Waxaa jira rag aqoon sare u leh cilmiga daaweynta bukaanka. Raggaas ma aha kuwo wax ku bartay dugsiyo casri ah, balse waxay hantiyeen khibrad ka ab-ka soo gaadh ah. Dhakhaatiir-dhaqameedkaan waxay u kala baxaan dhawr qaybood. Qaar aqoon cilmi u leh daaqeynta oo adeegsada dhirta, dhinbisha iyo mandhiisha. Qaar quraanka cuskada oo tufta, taxaliisha iyo qardhaasta wax ku daaweeya iyo qaar beegsada cadaad khuraafaad ah oo sacabka iyo sawaxanka durbaanka wax ku daaweeya. Guud ahaan dhakhaatiirtani dad iyo duunyaba way daaweeyaan ama xoolo ajuuro ah ha qaateen ama xag Alle ha u geysteene.

Daaweynta dadka

Waxaa jira rag ku xeeldheer kabista lafaha, jabinta madaxa marku qofku dakhramo, jeexista maasha, iyo dhayidda boogta si ayna u caabuqin. Sidoo kale isla raggaan waxay ku xeel dheeryihiin dhirta loo adeegsado daaweynta. Waxaa kaloo jira dumar aad u yaqaanna daaweynta u gaarka ah haweenka sida umulisooyinka oo inkastoo ayaan haysan wax qalab ah oo saacida, haddana ka dhaliya dumarka, iyo gabdhaha guda.

Cabdullaahi Macallin Axmed “Dhoodaan” oo dhalliilaya dawladdii soomaalida oo aan cilmi baadhistii loo baahnaa ku samayn daaweynta maxalliga ah, kuna tiirsanayd in wax walba dibadda laga keeno, ayaa gabaygaan soo socda wax kaga taataabanayaa dhirta daawooyinka laga samayn karo. Tani waxay kaloo tuseysaa gabayaagu xil isaga saarayo kor uqaadista wacyiga beesha iyo sida cilmi ahaan wax u dhaliilo. Gabaygaan oo aad looga baahiyey raadiyo muqdisho, wuxuu aad u taabtay dareenka soomaalida.

Wuxuu yiri:

  1. Soomaalida intaan dhiidhiyaay, dhaaxa maqashiiyey

  2. Dhankasta ha joogtee dadkaan, dhiirri gellinayaayey

  3. Dadkaan dhiigga hoosiyo qalbiga, wada dhalaalsiiyey

  4. Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay

  5. Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqaayey

  6. Ujeeddada dhankii aan u wade, layska dhaadhiciyey

  7. Inta dhinac marsani waa ku waan, garasho dheerayne

  8. Caqligay ka dhaawacan yihiin waana, shay dhab ahe

  9. Oo dhaadhaammo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e

  10. Raggiise aabbayaasheen dhalay baa, dhaafay hadal weyne

  11. Maahmaahyadey noo dhiseen, midaan ka soo dheegay

  12. Intaad sacabadow dhigan lahayd, nacab ku dhuudaaya

  13. Si inaad dhoomo buuxsatay ood, dheregtay kuu moodo

  14. Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane

  15. Waxaaba loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro’e

  16. Markaas hadalku geestuu u dhacay, sii dhadhamisaanna

  17. Dhudhunkeeda taa lama lahayn, dheefka raadsade’e

  18. Macnuhu waa dhiggaa lama baryee, ceeb ka dhawrsada’e

  19. Dhirta, dabayshiyo dhulkiyo, dheefta iyo ciidda

  20. Wax dhulkeenna lagu dheehay, oo dheeriyaa badane

  21. Inkastoo dhallaan iyo gabow ciidda, lagu dhaarto

  22. Dhaqdhaqaaqii meelaan casrigu, ali ku dheereynin

  23. Dhallinyaradii aan sheegayiyo, taan dhegaabinaayey

  24. Maskaxdaa dhan hadalkiina way, dhihi yaqaanniine

  25. Dhimrin iyo garaad way qabaan, fiiro dhumuc weyne

  26. Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan, waabad dhaygagiye

  27. Dhabbahaan marayniyo liintuna, waysku dhawdahaye

  28. Dhakhso horumarkoodiina, way dhagag sanaayaane

  29. Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay?

