Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya ayaa si la yaab ah ay u wiiqeen jabhado ku dhisan qabaa’il oo jilbaha dhulka loo dhigay. Taasina waxay keentay in awoodii milatari ee waddanku lahaa ay noqoto mid aad u furfuranta oo baylah badani ka timaado dhulka laga soo weerarayo siiba xuduudaha iyo gudahaba. Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay ahayd wadan heybad iyo karaamad ku dhex leh wadamada Afrika iyo guud ahaan adduunka. Xilligii kacaanka Soomaaliya waxay gacan ballaaran ka geysatay xornimada qowmiyado badan oo Afrika ka mid ah, waxayna taas calaamad iyo astaan aan la dhayalsan karin u ahayd sida maamulka Soomaaliya uu uga hormaray dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Militariga.

Hoggaanka xilligaas jirey wuxuu ku celceliyay waqti fara badan in loo baahan in ay Afrika isku tashato oo ay kaalinteeda qaadato iyadoo ka fogaanaysa khilaafaadka ay abuurayaan gumeystayaasha iyo kuwa u adeega haddaanay taas dhicina wuxuu maamulka uga digey in ay dhici doonaan musiibooyin ku habsada dhamaan shacbiga qaarada, taas oo maanta ay marag ma doonte tahay in qaaradu ay la ciilciileyso culeysyo siyaasadeed iyo kuwa amaan.

Dowladdii dhexe markii ay burburtay waxaa soo baxaayey ururo wada sheeganaayey diinta Islaamka oo mid walbo isku tilmaamaayo inay ayaga oo kali saxan yihiin. Qofka aqoontiisa ay ku yartahay fahanka diinta Islaamka wa’ay fududahay inay kamid noqdaan ururadaan.

Waxay gudaha Soomaaliya ka gaysteen dhibaatooyin badan oo naf iyo maalba leh. Gudaha Soomaaliya oo kali ma ahan ee waxaa jira kuwa kale oo ay nala qabaan wadamada Muslimiinta qaar. Waxa ugu murugo badan wixii ururada Islaamiga sheegtaan ay sameeyeen, wixii ka dhacay wadanka Aljeeriya 1992 oo noqday goob dad-qalato, waana meesha laga soo minguuriyay in dadka mindi saawir ah lagu gowraco iyadoo filim laga duubayo. Qofkii aqriya wixi ka dhacay Al-Jeeriya oo waliba lagu sameeyay magaca Islaamka, haddii uusan Rabbi u gargaarin, uusana kaashan caqligiisa iyo cilmigiisa si fudud ayuu diinta Islaamka uga baxayaa.

Waxa qoran in wiil sheeganayay inuu yahay Mujaahid uu maalin galinkeedii hore nafta ka jaray aabihiis, galinkii dambana uu aakhiro u diray hooyadiis, isagoo ku eedeeyay inay gabar walaashiis ah u guuriyeen nin askari ah oo soo doontay. Markii ay daaleen ururadii Jihaadka sheeganayay si fudud bay ku cudur daarteen hubkiina u dhigeen, waxaana hada Aljeeriya maamula madaxweynihii ay dagaalka ku qaadeen labaatan sanno ka hor.

Dhiigii ku daatay wadanka Aljeeriya waxa culumo u ahaa oo u fatwoon jiray laba wadaad oo ciilqabay, musaafurisna ku joogay wadanka Ingiriiska oo kala ahaa Abu-Qataada Al-Falastiini iyo Cumar Cabdul-Xakam.

Dilka, qaraxa iyo gaaleysiinta Muslimiinta ay mar walba kasoo fusho rag ciil qaba, oo ama la xiray, ama la jir-dilay, ama dhib kale loo geystay.

Waxaana mudan in il gooni ah lagu fiiriyo in culumada u fatwooda dhalinyarada noocaas Muslimiinta u laaya ay mar walba dagan yihiin wadan gaalo ayna halkaas kasoo duubaan cajilado dhiiri galin ah iyagoo waliba ku nabad qaba wadanka ay joogaan oo ay dhici karto inay mushaar bilaash ah ku qaataan lacagta qaxootiga. Waxa cudur daartay hubkana dhigay ururka Al-Jamaaca Al-Islaamiya Al-Liibiya Al-Muqaatila oo markii waqtigu ku dheeraaday oo ay laayeen shacab badan, hanti badana burburiyeen ayay markii dambe soo saareen qoraal cudur daar ah oo warqadihiisu ay gaarayaan 434 bog. Waxana gundhig u ahaa qoraalkooda “waan qaldanay, xamaasad iyo qiiro diineed ayaa na qaaday, ee raali hanalaga ahaado” Laakiin nasiib daro dadkii la rabay in la raali galiyo oo cafis la waydiisto dhulka hoostiisa ayay ku jiraan.

