Halkaan hoose ayaad ka heli kartaa dhammaan qaybaha buugga oo dhammeystiran:

http://www.tukesomalism.com/archives/author/buugga2019


Muddo dheer markii aan ku noolaa magaalda Baqdaad wasaaradu waxa ay amar igu siisay in’aan imaado, magaalada Landan xageed ayaan usoo kici timay waxa aan kulama la qaatay xoghayaha iyo xubno ka mid ah wasaarada. Waxaan uga warbixiyay wax yaabihii aan soo arkay iyo wixii aan soo qabtay intii aan ku jiray safarkii dheeraa waxa ay si’aad ah ugu farxeen warbixinadii aan kasiiyay wadanka Ciraaq aad ayeyna ii gu mahad celiyeen. Horay ayaa waxa aan ugu soo diray warqado aan ku faahfaahinayey mudadii aan safarka ku jiray. Waxaa kale oo aan dib ka ogaaday gabadhii la oran jiray Safiyo ee uu la tuman jiray Muxamed Cabdi Wahaab in ay soo dirtay warbixin la mid ah warbixntaan, waxaan kaloo ii cadaatay xoghayaasha wasaardu in ay iga qoreen war bixin wanaagsan ayna rumaysteen warbixinnadii aan soo siiyay. Xoghaya ayaa si gaar ah iila balamay in aan la kulmo markii aan ku booqday xafiiskiisa si aad ah ayuu ii soo dhaweeyay, waxa uu iisoo dhaweeyay soo dheween ka sareeysa markii aan ka imid magaalada Istanbuul, waxaa kaloo ii cadaatay in aan qalbigiisa ku mashquuliyay meel ku haboon wasiirka.

Wax uu ii muujiyay farxad aad u wayn sida aan u marin habaabiyay Muxamed Cabdi Wahaab waa baadidii ay doonaysay wasaarada Ingiriiska, waxaa uu yiri hawlgalkaaga hadii uu ku gaabnaan lahaa Muxamed Cabdi Wahaab ayada ayaa waxa walba kufilan waxaan umuujiyey in aan ka walaacsanaahay waxaa uu gadaashay noqondoono wasiirku waxaa uu yiri waxaan ku kalsoonahay Muxamed in uusan iska badalin sidii aad uga soo tagtay shaqada wasaarada ayaa lala xiriiriyay magalaalada Isfahaan waxa ayna wasaarada uga warbixiyeen in uusan Muxamed sidii iska badalin hase ahaate waxan is iri sideebay u ogaadeen Muxamed xaaladiisa waxaan su’aalo ka waydiiyay wasiirka arrimihiisa waxa uuna ii cadeeyay ninka mid ah shaqaalaha oo isku magacaabay Cabdi Kariim asaga oo doonaya in uu ogaado sirtiisa hoose waxa uu awood u yeeshay in uu helo sirtiisa kadib marka uu lasheekeystay Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri gabadhii Safiya waxa ay igadaba timid magaalda Isfahaan laba bilood ayaan la joogay Cabdi Kariim waxa uu ahaa saxiibkiisa oo dagan magaalada Shiraas waxa ii diyaariyaya gabar layirahdo Aasiya oo aad uga qurux badan Safiya Muxamed Cabddi Wahaab waxa uu gabadhaasi la noolaa noloshiisii midii ugu wanaagsanayd waxa kaloo oo cadaatay magaca kale ee Cabdi Kariim in uu yahay magac lasoo caariyaystay oo la dulsaaray mid kamid ah Kiristaanka dagan meesha la yidhahdo Jelfaa oo u dhaw magaalda Isfahaan ninkaasi waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada Aasiyana waxa ay ahayd Yahuudiyad dagan Shiraas sidoo kale waxa ay kamid ahayd shaqalaha wasaarada hadaba Muxamed Cabdi Wahaab baadi yeentiisii waxa aan ku ahayn afar qof oo kala ah aniga oo ah Hamfarib,ninkii labaxay Cabdi Kariim iyo labadii gabdhood Safiyo iyo Aasiyo.

Waxa aan ka rajaynaaa Muxamed Cabdi Wahaab in aan kahelno ujeedooyinkeena mustaqbalka markii aan u warbixiyay wasiirka iyo xoghaya iyo laba xubnood oo ka midah balse aan igaranayn markaa ka hor waxa uu yiri wasiirku waxa aad mutaysatay billada ugu saraysa ee wasaarada maxaa yeelay waxa aad gaartay jaranjartii ugu sareeysay shaqaalaha xoghayihii waxa uu intaa sii raaciyay waxa lagu siin doonaa sirta dowlada qeyb kamid ah oo ku anfici doonta.

Waxa ay abaalmarin iisiiyeen toban maalmood oo fasaxa ah si’aan u aado xaaskeyga wasaarada ayaan ka baxay aniga ku wajahan xaaskayga waxa aan mudo la noolaa wiilkayga yarka ahaa oo aad ka iigu ekaa asagoo markaa hadal barad ah waxa aan mooday qeybka mid ah nafteyda oo soconaysa dhulka si’aan la qiyaasi karin ayaan ugu farxay waxa aan ku sigtay in aan duulo sidii shimbirtii jacayl iga hayo cunigaa dartiis waxa aan ku raaxaystay ehelkeyga iyo wadankeyga waxa aan soo booqday eedadey oo da’ah oo aad ii jacel nasiib wanaag markii aan safarkii sadexaad galay ayeey geeriyootay aad ayaan ugu faraxsanaa xilligaas maxaa yeelay safarkii sadexaad aniga oo ku jira ayey geeriyootay waxa aan dhameystay 10kii maalmood oo bil midnoqotay hal saac sidaa oo kale ayey maalmaha wanaagasani u dhamaadaan ayadoo aad moodid saacado, maalmaha xunna waxa ay dhamaadaan ayagoo aad moodo qarniyaal waxa aan xasuustay maalmihii aan ku xanuunsanaa Ciraaq halkii maalin waxa ay ila ahayd sanad waxa aan kulaabtay wasaarada si’aan u ogaado ammarada la isiin doono iyo meesha la igu wajihi doono waxaa xafiiska si’aad ah igu soo dhaweeyay xoghaya waa uu ii gacan qaaday asaga oo ii mujinaya kalgacayl iyo kalsooni buuxda waxa uu yiri wasiirka waxa uu amar igu siiyay sidoo kale waxa ay ii xilsaareen gudiga khaaska ee arrimaha gumaysiga in aan ku tusiyo laba arrimood oo sir ah oona muhiim ah si’aad uga faa’iidaysan lahayd mustaqbalka labadaasi arrimood lama tusiyo dad yar mooyee oo lagu kalsoon yahay.

