Soomalidu waxay lahaan jireen amase leeyihiin xeer dhaqameed ugu jira booska hadda dowladaha hormaray uu ugu jiro dastuurku. Xeerku waa hab-dhaqameed ay ku heshiiyaan bulsho isku goob joogta ama isku cid ah, waxaana loo sii kala abla ableeyaa laamo badan sida; xeer guud iyo xeer gaar ah sida xeer magaalo, xeer beeraley; xeer fardooley; xeer xoola dhaqato iyo waxii la mid ah.

Erayga “xeer” sida sooyaalyanadu sheegaan waxaa laga soo dhan-bashay “XERO” oo ah meel la ooday looguna tala galay in lagu badbaadiyo xoolaha, marmar qaar dadka baaba xero oodan jiray si ay uga badbaadaan libaaxa. Xeer waxaa kale oo looyaqaan xarigga isku haya dhigaha guriga, xeerkuna waxuu isku hayaa bulsho goob kuwada nool ama isku beel ah sida Xeer Ciise.

Xeer Ciise waa xeerka kaliya oo hadda qoran laguna dhaqmo, waxaa la diyaarinayey muddo konton san ku dhow, ma qornayn xiliyadaas balse waxuu ku kaydsanaa oo lagu xifdiyey qalbiyada odey dhaqameedyada inkastoo qayb ka mid loo badalay maah-maahyo iyo xigmado mahadhooyin ah oo aan la ilaawi karin, waxay ladhahaa xeer waa kab, kabuhu waxay qofka difaacaan qodaxda, dhagaxa, caga-gubyada iyo qaniinyada bahalada. Hase ahaatee Xeer Ciisuhu waa gudoonsha afartan iyo afar odey (44) loona yaqaan Gende.

Waxaa laga soo xulay labo iyo tobanka aqal(qolo) ee Ciisuhu ka kooban yahay, waxaa weheliya boqol odey oo shir sanadeedka imaan jirtay. Xaruntu waxay ahaan jirtay magaalada Siti oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Soomalida, gumaysiga ka hor, waxay lahayd xeerar ay isku maamulaan, marka la barbardhigo dowladaha hadda jira, waxay ahaayeen dad ku dhaqma sharci qof kasta qabanaya; inkastoo xaquuqdii dumarka daaqada laga tuuray, garsoorayaal iyo sharci dajiyaalna waxaa u ahaa odey dhaqameedyo lasoo xulay, dastuur waxaa u ahaa xeer lagu heshiiyey, xaruntoodu waxay ahayd geed xoostii, garqaadku waxuu ahaa geedi socod loo maro hab raac dheer, lahaana inta maxkamadaha maantay jira ay leeyihiin.

Dacwadaha waxaa loo kala qaybin jiray, qaybo kala duwan, qofka dacwadda wada ayaa la weydiin jiray, nooca dacwadiisa, waxaana loo kala qaybin jiray, dhiig iyo dhaqan, haddey dhiig tahay; waxaa la dhihi jiray, ma qudh baa mise waa qoon?, haddey dhaqan tahayna; ma xilaa mise waa xoolo?, waxaa kale oo la weydiin jiray, ma magan baa mise waa mooro?.

Dhacdooyinka la keeno, geedka garta, waxay kala ahaayeen, mid curad ah iyo mid ugub, midda curadda ah horey baa mid lamid ah loo soo xaliyey, xeerna laga falkiyey, dhacdada curadda ah, waxaa lagu xallin jiray wadadii hore oo xeer baa ka yaalla. Dhacdada ugubka ah, waxay qaadan jirtay waqti dheer, markii lagu guulaystana waxay ka mid noqon jirtay dhacdooyinka curadka ah.

Garta laftirkeeda waxaa lakala bahayn jiray labo, gar- cadaawo (jilib carro) iyo gar sokeeye, gar cadaawe, waxay ahaan jirtay gar aan loo kala kicin illaa iyo inta xal suura gala laga helayo balse gar sokeeye waa  la dib dhigi jiray amase si sahlan baa lagu xallin jiray.

Xeer waxaa loo samaysan jiray in laga badbaado afar, oo kala ah; damac, duulaan, dil iyo dhac, loona dhowro dhiigga, dhaqaalaha, dhulka, dumarka iyo dhaqanka, xeerarku waxay ka koobnaayeen dhegaley iyo qodobbo hoos yimaada, sida dastuurku u leeyahay cutubto iyo qodobbo hoos yimaada. Erayga Qodob waa kii aan naqaanay oo kabaha lagu samaysan jiran, iskuna hayn jiray saanta kabta iyo suumanka kore, xeerkii haddii aan niri waa kab, kabna waxay ka kooban tahay Saanta hoose, suumanka kore iyo qodobbo isku haya labadaas.

Dunidaan aan hadda joogno, meel aan sharci iyo kala danbayn ka jirin, nolol iyo quruxi mataalo, waa sida kaynta oo qofkasta kuu ka awood wayn yahay uu dardarayo, qaanuunku asagaa umadda kala haga, haddii uusan qaanuun jirin waa lays cunayaa. Taas mid la mid ah; Soomalidu waxay ku maah maahdaa “meel aan xeer jirin waa lagu xooloobaa”. Dadkii hadeysan haysan wax kala hagaya iyo cabsi toona sidey rabaan bay u dhaqmayaan sida xoolaha.

 

Tixraac:

Axmed Sh. A. (1977). Heerkii Soomaalidii hore. Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, Muqdisho.

Jamac M. (2010). Xeer dhaqameed: Xeer Ciise. Jabuuti.

Fikirkaada Waa Muhiim