Qaybtaan qaybihii ka horeeyay waxaan ka wada aqrisan kartaa halkaan:

http://www.tukesomalism.com/archives/author/buugga2019

 

Sagaalkii nin iyo anigaba wasaarada ayaa waxa ay amar nagu siisay in aan dib ugu soo laabano magaalada Landan hasa ahaa tee waxaa soo laabtay lix qofood oo kaliya afartii kalena mid ayaa islaamay waxana uu dagay wadanka Masar sida uu noogu war bixiyo xog hayihii, hase ahaatee waxa uu ka muu jiyay wanaag maxaa yeelay ma uusan fashilin sirtii.

Wasaaradda ayaa inoo yeertay afarta nin si nalooga dhagaysto warbixinno ku saabsan shaqadii naloo diray, waxaa kasoo qaybgalay shirka dhammaan xubnaha wasaaradda iyo dadwayne fara badan, saaxiibaday waxa ay soo gudbiyeen warbixintoodi,anigu waxaan soo gudbiyay warbixintii aan hayay,warbixintayda waxaa aad ula dhacay dadwaynihii kasoo qayb galay shirka hase ahaatee waxaaan galay kaalinta saddexaad, waxaa kaalimaha kowaad iyo labaad ka galay (Jorge Balkuud Iyo Henry Fanas) shirkii dhab ahaantii wax aan ku guulaystay barashada luuqadda Carabiga, Turkiga kitaabka qur’aanka iyo shareecada Islaamka, hase yeeshee kama dhawrsan in aan soo gudbiyo warbixino ku saabsan taag darrida ka jirta dawladda Cusmaaniyiinta kadib markii uusooo gaba gaboobay shirka qaatay muddo lix saacadood ah ayaa waxa aan dib u eegay taag darrida Cusmaaniyiinta, xoghayaha ayaan waxa aan ku iri ujeeda daydu waxa ay ahayd barashada luuqada qur’aanka iyo shareecada sidaas darteed waqti badan kuma bixin wax kale,balse safarka soo socda ayaan warbixin aad ku qanacdaan idin siindoonaa, xoghayah ayaa waxa uu yiri waxan shaki kajirin in aad guulaysanaysid.

Waxaan kuu rajaynayaa guul waxaad awooda saartaa labo waxyaalood:

1- İn aad heshid meelaha ay muslimiintu ka liitaan si’aan udhexgalno una kala daadino awoodooda waana qodobka kaliya ee aan kaga guulaysankarno cadowgeena.

2- Waa in aad ka shaqaysaa arintaas si toos ah markaad heshana waa in aad awooda saartaa waa in aad muslimiinta dhexdooda cadaawad iyo is nacayb ka dhex abuurtaa markaa ayaan ku kalsoonaan doonaa in aad tahay ninka ugu sareeya shaqaalaheena waxa mudan doontaa billada wasaarada, waxa aad ku soo noqondoontaa magaalada Landan ee aad joogi jirtay lix bil kadib waxa aad guursan doontaa ina adeertay (Mariya Shawaa) waqtigaa waxa aan ahaa 22 jir gabadhuna waxa ay jirtay 23 sano waxa ay ahayd gabar caqli badan, qurux badan, aqoonteedu waxa ay ahayd mid dhexdhexaad ah.

Nolasheedu waxa ay ugu macaan badnayd mudadii gaabneyd ee aan lanoolaa gabadhaas, waa ay uuraysatay, dhab ahaantii waxa aan sugayay martinimo cusub sababtoo ah waxa aan filayay in la idiri doona islamarkiiba wasaarada ayaa waxa ay amar igu siisay in aan aado wadanka Ciraaq dhab ahaantii waan ka xumaaday awaamirtaas waayo waxa aan sugayay in aan arko ilmo aan dhalay hasa ahaatee uma jixin jixin sababta oo ah waxa aan mudnaanta siinayay jiritaanka dalkeyga.

Waxa aan jeclaa inaan ka dhexmuuqdo saaxiibaday kana sareeyo sidaa darteed wax hadal ah kama soo celin amaradii la isiiyay iyada oo ay jirto jacaylka aan u hayo xaaskeyga iyo aniga oo quudareynayo in aan arko ilmo aan dhalay.