Wadankeena Soomaaliya waxaa ka qoomameeyay wixi uu sameeyay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo ahaa aasaasihii ururka Al-Ahal kadibna noqday Amiirka ururka Takfiirka. Nin la kulmay ayaa sheegay inuu ka baxay Takfiirkii, uuna hada aaminsan yahay inay qalad aheyd, wixii lasoo sameeyay oo ahaa sameynta ururada Islaamiga ah.

Waxaa kaloo jira culumo fara badan oo ka baxay kana qoomameeyay mudadii yareyd ee ay ka tirsanaayeen ururada Islaamiga Soomaalida, laakiin inta badan culumada ururada Islaamiga ah way diideen inay ka laabtaan, ama xataa ay saxaan wadada ay ku socdaan, iyagoo waliba arkay natiijada xun ee ka soo baxday waxqabadkoodii. Taasna waxa sabab u ah madax-adeyga iyo isla-weynanka Soomaalidu ku sifowday, mana la sheegin wali hogaamiye-kooxeed ama hogaamiye-diineed ama urur diineed si duuduub uga laabtay, cudur daarna uga bixiyay qaladkii uu soo galay. Waxaa kale oo lagu dilay magaalada Boosaaso Desember 05, 2011 Dr. Axmed Xaji C/raxmaan Rabi ha u naxariistee, oo ka mid ahaa odayaasha ururka Al-Ictisaam (Ex-Itixaad) waxaana dilay sida muuqata mid ka mid ah ardaydii ururkiisa, kadib markii ay u arkeen in Shiikhu uu ka leexday wadadii toosneyd. Inkastoo ilaa iyo hada dhamaadka sanadka 2012 aan la heyn xubnaha ururka Ictisaam inay ka qoomameeyeen sameyntii ururkooda dhalay waxa hada ka socda dalka Soomaaliya.

Intaasi waxaan kaga gudbayaa dabagalkii iyo cilmi baaristii aan ku sameeyay dhibaatooyinkii ay gaysteen ururada diiniga ah ee Soo maray Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka Islaamka. Waa hordhac gaaban oo aan isleeyahay wax badan ayaad ka ogaatay dhacdooyinkii ururada diiniga ahaa ee dalkeenna soo maray. Waxaana igu kalifay inaan arrimahaan wax ka ogaada markii aan aqriyay buuggaan hormuud Habaabay. Sababtoo ah waxaan isweydiiyay Sheekh Shariif ma siyaasi ayuu ahaa mise Sheekh diintiisa u dagaalamaayo? Sidoo kale gababada qoraalkaan waxaan si gaaban ugu sharaxay in loo baahan yahay in la fahmo farqiga u dhaxeeyo siyaasada iyo diinta. Intaas waxay ahayd hordhaceyga ku aadanaa ururada diiniga ah iyo dhaqamadooda guud iyo xaaladaha kala duwan ee dalka uu soo maray. Guud ahaan buuggaan Hormuud Habaabay wuxuu ka kooban yahay 6 cutub.

Wuxuuna ka kooban yahay 285 bogg. Buuggaan ayaa ku bilaabaya aas-aaskii Maxkadaha iyo halka ay ku dambeeyeen. Midowga Maxkamaduhu (ICU) waa isbahaysi ay ku jiraan Maxkamadaha Shareecada (Shareecada Islaamka) oo magaalada Muqdisho qabsadey bishii Juun 2006-da kadib markii ay cayriyeen tiro dagaal-oogayaal ah oo gacanta ku hayey inta badan magaalada Muqdisho. Maxkamaduhu waxa ay billaabeen wax u muuqdey inay yihiin awood si lama filaan ah ku soo baxdey, oo ku baahdey inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Laakiin Itoobiya waxay isbedelkaas u aragtey digniin cabsi leh; Xubno muhiim ahaa oo Midowga Maxkamadaha lug ku lahaa ayaa si cad dagaal ugu hanjabay Itoobiya waxayna ka hadleen inay gelayaan gebi ahaanba Gobolka Bari ee Itoobiya ee Soomalidu degto.

