Akhriste si aad u ilaaliso caafimaadkaaga iyo ka xoolahaagaba una yarayso dhibaato baahsan oo ka dhalan karta bukaanka xanuunku ku dhacy, taas oo keeni karta burbur dhaqaale iyo qudh-bax nafeedba waa in aad ila akhridaa farriintan, ka hor inta aanad wax tallaabo ah ka qaadin neefkaaga jirran.

  • Ugu horayn isla aminta aad aragto neef jirran ama xanuunsanya isku day in aad ka saarto xerada, kuna xidho meel gaar ah, si aanu xanuunkaas ugu gudbin xoolaha inta caafimaad qabta (Quarantine)

  • Xidho dharka iyo qalabka laguugu talo galay PPE (protective personal equipment) marka aad ka shaqaynayso bukaanka, si aanu xanuunku kuugu soo gudbin.

  • Hubi xeradaada iyo xoolahaaga in ay wax astaamo xanuun ahi la soo darseen, isla markaana ku dedaal nadaafada xerada, ta cuntada iyo ta waraabka xoolaha in aad sare u qaado.

  • Intaas ka dib isku day in aad u kuur-gasho ina ad xaqiiqsato xanuunkan neefka helay, adiga oo fiirinaaya astaamaha xanuun ee neefku muujiyay sida, in aad eegto ( indhaha, afka, sanka, dabbada, qanjidhada, candhada, maqaarka, socodka, taagnida iyo calaaliska) ee neefka,waliba taas adiga oo ku ladhaya deegaanka iyo cimilada meeshaasi leedahay, in ay tahay mid (qabaw, kulayl, roobban ama abaar ah), maxaa yeelay cimilada iyo degaanku door muhiim ah ayay ka ciyaaraan dhicitaanka cudurada.

  • Markaad xaqiiqsato astaamaha xanuunkan la kaasho dhakhtar caafimaadka xoolaha ah ama kaaliye iyo shaqaalaha wasaaradda halka kuugu dhaw jooga.

  • Ka digtoonow! in aad isticmaasho daawo kaligaa, oo kaasho dakhtar caafimaad ama kaaliye kuu sharaxa meesha daawada neefka laga siinaayo (Route-ka), inta wakhti ee la siinaayo (Frequency), iyo waliba muddada daawada neefka ay u soconayso (Duration), sida oo kale xoolaha ku habboon ee daawadan loogu talo galay (right animal).

  • Ka taxadir! in aad qalato neef xanuun hayo isla markaana aad hilibkiisa wax ka cunto, neef xanuun dartii mindida loola gaadhay.

  • Ka taxadir! in aad quudato caanaha iyo hilibka neef daawo u socoto, inta aanu gaadhin muddada ay daawadu jidhkiisa kaga bixi karto (withdrawal period)

  • Ka digtoonow! in aad u dhawaato neef xanuun ku soo booddo ah, u dhintay ama aad furto jidhkiisa, marka aad aragto xaaladdan ka dalbo dhakhtar caafimaad meesha kuugu dhaw, hana u dhawaan bakhtigan kana ilaali in xoolo iyo dadkuba u dhawaadaan, halkiisana haka qaadin bakhtiga.

  • Maxaa yeelay waxa jira xanuuno halis ah oo dhimasho deg-deg ah ku keena xoolaha, dadkana saamayn kara foojignaan adagna u baahan in laga yeesho sida (kudka)

  • Inta badan ku dedaal in aad ka tallaasho xoolahaaga xanuunada tallaaka ka hortagga ah leh, ee deegaankaaga ka dhaca, sida kuwa jeermisyadu (Virus) keenaan ee aan daaawada lahayn sida cudurka (Rift valley fever) iyo kuwa bakteeriyadu keento ee ay daawayntoodu adag tahay sida (sanbabka iyo qoodhe walaha).

  • Isku day inta badan in aad neefka xanuunsanaya siiso daryeel gaar ah, kana yarayso in uu dareemo diiqad nafeed sida cunto yaraan, biyo yaraan, xumad, qorrax iyo kullayl, nadaafad darro iyo qabaw daranba, si aanay xanuunka ugu raacin xanuuno kale oo ka dhasha xaaladahaasi.

  • Isku day in aad ka saarto xerada oo aad disho ama aad gawracdo ka dibna aasto xoolaha ay asiibeen xanuunada aan laga soo kabsan karin ama xoolaha kaga taga dhibaato waarta sida ( mad cow disease)

  • Isku day in aad si dhakhso ah uga dawayso xoolahaaga xanuunada fudud ee ku dhaca ama dhaawacyada soo gaadha, inta aanay ka dhallan xanuuno kale oo saamayntoodu baahsan tahay.

Ugu dambayn akhriste waxa muhiim ah in aad ogaato ilaalinta iyo daryeelidda caafimaadka xoolaha aynu munaafacaadsano, in ay tahay qayb ka mid ah ilaalinta caafimaadkaaga iyo ka bulshadaadaba, maaddaama aynu ognahay in xanuunada maanta dunida ka dhacaa 75% ay yihiin xanuuno ka soo gudba xoolaha (zoonotic disease) kuwaas oo ay dadku ka qaadaan quudashada hilibka xoolaha jirran iyo in la cabbo caanahooda, sida oo kalena aynu ka dhaxli karno xanuunadaas ka shaqaynta meelaha wax soo-saarka xoolaha lagu kala iibsado sida (kawaanada gawraca, saribadaha, warshadaha ukunta iyo bakhaarada haragga lagu kaydiyo).

Fikirkaada Waa Muhiim