Halkaan hoose ayaad ka heli kartaa dhammaan qaybaha buugga oo dhammeystiran: 

http://www.tukesomalism.com/archives/author/buugga2019


Aayadii aan soo marnay waxa ay oranaysaa in lala jihaado gaalada iyo munaafiqiinta lama cadaynin qaabka uu jihaadku yahay, jihaadka gaalada lalagalaa waa dagaal, jihaadka munaafiqiinta lalagalaana waa wacdi iyo nasteexeeyn] Muxamed Cabdi Wahaab — waxa uu yiri nabigu carrabka ayuu kala jihaaday munaafiqiinta. — Waxaan ku iri hadaba in carrabka laga dagaalamo ayaa faral ah ee dagaalka tooska ahi faral ma’ahan waxa uu yiri — Nabigu gaalada waa uu ladagaalamay, waxaan ku iri waxa ku kalifay nabiga naftiisa ayuu difaacayey markii ay gaaladu damceen in ay dilaan, Muxamed Cabdi Wahaab madaxa ayuu ruxay oo waxa uu garowsaday hadalkeygii mar baan waxa aan ku iri — ku raaxaysiga dumarka (Mutcada) waa ay banaan tahay11 waxa uu yiri — maya ma banaana waxan iri Allahu Tacaalaa waxa uu yiri (Naagaha Hadaad Kuraaxaysataan Siiya Uujuuradooda) Suuratu Nisaa/24, Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri — raaxaysiga waxaa xarimay Cumar Binu Khadaab waxa uuna yiri waxa uu ku yiri mawaxaad leedahay aniga ayaa ka cilmi badan Cumar? Mida kale — Sayıd Cumar waa xarimay rasuulkuna waa xalaaleeyay12 maxaad uga tagaysaa ra’yiga qur’aanka iyo ra’yiga rasuulka oo aad uqaadanaysaa ra’yoga Cumar waa uu aamusay.

[11] Nikaaxa mutcadu wuxuu shabahaa ama u eg yahay xiriirada saaxiibtinimo ee raga iyo dumarka aduunka ka dhexeeya ee aan sharciga ku dhisnayn wuxuu ku banan yahay shicada mad habkooda.

Markii aan arkay in aamusitaankiisu ay daliil utahay qancitaan, waxa aan kiciyay shahwadiisa maxaa yeelay waxa ahaa doob, waxa aan ku iri ma uraaxaynaa nafteena ama naag ma meher xadnaa madaxa ayuu ruxay arrintaa ayaan kaga fa’iidaystay ballan ayaan u qabtay si’ aan ugu keeno gabar uu ku raaxaysto waxa aan ku ballan arinntaas in aysan ogaan cid aan labadeyna ahayn magaciisa aanan usheegi doonin naagta aan u keeni doono.

Waan baxay si degdeg ah waxa aan u tagay naago Kiristaan ah oo kasocda wasaarada gumaysiga loona soo diray in dhalinyarda muslimiinta ah ay fasahaadiyaan waxa aan ugu sheekeeyay sheekadii nadhexmartay aniga iyo Muxamed Cabdu Wahaab waxa aan u bixiyay gabadhii Safiyo waa aan balamiyay maalintii aan ballanay ayaa waxa aan ka xeeyay Muxamed Cabdi Wahaab waxa aan geeyay gurigii ay gabadhu joogtay waxa aan ugu tagnay iyada oo kaligeed ah waxa aan ku dhawaaqnay iniga iyo Muxamed siiqadii guurka oo ku kooban todobo bari, gabadhaa meherkeedu waxa uu ahaa lacag dahaba ah anigu banaanka ayaan ubaxay Safiyana gudaha ayey ku hartay waxa aan isku dayeynaa sidii aan u khiyaani lahayn Muxamed Cabdi Wahaab, kadib marki ay hanatay Muxamed Cabdi Wahaab oo ay dhadhan siisay macaanka shahwada si khilaafsan shareecda Islaamka oo aan aragnay in uu ra’yigiisu ka madax banaan yahay ra’yiga Islaamka waxa aan uqabtay sheeko dheer si’aan uga dhaadhiciyo khamradu in aysan xaaram ahayn markasta oo u soo daliilsado aayada ama xadiis waxa aan uleexinaay dhankale ugu danbeyntii waxa aan ku iri khamriga waxaa cabi jiray Yazıd Binu Mucaawiya iyo khilaafadii Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta suuragal ma tahay ku waas dhamaantood in ay baadi ku sugan yihiin adiguna aad xaq ku sugan tahay waxa aan shaki ku jirin inay ahaayeen kuwa aad u fahansan kitaabka Allahu Tacaalaa iyo sunnada sidaa darteed khamriga waxa ay ka fahansanaayeen in ay tahay karaahiyo kitaabada Yahuuda iyo Nasaarada waxaa ku qoran in khamradu ay xalaaltahay hadaba suuragal matahay khamrada in ay diina ay xalaaleyso diina xaarameyso diimaha dhamaantood ay alle xagiisa ay ka ahaadeen.

