Infekshanka Kudhaca Hab Dhismeedka Kaaddi Mareenka (Urinary Tract Infection UTI). Infekshankaan waxa uu ku dhici karaa qayb kasta oo kamid ah hab-dhiska kaaddi marreenka (urinary system) sida: Killiyaha, kaaddi mareenka iyo Kaaddi haysta, waxa uuna ku badan yahay kaaddi haysta iyo Kaaddi mareenka. Baddanaa infekshanka kaaddi marreenka waxa uu ku baddan yahay dumarka ,marka loo eego raga, taas waxa   loo sabbabeeyaa dumarka oo ay qaab dhismeeydka kaaddi marreenkooda uu gaaban yahay.

Infekshankaan waxaa sababbo inta badan Bakteeriyo ilma aragta ah, Fungaay (fungi), iyo Fayrus (virus). Waxaa loo qaybiyaa infekshankaan labo qaybood oo kala ah:

Qaybta sare ee hab-dhismeedyada kaaddi mareenka infekshan ku dhaca sida: Killiyaha iyo Tubooyinka kilyaha, iyo qaybta hoose ee Hab Dhismeeydka kaaddi marreenka Infekshanka ku dhaca sida: kaaddi Haysta iyo Kaaddi Marreenka. Haddaba kaallay aan isla aragnee caalaamadaha lagu arki karo qofka uu ku dhaco infekshanka hab-dhismeedka Kaaddi marreenkeenka:

b- Qofka oo dareema kaaddida inay gubayso.

t-   Qofka oo kaaddisa ay soo raacdo dhiig.

j- Qofka oo kaaddiidisa ayadoo yar ay noqato isdaba joog.

x- Kalarka kaaddida oo noqoto mid u eg shaaxa.

kh- Kaaddida oo yeelato shiir kulul.

d- Dumarka waxaa lagu arki karaa miska xannuun (pelvic pain).

r- Raga waxaa oo lagu arki karaa malawad oo ay ka   dareemaan xannuun.

s- Matag iyo lallabo

sh- Qarqaryo iyo qandho

Siddee Ku Ogaan Karnaa Inuu Ka Jiro Infekshanka Hab Dhismeeydka Kaaddi Marreenka?

a- Qofka inaa ka qaadno dhiiggag Guud.

e- Qofka buko kaddidiisa inaan baaris ku sameeyno.

i-   Qofka inaan saarno kabuutarka caloosha si aan u aragno infekshanka halka uu ka jiro.

Yaa Halis Ugu Jiro in ay ku Dhacdo Infekshanka Hab Dhiska Kaaddi Marreenka?

b- Hooyada leh uurka.

t- Dadka difaacooda yar yahay.

x- Dadka qabo dhaggaxa ku sameeysma killiyaha.

Kh- Isicmaalka badan ee kateetarka.

d- Dadka qabo cudurka macaanka

Siddee Loo Daaween Karaa, Loogana Hortagi Karaa Infekshanka Ku Dhaca Hab Dhismeeydka Kaaddi Marreenka?

a- Qofka in aan siino daawooyin germis dilaayaal ah .

e- Qofka in aan siinodaawooyin xannuun baabi’yaal ah.

i- Qofka inuu cabbo maallin kasta 8 galaas oo biya ah.

o- Qofka in uu iska ilaalliyo in uu kaaddi isku celiyo.

u- Qofka in uu Dhaqtar latashto haddii uu isku arko kaaddi baxsad.

Fikirkaada Waa Muhiim