Shan iyo tobankii sano ee u danbaysay, waxaa soo kordhaya doodaha ka taagan indho-shareerka, dowlado badan baa illaa hadda laga soo saaray sharciyo lagu mamnuucayo waji xirka iyadoo dowlado kalena goobaha qaar laga mamnuucay sida Bangiyada, Iskuulada iyo Isbitaalada. Wadamada Yurub ayaa bilaabay mamnuucidda niqaabka iyagoo keenaya aragtiyo maangal ah iyo kuwo aan ahaynba. Waddanka Biljam ayaa ugu horeeyey joojin xirashada waji xirka loo yaqaan niqab ama burqa. Taakeerayaasha sharciyada lagu joojinaya indho-shareer ayaa ku andacooda waji xirku inuusan u wanaagsanayn isdhexgalka iyo furfur-naanshaha bulshada.

Wadanka UK ayaa doodo badan ka taagnaayeen xirashada niqaabka illaa 2006dii; doodo badan baana laqabtay, doodahaas waxaa kasoo dhex muuqdey gabdho si qurux badan u asturan/hagoogan una doodaya indho shareerka, waxayna cuskanayaan qodobadii xuquuqul insaanka ee 1998, lana dhaqan galiyey 2000, waxay ahayeen 13 qodob, qayb ka mid aha ayaa qeexaya xornimada shaqsiga gaar ahaan doorashada labiska wadaniga ayna haboonayn in lagu xadgudbo qodobadaas, qodobka sideedaad waxaa ku qoran sidatan:,

“your right to determine your sexual orientation, your lifestyle, and the way you look and dress.”

Waxay ka jawaabeen arinta isdhex-galka bulshada, bulshadu waxay isaga xirantaa qalbiga ee maahan wajiga, kalsoonida qalbiga ayaa muhiim ah, dad Telefoon is kala hadla ayaa is aamina oo isku kalsoon marka xiriirka dubka kore waxaa ka muhiimsan wada xiriirka gudaha ah.

Dad badan ayaa ku adeegta dharkaan si aan loo aqoonsan waxay rabaanna u fushaan. Waddanka Faransa, Madaxwaynihii hore Nicolos Sarkozy ayaa yiri:,

“dhibaato diimeed ma’aha ee waa dhibaato xoriyadeed iyo mid sharafeed, maahan sumad diimeed ee waa doonidaan dad kale iyo hoos u dhigid dumar. Waxaan rabaa inaan dhaho indho shareer laga soo dhawayn maayo ciidda Faransiiska. Waa qarinta iyo waayidda aqoonsiga shaqsiga”.

Faransiisku waa dowlad cilmaani ah, dooda badan ka dib, waxaa la ansixiyey sharciga dambiyeynta niqaabka gudaha dalka, waa bulshada dhexdeeda iyo goobaha bulshadu ku kulanto.Waddamo badan, ayaa ka horyimid xirashada indho shareerka sababo amniga la xiriira.

Waxaa ugu danbeeyey waddanka Siiri Langa oo shalay la mamnuucay kadib weerar lagu qaadey waddankaas maalmihii lasoo dhaafey, kuna waayey dad ku dhow sadex boqol oo ruux, waxaa la weeraray kaniisado iyo huteelo ku yaala daafaha waddankaas iyo caasumadda Kolombo. Marka laga soo tago wadamaad Yurub iyo Siiri Laanga, wadamo dhowr ah oo Qaaradda Afrika ku yaalla ayaa laga joojiyey xirashada niqaabka, waxaana ka mid ah waddan Islam ah(Morooko).

Wasaaradda arimaha gudaha waddankaas ayaa reebtay xirashada niqaabka iyadoo cuskanaysa sababo amni darteed, waxayna ku andacootay in danbiilayaasha iyo argagixisaduba isticmaalaan burqabka(indho-shareerka) si ay u qariyaan wajigooda si aan loo aqoonsan amase dumar ahaan ay ku gudbaan hase ahaatee dadka qayb ayaa aaminsan in sababta loo reebay indho-shareerka aysan ahayn xaalad amni balse ay tahay xeelad lagu joojinayao koritaanka mad-habka Salafiga ee gudaha waddankaas.

Waxaa dood ma doonto ah in xirashada indho shareerku uu ka qayb qaato fulinta danbiyada, dumarka inta ugu badan waxay u xirtaan dhowrsoonaan darteed balse tiro kale (rag iyo dumar) ayaa u xirta qarinta aqoonsigeeda si ay u fuliyaan falal amni darro iyagoo ka faa’iideysanaya ogolaansha xirashada niqaabka.

Soomaaliya dad badan ayaa xirta si ay u gaystaan danbiyo ayna ugu sahlanaanto gudbidda iyo baxsashada, sida la ogyahay haweenku 80% kama qayb qaataan geysashada denbiyada iyo falalka argagixisanimada. Qayb kalena oo gabdhuhu u badan yihiin, waxay u xirtaan faduul iyo isqarin aan macno badan lahayn.

Indho shareerku waa maro lagu daboolo wajiga iyadoo la baneeyo indhaha, aagooda iyo sanqaroorka balse burqa Soomaalidu ma xiarato balse waa maro gambis ah oo indhaha kaliya banaynayso, dhulalka Carabta ayaa badi laga yaqaan oo laga xirtaa. Indho shareerka qaabab badan baa loo toshaa ama loo sameeyaa laakiin magaca kaliya baa la wadaagaa.

Xirashada niqaabka waajib ma’ahan, culumada badidooduna wey isku raacsanyihiin, ilaahay aayad quraan ah buu ku leeyahay “وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا”, “qariya quruxdiina illaa inta muuqata mooyane”.

Fikirkaada Waa Muhiim