Kuwa sheegaya in Cumar uu cabbi jiray khamriga ilaa ay kasoo dagtay (Khamrada Miyeydan Kareebtoomeyn?), khamradu hadii ay ahaan lahayd xaaraan Rasuulku Cumar waa uu ciqaabilahaa maa daama aan la ciqaabin Cumar khamrigu waa xalaal, [Si kastaba ha ahaatee Cumar waxaa ahaa mid khamriga cabba intaan la xariminin khamriga, markii la xarrimayna dib danbe ma uusan u cabbin waxaase khamriga cabbijiray qayb kamid ah madaxda Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxa ayna ahaayeen kuwa faasiqiin ah oo ku xad gubay sharciga Islaamka aayada uu sheegay jaajuusku iyo aayado kale iyo axaadiisba waxa ay cadaynayaan khamriga in uu yahay xaaraam kitaabka (riyaadu naasixiin) waxaa lagu sheegay khmrigu inuusan banaanyn bilowgii Islaamka, waxa cabbi jiray sayid Cumar, Sacad Binu Abii Waqaas iyo qayb asxaabta ka mid ah kadib waxaa soo degtay aayada 219 ee ka mida suuradda Albaqra aayadaan waxa ay cadaynaysaa khamriga oo la cabaa in ay tahay danbi wayn muddo kadib waxaa soo dagtay aayada (hau dhawaanina salaada idinkoo sakhraansan) suratu nisaa/42, ugu danbayntii khamrada waxaa lagu xarrimay aayadda 93 ee ka mida suurtu (Al maa’ida) iyo xadiiskii nabigeena (Calayhi Salaatu Wassaalm) oo ahaa:(Qofkii cabaa khamriga hala fariisanina haku tukanina hadii uudhinto hana u guurinina )(Qofkii khamriga caba waxa lamidyahay qofka caabudaya sanamka), (Ilahay Ha Nacdalo Khamrada Iyo Kan Caba Kan Waraabiya Kangada Kan Gata Kan Sameeya Kan Loosameeya Kan Xamaala Iyo Kan Looxamaalo Iyo Kan Lacagteeda Cunaba ) (Khamrada Qofkii Caba Waxaa Uu Lamid Yahay Qof Caabuda Sanamka] [Khamradu Waxay Kamidtahay Denbiyada Waaweyn Kuwa Ugu Waaweeyn Waana Hooyada Xumaanta)(Shayga Kiisa Badan Lagu Sakhraamayo Kiisa Yarna Waa Xaaraan)].

[12] warkaas oo kale lagama soo warin Sayid Cumar, jaajuuska ingiriiskuse wuu ka been abuurayaa cadaawada uu u qabo awgeed. Waxaa ku qoran kitaabka layiraahdo (alxujajalqadciyah) wuxuu yiri Sayid Cumar “raliya lahu canhu” “nabigu wuu xarimay nikaaxa mutcada ruqsadna ma siinayo wax uu nabigu manciyey” asxaaabtuna way ku tageereen waxayna ku garab istageen oraahdii khaliifka rasuulka waxaana kamid ahaa asxaabtaas Sayidinaa Cali iyagoo dhan Alle haka raali noqdee.

Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri Cumar binu Khadaab waxa uu isku dari jiray khamri iyo biyo kadibna waa uu cabi jiray waxa uuna dhihi jiray hadii aysan kuwaalineyn xaraan ma’ahan hadalkiisii buu sii watay waxa uu yiri Cumar waxa uu ahaa mid kusaxan arintaa maxaayeelay qur’aanka kariimka ah waxa uu leeyahay:

(Shaydaanku Waxaa Uu Doonayaa Inuu Dhexdiina Rido Cadaawad Iyo Caro Markaad Khamrada Cabtaan Ama Aad Khamaartaan Waxaa Uu Idinka Jeedinayaa Xuska Alle Iyo Salaadda) Suuratu Maaida/91, marka khamradu xaaraam ma’aha hadii aysan ku maan doorinayn13, Safiyo waxa ay u sheegtay wixii dhacay waxay sugtay inuu cabay khamro adag waa ayna saameysay ka dibna waxay usheegtay in uu cabey khamri badan iyo in uu ugalmooday sidaa baa kula wareegnay iniga iyo Safiyo sheekhii.

Maxaa ka wanaag badnaa kalimadii dahabiga ahayd ee uu yiri xoghayihii (waxa aan uga soo ceshanay Isbayn gaaladii oo uu la jeedo muslimiinta khamri, zinno iyo xumaan) aan isku dayno sidii aan uga soo ceshan lahayn wadamada kale anaga oo u isticmaalayno khamriga iyo zinada. Markaa waxa aan kala hadlay arimaha soonka waxaan ku iri qur’aanka waxa uu leeyahay (Inaad Soontaanbaa Idiinkhayr Badan) Baqar/184, mana dhihin soonku wajib buu idinkku yahay sidaa darteed soonku waa sunne ee waajib ma’ahan laakiin fikradii waa uu kasoo horjeestay shiikhii waxaana uu yiri (mawaxaad doonaysaa in aad iga saarto diintayda) waxan ku iri wahaabiyaw diintu waxa ay tahay in uu qalbiga saafi yahay iyo naf wanaagsan iyo dadka kale inaan lagu xadgudbin miyuusan nabigu dhihin (Diintu Waa Jacayl) Miyuusan Allahu Tacaalaa qur’aankiisa ku dhihin (Rabigaa Caabud Inta Aad Yaqiin Kaheleyso) Suuratulxijri/9914

