Ceebtii watar gayd, waa hadal hays ama maahmaah, amase tusaale muujinaya heerka fog ee ceebtaasi gaadhay. Ceebtii watar gayd waa ceeb siyaasadeed ugu cuslayd qarnigii tagay, way dhici kartaa ceebo ka daran inay qarnigaas dhaceen balse tii loogu hadal haynta baadnaa ayey noqotay.

Dalka Maraykanka; sanadkii 1972 waxaa jiray olole doorasho, masraxa siyaasadda waxaa ku hardamayey xisbiga jamhuuriga oo ah xisbiga talada haya iyo xisbiga dimuqraadiga, xilka madaxwaynanida waqtigaas waxaa hayey Richard Nixon.

Madaxwayne Richard Nixon

Madaxwayne Nixon waxuu u ololaynayey guddi uu magacowday ee ladhihi jiray gudiga dib-udoorashada madaxwaynaha, waxuu xilka madaxwayninimada qabtay sanadkii 1969.

Bishii Juun, isla sanadkii 1972, mid kamid ah xarumaha ugu waawayn xisbiga dimuqraadiga, waxaa u dhacay shan tuug, waxay jabiyey qofuladii xarunta Watergate ee Washintoon, iyagoo ku jira xarunta, kana dhex wada raadinta iyo baaridda sirta xisbiga, waxaa xarunta ugu soo galay iyagoon filalayn laanta sirdoonka gudaha ee FBI, waxaa la xiray shantii tuug ee jabiyey xarunta.

Markii labbaaray shantii tuug, waxaa laga helay aaladaha codka duuba ee meelaha kale laga dhagaysto (tape recording equipment) iyo caddayn ah inay lashaqaynayeen guddiga dib-u doorashada madaxwaynaha, cadaymahaas waxaa kamid ahaa waraaqo caddaynaya lacagta ay ka qaateen, madaxwaynahii waxaa uu toos u inkiray ku lug lahaanshaha ficilladaan iyo soo dirsashada tuugada.

Muddo sanad iyo bar kudhow, sirdoonka FBI waxay baarayeen arintaan, ilaa markii danbe ay sirta oo dhan furfureen, maxkamadada dalka Maraykanka ayaa ogolaatay baaritaanka xafiiska madaxwaynaha, baaritaanka kadib waxaa laga helay aalad la mid ah aaladdii laga helay tuugada ee ahayd Tape recording iyo dukumenti ay leeyiihiin xisbiga dimuqraadiga.

Sanadkii 1974, waxaa laysla dhexqaadey ceebtii siyaasadeed ay ku kaceen xisbiga talada haya, waxaa caddaatay dirsashada tuugada ee madaxwaynaha iyo Guddiga dib udoorashada, tan waxaa u adkaysan waayey madaxwaynihii Richard Nixon, ahaana madaxwaynihii 37aad ee dalka Maraykanka.

Richard Nixon waxuu noqday madaxwaynihii kowaad ee xilka madaxwayninimada iska casila, waxaa dhulka ku dhacay sharaftii iyo qiimayntii bulshada u qabtay, halkaas waxaa ku baxay hadal hayska Ceebtii Watar gayd. Qarnigaan aan joogno, waxaa ka dhaca ceebo taas ka daran balse cidna karbuuno iskama dabo qaadato, qofkasta tiisa buu ku mashquulsan yahay.

Fikirkaada Waa Muhiim