Waddaniyaddu waa dareen iyo dhiiranaan laga dheehan karo ruux uu uqabo dalkiisa. Ereyga waddaniyadda macno badan ayay uyeeleen khuburo, aqoonyahano, xeeldheerayaal waayo arag ah, siyaasiyiin iyo culimo badan. Waddaniyadda waa maado ka mida kuwa loo yaqaan arrimaha bulshada. Waxayna hoos imaan maadooyinka Juquraafiga iyo cilmiga bulshadda. Waddaniyadda  waxaa lagu bartaa in aad hesho xaqa iyo xuquuqda aad leedahay. Sidoo kalena in aad qaadato masuuliyadda muwaadinka. Waddaniyadda waa in la baro dhammaan qeybaha bulshada si ay ugu dhaqmaan sharciga dalka uyaal, nidaamka ganacsi, midka siyaasadeed, dhaqanka, waxbarashada, caafimaadka, kheyraadka dalka iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Waxaa lagama maarmaan ugu noqotay in la barto waddaniyada waa in uu qof kasta oo muwaadin ah helo.

  1. Xaqa uu dalkiisa ku leeyahay.
  2. Xaqa muwaadinka lagu leeyahay.
  3. Ilaalinta sharciyada uyaal dalka.
  4. Ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka.
  5. In muwaadinka la baro danta guud iyo midda khaaska ah.
  6. In muwaadinka lagu ababiyo dareen jaceyl iyo mid masuuliyadeed.
  7. In muwaadinka lasiiyo waxa uu xaqa ugu leeyahay dalkiisa iyo in loo sheego in uu masuuliyad ka saaran tahay waddankiisa.
  8. In muwaadinka lagu ababiyo mabda’a iyo qiyamka muwaadinimada iyo barashadeeda. Dhammaan qodobada aan kor ku xusay waxay inoo horseedayaan in la helo bulsho jirta, garanaysa danta guud iyo tan khaaska ah. Sidoo kalena in la helo bulsho ka qayb qaadanaysa howlaha qaran iyo dib udhiska dalkooda.

Muhiimadda laga leeyahay in muwaadinka la baro waddaniyadda wax kale ma ahan waa in uu dalkiisa daacad u ahaado, kana difaacdo gowracatada iyo dhiig miiradka raba oo u hanqaltaagaya xadidda iyo gurashada dalka kheyraadkiisa. Bulsho kasta oo ku nool dunida waxay leeyihiin qiyam iyo mabda’ ay ku ilaashadaan dalkooda. Hadday arkaan qof wasakhaynaya dalkooda way canaanan, amaba sharciga ayay la tiigsadaan iyagoo ku andacoonaya waxa uu naga wasakhaynayaa deegaanka iyo dalkayaga.

Ma ahan ruuxaan in uu ku dhashay dal jaceylka amaba ma dhihi karno dadkaas waa naga sareeyaan balse waxa keliya ee nadheeryihiin waa ilaalinta dalkooda hooyo. Waa muwaadiniin lagu soo barbaarshay waddaniyadda, ilaalinta iyo dhowridda bilicda iyo quruxda dalkooda uu leeyahay. Haddaba si bulshada Soomaaliyeed loo dareensiiyo waddaniyadda iyo dal jaceylkooda waa in la baro dalkooda si ay uga hortagaan dhibkasta oo ku soo fool leh dalkooda. Muwaadinka waa in lasiiyo xirfad, xeeldheeri, aqoon mid maadi iyo mid  diini. Sidoo kale muwaadiniinta waa in loo hagar baxo, lana tuso in iyagu dalka leeyihiin, waxkasta oo ay ubaahdaana ay helayaan.

Sidee loo barankaraa waddaniyadda?

Bulshada Soomaaliyeed in ka badan 80% ma fahansana waddaniyadda waxay tahay. Waxaana daliil kuugu filan in dalkooda ay burburkiisa iyo dib udhiciisa ka shaqaynayaan. Waxay kuwada haminayaan dhammaantood ama badankood in ay dalal shisheeye aadaan, waxna waa tahriibeen, waxna waa qalbi ka dhoof  inta kale ee soo hartana waa dad dantu biday ama duruufta haysata awgeed aysan ugu hanqaltaagin dalkale. Haddaba muwaadinimada waa jaceylka aad uhayso dalkaaga, daliil waxaa kugu filan. Nabigeena {NNKH} waxa uu yiri markii uu Maka laga baxshay { Kamaan tageen haddaan layga kaa eryin}. Haddiiba muhiimad gaara siisay diinteena waddaninimada, waxaan fahmaynaa in waddaniyaddu tahay shey qaaliya oo waajib ku noqonaysa qofkasta oo dalka udhashay.

