Kolba’aariyo waa infekshan ku dhaca mid ka mid ah  ama labada sanbabood. Waxana sababi  kara bakteeriyo, fayrus iyo fangal. Kolba’aariyada bakteeriyada ay sababta waxay caan ku tahay inay ku dhacday dadka qaangaarka ah.

Kolba’aariyo waxay sababtaa caabuq ku dhaca dulduleedada hawo mareenka ee sanbabada, kuwaas oo loo yaqaano alfiyoola.

Kolba’aariyo waxay sababtaa caabuq ku dhaca dulduleedada hawo mareenka ee sanbabada, kuwaas oo loo yaqaano alfiyoola (alveoli). Alfiyoola waxa ka buuxsamo dhacaan ama malax, taas oo keenta qofka inay ku adkaato neefsashada.

Waa maxay calaamadaha  kolba’aariyada?

Qufac la socdo malax

  Qandho

Dhidid

Qarqaryo

Neefta  oo qofka  ku yaraato

Xabad xanun

Omateedka oo luma

Madax xanuun

Wadno garaaca oo bato

Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca

Matag

Lalabo

 

Sidee lagu ogaan karaa kolba’aariyo?

· Raajo  xabadka ah inlaga saaro

· Candhuufta in laga baaro

· Kaadi in laga baaro

· Iskaan in la saaro qofka

· Dhiig in laga qaado

 

Sidee loo daaweeyaa  kolba’aariyo?

Qofka xaalkiisa roon yahay lakiin qabo kolba’aariyada sidan ayan u dawayneeynaa:

Daawoyin qalajiyaal ah in afka  la siiyo qofka

Nasiino badan inuu  qaato

Biyo badan inuu cabo

Qofka haduu xalkiisa daran yahay waa in la jiifiyaa isibtaal.

§  Xididka in laga siiyo qalajiyaal

§  Oksijiin in lagu xiro

 

Yaa halis ugu jiro kolba’aariyo inay ku dhacdo?

Ilmaha ka yar 5

Dadka ka wayn 65

Qofka cabo  sigaarka

Faalig (Stroke) qofka uu ku dhacay

Cudurka macaanka qofka qabo

Cudurada wadnaha ku dhaca qofka qabo

Qofka difaaciisa yar yar yahay

 

Sideen  oga  hortagi karnaa kolba’aariyo?

        In  la qaato talaalka kolba’aariyada.

        Sigaar cabida in laga fogaado.

        Gacmaha in la dhaqdo mar walbo si ay bakteeriyada  u yaraato.

        Caafimadka qofka in lala socdo mar walbo.

        Nafaqo fiican in la qaato si ay meesha uga baxdo difaac yarida.

 

Waxaa diyaarisey: Miski Abdi  Nuur Salal

Fikirkaada Waa Muhiim