Waxaana ka hadli doonaa sida ay ugu kala badan yihiin dalagyada la beerto soomaaliya. Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay wadamada beeraha caanka ku ah. Balse laga soo bilaabo burburkii dawladii militariga ahayd ee kacaanka 1990, ilaa hadda lajoogo. Waxaa wadanka ku dhacay masiibo aan la soo koobi Karin taasoo asiibtay deegaankii, dhirtii, noolihii, beerihii, ammaankii iwm. Waxaa iyana daba socda dad iyo duunyo badan oo ku leeday dagaaladii sokeeye ee ka socday wadanka soomaaliya ilaa 1990kii. Naflay badan sida dadka waxay u dabraaceen wadamada dariska ah iyo kuwo kale oo kabaxsan.

Dadkii xirfadda ullahaa beerashada, waxna waxaa latagtay xabad waxna way isaga qaxeen gabi ahaanba wadanka. Cilmigoodii iyo farsamadiiba waxay la aadeen dalshisheeye waxayna ku yihiin qaxooti. Wadanka soomaaliya oo dhan ma ahan dhul beereed, koonfurta soomaaliya waa dhulka ugu beerashada badan. Jubbada hoose iyo jubbada sare waa meelaha ugu wax soosaarka badan wadanka soomaaliya. Shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose waa meelaha ugu badan ee wax lagu beero. Gobolka bay, hiiraan oo ku yaal bartamaha soomaaliya, gedo, bu’aale marka, bakool iwm. Goboladaa aan soo xusnay oo inta badan dhaca koon furta soomaliya waa meelaha ugu badan ee wax soosaarka leh waxaana u sahlay labada webi ee shabbeelle iyo jubba. Labadaan webbi ayaa mara dhul aad ubadan inta uu marana waxaa lagaga faa’idaystaa beeraha.

Dadka soomaaliyeed ayaa waxa la beerto utaqaan dallaga oo keliya balse ma ahan sidaa, waxaa ka mida dallaga, xoolaha iyo daaqaba. Haddii dhirtii, xoolihii iyo daaqiiba ay soo hoos galayaan beerihii, ma ahan in aan dhahno waxa la beerto oo keliya waa dallaga.

Dallagyada lagu beero Soomaaliya kuwa ugu badan:

Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ayaa Dawladda Dhexe ee Soomaaliya ugu mas’uul ahaa tan iyo horaantii warshadaynta qaranka ee 1970yadii-. Waxaa la aas aasay Warshadii Hilibka ee Kismaayo iyo rugo kale oo badan oo kor u qaaday nolosha qoysas badan oo beeralay iyo xoolo dhaqato ah.

Dalagyada aad loo beerto guud ahaan Soomaaliya waa ay badan yihiin wallow sida u kala badanyihiin aanan loo soo warin. Waxaa ka mid ah: galay, masago, qamadi, digir, moos, liin, babaay, canbe, qare, basal, sisin, bocor, barbarooni, dabacaseeye, baradho, saytuun bariis iyo mirro kale. Dalagyada intaaan ka aheyn dhowr dalag sida liinta iyo cambaha, waxay badanaa ku kala duwan yihiin xilliga ay mirro dhalaan. Dhirta labeertaa sida digirta, qamadiga, masagada, qaraha iwm waxay inta badan ku baxaan saddex bilood, ugu badnaan waxay ku baxaan shan bilood.

Geedaha cambaha waxay ku mirro dhalaan mudo ugu yaraan 5 sano ah. Liinta waa la mid. Geedahaan ayaa ku kala duwan xilliyada ay baxayaan, cambaha iyo liinta. Waxa la sugaa ilaa inta ay ka miro dhalayaan waqti dhan shan sano wayna kabadan kartaa.

Geedka mooska oo isagu ka mida dalagyada ay Soomaaliya ku caanka tahay ayaa wuxu aad uga baxaa koonfurta Soomaaliya. Waana mid ka mida dhirta aay aadka u beerato soomaalida gaar ahaan koonfurta isagoo weliba noocya ah. Waxaana mooska keenay wadanka soomaaliya guumaystihii soomaaliya xiligii uu guumaysan jiray. Waxaana inta badan loo dhoofiyaa wadamada dariska ah sida: wadamo kamida carrabta. Waxaana inta badan loo dhoofiyaa talyaaniga oo ah wadankii ku beeray soomaaliya xilligii guumaysiga isagoo tijaabo ahaan ugu beeray koonfurta soomaaliya. Kadibna noqday wadanka ugu badan wadamada soo saara mooska.