Gacanta ayuu iqabtay waxa uu igaliyay qolkamid ah qolalka wasaarada waxaana halkaasi ku arkay waxyaabo aan la yaabay oo halkaas yiilay boqol qarni waxaana ku hareereysan 10 nin, nin waxa uu ulabisan yahay sida madaxwaynaha Cusmaaniyiinta waxa uu ku hadlayay luuqada Turkiga iyo Ingiriiska nina waxa uu egyahay sheekha ugu wayn magaalda Istanbuul kan sadexaadna waxa u egyahay boqorkii furus midna waxa uu u eg yahay wasiirkii ee shiiciga ahaa midka shanaadna waxa uu u egyahay shiikha ay u laabtaan Shiicada oo ku sugan Najaf sadexdaan danbane waxa ay ku hadlaan laba luuqadood oo kala ah luuqada Faarisiga iyoIngiriiska shantaaan nin midkasta oo kamid ah waxaa agfadhiya nin qoraa ah si uu uqoro waxa uu ku hadlayo warbixinnada ka imanaya daafaha caalamka oo ay soo gudbinayaan shaqaalaha gaar ahaan war bixinnada ka imaanaya xagga İstanbuul, faaris iyo najaf waxa ay ku soo dhacaan shantaan nin xoghaya ayaa waxaa uu igu yiri shantaani nin waxa ay matalayaan shan nin oo asalraac ah waxaana u sameeynay nimankasi si aan u ogaanno sida ay u fakarayaan shanta nin oo muslimiinta ah.

Waxa aanu u xil saarnay nimankaa shanta ah sidii ay noo siinlahaayeen warbixinada nagasoo gaaraya istaanbuul, Tehraan iyo najaf. Nimankaasi waxa ay iska matalayaan shanta nin ee muslimiinta ah oo (asalka ah). Intaa ka dib waxaan waydiino ayey nooga jawaabaan waxa aynu aragnay natiijada kasoo baxday nimankaan fiiradooda boqolkiiba todobaatan boqolkiiba 70 inay waafaqsantahay nimanka asal raaca ah fikirkooda.

Xoghayuha ayaa waxa uu yiri: hadii aad doontid arrintaan tijaabo ayaad ka qaadi kartaa maxaa yeelay waxaad qaabili kartaa caalimka Najaf. Waxa aan iri meel kasta oo la ii diro waan ku haboonahay. Waxa aan dhawr su’uulood waydiiyay matalaha marjica shiicada ee ku sugan maagaalada Najaf. Waxa aan ku iri mudane manoo banaantahay hadii aaan shiica nahay in aan la dagaalanno xukuumada maadaama ay tahay xukuumaddu xukuumad sunni ah oo qabyaalad badan?

Matalihii waxa uu yiri maya nooma banaana in aan la dagaalno maxaa yeelay waa xukuumad islaami ah muslimiintuna waa walaalo waxaa noo banaan inaan kula dagaalano amridda wanaaga iyo ka reebidda xumaanta maadaama ay tahay xukuumad cabburisa ummadda muslimiinta ah waxa aan kala hadlaynaa sidii ay shacabka muslimiinta ah cabburinta uga dayn lahayd hadii ay ka daysana innaguna waan daynaynaa.

Waxa aan iri: mudane Yahuuda iyo Nasaaradu ma najaasaa mise ma’ahan? Waxa uu yiri waa najaaso waxaa waajib ah in laga fogaado. Waxa aan ku iri maxay ku najaasoobeen?

Waxa uu yiri: waxa ay ku najaasoobeen laba wax yaalood waxaa ay aaminsanyihiin in aan nahay gaalo Nabi Muxamedna Calayhi Salaam waa ay beeniyeen sidaa darteed ayay ku najaasoobeen.

Waxa aan ku iri mudane miyaysan nadaafaddu iimaanka ka mid ahayn?

Maxaa (sahne shariif) [Qabriga Cali hareerihiisa] iyo wadooyinka soo gala ay san nadiif u hayn? xitaa meelaha lagu barto cilmiga aysan nadiif u ahayn).

Waxa uu yiri: maxaad u arki wayday innagu in aan nahay dad nadaafad badan mawaadan arag nadaafadda ka muuqata wadooyinkeena,suuqyadeena iyo iskuuladeena aan wax ku barano?

Waxa uu yiri shaki kuma jiro in ay nadaafaddu ka mid tahay Iimaanka hase ahaatee maxaan samaynaa shiicadu nadaafadda ma ilaaliyaan.

Waxaad moodaa ninkaa sida uu iigu jawaabayo in uu yahay caalimkii shiiciga ahaa ee ku sugnaa magaalada Najaf waxa aan aad ula yaabay ninku sida uu ninka isugu ekaysiinayo dhab ahaantii waxa aan waydiiyay su’aalahaan shiikh xiligii aan ku sugnaa magaalada Najaf sida uu ninkan iigu jawaabay ayuu iigu jawaabay ninkaan shiikha matalaya waxa uu ku hadlayay luuqadda Faarasiga, shiikhuna waxa uu ku hadlayay luuqadda Faarasiga. Xoghayaha ayaa waxa uu yiri hadii aad afarta kale su’aalo waydiin lahayd waxa aad ogaan lahayd sida ay u matalayaan afarta muslimiinta.

Waxa aan ku iri xoghayaha waxaan garanayaa afkaartii shiikha Islaamka maxaa yeelay shiikh Afandi wuxuu ahaa shiikhaygii haddaba waxa aad su’aalo waydiisaa ninka la yiraaho shiikh Matalihii waxa aan ku iri in madaxweynaha la adeeco ma waajib baa?

Waxa uu yiri haa waa waajib sida Allahu Tacaalaa iyo Rasuulkiisa loo adeecayo ayaa loo adeecayaa.

Waxa aan ku iri maxaa daliil u ah?

Waxa uu yiri miyaadan maqlin Allahu Tacaalaa qawlkiisa (Allahu Tacalaa Iyo Rasuulka Adeeca Iyo Madaxdiina). (Nisaa: 59), waxa aan ku iri hadii uu khaliifku ka mid yahay ulul amriga Allahu Tacaalaa sideebuu noo amrayaa in aan adeecno Yaziid oo banaystay inuu dagaal ku qaado Madıınatu al Munawara, oo dilay Xuseen (radıyallahu canhu) oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (Calayhı Salaatu Wassalaam) sidee Allahu Tacaalaa noo amrayaa in aan adeecno Waliid oo ahaa nin khamriga cabba?

Matalihii waxa uu yiri wiilkaygiiyow Yaziid waxa uu ahaa amiirkii muslimiinta xag allana nalagala amray Xuseena in la dilo ma uusan amrin ha rumaynin beenta Shiicada si’aad ah kutubta u akhriso dhab ahaantii Yaziid waa uu gafay waana uu toobad keenay in uu madiino dagaal ku qaado waxaa ku qasbay reer madiino ayaa xad gudbay waxa ayna ka bexeen adeeciddii Amiirka balse wali waxa uu ahaa Faasuq.

Khilaafada waxa lagu adeecayaa wixii ku salaysan shareecada Islaamka su’aalahan qudhayda ayaa waxa aan horay u waydiiyay shiikhayga Afandi, jawaabahaan oo kale ayuu iigu jawaabay waxaan ku iri xoghayaha maxaa dana oo ku jira matalaadaan?