Qof ka waddaniyadda leh lama mid ah qofka aan waddaniga ahayn. Waayo waddanigu waxa uu leeyahay sifo iyo calaamado lagu yaqaan.

Waxaana ka mida:-

  1. Waddanigu waxa uu dhisaa dhulkiisa amar la’aan halka kaan ahayna uu dumiyo dhulkiisa.
  2. Waddanigu waxa uu difaacaa dhulkiisa isagoo u ogolaan in dalkiisa la iibsado halka kaan waddaniga ahayn uu dhulkiisa usoo horseedo cadow aan asxaan lahayn oo ka shaqaynaya burburinta iyo kala gaynta dadkiisa.
  3. Waddanigu waa nin leh karti iyo awood uu isaga dhiciyo hororada raba in ay boobaan dalkiisa halka kan aan ahayna uu farxad iyo damaashaad utahay in uu arko dhurwaaga dalkiisa daldalanaya.
  4. Waddanigu waa kan had iyo jeer ka fekera dadkiisa iyo dalkiisa, mana ogola in la laayo, la xasuuqo, loo horseedo gaajo iyo dihaal halka kaan ahayna uu intaas ka bacmushtaro. Waxa uu qandaraasyo waaweyn ku sooqaataa burburka dalkisa, dadkiisa iyo kheyraadkiisa. Waxa uu iibshaa dadkiisa si uu shilimaad yar ugu beddesho.
  5. Waddanigu ma ahan danayste waa udaneeye halka kaan ahayn uu yahay danayste daba dhilif ah oo aan bar rajo ah lahayn.
  6. Waddanigu waa midka jecel in uu caalamka la tartamo, waddankiisana uu noqdo dalka adduunka ugu qanisan. Halka kan kale uu yahay ninka jecel in dalkiisu noqdo meesha ugu liidata caalamka oo aan rajo lahayn, dadkuna aysanba ku qanacsanayn.
  7. Waddanigu waxa uu jecelyahay dadkiisu in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaad lacag la’aan ah, shaqo iyo addeeg kasta oo ubaahdo. Halka kan kale intaas lidkeeda jecelyahay oo weliba ka bacmushtaro.
  8. Waddanigu waa kan ku faana hidihiisa, dhaqankiisa, Soomaalinimadiisa. Waxa uu mar walba ku xamdiyaa Allihii ka dhigay Soomaali. Halka kan kale uu intaas ka shalaayo in uu ka dhashay Soomaali, waxa uu jeclaadaa in dalal kale uu ka dhasho.
  9. Waddanigu lama siro, haddii la sirana ma noqdo damane hurda oo dalkiisa wax dhiba uhorseeda. Halka kan kale uu moodo sharaf iyo xarako iyo ammaan in la burbursho dalkiisa.
  10. Waddanigu ma ogola in dadkiisa la dilo bilaa sabab halka kan kale uu ku farxo haldoor hebel waa la dilay iyo heblaayo.
  11. Wadddanigu waxa uu fishaa kheyr, waa nin ama gabadh isku kalsoon oo leh qiyam iyo mab’da ay dalkeeda ku ilaashato. Halka kan kale uusan lahayn qiyam iyo ujeedo fog oo ku saabsan mustaqbalka dalkiisa iyo dadkiisa.
  12. Waddanigu waa kan xataa hadduu awoodi waayo in dalkiisa u difaaco ku difaaca af iyo adin ama qalin iyo buug. Halka kan kale uusan ku jirin himadaas.

Alle ha unaxariisto abwaankeeni ku caan baxay waddaniyadda iyo doorkii uu ka qaatay Halgankii guumaysi la dirirka Cali Xuseen Xirsi oo ku magac dheeraa {Cali Makaadsade} gabay uu tiriyay ayaan ka sooqaadan tix yar oo uu ku baraarujinaayay bulshada in wax lawada qabsado oo wadajir wax lagu hagaajiyo. Wuxuu yiri:-

Hantidaan wadaagniyo haddaan hawsha socodsiino

Oo aad hirgelisaan mabda’a lagu hayaamaayo

In horumar lagu waarayaa hubanti weeyaane.