Maalintii aan katagayay waan ooyay iyaduna waa ay ooyday waxa ay igu tiri hakadaalin in aad waraaqaha iisoo dirto anigun sidoo kale ayaan kuugu soodiri doonaa kii noloshaydii ahaayoow oraahdaan ayaa qalbigayga aad udhalaalisay kalimadaa darteed marbaan waxaan ku fikiray in aan iska joogo hasa ahaatee waxaan hantiyey naftayda waxaan qaatay go’aan waayo wax walba waxaa igala qaalisanaa badbaadinta dalkayga waxa aan aadey wasaarada si’aan u ogaado waxa ay iigu yeertay iyo meelaha la iididiri doono, wasaaraddu waxa ay amara igu siisay inaan aado wadanka Ciraaq kastaba ha ahaatee lıx bilood kadib waxa aan aaday wadanka Ciraaq waxa aan tagay magaalada Basra waayo waxaa daganaa qaraabadayda waxaa kale oo deganaa musliim isugu jirta Sunni iyo Shiico oo ka kooban Carab iyo Iiraaniyiin waxaa kale oo dagan qayb yar oo Kirishtaan ah waana markii ugu horaysay oo aan la kulmo Shiico iyo dad Faarisiin ah, haddii aan ka hadlo farqiga u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga, shiicadu waxa ay sheeganaysaa in ay ku abtirsato Cali Binu abii dhaalib radiyallaahu canhu Cali waxa uu xidid la ahaa (nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam waxa uu qabay Faadumo Bintu rasuul radiyallaahu canhaa, dhanka kale waa nabiga ina adeerkiis, rasuulkooda Muxamed ah Calayhi Salaam ayaa sheegay in uu khaliif noqondoono markii uu dhinto kadib waxa uu yiri: (Cali iyo wiilashiisu kow iyo tobanka ah ninba ninka ka danbeeya ayaa khaliifada la wareegi doona), sidaa darteed waxa aan umalaynayaa xaqqu in uu la jiro Shiicada maadaama ay madax kadhigteen Cali iyo labadiisa wiil oo kala ah Xasan iyo Xuseen.

Taariikhda Islaamku waxa ay cadaynaysaa inta aan ka ognahay, Cali in uu ahaa nin leh tilmaamo aad u sareeya oo qaali ah oo ku mutaystay madaxtinimada,lamana fududeysan karo nabi Muxamed in uu yiri: (Xasan iyo Xuseen waa laba imaam) arintaasna ahlu sunnuhu ma diidana hase ahaatee waxa aan ka shakiyay hadalkii nabi Muxamed ee ahaa wiilasha uu dhalay Xuseen ee 9ka ah Islaamka ay madax u noqon doonaan waa yaabe sidee buu u ogaaday Muxamed waxyaabo mustaqbal ah oo aan la gaarin maxaa yeelay Muxamed waxa uu dhintay Xuseen oo ah ilmo yar sidee buu ku ogaaday in uu Xuseen dhalidoono 9 wiil waa laga yaabaa in uu ogaado haddii uu ahaan lahaa nabi oo Allahu Tacaalaa ayaa u warami lahaa sida Masiix oo kale balse waxa aan ka shakisanahay nabinimadiisa maxaa yeelay anigu waxa aan ahay kiristaan.

Muslimiintu waxa ay leeyihiin astaamaha lagu garanayo Muxamed Calayhi Salaam in uu nabi yahay waa ay u badan yihiin waxaa ka mid ah qur’aanka kariimka ah hase ahaatee anigu waxaan akhriyay qur’aanka wax nabinimadiisa itusinayana kama helin, balse waxa uusan shakki ku jirin in qur’aanku yahay mid waagsan waana mid ka sareeya Towraad iyo Injiil waxaa ku qoran dastuur, maamul, dhaqamo aad u wanaagsan iyo waxyaabo kale.

Anigu waxa aan aad ugu wareersanahay xaaladda Muxamed ruux aan wax akhrinin waxna qorinin sideebuu ula imaan karaa kitaabkaan oo kale dhab ahaantii waa nin aad u dhaqan wanaagsan aad u caqli badan taariikhdana laguma sheegin labadaan sifo nin kulansaday,balse maku filantahay arrintaan in ay caalaamad u noqoto nabinimadiisa?

Dhab ahaantii waxa aan baaritaan ku sameeyay arrintaan si aan u ogaado xaqiiqadeeda maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa aan su’aal ka waydiiyay arrintaan mid ka mida baadariyada ku nool magaalada Landan jawaab aan ku qancana ima siin waxa uu ku hadlay hadal qabyaalad iyo dafiraad ay ku jirto, sidoo kale waxa aan su’aalo ka waydiiyay shiikh Axmed Afandi mudadii aan joogay wadanka Turkiga jawaab aan ku qancana iima sheegin hase ahaatee awood uma aanan lahayn in aan shiikha si qayaxan wax uga waydiiyo arrintaan maxaa yeelay waxa aan ka cabsanayay in uu ogaado arrintayda ama uu iga shakkiyo,sikastaba ha ahaatee anigu waan qadarinayaa Muxamed shakina kuma jiro in uu ka mid yahay nabiyada Allahu Tacaalaa ee kutubta lagu sheegay, hase ahaatee anigu waxaan ahay Kiristaan sidaa darteed kuma qanacsani nabinimadiisa.

Sikastaba ha ahaatee waxaa dhab ah in nabi Muxammed Calayhi Salaam ka sareeyo nin kasta oo caqli iyo garaadba leh Ahlu sunnuhu waxa ay leeyihiin: muslimiintu waxaa ay maslaxad u arkeen in khilaafada uu qabto abuu Bakar kadibna Cumar kadibna Cusmaan kadibna Calina uu noqdo ninka 4aad, sidaa darteed ahlu sunnuhu waxa ay jabiyeen amarkii rasuulka maxaa yeelay waxa ay madax ka dhigteen Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan Cali oo jooga, sidaas ayay isku khilaafsanyihiin Shiicada iyo Sunnigu, balse khilaafku waa mid dabiici ah oo dhex yaala dhammaan diimaha Kiristaankuna sidaan oo kale ayuu isku khilaafsan yahay.