Waxa uu iyiri waxa aan ogaanaynaa fikirada madaxda iyo culimada musliinta sunniga iyo shiicada ka dib waxa aynu u jeexaynaa sidii aan uga hortagi lahayn arrimohooda siyaasadeed iyo midooda diineed tusaale ahaan markii aad ogaato in cadawgaagu kaaga imaan doono xaga qorrax kasoo baxa waxaad hor dhigaysaa ciidankaaga balse hadii aadan garanayn cadawgaaga halka uu kaa jiro ciidankaaga waxa aad u kala qaybinaysaa jihooyinka oo idil, sidoo kale markii aad ogaatid qofka muslimka ah waxa uu daliilsanayo madhabkiisa iyo diinkiisa waxaa kuu suura galaya sidii aad udiyaarsan lahayd jawaab aad ku raddisid waxa uu daliilsanayo. Jawaabahaas waxa ay noqonkaraan jawaabo lagu qanco, waxaadna khal khal galinkartaa qofka muslimka ah caqiidadiisa.

Kadibna xoghayuhu waxa uu ii dhiibay Kitaab wayn oo ka kooban kun bog kitaabkaasna waxaa ku qoran doodo iyo kaartooyin dhex maray shanta muslimiinta ah iyo shanta matalayaasha ah doodahaas waxa ay ku saabsan yihiin arrimo milatari, arrimo dhaqaale, arrimo aqooneed iyo mid diineed. Kitaabkii ayaan gurigaygii u qaatay waxaan kusoo akhriyay muddo saddex asbuuc ah waxa uuna igu amray in aan kitaabka soo celiyo markii aan soo akhristo. Wax aan la yaabay waxa kitaabka ku qoran cilmi, aqoon iyo qaabka wax loo raadiyo.

Waxaad moodaa in ay tahay dhacdo dhab ah sida ay su’aalaha iyo jawaabaha ay nimankaa isu waydaarsayaan iyo siday isugu beeganyihiin waxaan isleeyahay boqolkiiba 70 wax ka badan waa ay saxan yihiin, in kastoo uu horay iigu yiri xoghayuhu su’aalaha iyo jawaabaha ay is dhaafsanayaan 70% way saxsan yihiin. Buugaan waxa aan ka kororsaday kalsooni aan ku kalsoonahay awooda dawladayda, waxaa kale oo ogaaday dhab ahaantii dawladdu in ay diyaarisay kaartooyinkii lagu xadidi lahaa awoodii dawladii Cusmaniyiinta wax ka yar hal qarni. Xoghayuhuwaxa kale oo uu yiri qolkaas kale waxaa ku jira matalayaashaan oo kale waxayna matalayaan wadaado aan gumaysanno, xoghayaha ayaa waxa aan ku iri nimankaa matalayaasha ah xageebay xogtaan ka helaan?

Warkani waa khalad aad u xun isagana horay u shegaty in adeecida madaxweynaha ay tahay fardi.
[19] Tanina waa been abuur qiimaha ay siisay dowlada Cusmaniyadu way diiwan gashan tahay waxayna ku faahfaahsan tahay dardarankii Cusmaan Gaazi, saladiintii cismaaniyada oo dhan waxay siiyeen maraatib ama darajooyin sare culumada, markii ay soo dacweeyeen xasidiintu (Mowlaana Khaalidul Baqdaadi) oo ay ku soo dacwodeen maxamuud khaankii labaad oo ay ka dalbadeen in sheekha la dilo wuxuu ugu jawabay madaxweynihii dowladeenu culumada ma dhibtu waana caan eraygaasi, waxay kaloo caaan ku ahayeen Cusmaniyiintii inay culumada dagaan iyo mushaar tiro badan siiyaan.

Waxa uu yiri: Shaqaaleheena kala jooga daafaha caalamka ayaa si toosa war bixinta noogu soo gudbiya iyagoo kusoo aadiya matalayaasha.

Waxa uuna yiri: xoghayuhu tani waa sirtii kowaad oo aan ku ogaysiiyo sirta labaadna waxaan kuu soo gudbindoonaa bil kadib markii aad soo dhamaysid Kitaabkan.

Waxa aan soo akhristay Kitaabkii dhammaantii waxaana ka faa’iday aqoon aad u farabadan oo ku saabsan Muxamadiyada waxaa kale oo ogaaday fikradahooda iyo qodobada ay ku liitaan waxaa kale oo aan ogaaday qodobada ay muslimiintu awooda ku leeyihiin iyo sidii looga shaqayn lahaa sidii loo bur burin lahaa looguna badali lahaa qodobo taag daran.

Qodobada ay muslimiintu ay ku liitaan waxaa kamida

1.  Khilaafka u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada, khilaafka u dhexeeya shacabka iyo madaxda, khilaafka u dhexeeya labada dawladood ee Turkiga iyo Iran, khilaafka u dhexeeya qabiilooyinka, khilaafka u dhexeeya culimada iyo madaxda.

2. Aqoon darrida saamaysay dhammaan musliinta wax yar mooyee. Himad la’aan, aqoon yari iyo wacyi galin la’aan.

3) In aduunyo oo dan laga tago loona jeesado camal falka aakhiro.
4) Kali talinimada xaga maamulka ah.
5) In la waayo amniga wadooyinka iyo in lajaro xiriirooyinka ilaa wax yar ma’ahane24 In la tuuro caafimaadka guud ilaa daacuunka iyo cudurrada ay magaalooyinka soo galaan si xiriir ah oo ay laayaan tobanaan kun oo qof si ay u waayaan daryeel caafimaa.
6) In ay burburaan magaalooyinka iyo in la waayo wakaaladaha biyaha26 Maamulkii in uu waxa ka qaban waayo mucaaradka iyo in la waayo nidaam, kala danbeen sharci, haba ahaadaan kuwa ku faana qur’aanka laakii kuma dhaqmaan xeerarkooda.
7) In uu burburo dhaqaalaha bur bur aad u wayn faqriguna uu galo meelkasta.
8) In lawaayo ciidan nidaamsan iyo in lawaayo hub ku filan28 in la yaso dumarka xaqoodana la duudsiiyo29 in la waayo nadaafad iyo daryeel caafimaad oo dhankasta ah30 waxa uu sheegay kitaabku qodab kasta oo daciifnimada muslimiinta muujinaya in uu khilaafsan yahay sharciga Islaamka sidaas awgeed waa in ay ahaadaan muslimiinta kuwa jaahiliin ah si aysan ugu baraarugin xaqiiqada diintooda.
 