Bariiska ayaa isaguna ka mida dalagyada ka soo baxaa dhulka soomaalida inkasto uu yar yahay xadigay soo saraan. Haddana waa mid ka mida dalagyada ka soo baxa gaar ahaan bartamaha soomaaiya iyo qayb ka mida waqooyiga oo hadda laga bilaabay beeritaanka bariiska.

Inkastoo gobolada soomaaliya aysan wada ahayn dhul beered waxaana ka mid ah :- Gobolka Bari, Nugaal, Sool, Mudug, Togdheer, Sanaag, Galgaduud iyo gobolo kale oo badan. Waxaana loo sababeeyaa in ay ku badan tahay macaadino aan suura galinayn bixitaanka beeraha. Gobolada ay ka arimiso puntland waxaa aad ugu badan kaalshiyaam kaarboonayt iyo soodhiyaam salfaytka. Waxaana ay yihiin dhul cusbada ku badan. Badanaa waa dhul saxare xigeen ah, aan ku haboonayn in wax lagu beerto. Inkastoo dhulkaas uu yahay dhul daaqsimeed. Haddana sanadooyinkii ugu danbeeyay dad u dhashay wadamada aan lahayn dhul beereedka waxa ay aad isugu taxaluujiyeen in ay beero ka dhigaan goobo aan ku haboonayn. Waxaana odhan karnaa waa ay ku guulaysteen dad badan oo isku dayay in ay dalagyo sameeyaan. Wallaw ay adkaatay in dhulka oo dhan laga dhigo dhul beereed sababo jira awgeed sida roob yari iyo dhulkoo aan ahayn carro ku haboon beerashada.

Adeegsiga carrada haboon waxa ay muhiim utahay wax beerashada. Waxaa kale oo loo isticmaalaa carrada samayska dheryaha iyo dhismaha guryaha. Soomaaliya waxa ay leedahay macaadin kala duwan oo aad uqiimo badan. Qaar badan oo kamida macaadintaas waa laga faa’idaystaa halka aan laga faa’idaysan qaar kale oo badan. Dhibaatada macaadinta ay leedahay iyaga oo u soo kordha aayar-aayar, aakhirkiina ay dadku ka soo wada saaraan dhulka. Mar haddii laga wada guro macaadinta godadka lama helaayo wax kaalintoodii buuxiya.

Hanti fara badan ayaa dhex ceegaagta dhulka hoose oo uu dahabku ka mid yahay. Dahabku waa bir dhalaalaysa oo bir-birqaysa. Kumaan kun sano ayuu dahabku ahaa macdan aad u qiimo badan. Waxaa laga samayn karaayey mawjahaarad iyo waxyaabo aad uqurux badan oo ay dumarku isku qurxiyaan. Dahabka waxaa laga qodaa godad dhulka hoose ah oo aad uqoto dheer.

Hodantinimada dhulka waa khayraadka ugu muhiimsan ee Soomaaliya. Arrintaasina waxa ay keentay dhaqdhaqaaqa dhaqaale ugu muhiimsan ee laga qabto. Kaasi oo ah beeraha. Meelkasta oo ay beeri ka suura galayso waxa aad ka helaysaa beer yar ama beer ballaadhan oo la tabcanaayo. Carrada Soomaaliya ayaa ah carro-ciideed waxaana ubadan caradaas gobolada dhexe iyo gobolka nugaal. Carradaas noocaa ah ma ahan carro ku habboon beerashada dalagyada qaybihiisa kala duwan.

Waxaa jira carro dhoobey, carradaan waxay ubadan tahay koonfurta soomaaliya, waana carrada ugu fiican xagga beerashada. Badanaa waxaad aragtaa in koonfurta soomaaliya ay tahay carro aad loogu beero dallaga qaybihiisa kala duwan, islamar ahaantaana ay jirto wax soosaarka aad ku badan. Taasi waxaa suura galiyay waa carrada dhoobalayda ah. Inta badan wadamada soo saara dallaga aadka ubadan waxa ay haystaan carro ku haboon beerashada.