Cali waa dhintay Cumarna waa uu dhintay sidaa darteed muslimiinta waxaa waajib ku ah in ay ka tashadaan aayahooda kana gudbaan khilaafaadka oo ay midoobaan4 mar ayaa waxa aan u sheegay madaxdayda wasaaradda qayb ka mid ah khilaafka u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada waxa aan ku iri: hadii ay fahmi lahaayeen hor marka nolasha iyo midnimadu wanaaga ay lee dahay waxa ay tahay wa ay ka tanaasuli lahaayeen dhammaan khilaafaadka u dhexeeya madixii wasaaradda ayaa iyiri jooji erayadaas.

[4] In laga hadlo arinta khilaafada waxay ka mid tahay usuusha Shiicada, marka wax dan ah kamalaha suniyiintu. wiilka Ingiriisku wuxuu isku khalday cilmiga diinta iyo kan dunawiga,Muslimiintuna sida uu asaguba yiri waxay ogaadeen waxyaabo badan ayagoo raacaya caqliga iyo tijaabooyinka dhanka sayniska iyo tiknoolajiyada iyo xisaabta, dismaha & caafimaadka waxayna ka sameeyeen horumar dhan walba ah. kirishtankuse waxay yiraahdeen in caqliga iyo tijaabooyinka loo cuskado dhanka sayniska iyo cilmi barista waa danbi diini ah. tusaala ahaa caalimkii falaga ee talyaaniga ahaa lana oran jiray Giliilyoo markii uu kaqaatay culimadi islaamka in dhulku yahay sida kubada uuna wareego, wuxuu isku dayay in uu ugudbiyo kirishtaanka waxay baadariyaasii ku qaadeen weerar adag waana laxiray ilaa uu ka laabtay aragtidii, sidaas awged waxay marwalba badaleen Masiixigu diintii si ay ula jaanqaado caqligooda. laakiin muslimku wuu kalasaaray wixii aduun ah waxaa aasaas u ah caqliga iyo tijaabooyinka cilmigaa wixii diin ahna waxaan saldhig u ah qur’aanka kariimkaa iyo axaadiista nabigeena (Calayhı Salaatu Wassalaam). oo wax saamayn ah iskuma yeelanayaan.

Waxaa waajib kugu ah in aad kordhisid khilaafkooda ee ma’ahan in aad isku daydid midaynta muslimiinta, munaasabada tan qudheeda ayaa xoghayuhu waxaa uu yiri:

Kulamadii aan la qaatay mid ka mida Hanfariyoow waxa aad ogaataa doodaha iyo khilaafaadka in uu yahay mid dabiici ah binu aadamka dhexdiisa laga soo bilaabo markii uu Allahu Tacaalaa abuuray haabiil iyo Qaabiil waana uu baaqi ahaandoonaa inta uu Masiix ka soo laabanayo xagga cirka waxa uu khilaafku ka dhex jiraa xagga midabka,qabiilada, gobolada iyo diimaha.

Ujeedooyinka socdaalkaagu waxa weeye sidii aad usoo ogaan lahayd khilaafyada u dhexeeya muslimiinta.

Wasaaraddu waxa ay ii xilsaartay sidii aan uheli lahaa xogta rasmiga ah ee ku saabsan khilaafaadka muslimiinta, hadii ay kuu suurta gasho in aad ka abuurto muslimiinta dhexdooda khilaaf waxaad noqondoontaa ninka ugu sarreeya ee u shaqeeya wadanka Biritan.

Inagu waxa aynu nahay dad Ingiriis ah mana noo suurtoobayso in aan ku noo laano nolol barwaaqo ah in aan dawladaha caalamka iyo gumaystayaasha kale qalalaase iyo khilaaf ka dhex abuurno mooyaane,sidoo kale ma noo suurta galayso in aan bur burino dawlada Cusmaaniyiinta in aan madaxdooda iska horkeeno mooyaane hadii kale sideebay ugu suura galaysaa ummad yari in ay qabsato ummad badan sidaa darteed waa in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd godkii aad ka gali lahayd arrinta khilaaf abuuridda waxa aad ogaataa labada maamul ee kala Cusmaaniyiinta iyo Faarisiinta in ay awoodoodii wiiqantay, waa in aad abaabushaa kacdoonno ka dhan ah madaxda labaad maamul haddii aad khilaaf ka abuurto awoodoodan aad kala furfurto waxaa noo suura galaysa in aan u tirtirno si fudud.

Markii aan gaaray magaalada Basra waxaan tagay mid ka mida masaajidada magaalada Basra waxaa masaajidka imaam ka ahaa shiikh sunni ah oo magiciisa la yiraaho Sheekh Cumar,asal ahaana kasoo jeeda carab, waa aan is baranay waana isku bihin bihiyay balse waa uu iga shakiyey markii ugu horaysayba waxa uu bilaabay in uu ogaado meesha aan kasoo jeedo iyo dhammaan ujeedooyinkayga, waxa aan u malaynayaa shakiga waxa dhaliyay in ay tahay laba waxyaabood oo kala ah lahjadda aan ku hadlayay iyo midabkayga hase ahaatee waa ii suurta gashay in aan ka fakado khatartaan oo waxaan sheegtay in aan ka soo jeedo degmada Igdiir ee wadanka Turkiga maxaa yeelay waxa aan ka mid ahaa ardadii shiikh Amed Afandi ee magaalada Istanbuul.

