Ka hor intaanad bilaabin badbaadinta, hubi inaad fahamto macluumaadka sida ugu fiican. Kadibna raac talaabooyinka:

Diyaarso: Ka hor intaanad bilaabin badbaadinta iyo waxbarashada, u diyaari naftaada maskaxda iyo jirka si aad u qaadato hurdo kugu filan, cun cunnooyinkaaga caafimaad leh, diyaari xusuustaada maalin kasta, diyaariso booskaaga, dooro meel kuu keenaysa raaxo iyo xasillooni, sida beerta, qolka martida ama qolka gaarka ah. Soo qaado galas cabitaan diiran , waxay kaa caawineysaa hagaajinta xogtaada.

Qorista: Qor macluumaadka gaarka ah iyo midka muhiimsan buug gaar ah, si aad u badbaadin karto una xusuuso sharaxaadda aad ku badbaadisay, waxaadna qori kartaa qodobbada muhiimka ah ee kaa caawinayo macluumadka in aad si wanaagsan u soo xasuusto.

Ku celceli: Ku celceli marar badan casharka ama waxaa aada rabto in aysan kaa dhumin. ilaa aad ka hubsato in aadan dib uhilmaamayn.

Dib u eegis: Akhri wixii aad keeydisay oo dib ugu celi adi oo adeegsanayo muraayad iskunaday in aad fahanto.

Dhageyso: Dhageysiga cajaladihi horay loo duubay xilliga firaaqada isku day in aada dhagaysato si aad wax badan uga fahanto. kana shaqee su’aalaha casharka inta aada guriga joogtid, sidoo kale in aada aadid dugsiga ama jaamacada waxay kaa caawineysaa inaad sii wadatid macluumada kaaga.

Daraasada: Qofku wuxuu bixiyaa sanado badan noloshiisa ah sannada haas maaha mid aan waxtar u lahayn, sababtoo ah nin ayaa naftiisa wax bara oo hogaamiya himilada noloshiisa. wuxuuna ka gudbiyaa caqabado badan oo ku soo wajaho guul iyo guul daraba, intaas oo dhana waxuu u dhabar adaygayaa sidii uu ku heli lahaa khibrad iyo shaqo wanaagsan. laakiin qaar badan oo kamid ah dadka waxbartaan ma haystaan wadadi ay ku gaari lahaayeen guul.

 

Qiso diini ah oo gaaban:

Waxaa jiray wiil dhalin yara ah oo 16 jir ahaa waxuu ahaa wiil ey waalidiintiisa ku da daaleen tarbiyadiisa woxoo ahaa wiil diinta ku fir fircoona oona jeclaa marwalbo in afkiisa iyo gacantiisa dadka ey ka nabad helaan dad ma uusan dulmin jirin salaada waqtigeeda ayoo ku dukan jiri sadaqada woo dhiiban jiray macsidana woo iska ilaalin jiray woxoo ahaa nin naftiisa ka adag maalin maalmaha ka mid ah asagoo fadhiya masjid aqrinaayana qur’aan.

Waxuu sugaayi salaada casir ilaa laga aqimaayo kadib daqiiqado waxaa loo istaagay salaada woxoo isku duubay kutubki uu aqrinaayi woxoo u istaagay salaada in uu dukado kadib woo wareeray wadnaha ayaana aad u garaacmay wuxuu ku dhacay dhulka waxaa ku soo kala orday dadki masjidka ku tukanaayi waxaa loola orday isbitaal marki diktoorka loo geeyay ayaa la baaray diktoorka waxuu ogaaday in uu aad u xanuunsanaayo xaladiisana aad ey u xuntahay kadib diktoorka oo naxsan oona is dhahaaya ninkaan bad baadi ayaa wiilki waxuu gacanta ka qabtay diktoorka. waxuuna dhagta ugu sheegay diktoorki wuu ooyay wiilkina wuu asha haatay woona dhintay. kadib ayaa dadki wexey weydiiyeen maxuu kuu sheegay wiilkan intuusan dhiman markaas ayoo diktoorki yiri waxuu igu yiri: diktoore waxba ha is dhibin aniga booskeega aan janada ku lahaa hada ayaan arkayaa Subxaana Allaah.

Fikirkaada Waa Muhiim