Waxaa jira carro isugu dhafan ciid iyo dhoobo iyo walxo nool ama dhintey. Waxaana carradaas laga helaa goobo aan badnayn waxaana ka mid ah gobolada waqooyi meelo yar oo ka mida. Carrooyinka ayaa kala duwan waxaa jira kuwo qoto dheer iyo kuwo qoto gaaban. Carro folkaano, carradaas waa ay ku yartahay dhulkeena oo inta badan dhulkeena kama dhacdo folkaano iwm. Waana nimco illaahay ugu deeqay ummada soomaaaliyeed. Balse waa carro kamida carrooyinka in aad fahantaana ay muhiim tahay.

Carrooyiinka ayaa kala hodansan waxaa jira carroyin hodan ku ah wax beerashada sida tan koonfurta soomaaliya iyo carro aan ku haboonayn beerashada sida carrada dhulka udug loo yaqaan. Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dad isticmaala ama tabcada qodaal beereedka dambeeya. Waxayna sabab unoqotay in dad badan oo beeraley ah ay samaystaan beero yar-yar oo ballaadhkoodu uusan ka badnayn laba hektar iyo wax ka yar. Waxayna inta badan ku tiirsan yihiin xaalado dabiici ah sida: roobabka, hoddantinimada carrada iyo tayada xoolaha.

Waxayna beeraha utabcadaan, xoolahana u dhaqdaan in ay ku noolaadaan oo ayna iib geeyaan si ay uga helaan quutal daruurigooda. Beera qodotada soomaaliya waxa ugu weyn ee dib u dhaca ku keenay waxay adeegsadaan qalab yar yar ee gacmaha lagu qabsado oo aan tayo lahayn. Dadka aad u yaqaan beero falashada waxay adeegsadaan habab casri ah si ay uga faa’idaystaan beerahooda iyo maxsuulka ay soo saarayaan. Beeralaydaas ayaan tabcan wax beer-gashi ah oo tayo leh sida: midho tayo leh, cayayaan dile, caws dile, bacrinta kiimikada ah ama digada xoolaha. Goobo yar yar oo ah beeraha qodaalka ayaa ku badan soomaaliya.

Qodaalka heerka balaadhan ee loo adeegsado farsamada casriga ah qalabka beeraha waxaa laga isticmaalaa meelo badan oo afrika ka mid ah. Haseyeeshee guud ahaan waa ay ka yar yihiin wadarta dhulka ay ku fadhiyaan beeraha yar-yari. Beeraha casriga ah ee waaweyn waxay leeyihiin astaamahaan:

  1. Waa ay ka balaadhan yihiin beeraha dhaqameedka ah, waxaana dherer koodu ka badan yahay 25 hektar iyo inka badan.
  2. Xaaladaha dabiiciga ah waxaa lagu ilaalin karaa beer waraabin, bacrimin iyo xoolo tayo leh oo la dhalan rogay.
  3. Xoolaha iyo midhaha beerahaba waxaa loo tabcadaa in la iibiyo.
  4. Beeraha waxaa lagu adeegsadaa farsamooyin cilmiga sayniska iyo tiknoolijiyada casriga ah.
  5. Shaqaale loo carbiyay shaqadooda ayaa ka shaqeeya.
  6. Waxay isticmaalaan dhammaan noocyada beer-gashiga.

Habkaan waa hab casri ah oo u sahlaya beeraleyda in ay si fudud dhulka ubeertaan, iyagoo adeegsanaya qalab casri ah. Marka beeraha lafalaayo waxaa lamaraa ugu yaraan afar hab, marka hore waxaa la burbiriyaa carrada iyadoo la adeegsanayo cagaf cagaf. Marka ay cagafka kowaad ay burburiso meelaha laga rabo in wax lagu beerto, waxay jartaa cagaf cagafkaas dhirta ku taal meeshaas, waxayna burburisaa dhagaxa iyadoo jilcinaysaa carrada.

Kadibna waxaa lagashaa cagaf kale taasoo rogta carrada. Markii larogana waxaa lasameeyaa cagaf kale ayaa lagashaa si loosimo carrada, ugu danbaybtii waxaa la sameeya cagaf sinta carrada kadibna usamaysa kanaalada ay biyuhu usiimari lahaayeen sida aad ku arkayso sawirka hoos kaaga muuqda. Habkaan waa hab casriya oo loogu talagalay in lagu sameeyo kanaalo sida aad ka arkayso jaantuskaan hoose. Ufiirso habka loogu sameeyo kanaalo carrada taasoo sahasha in wax lagu beerto.