Waxa aan ahaa farsamo yaqaan u shaqeeya nin layiraaho Khaalid, waxa aan shiikha kula hadli jiray dhawr kalimo oo ah luuqadda Turkiga shiikha ayaan ku baraarujiyay in uu waydiiyo dad meesha joogay mid ka mida luuqadda Turkiga aan ku hadlayo in ay tahay mid sax ah iyo in kale waxa uu ugu jawaabay waa mid sax ah waa aan ku farxay maxaa yeelay waxaan soo jiitay shiikha qalbigiisa hase ahaatee malahaygu waxa uu noqday dhaan daba gaalle maxaa yeelay waxaan ogaaday dhowr maalmood kadib in uu iiga shakisanaa inaan ahay sirdoon loo soo diray isaga oo ka socda waaliga Basra maxaa yeelay waaliga iyo shiikha waxaa ka dhexeeyay khilaaf, sikastaba ha ahaatee dantu waxa ay igu khasabtay in aan ka guuro masaajidka Sheekh Cumar oo aan u guuro magaalo leh meel la jiifto oo hoy u ah dadka socotada ah, waxa aan ka kiraystay qol ninkii aan qolka ka kiraystay waxa uu ahaa nin doqon ah waxaa uu ii diiday in aan raaxaysto subax waliba xilliga addinka hore uu dhacayo ayuu Albaabka igusoo gar garaaci jiray si’aan u tukado salaada subax waxaa dhib igu ahayd in aan iraaho iga daa albaabka aad igu soo garaacaysid ma tukanayee sidaa darteed waxaa khasab igu noqotay in aan tukado salaada.

Waxaa kale oo igu amray markii aan salaadda tukado in aan qur’aan akhriyo inta ay qorraxdu kasoo baxayso wax aan ku iri: qur’aanka in la akhriyo waajib ma ahane maxaad iigu khasbaysaa waxa uu igu jawaabay ruuxii seexda ka hor inta aysan qorraxdu soo bixin waxa uu dadka reer Khaan u soo jiidayaa baahi iyo macaluul, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in aan qaato amarkiisa maxaa yeelay waxa uu iigu goodiyaya hadii aan amarkiisa qaadan waayo in aan guriga uga baxo, sidaa darteed waxaa khasab igu noqtay in aan kaco adinka hore salaadana aan tukado salaadda ka dibna aan qur’aanka akhriyo inta qorraxdu ka soo baxayso.

Subaxyada qaarkood muddo hal saac ka badan ayaan qur’aanka akhrinjiray, maalin maalmaha kamida ayaa waxa i yiri: ninka la yiraaho (Murshid) oo ah ninka aan guriga ka kiraystay laga bilaabo maalintii aad guriga iga kiraysay waxaan la kulmay dhibaatooyin waxaana u sababaynayaa dhibaatooyinkaa doobnimadaada, doobnimaduna waxa ay kamid tahay wax yaabaha la baasaysto ee ninyohow 2 waxyaalood mid yeel in aad guursatid iyo in aad guriga ii ga baxdo waxa aan ku iri ma haysto hanti aan ku guursado hadii aan oran lahaa waxa aan ahay ciniin ama bohon waxa aan ka cabsaday in uu i yiraahdo waa lagu tijaabinayaa in aad ciniin tahay iyo in kale sidaa darteed waxa aan ku cududaartay hanti la’aan Murshid waxa uu iigu jawaabay war waxyahow iimaanka yar miyaadan akhrin Allahu Tacaalaa quraankiisa (Hadey Faqiiro Yihiinaallaah Baa Fadligiisa Ku Deeqaya) Surada: Nisa/32, dhab ahaantii arintaas aad ayay ii wareerisay waxaan ku iri sidee baan u guursadaa maal la’aan iyo hanti la’aan adigu diyaar ma u tahay inaad isiidid maal igu filan mise ma ii heli kartaa gabar aan meher iwaydiinayn Murshid Afandi intuu inyar fakaray buu yiri war ninyahow ma fahmin hadaladaada balse labo arimood mid soo gal bisha Rajab awalkeeda inaad guursatid iyo in aad ka baxdid magaalada aad raadsatid meel la seexdo inta aan la gaarin labaatan iyo shan bisha Rajab. Munaasab ahaan Bilaha Islaamku sidaan bay iskugu xigaan Muxaram, Safar, Rabiicul awal, rabiicul aakhir, Jamaddul awal, Jamadul aakhir, Rajab, Shacbaan, Ramadaan, Shawaal, Dulqacda, Dulxijah, waxayna ka xisaabiyaan xiliyada ay arkaan bisha kama siyaado sodon beri kamana yaraato labaatan iyo sagaal beri, ugu dambayntii waxaan u hogaansamay amaradii Murshid Afandi waxaana shaqo ka helay nin farsamo yaqaan ah waxaana kula heshiiyay in aan ugu shaqeeyo qiimo yar uuna iga qaabilo jiifka iyo cunnada.