Kitaabka qur’aanka waxa uu sheegay in uu Islaamku yahay
1) in uu amraya in la midooba lana isku duubnaado lagana fogaado kooxa kooxaysiga maxaa yeelay Allahu Tacaalaa baa qur’aankiisa waxa uu yiri. Aala Cimraan: 103.
2) (Dhamaantiina Xariga Allahu Tacaalaa Wada Qabsadan)
3) Islaamka waxa uu amrayaa in cilmiga laraadsado maxaa yeelay xadiisbaa waxa uu ahaa: (Barashada Cilmiga Waxay Waajib Ku Tahay Rag Iyo Dumarba)
4) Islaamku waxa uu amrayaa in la xafido qur’aanka kariimka ah illaahy baa qur’aanka ku yiri

(Umadaa Hortiin Tagaye Ku Soc Daala Dhulka Oo Fiiriya

[20] Kumanaan culumadii cusmaaniyiinta ayaa waxay wax ka qoreen diinta sida: cimiga akhlaaqada iyo imaanka waana lawada yaqaana xataa caamadoodii ayaa garanaysay diintooda iyo say alle u caabudi lahaayeen iyo siday aduun yadooda u dhaqan lahayeen tuulo walban waxaa ku talay masajid jaamac ah iyo iskool ama madariso waxaana lagu daraseen jiray akhrinta iyo qoraalka culuumta diinigaa iyo kuwa maadiga ah baadiyahana waa lagu aqrin jiray quraanka xiligii cusmaniyiinta culumadii iyo awliyadii soo daahirtay aad ayey u badnayeen.
[21] Arintu sida uu sheegayo ma aha, balse niyada muslimiintii cusmaniyinta ahaa aad ayey usareysay waxayna u dagdagayeen jihaadka si ay u garaan darajada shahidnimada salad walba dabadeed iyo khudbooyinka jimcaha waxay ugu duceenayeen dowlada iyo khaliifka muslimiinta khayr dadka goob joga ah na qalbigooda bay ka oranayeen amiin, magaala jooga kiristankuna maanu garanayn wax aqris iyo wax qorid cilmina uma aysan lahayn diintooda iyo aduunyadaba waxayna u malenayeen khuraafaadka ay u daldalayaan baadariyaalkooda inay tahay diin waxay la mid ahayeen xoolaha oo kale oo aan lahayn wax dareen ah bal iyagaba ka xumaa xoolaha.
[22] Islaamku ma kala saarayo arimaha diinta iyo aduunyada islaamku wuxuu ku tiriyay cibaadada xaddiska nabiga ayaa wuxxu ahaa (u shaqayso aduunyadada sidii adiga oo waligaa noolaanaya aakhiradaadana u shaqayso sidii adiga oo bari
dhimanaya) hase ahaatee kitaabka Injiil waxaa uu dhigayaa inaan loo shaqaysan Karin aduunyada.
[23] Madaxda islaamku waxay awoda saarayeen dhaqan galinta shareecada islaamka qofna ma aysan dulminayn sida ay boqorada yurub u dulminayeen shacabka
[24] Waa been iyo bura bugaando wadooyinkaku waxay ahayeen nabad galyo qofkii kasoo taga magalada bosna oo usocda “maka “si nabad galyo ah ayuu ku marayey masaafada masaafada udhaxaysa labada magaalo waxaa la safrayey sahay la’aan waxaa uu biyo iyo bad baad ka helayey tulooyinka , tulooyinka ayaa waxa laga siin jiray hadiyado.
[25] Dhamaan gobolada waxaa ay lahaayeen isbitaalo iyo xurumo caafimaad. Nabooliyiinta xitaa cusmaaniyiintu gargaar u fidin jireen, muslimiintu waxay ku dhaqmayeen xadiiskii nabiga (Calayhı salaatu wassalaam) ee ahaa (nadaafadu iimaanka ayeey ka mid tahay).

Kuwii Beeniyay Ciribtoodu Say Noqotay) Aayad: 137 Ee Aala Cimraan waxa uu amrayaa in adunyada la raadsado ilaahay baa qur’aankiisu ku yiri (Waxaa Kamida Kuwa Dhahaya Aloow Aduunyada Wanaag Nagu Sii)Aayada : 201Ee Al Baqra Islaamku waxa uu amrayaa in la tashado Allahu Tacaalaa qur’aankiisa waxa uu ku yiri (Arinka Way Ka Shoowraan) Aayada: 38ee Shuura Islaamku waxa uu amrayaa in la ilaaliyo caafimaadka iyo jirka xadiis shariif ah ayaa waxa uu leeyahay

(Cilmiyadu Waa Afar Cilmiga Fiqiga Oo Cibaadada Lagu Ilaaliyo Cilmiga Caafimaadka Oo Jirka Lagu Daweeyo Clmiga Naxwaha Oo Carabka Khaladka Looga Ilaaliyo Cilmiga Xidigaha Oo Zamanka Lagu Ogaado)

  • Islaamku waxa uu amrayaa in lacamiro dhulka, Allahu Tacaalaa qur’ankiisa waxa uu ku yiri (Allah Subxaanahuu Watacaalaa Idinku Idiin Abuuray Dhulka Dushiisa Waxa Ku Sugan Oo Dhan) Aayada 15 Mulk.
  • Islaamku waxa uu amrayaa kala danbeen iyo nimaad, Qura’aanka Kariimka waxa uu noo sheegayaa (Wax walba waa xisaab iyo nidaam). Hijra/19.
  • Waxaa uu amrayaa in la xoojiyo dhaqaalaha xadiis ayaa waxa uu ahaa (Aduunyada Ka Shaqee Sidii Adigoo Waligaa Noolaanaya Aakhiradana U Camal Falo Sidii Adigoo Bari Dhimanaya)
  • waxa uuna amrayaa in laxoojiyo hubka iyo ciidanka Allah Tacaalaa qur’aankiisa ayaa waxa uu ku yiri (Udiyaarsada Gaalada Wixii Aad Awoodaan Oo Hub Iyo Ciidan Ah) Aayada Anfaal/60
  • Waxa uu amrayaa in la ixtiraamo dumarka Allahu Tacaalaa ayaa qu’aankiisa ku sheegay (Haweenku Waxay Leeyihiin Xaqa Lagu Leeyahay Oo Kale Oo Wanaaga) Aayada 228 Al Baqra
  • Islaamku waxa uu amrayaa in lagu dadaalo nadaafada xadis ayaa waxa uu ahaa (Nadaafadu Iimaankay Ka Midtahay), qodobada ugu waa weyn ee uu ku sheegay kitaabaka uuna amray in la burburiyo waxa ay yihiin.

1- In aysan takoorin xaga qoomiyadaha, deegaanada, luuqadaha iyo midabada

2- Waxa xaaran ka ah ribada zinada, khamrada iyo hilibka doofaarka.

3- Si adeg ayey shaqaalahooda igu sameeyaan daba gal.

4- Waxa ay ixtiraamaan kooxada madaxda ahlu sunna ah eena waa jibtahay in la tixgaliyo amaradiisa sida ay waajibka u tahay in la adeeco Allahu Tacaalaa iyo rasuulkiisa.

5- Jihaadka waa qasab

6- waxa ay u arkaan in ay shiicadu tahay najaas muslimka aysan ka mid ahayn.

7- Waxa ay rumaysan yihiin muslimiimtu in uu islaamku yahay diinta kaliya ee xooga leh.

8- Shiicaduna waxa ay u arkaan in la xurmeeyo ka dhisida kaniisado wadamada islaaamka.

9- Muslimiintu inta badan waxa ay u arkaan in ay waajibtahay in laga saaro yahuuda iyo nasaarada jasiiratul carab.