Qodaal kooban oo casri ah

Waa nooca qodaalka ugu caansan Afrika, waana qodaal heer kooban la horumariyey.

  1. Waa beero heer kooban oo gaara ilaa 25 hektar.
  2. Waxay ku dadaalaan ilaalinta deegaanka iyagoo adeegsanaya beero waraabin, qodaal jaranjaro ee buuraha dhinacyadooda iyo qodaal geddis.
  3. Dalag beeris iyo xoolo dhaqasho loogu talagalay isticmaalka qoyska, haseyeeshee wixii dheeraad ah waa la iibiyaa.
  4. Xoolo tayo leh oo la dhalan rogay sida: lo’da fiirisiyaan ee tayada leh.
  5. Adeegsiga qalabka gacanta.
  6. Waxaa xoolaha iyo beeraha ka shaqeeya dad qoyska ka tirsan.
  7. Waxaa si xoog leh loo adeegsadaa beer-gashiga iyada oo ay ku xidhan tahay helitaankooda.

Qodaal maasno oo ah wax ku cusub beeralayda Soomaaliyeed ayaa ah habka midaynta dalaga iyo xoolaha nool. Wadamada caalamka intooda badan ee leh dhulbeeraad isla markaana xoolaha dhaqda. Beeralaydooda way mideeyaan falashada beeraha iyo xanaaneynta xoolaha nool sida lo’da iyo digaag oo sahal u ah in lagu xanaaneeyo beerta dhexdeeda ama agteeda.

Hilib iyo caano ayaa loo xanaanayn karaa xoolaha sidaas oo kale lagu dhafo beerta. Badanaa lo’da dhul biyo badan kama maaranto sidaas darteedna ay sahal u noqon karto maaraynta beer iyo tiro lo’ ah. Beeralayda soomaaliyeed waxay hal-bowle dhaqalaha u yihiin wadanka. wax yaabaha kasoo baxa qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag. Boqolkiiba-sagaashan (90%) Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha nool iyo beeraha.

Dowladii Kacaanka oo adeegsanayso wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo wakaaladaheedii, waxay dadaal farabadan galisay kobcinta waxsoosaarka wadanka. Waxaa la hormariyay beerihii ku yiilay dhulbeeereedka wadanka ee ku yaal wabiyaa laga soo bilaabo Jowhar, Jilib, Baardheere ilaa Luuq. Mashaariicda Dawladda ay ansixisay waxay iskugu jireen kuwo cilmiga beeraha kor u qaadayo iyo fidinta beeraha iyo badinta dalagyada ku saabsanaa.

Dejintii dadkii laga soo raray Abaartii Dabadheer ee 1974 degmooyinka Hobyo iyo Caynaba ayaa qoysas badan oo ka mid ahaa la baray beerofalashada. Dawladda Soomaaliya ka dib markii ay qaramaysay hantidii wadanka ee gumaystaha maamulayay, ayaa dhowr sano gudahood waxay Dawladda suuqiyo cusub u iibgaysay dalagyadii saa’idka (surplus) ku noqday wadanka. Intii ka horaysay 1970yadii, wadanka Talyaaniga unbaa qaadan jiray inta badan waxyaabaha sida aadka ah loo dhoofiyo sida mooska iyo haraga (maqarka) Waxaa jiray dadaalo badan oo loogu jiray hormarinta beeraha iyo wax soosaarkooda iyagoo loo tababaraayay dad ka shaqeeya beerahaas kuwaasoo loo samaynaayay xirfado kala duwan. Waxaa jiray jaamacado badan oo xooga saaray in tayada aqoonta beeraha kor looqaado. Waxaana markii ugu horaysay laga hirgashay jaamacadda ummuda soomaaliyeed gaar ahaan kuliyada beeraha. Taasoo soo saartay dad xaddigoodu badan yahay oo ka shaqeynaayay beeraha. Dawladii kacaanka waxay inta badan dadka ku boorin jirtay in xooga la saaro wax soosaarka dhulka sida beeraha, dhaqashada xoolaha iyo abuurista iyo horumarinta dhirta.

Fikirkaada Waa Muhiim