  30. Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

  31. Dhirta waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

  32. Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

  33. Ee maankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

  34. Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabki dhuuqaaye

  35. Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan dhoodaana

  36. Bani-aadamkii an u dhashay baan, yare ku dhaamaaye

  37. Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye

  38. Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

  39. Ee uu dudumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

  40. Waa jidhacuu dhiillada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye

  41. Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin

  42. Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto

  43. Dhirif iyo ororod sida runta ah, kaama dhiciyaane

  44. Dharbaaxadu intay kaa fog tahee, soo dhabbacanayso

  45. Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye

  46. Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye

  47. Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacammo waa weyne

  48. Geedaha dhafmaa lagu yidhaa, waa isku dhoon kaniye

  49. Dhig baan udub ku taagoon ku xidhay, shay dhegaatiyahe

  50. Mana dhalleecsan hadalkii anoon, sii dhubqaalliyine

  51. Ruuxii I dhageystow macnihi, waan ku dhaadhicine

  52. Cudurrada wax dhaawacee jirrada, lala dhukaamaayo

  53. Ee sida dhinbilaha dabka ah, kaga dhigsiinaysa

  54. Iyo guumaysi dhuug iyo ka daran, baalcaddii dhagaxa

  55. Oo inuu dharkaagaba furtiyo , dooni dhaxalkaaga

  56. Labadaaba wixii kaa dhacshaa, ma aha dheeldheele

  57. Mid walba waa dagaal dhiif leh oo, dhuubka loo daro’e

  58. Dhanka kale wax yaalahan dhahaa, taaba maan dhiganno

  59. Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu dhildhilayaaye

  60. Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirin dhir soo hoorsho

  61. Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta dhiigsaarka

  62. Oo dhiil xareediyo intaan, dheri ka soo buuxsho

  63. Oon daboolka u dhuujiyoon, dab u dhardhaarreeyo

  64. Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama dhalliileene

  65. Ma dad dhoohan baan nahay maxaan, taa la dhugan weynay?

  66. Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo, dhuundhas xididkeeda

  67. Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u laadlaadsho

  68. Oon weel u hoos dhigo biyaha, way dhidhibicdaaye

  69. Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo dhiiqa

  70. Haddii aan dheecaan mawiyo, dhamastana u geeyo

  71. Oon dhaal ku wada shiilo oon, dhalo ka soo buuxsho

  72. Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u dhawdahaye

  73. Ma dad dhoohan baan nahay maxaan, taa la dhugan weyney?

  74. Markay uneexdo rays dhaadhido ee, dharabka doogowdo

  75. Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo

  76. Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo

  77. Dhudhun lagu ma roojiyo intaan, xoog isugu dhaabo

  78. War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro

  79. Kob dhawrsoon intaan sii dhugtoo, dhababo oon huursho

  80. Oon jinow dhanaan iyo haddana, dhoon tobboga keeno

  81. Oon tiina dhiil qarsha ah, kula dhaboodeeyo

  82. Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus noqoto

  83. Qof dhilmaayo soo tuuray oo, kaar u dhimanaaya

  84. Haddaan xidid sintaa kaga dhufto, oon dhash kaga siiyo

  85. Dhaqso inuu bogsoodaaba, way dhici karaysaaye

  86. Ma dad dhoohan baan nahay maxaan, taa la dhugan weyney?

  87. Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, dhayga badhidiisa

  88. Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yayn dhurwaa diline

  89. Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye

  90. Ma dad dhoohan baan nahay maxaan, taa la dhugan weyney?

Dulucda gabayga: inkastoo gabaygaan u wada murti yahay saas darteedna u qorray, haddana u jeeddada aan halkaan ugu soo qaadannay waa qaybta la xidhiidha dhakhtarnimada. Geedaha uu dhoodaan farta ku fiiqayo waa qaar la ogyahay inay daawo u yihiin bugtiyo iyo boogo kala duduwan, saas ahaan dhaliisha kaliya ma ahee tilmaan buu ka bixinaayaa sidii daawo soomaalida loo raad goobi lahaa. Waxa kaloo fiiro gaar ahna mudan uu u mala-awaalaayo qaabkii la isugu dardari lahaa dheecaanka dhirta iyo cudurrada laga yaabo inay daawo u noqon karaan falgalka ka dib. Sidoo kalena dhoodaan waxa uu gabaygaan ku eedeynayaa dadka garan la’ waxtarka dhirtu uleedahay taasoo cudurro badan lagu daaweyn karaayo haddii sida saxda ah loo adeegsado. Gabi ahaanba dhirtu waxay leedahay faa’idooyin aan la soo koobi Karin, waxaana had iyo jeerna meesha ka maqnayn in dadku ilaashadaan deegaankooda iyo waxa kheyraad dhexyaala.

Fikirkaada Waa Muhiim