Qoraagga buugga Hormuud Habaabay

Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim (Garyare)

Qoraaga Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim (Garyare) oo Qoray Buugga “Hormuud Habaabay” Wuxuu si faah-faahsan uga hadlayaa khiyaanadii Maxaakimta. Qoraagga waa cilmi-baare, wuxuu aad ugu foogan yahay cilmi-baaris badan oo la xariirta dhaqanka iyo siyaasadda Soomaaliya iyo kuwa dunida Islaamka. Buuggaani wuxuu ku saabsan yahay xasuusaha uu qoraagu markhaatiga ka ahaa ee bilowdgii Dagaaladdii maxaakiimta Islaamiga la galeen dowladda Itoobiya iyo Dowladda KMG ee markaas dalka ka jirtay. Qoraagga ayaa dhinacyo badan ka tilmaamay waxyaabihii uu goob-jooga u ahaa laga soo bilaabo 2006 illaa 2009kii. Dhacdooyinka ku qoran buuggaan waxaa laga baran karaa qaababkii ay ku aas-aasmeen Midowga Maxaakiimta Islaamig iyo halkii ay ku dambeeyeen, maxaase keenay inay burburaan?

Waxaan isleeyahay aragti ahaan buuggaan qofkii aqriyo wuxuu ka faa’idi karaa in siyaasadda Soomaaliya faraha lagula jira, siyaasiga Soomaaliyeedna ay ku adkaatay innuu garto cadowga noocyadiisa kala duwan. Waxaana caado iyo dhaqan u ah nin walba oo xukunka si gurracan ku doona in aakhirkii ay adkaato in laga wareejiyo markii la gaaro xilliggii uu booska banneyn lahaa, waana dabeecad ay leeyihiin dad badan oo la soo macaamiley gumeystayashii dunida gumeystey. Waxaad si caqli-duruqsan aad kaga ogaan kartaa buuggaan duulaanka qaawan ee dawladda Itoobiya ay ku qabsatay Soomaaliya, waliba sida naxariis-darada looga xasuuqay dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsanin, sidoo kale duulaankaan waxa uu khilaafsan yahay dhammaan sharciyada caalamiga, wuxuuna xadgudub ku yahay sharaftii iyo dadnimadii Soomaaliyeed, waxaana duullaan lagu yahay diinta Islaamka iyo ku dhaqankeedda.

Dowladda Itoobiya dilka iyo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed kama gaystaan oo kali koonfurta Soomaaliya, xittaa waxay ka gaystaan Waqooyiga Soomaaliya sida Somaliland iwm. Waxaa jira warbixino ay haayadaha caalamka ka qoreen sida naxariis-darada ay Itoobiya u xasuuqdo shacabka Soomaaliyeed, sida haayada xaquuqda aadanaha waxayna qoreen sida tan “Dowladda Itoobiya oo ay gacan siinayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa si aan ka fiirsasho laheyn u toogtay 10 nin bishii March 2012 intii ay howlgadu ka socdeen Itoobiya qeybta Bariga degaanka Soomaalida, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay maanta. Caddeymo ka war bixinaya dilalkan iyo xadgudubyada ay geysteen xoogagga loo yaqaan “Liyu Boolis” ayaa waxa ay soo ifbaxeen kadib markii ay Human Rights Watch qeyteeda xaqiiqa raadinta ay tagtay Abriil dhexdeedii Somaliland oo ay jaar la yihiin.” https://www.hrw.org/so/news/2012/05/30/246443

Wiilki horre Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laguna dhawaaqay biishii Nofeembar 2015. Magacaabiddiisa waxay ka dambeysay khibrad ballaaran uu u lahaa taageeridda kala-guurka siyaasadda iyo nabadaynta, iyo sidoo kale hogaaminta barnaamijyo adag ee dhanka bani’aadamnimada iyo dib u soo kabashada ee Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Afrika.

 

Bishii Disembar sanadkii 2006-da Ciidanka Milateriga Itoobiya ayaa farageliyey Soomaaliya si ay dagaal ula galaan Midawga Maxkamadaha Islaamka, iyaga oo ka jawaabaya casuumaadda dawladda Federaalka KMG ah oo caalamku aqoonsan yahay, balse ah mid gabi ahaanba aan waxqabad lahayn. TFG-da oo saaxiib la ahayd Itoobiya waxay ahayd fadhiidnimo iyo musuqmaasuq isku biirsadeen, waxayna soo dhoweysey taageeradii millateri ee Itoobiya. Sannadkii 2006-da waxay Ciidamadeedu si muuqata u joogeen laba magaalo oo kaliya, mana aysan jirin adeegyo la taaban karo oo ay u qaban jirtey Soomaalida, soo bixiddii Maxkamaduhuna wuxuu Itoobiyaanka ka sii dhigey wax aan waxba ku fadhiyin.

