa kamid ah: Moos[muus], cambe, liin-macaan[liin-balbeelmo], liin-dhanaan, galley, haruur[masago], babaay, sonkor[qasab], qare, seytuun, canab, rumaan, raqay[xamar], baradho, bataato, cudbi[suuf], yaanyo, dabacase[kaarooto], sisin[sinsin], iyo weliba qudaar [khudaar] kala gedgedisan aad ubadan.

Roobka ku da’a Soomaaliya oo aad ubadneen mararka qaar awgeed, badanaa Soomaalidu wax kama beertaan wixii kabaxsan labada webi. Meelaha ugu badan ee ay beertaan dadka Soomaaliyeed waa inta udhaxaysa labada webi wixii kasoo hara waxaa labeeraa oo kaliya waqtiyada roobka. Waxaana kubadan tusaale ahaan gobolka Baay, gobolka Bakool iyo kuwo kale dadka kunool waxay beerahooda beertaan waqtiga roobka oo kaliya, waana sababtaas midda ay soomaalidu u dhaqdaan xoolaha.

Laakin su”aasha meesha taala oo ah yaa ka faa idaysanaayo dhuulkaan saan ubarwaaqada ah oo ku fican dhan walbo beeraha iyo xoolaha nool?

Magaalooyinka Soomaaliya ee ku xeeran labada webi, beeridana ku haboon waxaa kamida: Beledweyne, Jawhar, Balcad, Afgooye, Baardheere, Shalambood, Jilib, Jamaame iyo Kismaayo iyo kuwo kale oo fara badan. Marka laga reebo labada webi, meelaha kale ee ku haboon wax beerista waxaa kamida; gobolka Baay, gobolka Bakool gobolka Waqooyi-galbeed, halkaas oo cimilada iyo dhulkuba ku haboonyahay beerista. Dhanka gobolka Bari waxaa kabaxa timirta. Geedka timirtu waa geed ku haboon cimilada kulul.

Roobka ku da’a Soomaaliya oo aad ubadneen mararka qaar awgeed, badanaa Soomaalidu wax kama beertaan wixii kabaxsan labada webi. Meelaha ugu badan ee ay beertaan dadka Soomaaliyeed waa inta udhaxaysa labada webi wixii kasoo hara waxaa labeeraa oo kaliya waqtiyada roobka. Waxaana kubadan tusaale ahaan gobolka Baay, gobolka Bakool iyo kuwo kale dadka kunool waxay beerahooda beertaan waqtiga roobka oo kaliya, waana sababtaas midda ay soomaalidu u dhaqdaan xoolaha.

Waayo waxaa u sahlan [reer guuraaga] in ay u guuran hadba meeshii uu kada”o roobka maxaa yeelay dadka badankood waa xoolo dhaqato iyo beeralay. Natiijada xun ee baaritaanka fadaraysnaanta carrada waxay saamaysaa aragtida aan ka qabno beeraha magaalooyinka. Inta aan niyad jab ka qaadi lahayn, waxaa lanaga rabaa in aan sii wadno beerista inagoo rumeysan in cuntada soo baxda ay aamin tahay in la cuno ama la iibin karo. Halkaan hoose waxaa ku qoran liis ikhtiyaar ah oo lagaa rabo in aad tixgelisid adigoon ka wal-walin arrimaha carra fadaraysnaanta gaar ahaan marka ay wax yar tahay. Arrimaha Guud ee Wax Beerista iyo Isticmaalka Dhulka.