Bishii Rajab inta aysan dhamaan ayaan waxa u wareegay ninkii aan shaqada ka helay dukaankiisa, ninkaasi waxa uu ahaa nin wanaagsan waxuuna iiladhaqmi jiray sida ilmihiisa oo kale magaciisa waxa la oranjiray Cabdi Ridaa waxana uu ahaa nin Shiici ah oo asalkiisu yahay Faarisi oo kasoo jeeda Horasaan, mudadii aan ninkaas la joogay waxan fursad u helay in aan barto luuqada Faarisiyida waxaa isugu imaan jiray galab walba Shiicada cajamiga ah iyaga oo ka wada hadlaya arrimahooda siyaasadeed iyo mida dhaqaale waxa ay si’ aad ah ugu kacsanaayeen madaxdooda sidoo kale waxa ay kasoo horjeedeen maamulkii Istanbuul, hadii uu u yimaada qof aysan garaneen si deg deg ah ayey u joojin jireen sheekada ay hayaan waxa ayna guda gali jireen hadale kale, aniga magaranayo waxa ay iigu kalsoonaadeen hase ahaatee waxa aan ogaaday in ay iimaleeyeen in aan ahay nin reer Azerbijaanah maadama aan kula hadlayey luuqada Turkiga ah, waxaana meeshaa isku baranay nin dhelen yara ah oo marwaliba dalkaan imaan jiray ninkaas dhalinyarada

Waxa uu ku hadlijiray sadex luuqadood oo kala ah:

Carabiga, Turkiga iyo Faarisiga waxa uu uqaab ekaa arday baranaya diinta Islaamka magaciisa waxa la oran jiray Muxamed Cabdi Wahaab waxa uuna ahaa nin aad ujecel in meel sare gaaro oo xanaaq badan, waxa uu durijiray kana soo horjeeday dawladii Cusmaaniyiinta, xukuumada Iraan waxaba kama sheegi jirin waxa ayna saxiibo ahaayeen Cabdi Ridaa oo ah ninka iska leh dukaanka aan ka sheqeeyo waxa ayna ku saxiibeen labadooda waxa ay ka soo horjeedeen waxna ay ka sheegi jireen dawlada Cusmaaniyiinta.

Magarankaro meesha uu ka soo bartay luuqada Faarisiga iyo sida uu u la saaxiibay Cabdi Ridaa oo ah nin Shiici ah isaga oo sheeganayo in uu yahay Ahlu Sunna balse labadaas arimood waxa lalyaabo ma ahayn maxaa yeelay magaalada Basra waxaa wada daganaa Sunni iyo Shiico, markii uu ninka Sunniga ah uu ka horyimaado nika shiicada ah waxaad moodaa in ay walaalo yihiin, mid kale magaalada dadka dagan waxa ay ku hadli jireen luuqada Carabiga iyo Farisiga in badan oo ka mid ahna waxa ay yaqaaneen luuqada Tturkiga, Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu ahaa nin dhalinyara ah aadna uga fiirsada eray walba macnaha uu leeyahay waxba kama sheegi jirin mad-habka Shiicada sida ay inbadan oo ahlu Sunna ah wax uga sheegaan mad-habka Shiicda, culimada ahlu sunnada qeyb kamida waxa ay gaalaysiiyaan Shiicada waxa ayna dhahaan Shiicadu muslim ma’ahan sidoo kale Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu oran jiray afarta madhab oo ahlusunnadu kala raacsanyihiin, Allahu Tacaalaa wax daliil ah uma soo dajin wax daliil ah in mad-hab laraaco waxa uu is hilmaamsiin jiray in badan oo kamida ayaadka qur’aanka kariimka maadaama aysan jirin axaadiis Nabiga ka hadleysa in laraaco madaahiibtaas, qisada kusaabsan madaahiibta afarta ah waxa ay tahay, ahlu sunuhu hal qarni wax ka badan lagana soo bilaabo geeridii nabigooda waxaa dhex dooda kasoo baxay afar culumo oo kala ah abuu Xaniifa, axmed Binu Xambal, Maalik Binu anas iyo Muxamed Binu idriis ee shaaficiga, madaxdooda qayb kamid ah ayaa waxa ay ku waajib yeeleen in ay garba qabsadaan afartaa mid ka mid ah shiikh kale oo ku ijtihaadi kara qur’aanka iyo sunnada ma jiro dhab ahaantii taa waxa ay noqotay mid walaac ku abuurtay fahamkooda xarrimida ijtihaadka waxa uu awood siinayaa dib u dhaca muslimiinta waxa ka faa’idaystay erayada ahlu sunnada ee khaladka ah si ay ufaafiyaan mad habkooda Shiicada maxaa yeelay markii hore waxa aad ufara badnaa dadka Sunniga ah hadana waa ay is le egyihiin.