Dawladda Mareykanka, oo ku cambaareysey Hoggaamiyayaasha Maxkamadaha inay magangelyo siinayaan argagixiso la doon-doonayo, waxay ku taageeertey tallaabadii Itoobiyaanka taageero siyaasadeed iyo kaalmo milateri. Milaterigii Itoobiya si fudud ayuu uga takhalusay maliishiyadii Maxkamadaha. Maalmo yar gudahoodna waxay u muuqatey inay si sahlan u guulaysteen TFG-duna waxay guushaas uga faa’iideysatay inay awooddii Muqdishu kula wareegaan.

Laakiin weerarradii ugu horreeyey ee mucaarad taas lagu diidan yahay ee lagu qaadayey Itoobiyaanka iyo TFG-da isla markiiba hore ayey ka billowdeen si dhaqsi ah ayeyna u noqdeen dagaal daba dheeraadey oo illaa markaas sii weynaanayey siina xumaanayey bil kasta ee dhamaataba. Xoogagga mucaaradka ayaa iskugu yimid oo ku bahoobey hal urur oo wayn oo ay ku wada jiraan Hoggaamiyaashii Maxkamadaha, Xildhibaannadii hore ee Baarlamaanka iyo qaar kale waxayna la baxeen Isbahaysiga Dib u Xoreynta, waxaa kale oo mucaaradka qayb ka ahaa kooxda xag-jirka ah ee Al-Shabaab iyo dhowr kale oo kooxo hubaysan ah oo iskood u madaxbannaan. Sheekh Shariif wuxuu ahaa shaqsigii kusoo caan bacay Maxkamadaha Islaamiga.

Hadaba waa kumaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed?

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Sida ay taariikhda sheekeyso Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu ku dhashay Mahaday ee gobolka Shabeellada Dhexe bishii Luuliyo 1966 kii. Wuxuu ahaa madaxii midowga maxkamadaha Islaamiga. Wuxuu jaamacado ka soo dhigtay dalalka Liibiya iyo Suudaan. Wuxuu ahaa macallin dugsiyada sare ka dhiga juqraafi iyo carabi iyo culuumta diiniga ah. Wuxuna wax kuso bartay Aqoon Bile primary and secondary school. Sheekh Shariif wuxuu ku hadlaa luuqadaha Carabiga iyo Soomaaliga.

Shariif Shiikh Axmed Sh. Maxamuud Sh. Muuse Cigaale, waa hoggaamiyihii Maxkamadaha Shareecada ee sannadkii 2006 ka talinayay gobollada Dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya badankood, ka hor intii aanay dagaal ku qaadin xarunta Dawladda oo markaa ahayd Baydhaba. Berigii ay Maxkamaduhu dagaalka kula jireen kooxdii la baxday Argagixisa la dirirka, Shariif Shiikh Axmed, waxaa uu lahaa taageerayaal aad u fara badan, gaar ahaanna waxaa si weyn looga taageersanaa magaalada Muqdisho xasilooni aan dhicin tan iyo intii ay khadka ka baxday dowladii dhexe.

Bishii december 2006 markii maxaakiimta laga adkaaday lix bilood oo ay maamulayeen caasimadda iyo koofurta badankeed kadib wuxuu Sheekh Shariif go’aansaday innuu la sii dagaalamo ciimadii Itoobiyaanka ee dalka ku soo duulay. Awood u mayeelan iney markale dib u soo noqdaan, wuxuu Sheekh Shariif markaa galay xuduuda Kenya oo markaa isu dhiibay ciidamada Kenya asiga iyo saddex nin oo kale bishii jannaayo isla sanadkii 2006 wuxuu Kenya kula kulmay safiirka Mareykanka waxayna ka wada hadleen arrimaha taageerada Dawladda waxaa mudda lagu haayey hotel ku yaalla Nayroobi oo ay ciidamada Kenya ku waardiyeynayeen illaa bishii febraayo markaa uu tagay dalka Yemen oo la rumeysnaa iney joogaan saaxiibadiis maxaakiimtu. Wuxuu xulufo la noqday saaxiibka Sheekh Xassan Daahir iyo rag kaga soo tagay arrimo siyaasadeed dowladii kumeel gaar ka magaalada Asmara ee dadlka Eritrea laguna aasaasay isbeheysi la yiraahdo “Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaiya”.