Markale waxa aan ku iri salaadu waajib ma’ahan waxa uu yiri sideebaa u dheheysaa miyuusan illaahay oran (salaada u ooga xuska eebe awgiis) Dhaha/14 in Allahu Tacaalaa la xuso marka waxa ku haboon in aad Allahu Tacaalaa xusto adiga oo ku badal qaadanaaya tukashada salaada waxa uu yiri wahaabigu dadka qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa Allahu Tacaalaa xuso waqtiyada salaada iyaga oo ku badalanaaya tukashada salaada15 waan ku farxay hadalkiisa, waxa aan guda galay ra’yigiisa in aan ku celcelinayo ilaa aan ka hantay qalbigiisa, intaa ka dib waxa aan ogaaday in uu noqday mid aan daneyn salaada waxa uu ahaa mid tukada salaada marna ma tukanayn gaar ahaan salaada subax ma ahayn mid tukada inta badadan markaa oo aan ahaa mid lasoojeeda inta badan xilliyada habeenkii ilaa saqda dhexe waxa ahaa mid aan ukici karin salaada subax markaa waxa aan guda galay in aan ka soo saaro si fudud iimaanka marbaan waxa aan doonay in aan kala doodo arrimaha ku saabsan Nabiga (Calayhi Salaatu Wassalaam) waxa uu igu yiri hadii aad ka hadasho arinkaa waxa go’aya xiriirka inoo dhexeeya waxa aan ka baqay in uu hadlay arimaha soonka waxaan ku iri qur’aanka waxa uu leeyahay (Inaad Soontaanbaa Idiinkhayr Badan) Baqar/184, mana dhihin soonku wajib buu idinkku yahay sidaa darteed soonku waa sunne ee waajib ma’ahan laakiin fikradii waa uu kasoo horjeestay shiikhii waxaana uu yiri (mawaxaad doonaysaa in aad iga saarto diintayda) waxan ku iri wahaabiyaw diintu waxa ay tahay in uu qalbiga saafi yahay iyo naf wanaagsan iyo dadka kale inaan lagu xadgudbin miyuusan nabigu dhihin (Diintu Waa Jacayl) Miyuusan Allahu Tacaalaa qur’aankiisa ku dhihin (Rabigaa Caabud Inta Aad Yaqiin Kaheleyso) Suuratulxijri/9914

[13] Arintu waxay tahay in uu nabigu yiri (wax kasta oo maanka dooriya waa xaaran wixii badnaantoodu ay maanka doorisaa yaraantoodu waa xaaran)

Markale waxa aan ku iri salaadu waajib ma’ahan waxa uu yiri sideebaa u dheheysaa miyuusan illaahay oran (salaada u ooga xuska eebe awgiis) Dhaha/14 in Allahu Tacaalaa la xuso marka waxa ku haboon in aad Allahu Tacaalaa xusto adiga oo ku badal qaadanaaya tukashada salaada waxa uu yiri wahaabigu dadka qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa Allahu Tacaalaa xuso waqtiyada salaada iyaga oo ku badalanaaya tukashada salaada15 waan ku farxay hadalkiisa, waxa aan guda galay ra’yigiisa in aan ku celcelinayo ilaa aan ka hantay qalbigiisa, intaa ka dib waxa aan ogaaday in uu noqday mid aan daneyn salaada waxa uu ahaa mid tukada salaada marna ma tukanayn gaar ahaan salaada subax ma ahayn mid tukada inta badadan markaa oo aan ahaa mid lasoojeeda inta badan xilliyada habeenkii ilaa saqda dhexe waxa ahaa mid aan ukici karin salaada subax markaa waxa aan guda galay in aan ka soo saaro si fudud iimaanka marbaan waxa aan doonay in aan kala doodo arrimaha ku saabsan Nabiga (Calayhi Salaatu Wassalaam) waxa uu igu yiri hadii aad ka hadasho arinkaa waxa go’aya xiriirka inoo dhexeeya waxa aan ka baqay in uu burburo xiriirkii aan soo dhisayay ka dibna waan iska xiray hadalka ku saabsan nabiga, kadibna waxa aan guda galay si maskaxeysan in uu yahay nafsad ahaantiisa mid noqon karo dariiqo sadexaad aanan ahayn sunni iyo shiico, waxa uu ahaa mid iga ajiiba arrrinkaa maxaa yeelay waxa ka buuxa jeceylka uu qabay Safiya maxaa yeelay Safiya waxa ay ahayd shiikha qalbigiisa maalin baa waxan ku iri Shiikha ku iri marunbaa in uu nabigu ka dhigay saxaabadiisa kuwa karaama badan oo uu walaaleeyay qaarkood waxaa uu yiri haa waxaan ku iri sharciyayda Islaamka ma mid waqtiyeesanbaa mise waa mid joogta ah waxa uu yiri waa mid joogta ah maxaa yeelay nabiga ayaa waxa uu yiri: (Wixii Nebigu Xalaalteeyo Waa Xalaal Ilaa Yoomal Qiyamo, Wixii Xaarantimeeyana Waa Xaaraan Ilaa Qiyaamaha).

[14] Kutubta islaamka oo dhan waxay oranaysaa yaqiinta ay ayadu sheegaysaa waa geerida macnuhuna wuxuu noqonayaa rabbi caabud ilaa aad ka dhimatid)
[15] Nabigeena (calayhı salaatu wassalaam) wuxuu yiri ( salaadu waa tiirka diinta qofkii oogaa dhab ahaantii diintuu ogay, qofkii ka tagaana wuxuu dumiyey diinta) ( utukada sida aad aragtaan anigoo u tukanaaya) salaada oo aan loo ogin qaabka nabiga waa dambi wayn, in loo oogaana waxay calamad u tahay daahirnimada qalbiga.