Ijtihaadku waxa uu hormariyaa fiqiga Islaamka waxa uu cusboonaysiiyaa fahmida sunnada iyo quraanka hadba zamanka lajoogo Fiqigu waa hub hadii aan si gaar ah loo xadidin, hubkana marba marka kadanbeeyo waa ka casri sanyahay, Fiqiga horana waxa uu ka dhigan yahay hub duugoobay markasta oo ijtihaadka la cusboonaysiiyana waxa hormara Islaamka, dhab ahaantii hadii aad adiguna leedahay hub duug ah cadowgaaguna uu leeyahay hub casri ah waxaa hubaal ah goor ay noqotaba in uu kaa adkaanayo.

[5] Culimada kala soo baxa mas’alooyinka qarsoon Xukunkooda Qur’aanka iyo Axaadiista Waxaa layiraahdaa (Mujtahidiin) waxayna leeyihiin shuruudo lagu faahfaahiyay kutubta waawayn. (Se’adet-i ebediye) iyo (Warbixin fa’ido leh) kitaabyadaas oo la qoray waqti hore. wixii afar boqol oo hijriah ka danbeeyay ma soo bixin nin caalim ah oo buxin kara shuruudaha mujtahidka, waxayse ka shaqaynayaan cadawka islaamku in ay abuuraan dad sheegta mujtahidnimo oo islaamka ka dumiya dhanka gudaha. culimadii mujtahidiinta ahaa ayaa horay way ugu dadaaleen in aya waxkasta oo xukun sharci ah ay ka soo saaraan quraanka iyo xadiiska ilaa qiyaamaha laga gaaraya waxayna ku qoreen kutubta ahlusunna waljamaaca.

Waxan filayaa ahlu sunnuhu waqti dhaw in ay baraarugi doonaan oo ay furi doonaa albaabkii ijtihaadka hadii aan taa lahelin muda yar kadib waxa yaraandona ahlu sunnaha waxana aad u badnaandoona shiicada5 [A’imada afarta ah caqiidadoodu waa mid xagga cibaadadana iskuma khilaafsana taasi waxa ay fududaynaysaa muslimiintu in ay midoobaan balse Shiicadu waxa ay isku khilaafeen caqiidada waxa ay u kala baxeen laba iyo toban firqo waxa ay noqdeen hubduug ah macluumaadkan waxa kaga bogan kartaa kitaabka layirahdo (al Milal Wanixal) ] waxa uu ahaa ninkii hanka waynaa ee la oran jiray Muxamed Cabdi Wahaab al najdi waxa uu ahaa mid raaraca macnaha qur’anka kariimka iyo sunnada waxa uu ahaa mid iska horkeena ra’yiga culimadii hore, madaahibta afarta ah iyo ra’yiga asxaabta hadii uu umaleeyo inay aayada qur’aanka si khaldan ay ufahmeen ra’yigooda waxa uu katuuri jiray gadaal waxa uu dhihi jira Rasuulku waxa uu yiri (Waxaan Dhexdiina Uga Tegey Laba Culculus Oo Ah Kitaabka Quraanka Iyo Sunadeyda) mana uu san oran “Waxan idinkaga tagay kitaabka, sunnada, saxaabada iyo a’imada afarta ah’’6 sidaa darted waxa waajib ah in laraaco kitaabka iyo sunnada haba khilaafsanaadee ra’yiga madaahibta, saxaabada iyo culimada.7 Waxa su’aalo isdhaafsaday isaga iyo sheekh caalim ah oo Shiica ah oo magaciisa layirahdo Sheekh Jawadoo ka soo jeedo magaalo layiraahdo Kumi,waxa uu yiri hadii aad aaminsantahay Cali in uu yahay mujtahid maxaa uraaci wayday sida Shiicada oo kale?

Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri Cali waa Cumar oo kale iyo saxaabada, hadalkiisuna xujo manoqonayo ee xujadu waa kitaabka iyo sunnada inkasta oo saxaabada hadalkooduna uu yahay xujo Nabiguna uu amray in aan raacno kii aan doono Sheekh Jawad—waxa uu yiri Rasuulku miyuusan Dhihin anigu Waxa Aan Ahay Magaaladii Cilmiga Calina Albaabkii Laga Soo Galayay?

Hadaba farqi baa u dhexeeya?

Muxamed waxa uu yiri — Cali hadalkiisu hadii uu xujo yahay muxuu nabiga u oran waayay kitaabka Allahu Tacaalaa, sunnada iyo — Sheekh Jawad waxa uu yiri — haa Nabigu sidaa waa yiri- laakiin Nabigu waxa uu yiri waxan dhexdiina ka gatagay labada culculus oo kala ah Kitaabka iyo Ahlu beytka Calina ahlu beytka ayuu madaxa uyahay .

— Muxamed waa uu inkiray xadiiskaas hase ahaatee Sheekh Alqeymi ayaa xujadii ka heley waxa uuna ku soo oogay adillo lagu qanco.

Muxamed waa aamusay wax jawaab ahna waa uu waayay cabbaar marka uu aamusnaa waxa uu soo aruuriyay bushin (Diidmooyin) waxa uu yiri haduu rasuulku yiri kitaabka Allahu Tacaalaa iyo Ahlu beytka aaway sunnadii rasuulka?