10- Waxa ay oogaan cibaadadooda (Salaada, Soonka iyo Xajka IWM) sida ugu haboon.

11- Shiicada waxa ay u arkaan in ay waajib tahay in la siiyo (al khumus) oo ah shanmeelood oo meel qaniimada in ay siiyaan.

12- Waxa ay ugu dhaqmaan caqiidada Islaamka si adag.

13- Waxa ay awlaadooda ku tarbiyadeeyaan si wanaagsan sidii aabayaashood iyo awoowayaashooda si aysan suuro gal unoqan wayso in lakala wado waalidka iyo ilmihiis.

14- Haweenayda muslimada ahi waa ay xijaabantahay si ay isku asturto.

15- Waxa ay tukadaan salaadaha maalintii shan jeer iyaga jamaaca ku tukanaya.

16- Waxaa aktooda ah qabrigii nabigooda, ahalkiisa iyo saxaabadiisa markaas ay unoqotay xarun ay kukulmaan kuna kuka la tagaan.

17 Waxaa dhexdooda ku badan kuwa ku nasab sheegta nabigooda waxa ay xasuusanayaan rasuulka markaasi ayay ula muuqanayaan in uu noolayahay rasuulka.

18- Muslimiintu waa ay isu yimaadaan waqtiyada qaar ayaga oo siku wacdinaya sidaa darteed baa waxa ku waynaada naftooda cabsida alle islamarkaana waxa ay jeclaadaan camalka wanaagsan.

19- Muslimiinta waxa waajib ku ah in ay faraan dadka wanaaga kana reebaan xumaha.

20- Muslimiintu waxa ay jecelyihiin guurka si’ay u tarmaan darteed guurkuna waa sunne.

21- Qofkii muslim ah hadii uu tuso qofkale wadada xaqa ah waxa uu helayaa aduunyada oo dhan wax ka kheer badan.

22- Xadiis baa waxa uu ahaa (QOFKII WANAAG JIDEEYA WUXUU LEEYAHAY AJARKIISA IYO CIDII KU RAACADA AJARKOODOO KALE ILAA QIYAAMAHA).

23- Muslimiintu waxa ay qadariyaan qur’aanka iyo axaadiisya ku dhaqan kooduna lagu helayo janno iyo ajar wayn, kadiban waxa uu ku dardaarmay kitaabka in lagu badiyo qodobada liita (ka soo horjeeda islaamka) iyo in la qariyo qodobada wanaagsan, in lasheego daliilo muujinayo arintaas, kitaabka waxa uu leeyahay in laga shaqeeyo sidii loo faafin lahaa qodobadan soo socda:

1- In khilaafyada lala beegsado kooxaha iska soo horjeda iyo in lafaafiyo kutubo lidku ah kooxahaasi lacagna lagu bixiyo is baabi’intooda iyo kala fogaantooda.

2- In jahligu lagu baaqi yeelo loona diido in ay furtaan iskoolo lana baabi’iyo kutubtii diiniga ahayd dadka in laga soo leexiya iskooladii diinta in ay ilmahooda ay geeyaan sidoo kale waa In culimadooda la duro [wadadaasina waa wadadii uu ingiriisku ku dhibaataynayay islaamka].

3- 4- In ay ahaadaan ku wa baraarugsanayn iyaga oo loo qurxinaya jannada iyo in aysan waajib ku ahayn nolasha aduunyada, sidoo kale in loo badiyo xalaqooyinka ku saabsan tasawufka iyo in loo badiyo kutubta amraya in laga saahido aduunyada iyo dhaldhaalkeeda sida ku tubka (Ixyaa Culuumu Diin) Qasaali iyo qasiidada (Almasnawi) oo uu alifay (Mowlaanaa Jalaaludiin alruumii) iyo kutubka (ibnu Carabi)31.

5- In la xoojiyo kalitalisnimada ayada oo loo cadeynayo (in ay yihiin hooskii Allahu Tacaalaa ee dhulka ku sugan) sidoo kale in Abuubakar, Cumar, Cusmaan, Reer Banii Umaya iyo Reer Banii Cabaas dhamaantoodu in xukunka ku heleen xoog iyo seef ayna ku maamuleen kalinimo.

Abuubakar waxa uu xukunka ku qabsaday seeftii Cumar iyo in lagubo guryaha aan hoos imaanin maamulkooda sida gurigii Faaduma Nabi Muxamed32 Cumar in uu xukunka kula weereegay dardaarankii Abuubakar, Cusmaan in uu xukunka kula wareegay Cumar amarkiisa, Cali in uu xukunka ku la wareegay doorasho kacdon, Mucaawiye in uu xukunka kula wareegay seef33 kadibna waxa dhaxlay reer Banii Umaya, kadibna waxaa kalawareegay reer Bani Cabaas, arrintaas oo dhan waxa ay ku tusinaysaa in uu islaamku yahay kaligii talis.

6- In la joojiya xukunka dilka [qofkii qof dila in aan ladilin] xalka kaliya ee joojinkara dilka iyo foodada waa ciqaabta dilka ah in lawaayo amniga wadooyinka iyo in la xoojiyo kuwa guul dareystay lana siiyo hub laguna qasbo in ay wadaan shaqada tuuganimada iyo laaluush qaadashada.

7- In ay ku sugnaadaan xaaladooda caafimaad daro in lagu dhex faafiyo, in uu Allahu Tacaalaa waxkasta uu qadaray aysan faa’ido layhayn in ladaaweeyo, miyuusan Allahu Tacaalaa quraankiisa ku dhihin (Alle waa kan iquudiya oo iwaraabiya hadaan jiradana iroonaynayay oo idilayay kadiban inoolaynayay ) Shucara/79-80-8134.

8- In ay foodadu baaqi ahaato iyada oo lacadeynaayo in islaamka uu yahay diin cibaado uusan laxiiriin arimaha dowlada sidaa darteed malaheen Muxamed iyo khulafada wasiiro, nidaam iyo qawaamiin {sharciyo}35.

9- In burbirinta dhaqaalaha uu badiyo fasaadka sidaa dartee waa in laburbiriyaa doomaha ganacsiga iyo in lagubo suuq yada sidoo kale waa in laburburiyaa meelaha beeraha laga waraabiyo waana in lasumeeyo meelaha ay dadku biyaha kadhaansadaan36.

10- In lamashquuliyo madaxda iyada oo lagu fidneynayo [dumarka, ciyaarah], khamriga, khamaarka iyo laaluushka, in loolexiyo hantida dowlada danah gaar ah iyo in lajecleysiiyo shaqaalah arintaa. Waxaa kale oo uu ku dardaarmay in lajoogteeyo jawaasiintaa ayna ilaalaso dawlada Ingiriiska.

11- Sidoo kale waxaa uu kudardaarmay kitaabka in lafaafiyo Ribada maxaa yeelay waxa ay burburisaa dhaqaalaha wadanka waa in lagu diiro galiyaa muslimiinta in ay joojiyaan ku xukunka qur’aanka, waxaa kale uu kadardaarmay in muslimiita lagadhaadhiciyo ribada xaraanta in ay tahay (Ribada Laban Laabka Ah).