Waxaan aan ku iri aan walaalowna aniga iyo adiga, waan walaalownay waxa aan ahaa mid rajaynaya in timado geedkii aan abuuray miraheeda, mirahaasoo aan ku bixiyay xilligii dhalin yaranimadeyda oo dhan waxa aan bilwaliba u gudbin jiray wasaarad warbixinta iyo hadba meesha ay xaaladu marayso laga soo bilaaba markii aan kasoo baxay landan wasaaradana waa ay iisoo jawaabi jirtay iyda oo igu dhiira galinaysa howlaha aan wado Muxamed Cabdi Wahaaba waxa ahaa mid ku socda wadadii aan ku jeexay ujeedadeyada waxa ay ahayd in aan ku barbaariyo xoriyad iyo madax bdanaani iyo jawi shaki ku dhisan marwaliba waxa aan ugu bishaarayn jiray mustaqbal wanaagsan waxa aan ku aamini jiray baraarugsanaan iyo kalsooni marmarka qaarkood waxa aan u sheegi jiray riyo been ah waxa aan ku iri waxa aan xalay riyo ku arkay: (Rasuulka illaahay isaga oo kursi ku fadhiya dad culima ah ayaa hareerihiisa fadhiayay balse ruux kama garanayn kadib adiga ayaa soo galay nabiga ayaa kuu istaagay asagoo ku waynaynaya labada indhood dhexdooda ayuu kaa dhunkaday waxa uu kugu yiri adiga isku magac ayaan nahay jismigayga ayaa dhex gashay booskeyga ayaa taagantahay xagga maamulka,arrimaha diinta iyo aduunyada waxa aad tiri Allahu Tacaalaa rasuul kiisiyaw waxa aan kaa codsanayaa in ay dadku qaataan cilmigaaga rasuulku waxa uu kugu yiri habaqin), adiga ayaa cidwaliba kasareeya ma waxa aad ii sheegaysid aniguna waxa aan ugu jawaabay haa waa run ee habeensan warkeyga ilaa ay arintaas ka dhaadhacday waxa aan umalaynayaa in uu go’aansaday laga bilaabo maalintaas ayada ah in uu is muujiiyo oo dhidabada utaago madhab cusub iyo firqo cusub16. Isla maalmahaas ayaa amaro waxa ay iga imaadeen magaalada landan in aan aado magaalada (Karbala) iyo (najaf) oo ahaa xarumaha muslimiinta shiicada ah waxa aan ahaa mid ku qasban in aan kala tagno aniga iyo Muxamed Cabdi Wahaab iyo in aan fara galiyo magaalada Basra in kasto oo aad ugu faraxsanaa sida aan ugu guulaysto ninkii dhaqanka xumaa oo jaahilka ahaa in uu aasaaso mustaqbalka firqo oo burburiso Islaamka iyadoo huwan shaarka Islaamka waxa aan u diyaariyay firqadaan caqiidooyin khaldan oo aan sal iyo raad midna ku lahayn Islaamka hadii aan ka hadalno magaalada (Kufa) waxa bilaabatay maalintii la aasay Cali Binu Abii Dhaalib oo ahaa khaliifkii afaraad sida ay aamisan yihiin ahlu sunaha balse Shiicadu waxaay aaminsantahay in yahay khaliifkii kowaad ee muslimiinta, waxa uu ninka lugeeynayaa uu ukala socdaa halsaac.

Magaalada Kufa oo xarun u aheed Khilaafadii Cali, markii ladilay Cali waxaa aasay labadiisii wiil Xasan iyo Xuseen waxa ay ku aaseen duleedka magaalada Kufa oo hada loo yaqaano Najaf, xiligaa ayaa waxaa bilaawday in lamagaaleeyo waxaana bur burtay magaaladii Kufa kadibna waxaa la isugu soo ururay magaalda Najaf waxa isugu yimid culimo badan waxa laga dhisay guryo, suuqaq iyo malcaamado waxa lageen jiray ismaamulka Istanbul in ay taageeraan waxa keenay dhowr waxyaalood:

1- Xukuumada shiicada ah ee ka dhisan Faaris waxa ay taageeri jirtay shiicada degan magaalda Najaf maamulka Khaliifadii Cusmaniyiinta hadii uu soo fara gashado waxa xumaan jiray xiriirka ka dhexeeya labada maamul mararka qaarkood waxa dhex mari jiray dagaalo.

2- Beelaha degan hareeraha magaalda Najaf badankoodu waxa ay taageeri jireen ayna ahaayeen beelo hubeesan in kasto oo aysan uhubeysneyn si heersara ah maamul iyo kala dadnbeyn malahayn is abaabul beeleed mooyee hase ahaatee beelaha iyo Khilaafada waxa dhexmaray dagoolo ba’an oo lagu hoobtay.

3- Shiicda degan Najaf waxa ay saldhig u ahaa yeen dhamaan muslimiinta Shiicada ee ku kala sugan daafaha caalmka sida Shiicada degan Hindiya iyo qaarada Afrika hadii ay xukuumadu fara galiso Shiicada Najaf waxa ka banaan bixi jiray dhamaan Shiicada kala degan dhamaan daafaha caalamka, hadii aan ka hadalno magaalada Karbala waxa ay bilaabatay xilligii uu ku shahiiday Xuseen Binu Cali (Radıyallahu Canhu) oo ahaa Faaduma Binta Rasuulilaah (Calayhi Salaatu Wassalaam), wiilkeeda waxa u yeeray Xuseen Binu Cali(Radiyallahu Canhu) reer Ciraaq in uu kaasoo kasoo kaco Madiina si ay uga dhiktaan madaxwayne markii uu soo gaaray asaga iyo shiikhiisii Karbala waxa ballantii ka baxay reer Ciraaq Yaziid Binu Mucaawiya oo ahaa khaliifkii mu’miniinta oo daganaa wadanka Shaam ayaa waxa uu amar ku bixiyay in lasoo qabto Xuseen Binu Cali, Xuseen Binu Cali waa dagaalamay asaga iyo ehliyadiisii waxa uu la dagaalamay ciidankii Umawiyiinta faraha badnaa Xuseen Binu Cali iyo ehelkiisii waa lalaayay goobtiina waalaga qabsaday waxa dagaalkii ku gacan sareeyay ciidankii Umawiyiinta laga soo bilaaba waqtigaa iyada Shiicadu waxa ay xarun ruuxi ka sameysteen meeshii lagu dilay Xuseen Binu Cali waxa ay sanad kasta uga yimaadan daafaha caalamka waxa ay sameeyeen sanad guurooyin aad uwaaween magaalada Karbala waa magaalo Shiici ah iyada iyo Najaf, waana laba magaalo oo isku tiirsan, markii amar la igu siiyay in aan aado labadaasi magaalo waxa aan ka baxay magaalda Basra waxa aan tagay magaalada Baqdaad, Baqdaad ayaan ka baxay waxa aan tagay Al Xulawaana magalo ku taala wabiga Furaat qarkiisa, Furaat iyo laba wabi oo waaweyn oo kala ah Dijla iyo Furaat waxa ay ka yimaadaan wadaka Turkiga waxa ayna ka soo faafaan wadanka Ciraaq waxa ayna ku shubmaan gacanka Basra waxaana ka faa iidaysta reer Ciraaq.