Sheekh Shariif waxaa soo sharaxday Isbahaysiga Dib u Xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliya (ARS) ee uu hoggaaminayey wuxuuna u muuqanayey ninka kaliya ee hanan kara jagada ugu sareysa ee Dawladda. Markii ay bilaabaneysay doorashada waxaa tartanka kula jiray rag gaaraya illaa 10 nin oo ka wada yimid dhanka dowladii KMG ee uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wareeggii ugu horreeyey waxaa ku soo baxay 6 nin ee uu ugu horeeyo Shariifka wuxuuna ka helay 215 cod halka rag ay kamid yihiin ra’isalwasaarihii hore Nuur Cadde oo helay 59 iyo Maslax Maxamed Siyaad Bare oo helay 60 cod, saddexda kale ayaa helay codad intaa ka sii hooseeya waana ay wada tanasuleen dhammaan marka laga reebo Maslax Maxamed oo ku adkeystay tartanka.

Wareegi ugu dambeeyey wuxuu Shariifku kaga adkaaday doorashadi Maslax Maxamed wuxuuna helay 293 cod, maalin kadibna waa loo caleema saaray xilka madaxweynaha Soomaaliya. Sheekh Shariif waxa uu xilkiisa ku ekaa 20 Agoosto 2012 oo ah waqtiga ee dawlada kumeel gaarka Soomaaliya kaga gudbi lahayd.

Doorashaddii 2012

Waxa uu xilka isu soo taagay 10.09.2012, Asiga oo malaynaya in uu ku guuleysan doono, laakiin wuu ku qasaaray, waxaana ka guuleeystay Xassan Sheekh Maxamuud.

  1. Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu helay 190, halka
  2. Shariif Shiikh Axmed uu ka helay 70.

Aragtideyda waxaan kusoo gabagabaynayaa ee ku aadan ururada Islaamiga ah waa in lakala saaro ku qaraabashada diinta Islaamka iyo siyaasadda. Siyaasada waa maamul, diinna waa caqiido. Siyaasada waa samaynta wixii suurogal ah, diinna waa samaynta wixii Eebbe raalli gelinaya. Wadaadka samadaa looga dhawaaqaa, siyaasigana dhulkaa lagala hadlaa. Wadaadku jannaduu jantaa, wuxuuna isku hawlaa raalli-gelinta Rabbiga jannada uumay, siyaasiguse wuxuu caashaqaa kursiga, wuxuuna isku dayaa qancinta dadweynaha codka bixiya. Siyaasaddu waxay isla dhalan rogtaa hadba duruufaha taagan, waxayna ka tarjuntaa baahida kolkaa muuqata. Mana jirto siyaasad ku habboon waqti kasta iyo meel walba. Sidaa darteedna, kolka diinta la siyaasadaynayo diinta waa loo gafayaa, sidoo kalena kolka siyaasadda la islaaminayo siyaasadda waa la macno tirayaa.

Madaxweynihii hore ee TFG-da mudane Sheekh Shariif Shiikh Axmed uu magaalada Nairobi kula kulmay wasiiradda arrimaha dibedda ee Maraykanka marwo Hillary Clinton,

Akhristaha sharafta leh ha ii oggolaado inaan xusuusiyo dhacdo yar oo tusaale noqon karta. Kolkii madaxweynihii hore ee TFG-da mudane Sheekh Shariif Shiikh Axmed uu magaalada Nairobi kula kulmay wasiiradda arrimaha dibedda ee Maraykanka marwo Hillary Clinton, sida caadiga ah xaaladdaas oo kale Shariifku waa gacan qaaday marwo Hillary.

Falkaasna Shariifku wuxuu ku mutaystay dhaleecayn aan xad lahayn, oo taniyo saacaddaan wadaaddo badan ayaa Shariifka ku ceebeeya dhacdadaas, iyaga oo ku tuhma inuu diintiisii duunyo dhaafsaday, aakhirana adduunyo ku gatay, raalli-gelinta nebi Maxamed-na (scw) uu ka doorbiday raalligelinta islaanta. Su’aal ay in badan ka dooddeen waxgaradka adduunku, ayaa waxay leedahay: waa maxay mowqifka dowladda ee ku aaddan akhlaaqda dadku? Haddii si kale loo yiraahdo: waa maxay xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo akhlaaqdu? Maxaase ka run ah in sababaha muslimiintu ugu baahan yihiin helitaanka dowlad islaami ahi ay tahay si dowladdu muslimiinta ugu ilaaliso akhlaaqdooda islaamiga ah?

 

Tixraac:

Buugga: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya

https://www.refworld.org/cgi-bin/texis/vtx/rwmain/opendocpdf.pdf?reldoc=y&docid=493e377c2

https://www.hrw.org/so/news/2012/05/30/246443

Fikirkaada Waa Muhiim