Sheekh Jawad waxa uu yiri sunnada rasuulku waxa ay sharaxa u tahay kitaabka Allahu Tacaalaa rasuulkuna markuu yiri (Kitaabka Allahu Tacaalaa ey Iyo Aala Beydkeyga), waxa ula jeedaa kitaabka Allahu Tacaalaa iyo tafsiirkiisa oo sunnada aha Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri ahlu beytka hadalkiisu miyuusan kitaabka tafsiir u ahayn maxay tahay baahida loo qaba in xadiiska lagu fasiro qur’anka kariimka?

Sheekh Jawad waxa uu yiri markii uu geeriyooday rasuulku Calayhi Salaam ayey umadii u baahatay in loo fasiro qur’aanka tafsiir ku haboon xilliga lagu jiro hadba, sidaa darteed ayaa nabiga waxa uu amray in ay ummaddu u Qofka muslimka ah ee arkay wajiga nabiga (Calayhı Salaatu Wassalaam) ee sharafta leh waxaa la yiraahdaa saxaabi markay badan yihiin waxaa layiraahdaa asxaab. Noqoto kitaabka iyo ahlu beydka oo ku fasirayo kitaabka hadba wacyiga jira.

[6] Muxamed ka Najdi wuxuu oraahdaan ku inkirayaa xaadiista sheekhaysa in laraaco asxaabta nabiga.
[7] Maanta jaahiliinta iyo khaa’ininta ee ku nool dhaamaan dalalka islaamka waxay xiran yihiin dharka lagu yaqaan culumaa udiinka markasay waxay weerarayaan culumada ahlusuna waxayna amaanayaan wahaabiyada waayo hanti aad u badan ayeey waxay kaqataan boqortooyada Sucuudiga meel kastana waxay ka dhiganayaan hub iyo marmarsiiyo erayada muxamed binu cabdil wahaab ee la qurqurxiyey iyagoo ka tagaya aqwaashii asxaabta rasuulka iyo culumadii ahlusuna, dhabtuse waxy tahay erayada asxaabtaiyo tan culumada afarta madhab in aysan khilaafsaneey quraanka kariimka ah iyo axaadiista sharafta leh waxayna kumaysan darin ee iyada ayey fasireen, wahaabiyada sida ingiriiska o kale ayey muslimiinta ku dhagrayaan been ubuur ay samaysteen.

Waxa aan aad ula yaabay su’aalaha ay is dhaafsadeen Shiikha iyo Muxamed Cabdi Wahaab! Waxa aan arkay Muxamed in uu noqday shimbir gacanta lagu qabtay oo kale, baadidii aan raadinayay waxa aan ka dhex helay Muxamed Cabdi Wahaab waayo waxa aan ogaaday in uu iskala weyn yahay culimadii joogtay xilligiisa ra’yigiisuna in uu ka madax banaan yahay afartii khulufo iyo madaahibta afarta ah wixii ay qur’aanka iyo sunnada ka fahmeeen.

Waxa uu aad uxaqiri jiray Saxaabada iyo culimada intaba qodobkaa isaga waxa uu ahaa qodobka kaliya ee iisuurta galiyay in aan gacanta ku dhigo ama aan ugu soo gabado naftiisa.

Waxa aan layaabay ninkaan dhalinyarda ee lagu kadiyay iyo ninkii Turkiga ahaa ee qur’aanka isoo baray kala duwananshaha u dhexeeyo, Shiikhaasi waxa uu ahaa nin aad umatala asxaabtii rasuulka Calayhi Salaam, waxa uu ahaa buur oo kale oo aysan cidna dheefi karin.

Waxa uu heystey mad habka xanafiga ah markii uu doono in uu ka sheekeeyo Shiikhiisa abuu Xaniifaah waa uu soo waysaysan jiray, sidoo kale marka uu doono in uu qaado kitaabka (Bukhaariga) ah waa uu soo weyseysan jiray, kitaabkiisana waa mid ay ahlu sunnuhu aad u qadariyaan hase ahaatee Muxamed Cabdiwahaab waxa uu ahaa mid iska wayneysiiya (Abuu Xaniifa) oo waxa uu oran jiray Abuu Xaniifa aniga ayaa ka fahan badan,9 waxa kale oo uu oran jiray kitaabka (Bukhaariga) ah kalabar waa baadil.10 Waxa loo baahday cadeymahan markii laturjumayay qirashadii [Hamfari oo loo badalayay luuqada Turkiga, waxa aan ahaa bare wax ka dhiga dugsiyada sare mid kamid ah waxaa su’aal iwaydiiyay arday waxa uu yiri macalinow qofkii dagaal lagu dilo mashahiid baa? waxaan iri haa, waxa uu yiri nabaiga miyuu inoo sheegay arintaas waxan iri haa waxa uu yiri ruuxii badda ku dhinta ma shahiid baa? waxaan dhahay haa ajarkiisuna waa uu badan yahay waxa uu yiri hadii ay diyaaradi soo dhacdo ruuxii ku dhintaa ma shahiidbaa?