[16] dhab ahaantiin waxaa lagu dabacay madbacada “ofesti” kitaabka la yiraahdo (alfajru alsaadiq) oo horayna loogu dabacay Masar (1323 hijri) ( 1905 miladi) oo uu alifay ( pro. Jamiil Sidqii Azahaawi ee ka soo jeeda Baqdaad) ee u dhashay Ciraaq markuu ka dhigi jiray caqiidooyinka daarulul funuun ee ku talay istanbuul oo dhintay sanadkii (1354 hijri) (1936 miiladi) wuxuuna oranayaa (waxaa keenay fikrada khaldan ee wahaabiyada Maxamed Cabdi Wahaab sannadkii 1150 hijriga 1737 miiladiga wuxuuna ku aas-aasay mandiqada najdi, wuxuuna dhashay (1111 hijri) (1699 miilaadi) wuxuuna dhintay sannadka (1207 hijri) (1792 miladi) waxaana faafiyey wahaabiyada maxamed binu sucuud oo ahaa amiirkii magaalada “dirciya “ kadib markii uu daadiyey dhiig muslin oo badan waxayna u bixiyeen musliminta aaan wahaabiyada ahayn “mushrikiin” Wahaabiyiinta, Muslimiinta waa dad nacas ah oo aan diin lahayn oo dhibaato badan, (Kiyamet iyo Aakiret) ayaawaqti hore lagu qorey. waxayna yiraahdeen waxay gaalo ahayeen lix boqol oo sano wayna dileen qofkasta oo aan aqbalin diinta wahaabiyada waxayna dhaceen hantidoodii I yagoo ka dhiganayaa qaniimo, nabi muxamedna waxay ku yiraahdeen erayo fool xun oo aan ku habonayn nabigeena (calayhı salaatu wassaalam), waxayna gubeen kutubtii fiqiga iyo axaadiista iyo tafaasiirta, quraankana waxay ku fariseen sida ay la noqoto aragtidooda khaldan, si ay muslimiinta u kadiyaana waxay sheegteen inay haystaan mad habka xanbaliga, arintuse waxay tahay culumada xanbaliyada in badan oo kamid ah way radiyeen wahaabiyada waxayna ku sheggen fasaadkooda kutubtooda dhexdooda waxayna qireen inay ku gaaloobeen xaranta ay xalaalsadeen iyo liidida ay lidayaan nabiyada iyo awliyada Allahu Tacaalaa. diinta wahaabiyada waxaa aas aas u ah tobban qodob 1- In jiritaanka Allahu tacaalaa uu yahay mid maadi ah oo gacmo iyo waji iyo jihooyin leh [caqidadaas waxay ka shabahaan caqidada masiixiga (Aabe, Wiil iyo Ruxul qudus ayey rumeysanyihiin sida wahaabiyiinta oo kale). 2- Qur’aanka waxay ku fasiraan sida ay la noqoto aragtidooda gaarka ah ee khaldan 3- In ay inkiraan asxaabtu waxay sheegeen 4- Inay inkiraan waxay culumadu cadeeyeen 5- In la gaalaysiiyo qofkii haystaa afarta mad hab midkood 6- In la galaysiiyo qof kasta oo aan wahaabi ahayn 7- Shegashada ay sheegteen qof kasta oo nabiga ku tawasula ama owliyada markuu ducaysanayo inuu gaal yahay 8- Xarimida siyarada qabriga nabiga (Calayhı Salaatu Wassalaam) iyo qabuurta awliyada 9- Waxay sheegteen in qofkii alle qayrkiis ku dhaarta inuu gaal yahay 10- Waxay oranayaan qofkii ku u sharda ilahay qayrkiis ama xoolo u qala sadaqa awliyada waa gaal kitaabkaygaan baana ku cadayn doona inay caqidadoodu baadil tahay). Hadii la fiiriyo aas aaskaan tobanka ah ee diinta waahabiyada waxaa ladareemayaa inay yihiin culumadii uu u meeriyey “Hanfari” maxamed cabdi wahaab ingiriiskuna wuxuu u faahiyey qirishooyinka hanfari siduu xayeysiin ugu sameeyo kirishtanka culuumta islaankana uu u qoro qaab khaldan si uu u marin habaabaiyo dhalin yarada msulimiinta ah, anaguse waxaan u faafinaynaa kitaabkaan si aanu u saxno beenaha ay faafiyeen si loogu badbaadiyo hagar damada Ingiriiska.

Labadaas wabi ayey ku waraabsadaan beereaha, dhab ahaantii waxa aan hindisay markii aan ku laabtay Landan in aan wasaarada kula taliyo in ay labadaa wabi ay gooyso si ay ugu suuro gasho in ay Ciraaq si degdeg ah isugu soo dhiibto wasaarada maxaa yeelay hadii lagooyo biyaha labada wabi waxa laga maarmaan ah ay reer Ciraaq in ay wasaarada codsiyaal usoo gudbinayaan si loogu fasaxo biyaha, waxa aan ka tagay magaalada Xilal wax aan tagay magaalada Najaf aniga oo iska dhigaya nin ganacsada ah oo ka mid ah ganacsatada Azerbijaan waxa aan ku biiray wadaado Shiicada, waxa aan qaatay wardigooda waxaan xaadiray kulankooda iyo daruustooda waxa aana ogaaday inaysan ku dadaalayn barashada diinta Islaamka si ay sunniyiintu ugu dadaalaan oo kale ma ahan dad dhaqan wanaagsan qalbigoodana uusan lamid ahayn sida suniyiinta oo kale waxaay ahaayeen dad aad uneceb Cusmaaniyiinta maxaa yeelay waxaay ahaayeen Shiico.