Allahu Tacaalaa qur’aankiisa waxa uu ku yiri (Hacunina ribada)Al cimran:130 ribada qaybaheda oo dhan xaaraan ma’aha37.

12- Sidoo kale waxaa waajib inagu ah in aan jarno xiriirka kadhaxeeyo culumada iyo bulshada inteeda kale iyadoo loomarayo in la tuhmiyo culumada iyo in looxiro qayb kamida shaqaalaheena dharka culumada kadibna aysameeyaan dambiyo waa wayn islamarkaana uu shaki ku beermo dad waynaha sida la hubo ragan shaqaalaha ahi waxa ay galeen (jaamacadii Al Azhar, Istanbuul, Najaf iyo Karbala) waxaan aan furi doonaa iskoolaad iyo macaahid lagu liidayo xiriirka kadhexeeya culumada iyo dadweynaha waxaan ku tarbiyadeen doonaa caruur cadaw ku ah muslimiinta waxaanu u aqrin doonaa caruurta muslimiinta in ay ahaayeen awoowayaashoodii kuwo juhalo ah.

Waxaa kale oo aan ku tar biydeen doonaa caruurta in aay nacaan culumadooda iyo madaxdooda sidoo kale in aan u sheegna xumaantooda iyo inay ku mashquuleen mac macaansiga gabdha iyo aduunyada in aay leexsadeen hantida shacabka.

13- Waxaa suuroowda in lafaafiyo in Islaamku yasay dumarka miyeeysan qur’aanku ku jirin (Ragu ayagaa haya talada dumarka) Ayada Nisaa/34 iyo miyuusan xadiisku dhihin (Dumarku Waa Shar)38

14- Wasakhda iyo qurunku waxay ka dhashaan biyo yarida waa in lagu dadaalaa in laga hor istaago Islaamka biyo badan, dardaarankii ee uu ku qoray kitaabkiisa kuna saabsanaa qodobadii waa waynaa ee uu qariyay waxa ay ahaayeen:

  1. In lasoonooleeyo qabyaaladii iyo gobalaaysigii iyo wixii la mida, sidoo kale waxa uu dardaarmay in muslimiinta niydooda lagu soo jeediyo xadaarooyikii hore, geesiyyashii hore iyo shakhsiyaadkii caan baxay ee Islaamka ka horeeyay sida in lasoo nooleeyo taariikhdii faraacinada Masar majuusiyiintii Iraan Baabiliyiintii Ciraaq iyo kuwa kale oo badan oo ku saabsan xadaaradihii hore sida Atila iyo Jengiz [bahalnimadooda] [waxaa jira kitaab laga sameeyey liis hore].
  2. In lafaafiyo afartii arrimood oo ay kala ahaayen khamriga, qamaarka, zinnada iyo hilibka doofaarka iyo [in lasameeyo naadiyaal sporti ah si muuqato iyo si qarsoon in loo faafiyo arrimahaas], sidoo kale kitaabka waxa uu dardaarmayaa in lajoogteeyo xiriirka iskaalmeysiga ka dheexeeya Yahuuda, Nasaarada, Majuusiyiinta iyo Saabi’ada ku waasoo ka shaqeynaya arrimahaas, wasaarada gumaysiga waxa ay siisa mushaar aad ufara badan qofkasta oo ka mid ah jawasiistaas oo ka shaqeeya arrintaasi.

Sidaa darted in la sameeyo xisbiyo siyaasadeed iyo naadiyaal isporti ah, xisbiyada siyaasada iyo naadiyaasha ciyaaraha haddii ay akhrin lahaayeen diinta waqti ay isku dagaalaan ma heli lahayn, taasina waxa ay keeneysaa in midkiin uu kan kale ku daawaco jornaalka, Jornaalada waxa ay arimahaas ka helaan lacago badan, qofka lagu arko magaciisa jornalka waxa uu noqonayaa mid geesi ah. Arintaan diinta Islaamka iyo axkaamta way ka soo horjeedaa.

Aadaabta diinta way ka baaba’eysaa qofka sameeyo arintaa, meelahaan lagu sameeyo ciyaaraha, lagdinta waxa ay keeni karaan wax aan ku habooneyn diinta maxaa yeelay waxaa isugu yimaado wiilasha iyo gabdhaha taas oo keeni karto in ay ka dhashaan wax yaabo xun. Arintaan waxa ay bur burineysaa Islaamka.Waxaan sameyneynaa masaajidyo badan, masajidada waxaan u sameyneynaa si dad wax loogu sheego, waxaan sameyneynaa music Islaami ah, qalab la isticmaalo, heeso Islaami ah iyo radiyo ayaan ku qabaneynaa masaajida. Misaajidyada waxaan u isticmaaleynaa sida dabin kale si dadka wax loogu sheego.dadka aada masaajidka iyo naagaha xijaabaniyo kuwa dawlada u shaqeeyo, jasuusiinta ayaa waxa ay ka qoraan war bixin, naagaha xijaaban si shaqada looga ceyriyo, dadka diinta ay ka muuqato ee dhigta jaamacada ma qaataan kuwa helana waxaa lagu dhiba in ay helaan shahaadadooda.Xogayaha waxa uu si qarsoodi ah ula socdaa arintaan, Nejli Muxamed ma sheegin ama kuma adkeenin arintaan.

Waxyaabihii aan ka qorey waxaan ku wareejiye maxkamada kontan sano ka hor in aan la furin ayaa laygula dardaarmey. [Dhismahaan sida masaajidka manaradiisa oo kale ma’ahan.Mesha shanta waqti lagu tukado maalin walba ayaa loo yaqanaa masaajid.salada kadib iyo ka horba wacdiga waa banaanyahay.Wacdiga waa caqiidada ahlusunada muslimiinta ah, mid ka mid ah ahlusunada muslimiinta ayaa u akhriyey kitaab isaga oo fiirinaayo dadka waxa uu u sheegey in ay xifdiyaan kitaabka.Kuwa aan madhabka lahayn sida jaasuuska Ingiriiska kuwaas in loo wacdiyo ama lala hadlo ma’ahan.Masaajida in lagula shiro iyo in lagu wacdiyo ma banaano.Waxa walba oo ay sheegaan waxa ay kala soo baxaan kitaabka qu’raanka kariimka iyo sunada].