  1. Ku darso qaybta kore ee dhulka beerta ah waxyaabo nadiif ah sida carrada aan fadaraysnayn, waxyaabaha ciidda lagu bacramiyo sida koombost, digada xoolaha, ama caleen dhadday (Biit Moss).
  1. Isku toosi pH-ka carrada cabbirka dhex-dhexaadka ah. Badanaa biraha waxaa laga helaa carrada aashito ku jirto waxayna dhibi kartaa dhirta ama xayawaanaadka marka pH-ka u hoos jiro. Dhirta badigeed waxay kori kartaa pH-ka marka uu yahay 7, si kastaba ha ahaate, qaar waxay u baahanyihiin in lagu toosiyo heer u dhaxeeya pH-ka 6.2 – 6.7.
  1. Kusoo shub caleemaha geedaha loo yaqaano (Maalj) meelaha la maro iyo meelaha kale si loo yareeyo buska iyo dib u firdhinta biyaha carrada miraha korkood, ama sugidda caafimaadka cawska ama daboosha kale ee dhulka.
  1. Ha ku abuurin waxyaabaha la cuno dhinacyada guryaha, meelahaasoo ay ku badantahay heerka macdanta rasaaska (lead).
  1. Ku dhis carra tuureyaal (saldhigyo beereed) carro nadiif ah si aad ku abuurto waxyaabaha la cuno meelaha laga yaabo in ay aad u fadaraysmeen. Iyadoo aan la eegin meesha laga soo qaadey. Xitaa carra tuureyaalka sameysan waa in laga baaraa heerka sumaynta iyo nafaqada. Mar allaale markii baaritaankan la sameeyo, lakab maro dhir qurxin ah haddii la dhigo wuxuu xididka dhir caleeneedka ka celiyaa In ay soo gasho carrada fadaraysan ee carra tuurka hoos ka jira.
  1. Carra tuureyaalka iyo mashaariicda kale ee beeraha, ha isticmaalin noocyada alwaaxa qaarkeed oo leh maadooyin kiimiko ah taas oo hore usii kordhinaysaa fadaraysnaanta carrada. Waqtiyadii hore, qaar ka mid ah alwaaxda jirtey waxaa ku jirtey naxaas, kroomiyum, iyo arseenik.
  1. Meelaha aad u fadaraysan, marka hore u fiirso haddii dabkhaadkan halkan lagasoo sheegay ay ku fillan tahay yareynta qaddarka fadaraha taabta miraha. Arrintan waxaa lagu xaqiijin karaa iyadoo laga baaro carrada ama xubin dhir caleenta ka mid ah.
  1. Suurtagal ma aha in dalaga laga ilaaliyo fadaraysnaanta, ku dadaal in aad beerto miraha laga yaabo in ay ka badbaadaan waxyeelada fadaraysnaanta carrada. Manaafacaadka badan ay leedahay cunista faakihada (faruudka) iyo khudaarta daray-ah darteed, beerista dalaga sharaxan beddelka dalaga la cuno waa in ay noqotaa talada ugu dambeeysaa. Sidee Dhirta U Fardaraysmaan? Waxaa jirtaa saddex siyaabood ee biraha culus, sida rasaaska, ay karaan in ay fadareeyaan dalaga beerta. Macluumaadkan wuxuu muhiim ka yahay inuu idinku caawiyo soo xulista dalaga ugu fiican ee loogu tala galey xaalado gaar ah.
  1. Aruurista wasakhda hawada ku Jirta: Mar dhaw, halkan waxay ahayd isha ugu weyn ee fadaraysnaanta ka timaada macdanka rasaaska (lead) magaalooyinka xaggiisa ilaa si tartiib ah loo joojiyey baansiinka rasaaska ku jira si kama dambeys ah 1980. Weli aruurista macdanka rasaaska waxuu ka yimaada buska dabeesha raacda oo ka yimaada carrada iyo jidadka fadaraysan. Sidoo kale fadarayaal kale oo hawada ka dhex heehaabaaya ayaa dhirta geli karaan. Tan waa dhibaato gaar ah oo dalaga caleenta ku dhaca, siiba kuwa ku abuuran dhulalka meelaha sare ku yaala oo gabal-gabalka fadarayaasha taabta. Sida gaarka, qaar ka mid ah sunta caleenta ester (iyo amine) ayaa si kadis ah ugu duuli karaa meel aad u fog oo aan laga ogayn qofka ama kooxda marka hore isticmaalay.