1- Cusmaaniyiintu waxaay ahaayeen Suni, Shiicadu dadka suniga ahina waxaay ku magacaabaan gaalo.

2- Waxaay ahaayeen culumada shiicadu kuwo ku koobay naftooda culuumta diiniga ah sida baaderiyaasheenna, waqtigii casrigii adkaa waxa ay ka tageen culuumtii aduunyada wax yar oo aan ku filnayn mooyaane.

3- Waxa aan ogaaday culimada Shiicada in aysan aqoon dhab ah u lahayn Islaamka hormarka xirfado iyo hormar aqooneed, naftayda ayaan waxa aan kula sheekaystay Shiicadu waa masaakiin, hurudo ayey isaga jiraan aduunyaduna waa ay soo jeedaa mar dhawna daad ayaa qaadidoona.

Waxa aan isku dayey in aan kiciyo si ay ula dagaalamaan khilafada balse dhag jalaq iima aysan siin qaar ka mid ahi waa ay igu jees jeeseen waxaad moodaa in aan ku iri adduunkoo dhan dumiya maxaa yeelay khilaafada waxa ay ka aamin sanaayeen awood aan la jiirikarin Mahdigii in uu soo baxo ma ahane. Mahdiga waxa ay ka aamin sanyihiin iimaamkoodii laba iyo tobnaad in uu yahay awoodii Rasuulka (Calayhi Salaatu Wassalaam) waxa uu ka maqan yahay muddo 255 sano Hijriga ah waa uu noolyahay hadda waxa uu soo bixidoonaa adduunka oo tacadiyo fara badan ka jiraan waxa uu soo celindoonaa maamul iyo kala danbayn.

Waxa aan aad ula yaabay quraafaadka ay aaminsantahay Shiicadu waxay la mid tahay wax yaabaha ay aaminsanyihiin Kiristaanka oo ah in uu soo laaban doono Ciise si uu adduunka uga buuxsho nidaam iyo kala danbayn waxa aan ku iri mid ka mid ah Shiicada miyaysan waajib ahayn in la tirtiro oo la baabi’iyo dulmiga iyo gar darada sida uu RasuulkuIslaamka uga tirtiray.

Waxa uu iigu jawaabay Rasuulka waxaa taageeray Allahu Tacaalaa sidaa ayayna ugu suura gashay in uu baa bi,iyo dulmiga. Waxa aan ku iri Allahu Tacaalaa waxa uu leeyahay (Hadaad Allahu Tacaalaa Gargaar Weydiisataan Wuu Idiin Gargaarayaa) Suuratu Muxamad Aayada: 7 aad17 sidaa darteed hadii aad la dagaashaan dulmiga iyo gar darrada Allahu Tacaalaa baa idin taageeraya. Waxa uu igu yiri:adigu waxa aad tahay nin ganacsade ah arrintaanna waa mid u baahan cilmi iyo aqoon waxaad fahmi kartana ma’ahan.

Hadii aan ka hadalno qabriga sayid Cali waa qabri aad loo qurxiyay waxa uu leeyahay xayndaab waxaana ka dul dhisan kubad dahab ah aad u wayn iyo laba minaaradood oo dahab ah. Shiicadu waxa ay maalin kasta booqdaan qabriga Sayid Cali iyagoo koox koox ah oo qaadaya qasiidooyin iyo nabi amaanno aad u heer sareeya waxay dhunkadaan qabriga mid waliba waxa uu foorariyaa madixiisa isagoo dhunkanaya kadibna waxa uu salaamaa imaam Cali wuxuu leeyahay qabrigu darbi wayn waxaa ka dhisan qolol aad u farabadan waxaa daga culimada iyo dadka soo siyaaranaya sidoo kale magaalada Karbala waxaa ku aasan Xuseen BinuCali iyo Cabbaas Binu Cali (Radıyallahu Canhumaa).

Sidaas oo kale Shiicadu waxa ay siyaartaan labadaan qabri aadna waa loo qurxiyay sida qabriga Cali (Radıyallahu Canhu), Karbala iyo Najaf waxaa cimilo wanaagsan Karbala waxaa ku hareeraysan bero waxaa dhex mara wabiyaal markii aan tagay Ciraaq waxa aan helay wax la’igu laab qabawsado dhab ahaantii guud ahaan shacabka reer Ciraaq ayaa waxa ay aad u danaynayeen in xukunka Cusmaaniga ah bur burto.

Waxa ay dheheen ninka haysta xukuumadda Istanbuul waa nin jaahil ah oo kaligii taliye ah wax alaale iyo waxa uudoono ayuu shacabka ku xukumayaa shacabkuna ma taageersana. Xukuumaddu waxa ay aad u cadaadin jirtay shacabka Ahlu sunnaha ah wax mudnaan ahna ma aysan siinjirin shiicaduna waxa ay iska waynaynayeen oo ay kafaani jireen in uu xukumo nin Turkiah iyagoo heli kara Ahlubaytkii Rasuulka waxa ayna oran jireen Ahlu baytka ayaa maamulka ka mudan nin aan carab ahyn oo Turki ah.