Waxan iri haa waxa uu yiri arintaas nabigeenu ma inoo sheegay waxan iri haa waa uu inoo sheegay waxa uu ardaygii ku yiri si ciyaari ku jirto isaga oo qoslaya macalinow xilligii nabigu noolaa ma diyaarad baa jirtay waxa aan iri wiilkeygiyow nabigeena waxa uu leeyahy 99 magac magac kasta oo ka mid ah magacyadaas waxa uu ku tusinayaa tilmaamaha nabiga ee wanaagsan mid kamid aha magacyadiisana waxa ka mid ah jawaamicul kalim maxaa yeelay hal erey ayaa waxa uu kuu cadeenayaa waxyaalo badan waxa kamid ah hadaladaasi, (ruuxii meel sare kasoo dhaca waa shahiid).

Dhab ahaantii waa uu ku qancay ardygii, sidoo kale qur’aaka iyo axadiista nabiga waxaa laga helayaa ereyo aad ufara badan oo xambaarsan micnayaal fara badan, waxa layiraahdaa ruuxii aayaadkaas iyo axaadiistaa macna kala soo bixi karin ma jiro nin aad u cilmi badan mooyaane sidaa daraateed ahlu sunnaha waxaa ay ijtihaadka udiideen jaahiliina iyo dadka caamada ah, tanna loogama jeedo in la joojiyo ijtihaadka si guud ee waxa la waayay caalim oofsaday shuruudii mujtahidka, muddo afar qarni ah laga soo bilaaaba hijiradii nabiga markaas ayaa waxa la xiray albaabkii ijtihaadka si toos ah markii uu qiyaamahu soo dhawaado waxaa soo degi doono Nabi Ciise Calayhi Salaam waxaa soo bixi doono (Mahdigii) markaas ayey ijtihaadi doonaan, Nabiguna (Calayhı Salaatu Wassalam) waxa uu yiri (umadaydu gadaashaydu waxa ay ukala bixi doontaa todobaatan iyo saddex kooxood dhamaantoodna waa ahlunaar hal mid ah mooyee” waxaa layiri rasuul allaw noo sheeg midaas waxa uu yiri waa “mida kudulsugan waxa aan ku dulsugannahay aniga iyo asxaabteyda) xadiis kale ayaa waxa ahaa sidan (asxaabteedu waa xidigaha oo kale koodii aad ku dayataan waad ku hanuunaysaan) ninkii la oran jiray Cabdulaahi Binu Saba ee Yahuudiga ahaa ayaa waxa uu ka dhex abuuray muslimiinta cadaawad asxaabta rasuulka qeyb kamid ah ayaa waxa uu ku tilmaamay gaalo ra’yigaas waxa ku kadsoomay oo qaatay Shiicada balse ahlu sunnadu waa ay ku diidaydeen oo ay jeclaadeen asxaabta rasuulka iyo sunnada nabiga Calayhi salaatu wassalaam waxa aan ku heshiinay], aniga iyo Muxamed Cabdi Wahaab in aan sameyno xiriir badan waxa aan mar waliba ku oran jirnay oo aan u cadayn jiray in uu ka fadli badanyahay Cumar iyo Cali hadii uu rasuulku joogi lahaana adiga ayuu khilaafada kuu dooran lahaa iyaga oo jooga waxan ku oran jiray waxaan kaa codsanyaa in aad cusboonaysid Islaamka maxaa yeelay waxa aad tahay caalimka kaliya ee Islaamka gaarsiin kara caalamka waxa aan go’aansaday in aan kala hadlo sidii qur’aanka loogu fasiri lahaa afkaarteena khaaska ah oo laga leexin lahaa fasirka saxaabada,madaahibta iyo mashaa’ikhda.

Qur’aanka ayaa aayad aayad usoo qaadan lahayn waxaan ku dadaalayay sidii aan fahan wareer ugu ridi lahaa isagana waxa uu ahaa mid qaata oraahdeyda waxaa uu ku dadaali jiray sidii uu kalsoonidayda usoo jiidan lahaa, maalin maalmaha kamid ah ayaan waxaa ku iri jihaadku waa jib ma’ahan,waxa uu yiri sideebuusan u ahayn waajib illaahay soo ma oran [Gaalada Lajihaada] Suratu Towba waxaan ku iri hadaba maxaa uu nabigu ula jihaadi waayay munaafiqiinta ayadoo Allahu Tacaalaa yiri (Nebi Muxamadow Ladagaalan Gaalada Iyo Munaafiqiinta) Suuratu Tawba/73, mida kale kitaabka la yirahdo [al Mawaahib alladuniyah waxa ku qoran nabigu in uu gaalada la jihaaday labaatan iyo todoba jeer waxaan tusay seefihii uu gudagaalami jiray oo yaala madxafka Istanbuul munaafiqiintu waxa ay ahaayeen kuwa isu tusiya in ay yihiin muslimiin nabiga (Calayhi salaatu wassalaam) ayey la tukan jireen maalintii nabigu waa uu garanayey mana uu san oran mid kamid ah munaafaq baa tahay hadii uu ladagaalami lahaa waxaa la oran lahaa] Muxamed Calayhi Salaam waxaa uu laayaa dadka mu’miniinta ah sidaa darteed ayuu carrabka kula jihaaday, jihaadka faralka ah waxa uu ku taam noqonkaraa in naf iyo maalba lagu bixiyo.

Fikirkaada Waa Muhiim