  1. In la joogteeyo shaki galinta arrinta jihaadka iyo in uu ahaa jihaadka mid waqtiyeesan uuna dhamaaday waqtigiisii.
  2. In laga saro fikrad ah in ay najaaso yihiin gaalada nufuusta Shiicada iyo in loo cadeeyo in uu Allahu Tacaalaa qur’ankiisa ku yiri (Cunnada ahlukitaabka waa idiin xalaal cuntadiinuna waa u xalaal)Almaa’id/5, sidoo kale nabiga xaasaskiisa waxaa ka mid ahayd gabar Yahuudiyad ah magaceeduna yahay (Safiya Binyu Xuyay) iyo xaaskale oo iyaduna Nasaaro ahayd oo lagu magacaabo (Mariya) mana suroobayso in layirhdo nabiga xaasaskiisa ayaa najaaso ah 39
  3. waa in ay muslimiintu rumeeyaan erayga Islaamka uusan ku koob nayn diintooda, qur’aanka waxa uu ku magacaabay diimaha oo idil dadka haysta in ay muslimiin yihiin maxaa yeelay Allahu Tacaalaa ayaa qur’aankiisa ku yiri: (allow igu dil islaamnim)Yuusuf/ 101 marka uu qur’aanku ka hadlayo nabi ibraahim iyo nabi ismaaciil waxa uu yiri: (Allahayow anaga iyo caruurteenaba dad muslimiin ah nagadhig) Al-baqra /128. Nabi Yacquub caruurtiisa wuxuu ku yiri (Hadhimanina Adinkoo Muslimiin Ahayn ) Al-baqra/ 132 40
  4. Sideebay nooga xarrimayaan Kaniisadaha Nabiga iyo Khulafadu ma aysan duminin Kaniisadaha, balse waa ay xurmeeyeen Allahu Tacaalaa qur’aankiisa waxa uu ku yiri (Allahu Tacaalaa hadii uu san dadka qaarkood qaarka kale ku celin lahayn waaxaa ladumin lahaa dhamaan goobaha cibaadada) Al-xaj/40.
    1. waxa habboon in la ihaaneeyo xiriirka ka dhexeeya muslimiinta iyo diintooda Islaamka in lagu soo daro caqiidadooda Bidcooyin iyo in lagu tuhmo islaamku in uu yahay Diin dib u dhac ah iyo Diin fawdo ah sidaa darteed waxaa dib u dhacay wadamadii Islaamka waxaana ku batay dhexdooda dhacca iyo boobka xaaladda [waxa ay ahaayeen in ay aas aaseen dawlado waa wayn mar kasta oo xiriirkoodu daciifo waa ay yaraanayeen].Waxaa waajiba in la shakki galiyo xadiiska oranaya (Yahuuda ka saara Jaziiradda Carabta) iyo xadiiska kale oo oronaya (Labo diimood kuma wada jiri karaan Jaziiradda Carabta) hadii Xadiisku saxiix ahaan lahaa Nabigu ma guursanlahayn Yahuudiyad iyo Nasraaniyad, mana la xaajoon Nabigu Nasaaro iyo reer Najraan.41
      1. Waxaa waajib ah in la bur buriyo salaadaha lagu tukado jameecada iyadoo loo muujinayo in iimaamku uu fasahaaday iyo in la muujiyo xumaantiisa sidii kalena laga dhex abuuro cadaawad iimaamka iyo jameecada.
        1. Waa in lagu qasbo haweeneydu in ay kasoo baxdo gurigeeda iyadoo xujjo looga dhigayo in xijaabku yahay caadooyinkii Cabaasiyiinta, aysan ahay amar Islaami ah gabi ahaanba,sidaa darteed dadku waxa ay ahaayeen kuwo arka haweenkii Nabiga, dumarkuna waxa ay ka qayb qaadanjireen arrimo kasta.Kadib markay kasoo baxdo haweyneydu gurigeeda waxa lagama maarmaan ah in ay dhallinyaradu ku kadsoomaan gabdhahaas si uu uga dhaco fasaad dhexdooda.Arrintaasina waa saamayn aad u xeel dheer ee tir tirida Islaamka. Marka ugu horaysa waa in ay ka soo baxaan dumarka aan muslimiinta ahayn cabaayadaha ay ku asturanyihiin si ay ugu daydaan dumarka muslimiinta ah.43Waxaa habboon in lakala geeyo aabbaha iyo ubadkiisa si ay caruurto uga baxaan tarbiyada diiniga ah ee aabayaashoodii ku tarbiyeeyeen sidaa darteed waxy ahaan doontaa tarbiyadoodu mid ku jirta gacanteena, hadii ay gacanteena soo gashana waxaa ka tir tirmaysaa caqiidadooda iyo in aan ka goyno culimadooda.
      2. waxaa waajib ah in qabuuraha la bur buriyo iyadoo xujo looga dhigayo in aysan jirin xilligii Nabiga(Calayhi Salaatu Wassalaam )iyo in ay tahay bidco sidoo kale waa in dadka laga leexiyo in ay booqdaan qubuuraha iyadoo lagu shaki galinayo sida tan: qubuurtani in ay ku jiraan Nabiga iyo Imaamadii wanaag sanaa.Nabiga waxa lagu aasay meel udhaw qabria hooyadii, Abuubakar iyo Cumar waxa lagu aasay Baqiic, Cusmaan lama yaqaano mesha uu qabrigiisu ku yaalo, Xuseen madaxiisu waxa uu ku aasan yahay Xanaanee, jirkiisa kalane lama yaqaano meesha uu ku aasan yahay sidaas oo kale waa in lagu sameeyaa qubaaraha kale ee ay qadariyaan muslimiintu.
      3. Waa in la ciriiriyaa hay’adaha khayriga ah waa in arimahooda la galiyaa gacanta dawladda si uusan qofku xaq ugu yeelan in uu dhiso masaajidyo, iskuulo iyo wixii la mida sida sadaqada jaariyada ah.
      4. Waxaa waajiba in aan la ogolaanin faafidda Islaamka, waa in la faafiyaa oraahda dhahaysa in uu Islaamku uu khaas ku yahay carabta sidaa darteed Allahu Tacaalaa qur’aanka waxa uu ku yiri: (Quraanku Sharaf buu u yahay adiga iyo qoomkaaga) Zukhruf/44Waa in labur buriyaa meelaha ay qadariyaan shiicada laguna tuhmaa in ay taha bidco xun iyo baadinimo mana aysan jirin xiligii nabiga.Xabaalaha baqiicna waa in laburburiyaa oo dhulka lala simaa nabiga ehelkiisa waa in laduraa oona lashaki galiyaa ku nasab sheegashada ay nabigu ku nasab sheeganayaan waa in loo xiraa dadka aan ahayn ehelka nabiga cimaamado madoow iyo cimaamado cagaaran sidii ay isugu ekaadaan ayaga iyo ahlu baydka nabiga sidaasna ay noga shakiyaan ayna umala xumeeyaan ahlubaydka nabiga nasabkooda. Sidoo kale waa in laga siibaa cimaamadaha raga diinta madaxyadooda iyo Asharafta si uu ulumo nasabka ahlu baydka nabiga, raga diintuna Kamahelayaan dadka wax ixtiraam ah.
        1. waa in loo diido in ay muslimiintu tarmaan iyada oo loo xadidayo dhalmada isla markaana aan loo ogolaan in uu ninku uusan guursan karin wax ka badan hal naag ah iyo in lagu adkeeyo guurka sida in uusan xaq ulahayn ninka carabka ahi in uu guursado gabar Iranah iyo sidaa lidkeed, sidoo kale waa inuusan guursan gabar Carabiyad ah.Waa in loo sheegaa laguna qasbaa in ay mus limiintu ay yihiin kuwo xor ah qofkastana in uu xor uyahay in uu sameen karo waxa uu rabo aysan waa jib ahayn in la is amro wanaaga lana iska reebo xumaanta iyo in aysan baranin arkaanta Islaamka waana in laga dhaadhiciyaa (in nabi Ciise Calayhı Salaam uu haystay diin gooniya nabi Muusana uu haystay diin gooni ah), wanaaga in la is amro layskana reebo xumaanta waxa ay gaar ku tahay madax iyo salaadiinta aysan dadka oo idil u banaanyn.[Islaamka in la barto dadkana la baro waa qasab, waana shaqada ugu horeyso ee qofka muslimka ah].
        2. Waa in shaki lagaliyaa lanabadalaa waxna lagu daraa qur’aanka lana faafiyaa musxafyo quraan oo been abuur ah oo wax lagu daray waxna laga dhimay ayadoo ladaliilsanayo nabiguba wuu ku darijiray wuuna kadhimijiray, waa in laga saaraa aayadaha xaqiraya Yahuuda, Nasaarada iyo gaalada kale, iyo aayadaha ka hadlaya jihaadka iyo macruufka oo la’isfaro45 Qu’raanka waa in loo turjimaa luqadaha kala duwan oo dadka laga celiyaa akhrinta Qu’aaka carabigaa. Sidoo kale waa in laga joojiyaa aadaanka, ducada iyo salaada carabigaa dalalka aan carabta ahayn.waa in axaadiista nabiga lashaki galiyaa oo sida qur’aanka loo khaldaa oo laturjumaan lana duraa.Aad baan uga helay kitaabkaan waxaana layiraahdaa (sidee baan ku burburinaa islaamka ) waxa uu igu yiri xoghayihii markii aan usoo celiyay kitaabkii aan u muujiyay la yaabka kitaabka “ ogow in arrintan ay ku koobneyn adiga balse ay jiraan ciidama ugaar ah howshan oo kale ciidamada ay diyaarisay wasaaradu ilaa iyo hada oo shaqadan loo diyaariyay waxa ay ka badan yihiin shan kun oo qof waxa ayna ka fikiraysaa in ay kor dhiso tiradooda ayana gaarsiiso (boqol kun) boqol kun.Maalintii ay gaarto tiradaasi boqol kun waa maalinta aan la wareegi doono muslimiinta oo dhan iyo wadamada Islaamka waxaan u burburinaynaa burburin aad u ba’an, kadibna waxa uu raaciyay xoghayihii isaga oo dhahaya waxa aan kuugu bishaaraynaa waqtiga ugufog oo ay u baahantahy wasaaradu si’ay udhamayso qorshahan waa muddo halqarni ah, hadii aanan gaarin waqtigaas caruurteena ayaa arki doonta maxaa yeelay maxaa ka wanaag badan oraahdii dhahaysay (waxaa beeray dadkale waana cunnay aniguna waan beeraynaa si dadkale ay ucunaan), hadii uu hanto Ingirisku burburinta Islaamka iyo dhaca wadamadooda waxa uu raaligaliyay Kirishtaanka waxa uuna badbaadiyay halaagii socday 12 qarnni.