Shiicadu waxa ay ahaayeen dad aad u liita oo ku nool nadaafad darro iyo bur bur, wadooyinkoodu waxa ay ahaayeen kuwo aan aamin ahayn, waxaa jid gooyo dhigan jiray kuwo tuugo ah oo waxa ay arkaan furanaya hadaysan gaadiidka ay isticmaalayaan aysan la soco kuwo boolis ah sidaa darteed gaadiidku ma dhaq dhaqaai jirin in xukuumaddu boolis hubaysan ku darto mooyaane, waxaa ay dagaallo ka dhexeeyay qabaa’ilka Shiicada ah maalin kastaa waxaa dhici jiray iska hor imaad u dhexeeya laba beelood waxaa ka dhexeeyay labada beelood isdil, dhac iyo boob, waxa aan xusuustaa qaabkii ay ahaayeen Shiicada maal mihii ay kaniisadu qabsatay qaaradda yurub.

Markii laga reebo culimada ku nool Karbala iyo Najaf iyo dad yar oo ku xiran culimada Shiicada waxa ay ahaayeen kuwo aan waxba qorin waxna akhrin, dhaqaaluhuna aad ayuu u bur buray dadkuna waxa ay ku noolaayeen nolol ciriiri ah iyo baahi Shiicadu waxa ay khiyaami jiraty dawladda waxaa meel waba saameeyay fawdo, xukuumaduna indhaha ayaya ka fiirsanaysay shacabkana qofba qofka kale ayuu ka shakisanaa oo uu iska eegayay sidaa darteed wax iskaashi ah kama dhaxayn dawladda iyo shacabka culimada Shiicaduna waxa ay heshiis ka dhex wadeen dadka waxay kajeesteen barashada diinta Islaamka iyo maadigaba mudo afar bilood ah ayaa waxaan joogay Karbala iyo Najaf waxaan aad ugu xanuusaday magaalada Najaf mudo saddex isbuuc ah waxaan aaday dhaqtar wuxuu iitilmaamay daawo markii aan cabaynah waxaan dareemay caafimaad xiliguna waxaa uu ahaa diraac aad ukulul, mudadii aan xanuusnaa waxaan kujiray meel dhulka hoostiisa oolagu magacaabo Sardaab, ninka aan qolka ka kireeystay waxa uu sitoos ah iigu diyaarin jiray daawada iyo cuntada waxaa uuna aaminsanaa in khidmeyntayda uu ugu dhawaanayo ajarka sababtoo ah waxaa uu imooday in aan ahay nin soo siyaartay iimaanka Cali maalmihii hore waxaa iikeni jiray maraq digaag dhaqtarka ayaa waxa uu ifasaxay in aan cunoh hilibka digaaga.

Isbuucii sadexaad wuxuu ii ogolaaday in aan isku cuno bariis iyo hilib digaag markii aan kabuskooday waxaan booqday Baqdaad waxaana halkaa kudiyaariyey warbixin faahfaahsan wixii aan kusoo arkay magaalooyinka Najaf, Xulle iyo Baqdaad wax yaalihii aan lakulmay intaan ukalasocnaayey waxaan kuqoray warbixtaa boqol bog waxaan udhiibay waraaqadihii wakiilka wasaarada ee kusugnaa Baqdaad waxaan sii joogay magaalada Baqdaad anigoo wasaarada kasugaya awaamir ah in aan kusugnaado Ciraaq iyo in aan ulaabto Landan, dhab ahaan tii waxaan aad urabay in aan kulaabto Landan maxaa yelay in aan lakulmo xaaskeygii iyo wiilkeygii Raasbutin oo ahaa indhaheyga nuurkooda waraaqadihii aan sii dhiibay ayaan waxaan wasaarada ugusiiqoray in ay ii ogalaato in aan soo laabto mudo gaabanba ha ahaatee si’aan sirtooda uga warbixiyo iyo sidaan usoo nasan lahaa dhab ahaantii waxa igu dheeraaday safarkii aan u safrayey Ciraaq waxa uuna igu qaatay muddo sadex sano ah.

Waxa uu igu yiri wakilkii wasaarada ee ku sugnaa magalada Baqdaad waxa uu yiri ninyahow wax hadal ah ha igu soo celin, waxaad qol ka kiraysataa guryahay ku teedsan wabiga Dijle, si’aan waxa shaki ah aan iigalin waxa uu yiri mumatilkii kolay waa uu kuu warami doonaa markii ay war bixin ugatimaato magaalda Landan.

Waxa aan arkay maalmihii aan joogay in uu khilaaf wayn u dhexeeyo xarunta xukuumada ee Istanbuul iyo Baqdaad run ahaantii waxa aad uga walwalay maalmihii aan ka soo tagayay Basra oo aan soo aadayay Karbala iyo Najaf Muxamed Cabdi Wahaab xaaladiisa, waayo waxa aan islahaa si dhab ah ugama aad leexin wadadii xaqa ahayd wadadii aad u jideysayna ma uu qaadi doona maxaa yeelay waxa uu ahaa nin is bed bedel badan oo qabyaaladaysta ah.

Waxa aan aad uga cabsanayay hidi diilihii aan ka lahaa ninkaa markii aan kasoo tagayay waxa uu jeclaa in uu aado Istanbuul balse waan u diiday oo waxa aan ku iri war ninyahaw waxa aan ka baqayaa in aad aragto shay khalad ah balse ayagu ay wanaag u arkaan in aad ka heshid kadibna ay ku dhahaan gaal baad tahay oo ay ku dilaan, waxaan kale oo kacabsanayay hadii uu halkaa tago in uu lakulmo culimo markaasna ay ka toosiyaan waxyaabaha khaldka ah oo ay uceliyaan wadadii toosnayd ee ahlu sunnaha markaasna ay burburaan dhamaan u jeedooyinkeygii aan ninkaan ka lahaa maxaa yeelay Istaanbul waxa yaalay aqoon aad ufara badan iyo dhaqanka Islaamka ee aadka u wanaagsan. Markii aan arkay in uu san doonayn in uu ku sii nagaado magaalda Basra waxa aan kula taliyay in uu aado magaalooyinka Isfahaan iyo Shiiraas, labadaasi magaalo waa laba magaalo oo aad uqurux badan, waxaa daganaa Shiico sidaa darteed waxa aan suurta gal ahayn in Shiicadu wax saameyn ah ay ku yeelato Muxamed Cabdi Wahaab waayo Shiicadu wax cilmi iyo dhaqan wanaagsan ah ma hayaan waxaan dhibaato iyo qabyaalad ahayn kuma fikiraan dhab ahaantii waxa aan aaminsanaa haduu magaalooyinkaa tago wadadii aan rabay in uu ku sugnaan doono.