  2. Soo jiidka xididdada dhirta ee fadaraha: Xaaladaha badigood, ilaa ay carrada noqoto mid aasidh ah (pH-ka oo hoos jira) ama maaddada orgaanik ah hooseeyo, macdanta rasaaska badigiisa laga ma gudbiyo xididdada carrada fadaraysmay dalaga beeraha. Si kastaba ha ahaate, xididdada waxaa laga yaabaa in ay ku badantahay is-aruursiga macdanka rasaaska. Marka loo fiiriyo waxa gaara caleemaha, jirridka, iyo faakihada (faruudhka) ama iniinta miraha oo ay tahay meesha ugu hooseeysa rasaaska dhammaan qaybaha dhirta. Kadmiyam iyo qaar kale oo ka mid ah macdanta culus ayaa laga yaabaa in ay si fudud ah laga soo qaado carrada fadaraysan oo ay gasho xididdada kadibna ay gaarto meelaha ugu sareeysa dhirta.
  3. Dalagee Ku Habboon in lagu Beero Carrada Fadaraysan? Qaar ka mid ah dalaga beeraha waxay ka faa’ideysan karaan is-hortaagitaan dabiiciga ah ee fidinta fadaraha. Si kastaba ha ahaatee, fadaraysnaanta muuqaalka dalaga ka yimaada buska carrada, firdhinta ama aruurista wasakhda hawada badanaa way ka xoog badan tahay is hortaagidda dabiiciga. Ka shaqeynta, wax ka dhimista fadaraysnaanta muuqaaleed ee beeraha dalaga cuntada iyo yareynta u dhowaanshaha dadka oo ah arrin muhiim ah. Inta wax laga yaqaano fadaraysnanta jidadka (maritaannada), waxa u dheer natiijadaha baaritaannada hore la suubiyey oo nasiinaya macluumaad ku saabsan kala gudbinta biraha culus ee dalaga beeraha. Macluumaadkan oo dhan wuxuu nasiiyaa talooyin ku saabsan dalaga ku habboon iyo kuwo aan ku habboonayn in lagu beero toos ahaan carrada fadaraysantay. Si kastaba ha ahaate, cunidda faakihada iyo khudaarta laga abuuray carrada fadaraysantay waxay leedahay halis. Beer Abuurista Waa in laga taxadaraa si loo hubsado carrada aad u fadaraysantay aysan goobteeda ka dhaqaaqin marka laga shaqeynaayo beerta. Sharciga nabad wax ku beerista hore lasoo sheegay kasokow, waxaa la dhaqan geli karaa siyaabooyin lagu beeri karo khudaarta ee looga bad baadi karo dhulka beerta ah lana yareeyo nabaad-guurka. Waxaa halkan hoose ku qoran qorshayaal lagula talinaayo:
  4. Carra Tuureyaal: Carra Tuureyaal waxay kordhiyaan wax soo saarka marka ay wanaajiyaan xaaladda carrada oo dhalisa korriin wanaagsan ee xididda. Ikhtiyaarkan waxay xaqiijinaysaa in ay yaraato dhibaatada carro qaadista ee ka timaada nabaad-guurka iyo bey’ada ee la ilaalinaayo.
  5. Isudhafka Dalaga: Beerista Is-dhexgalka waxaa ka mid ah abuuris khudaar kala duwan oo dhinac dhinac ah si looga faa’ideysto waqtiyada biseel ahaanshaha. Miraha waqtiyada kala duwan, joogga, isfidista ama hoos u-galka xididdada. Tusaale fiican ee is-dhexgelinta beerista waxaa geli karaa galleyda, digirta iyo bocorta yar-yar. Dhawr asbuuc abuurista galleyda kadib, waxaad abuureysaa digirta safka galleyda agtiisa si aad u isticmaasho jirridka miraha galleyda xajin ahaan.

Fikirkaada Waa Muhiim