    Waxa uu yiri fa’ido ma aysan soo kordhin dagaaldii ay ku qaadeen Saliibiyiintu wadamada Islaamka sida ciidankii Mongoliyiinta ee uu hogaaminayay Jingis ee weeraray Islaamka. Waxa uu ahaa mid aan wax xikmad ah iyo diyaar garow midna aan ku dhisnayn, laakiinse hada madaxdeenu waxa ay ujeesatay in ay ka fikiraan sidii ay uburburin lahaayeen Islaamka oona looga burburin lahaa xagga gudaha.

    Qorshayaal xeel dheer iyo sabir dheer iyo dhameystir wanaagsan, waxa aan u baahanahay go’aan millatari ugu danbayn markaas oo ay noqonayso burburinta Islaamka ilaa ay ka noqdaan kuwa aan isku keeni karin awoodoodii kadibna waxa uu yiri xoghayihii madaxdeen Istanbuul joogta kuwa ugu waaween xaga xikmada iyo howlkarnimada waxa ay sameeyeen isla qorshahaan oo kale waxaa ayna dhex gal ku sameeyeen ummada Muxamadiyada waxa ayna fureen iskoolo lagu tarbiyeeyo caruurtooda, waxa kale oo ay dhiseen Kaniisado waxa ayna ku faafiyeen dhexdooda khamriga, qamarka iyo xumaha.

    Waxa ay dhiseen kooxo kubadda cagta si’ay uga mashquuliyaan dhalinyarada muslimiinta ahi diintoodii waxa ayna isku direen madaxda iyo shacabka sidoo kale guryaha salaadiinta iyo maamulada waxa ay ka buuxiyeen gabdho Masiixiyiin ah si ay u fitneyaan darteed iyo si’ay u daciifto midnimadooda, isku duubnitooda. Waxaa xididahii Islaamka laga siibay wadankaasi. Allahu Tacaalaa qur’aankiisu kariimka waxa uu ku leeyahay (waxaad arkaysaa dadka ugu neceb islaamka in ay yihin yuhuuda iyo mushrikiinta, waxaana ugu dhaw dhanka jacaylka Nasaarada waayoo waxaa ku jira Baadariyaal iyo Culimo aanan kibrayn) Al-ma’ida:86

    Nasaarada maanta joogta dhamaantood waa gaalo diididda ay diideen darteed Nabi Muxamed (Calayhi Salaatu Wassalaam) intooda badani waa Kirishtaamiin dhihida ay dhaheen darteed nabi CiiseCalayhiSalaam waa Allahu Tacaalaa wiilkiisa. Maktabadeena (Maktabatu Al Xaqiiqa) ee Istanbuul ayaa udirtay jawaabihii dunida oo idil iyadoo oo ku qortay kutubka magaciisu yahay (Al-Akaadiib Al-jadiidah Al-khuraasaaniyah).

    Waa in laga leexiyo muslimiinta cibaadadooda laguna shakki galiyo faa’iidadeeda42, in uu Allahu Tacaalaa ka deeqtoon yahay dadka cibaadadooda.Waxaana waajiba in loo diido Xajka iyo in ay kulmaan dhexdooda sida (salaadaha, jimcooyinka), sidoo kale waa in aad loogu diidaa in ay dhisaan masaajid, qubuuraha, iskoolo iyo in ay cammiraan Kacbada.Waxaa waajib ah in la shaki galiyo Shiicada siismada ay siinayaan shan meeloodoow meel qaniimada ay siinayaan shaqaalahooda shan meeloodoow meel waxa uu khaas ku yahay Qaniimada ee wax xiriira lama laha ganacsiga, waxaa shan meeloodoow meel loo waajibiyay Nabiga ama Madaxwaynaha sida ay culimadu tilmaameen xoolaha dadka, guryaha, qasriyada iyo beeraha inaysan ubaahnaan in laga bixiyo shan meeloodoow meel.

Fikirkaada Waa Muhiim