  1. Waddanigu waa midka dalkiisa ficil iyo fikirba ku taageera, hadday ahaan lahayd suugaan, adin iyo qalinba. Halka kan kale uusan kala jeclayn waxaas oo dhan.
  2. Waddanigu dib uma milicsado qabiilka iyo qabyaaladda, waxa uu ogyahay waxa ay tahay iyo in aysan faa’ido lahayn. Waxaana mar walba qalbigiisa ku soodhacaya islaweyni iyo qab iyo quursi, qashin, qabyaalad, qaracan, qeylo, qamuunyo, gaajo, haraad, hoy la’aan, hu’laan, silac iyo diif, barakac iyo tuugsi IWM.
  3. Muwaadin kasta waddani ma ahan, waddanigu sifo gooniya ayuu leeyahay kuwa kor ku xusan iyo kuwa kale oo badan.

Kuma soo kooobi karo macnaha waddaniyad iyo addeegsigeeda, waxaan intaas kor ku soo koobay bal in fahan guud laga fahmo macnaha waddaniyad iyo qiimaha ay leedahay. Ma ahan wax la dhayal sankaro waddaniyadda. Waana waajib qof kasta oo muwaadin ah in uu la yimaado waddaniyadda.

Haddaan Soomaali nahay waxa dadyowga kale ee dunida ku nool naga reebay waa qabyaalad iyo waddaniyad la’aan. Ilmaha kolka uu adduunka ku soobiiro waxa lagu ababiyaa qabiil iyo qabyaalad, iskuulka haddii uu tagana waxaa naloo dhigaa quruumo kale, nalama baro qiyamka iyo mabda’a iyo shuruucda dalka. Burburkii iyo kolkii aan dowladdeeni iska ridnay waxaa waddanka ka dhacay boob iyo burbur joogta ah iyo wax aanan dib ugu noqonayn haddeertaan.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa {Wixii kugu dhici lahaa kun sanay kaa weeyihiin}, waa wax noo qornaa in aan rafaad iyo silicaas marno. Haddaba wax kasta oo dhacay waa in aan ka barano cashar, waa in aan dib isugu noqono oo dhahno maxaa inaga qaldan? Maxaan ubaahanahay in aan samayno si aan uga hortagno in ay dhib dambe dhacdo?

Su’aalahaas dhammaan waa in uu ka jawaabo akhriste kasta oo arka, waayo waa kuu muhiim in aad iswaydiiso. Dadku waa labo qeybood:-

  1. Talo keen: Waa in aad noqoto mid talo keena oo bulshadiisa wax ku sookor dhiya, hadday sax tahayna waa laqaadan, haddii laga maarmi karona dib baa loo dhigan.
  2. Talo raac: Haddii aadanba wax talo iyo tusaale ahba aadan ku soo kordhinayn dadkaaga iyo dalkaaga waa in aad noqoto mid taladii wanaagsan oo loo soojeedsho raaca. Sababtoo ah Fiqi tolkii kama janno tago, dadkaaga waxay kuula yimaadeen haddayba saxtahay waa in aad qaadato oo aadan noqon khilaaf ujooge iyo talo makeene.

Hanoqon mid naftiisa waxay ugu sheekayso oo khaldan in aad raacdo. Waayo naftu kulama rabto in aad wanaag samayso, lugooyada ayay kula rabtaa iyo dibin daabyada. Haddii aad raacdona waxaa kuu dambayn doona welwel iyo walbahaar joogta ah iyo ka qoomamayn.

Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariistee Abwaankii caanka ahaa Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid mar uu lahaa:-

Naftuna caasi weeyiyo sidii cado shisheeyaahe

Intay caaq sidiis kaa dhigtay kugu cayaartaaye

Markii taladu kula caaridaa la caqli yeeshaaye.

Haddaba qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu noqdaa muwaadin Uhalgama dhulkiisa iyo dadkiisa. Waxaa ku qorin taariikhda. Ninkii tiin talaaliyo kii timir beera taariikhdu way qorin. Noqo mid dalkiisa wax walba ugu hura, naftiisa ka hormariya, difaacda, ka ilaashada cadowga doonaya in uu dalkiisa burbursho, noqo waddani ee honoqon muwaadin keliya.

Fikirkaada Waa Muhiim