Markii aan kala taliyay ayaan waxaan ku iri ma aamin santahay waxa la yirahdo isqarxinta waxa uu yiri haa waxaa isqarxiyay mid kamid ah asxaabta rasuulka Calayhi Salaam, waxa aan u maleynayaa in uu yiri saxaabigaas waxa uu kamid ahaa asxaabta markii ay jir dileen mushrikiintu oo ay dileen aabihiis iyo hooyadiis ayuu wuxuu muujistay shirkinimo arrintaa waxaa usugay rasuulka.

Waxa aan ku iri hadaba iska qari Shiicada hana u malaynin in aad kamid tahay ahlu sunnaha si aysan kuu dhibaateen dhulkaagana aad ugu raaxaysatid una soo baratid dhaqamadooda iyo madaahibtooda maxaa yeelay waa dad jaahiliin ah oo madax adag markii aan ka soo tagayay waxa aan ku sagootiyay xoolo aan ku magacaabay Zako, zakadu waa canshuur islaami ah oo Islaamku iska qaadaan dhexdooda waxa ayna ku bixiyaan danahooda guud.

Waxaan kale oo aan usoo gaday gaadiid si uu ufuulo waana u hadiyeeyay waan ka tagay laga bilaabo xilligii aan kasoo tagay. Magaranayo xaaladiisa meel ay ku dan beeysay waxa aan aad uga walaacay ninkaa xaaladiisa, waxa aan ku balamay in aan dhamaanteen isugu nimaano magaalada Basra hadii midkeenii soo laabta uusan saxiib kiis helin in uu waraaq u dhiibo Cabdi Ridaa.

[17] Macnaha u gargarida diinta Illaahay waa raacida shareecada iyo kashaqaynta fidinteeda, kahor imaanshaha dowlada iyo maamulkaba waa diin-dumi.

Bahalnimadii IngiriisKa

1- War bixin ay soo saartay gabar saxaafiyad ah oo na turkiyada ah oo muslim ah bishii lixaad sanadkii 1995m in ay koox ingiriis ah ay isku taagtay xatooyada caruurta da’yarta. Waxa ay ka soo xadeen dhamaan caalamka gaaar ahaan wadamada faqiirka ah kooxdaasi waxa ay ka ganacsan jirtay xubnaha dadka, waxaa warbixn hoose lagahelay wadanka Baraasiil warbixintuna waa sida tan.

Hay’ada dhoofinta xubnaha bin aadamka ee caalamiga ah waxa ay xaqiijisay tirada ciyaalka lasoo xaday, waxa kale oo ay sheegtay isbitaalda ingiriiska qeyb kamidah in ay aad u daneynayaan in ay ka faa’iidaystaan dhoofinta xubnaha caruurta la soo xaday.

2- Waxa lagu sheegay wargeys kasoo baxa Turkiga afartii bishii lixaad sanadkii 1995m in ay u safreen arday 60 ka badan oo muslimiin ah wadanka engriiska ujeedadooduna waxa ay ahayd in ay kasoo qaataan shahaadada digtoornimada maadada kimistariga waxa ay xarun ka dhikteen magaalada Newcastle oo ahayd meel ay degaan socotada iyo dadka aan hantida lahayn.

Waxaa magaalda u baxay arday ka mid ah ardeydii oo magaciisu aha Mustafa Arsanoğlu, waxaa ku soo baxday koox Ingriis ah oo ka soo baxday kaniisad ardaygii ayey qabteen waana ay jirdileen waxa ay la dhaceen ulo iyo dhagaxyo waa uu miir dabool may waxa ay ku shubeen baasiin si ay u gubaan inta miir daboolan yahay balse nasiib wanaag waxa u huri wayday liifadii gaaska waxa ka war bixisay gabar ka soo daawaneysay dhacdadaas guri dabaq ah. Markiiba waxa ku soo baxay bolis kadibna waa ay carareen waxa ay galeen kaniisada.

3- Isla joornaalkii ayaa waxaa lagu soo qorey in Bosniya ay ka jirto dhaawac, kaajo malin kasta boqolaal muslimiin ah in ay ku dhintaan, waxaa jirey kuwo gaajada la suuxsan iyo kuwo gaajo la ooynaayo iyo kuwo la aamusan gaajada. Si,aan loo maqlin hooyooyinka iyo aabayaasha wadooyinka ayey ku cararayaan. Dadka ka imaanaayo wadamada Islaamka ayaa waxa ay u keeni jireen wax ay cunaan Serbiyiinta.Ciidamada Ingiriiska oo ka tirsan qaramada midoobey Serbiyiinta ayey jaajuusi jireen. Ciidamadan iyo dalxiisayaasha gaalada, waxa ay cabi jireen dhiiga muslimminta, kuwa ka yimid yurub waa cadawka muslimiinta, waxa ay dhihijireen marka ay wax cabayaan in ay ku jees jeesaan. Bosniyiinta xun xun waxa ay la jireen Ingiriiska. 1988dii Kosova ayaa dawlad noqotey. Milisivik ayaa waxa uu u isticmaali jirey sida dabqaadka oo kale.Ingiriiska ayaa waxa uu ku yiri Serbiyiinta ha baqina anaga ayaa gadaal idinka taagan.

Fikirkaada Waa Muhiim