Wasaarada gumaysigu ayaa waxa ay iidirtay sanadkii Hijriga marka uu ahaa 1122 Hijriga oo ku beegan 1710 Miilaadiga wadamada Masar, ciraaq, Xijaas iyo Istanbuul si’aan uga soo uruuriyo xog dhamaystiran oo ku saabsan sidii loo burburin lahaa muslimiinta sidoo kale wasaarada waxa ay igu dartay sagaal qof oo firfircoon si ay ula wareegaan xukuumada qeybaheeda kala duwan iyo dhulka muslimiinta,wasaaradu waxay noogu deeqdey hanti nagu filan, warbixin laga maarmaan ah, khariirado, magacyada madaxweenayaasha, culimada iyo kaaba qabiilada, mana aanan hilmaamin xoghayihii wasaarada markii uu nagu sagootiyay isaga oo ku hadlaya afka Masiix waxa uu yiri (guushiinu waxa ay u soo noqonaysaa mustaqbalka wadamadiina sidaa daraateed ku dadaala in aad guul ka gaartaan qorshihiina).

Badda ayaan ku safray aniga oo u sii jeeda xarumihii Islaamka ujeedadeeydu waxa ay ahayd in aan barto luuqada Turkiga oo aan ugu hadlo si wanaagsan, horay waxa aan usoo bartay inta aan ku sugnaa magaalda Londan sedex luuqadood oo kala ah (Turkiga, Carabiga iyo luuqada Faarisiga) hasa ahaatee waxa muhiim ah qofku in uu ku hadlikaro wadanka uu ku noolyahay luuqada looga hadlo sidaa darteed waxa aan isku taxalujiyay in aan u barto luuqadaha si qoto dheer si’aan la iga shakin inkasta oo dhankaas aanan ka qabin waxa walaac ah, maxaa yeelay musliimiintu waxay ahaayeen kuwo saamixitaan badan oo qalbigoodu yahay nadiif malahooduna uu yahay mid wanaagsan sida uu nabigoodu Calayhi Salaam uu baray akhlaaqda wanaagsan shakigoodu ma’ahan shakigeena oo kale, dhanka kale xukuumada Turkigu ma aysan ahayn mid hanata ururada si ay u ogaato sirdoonadeena iyo shaqaalaheena.

Safar dheer kadib waxa aan gaaray magaalada Istaanbuul waxaan bilaabay in aan aado masaajidka oo ah meesha ay muslimiinta ku kulmaan kuna cibaadaystaan waxa aan layaabay qaab dhismeedyada nadaafadooda iyo cibaadadooda waxa aan kula sheekeystay maxaan ula dagaalamaynaa dadkaan maxaan uga shaqeyneynaa burburintooda iyo dabargoynta barwaaqada ay ku jiraan?

Arrintaan ma waxa na amray Masiix? Hase yeeshee si degdeg ah ayaan ugu laabtay fikirkaan iyo islasheekeysiga sheydhaanka waxaan qaatay go’aankii aan ku socday halkaas waxa aan kula kulmay caalim da’wayn oo magaciisu yahay Axmed Afandi waxa uu ahaa nin aad uwanaagsan oo qalbi furan oo khayrka jecel mana arag nin lamid ah ragga diinta sheegta ee baadariyaasha ninkaas waxa uu ahaa mid isku ekeysiiya nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam aad buu uwayneyn jiray markasta oo uu igu soo hadalqaado ama iga sheekeenaya nabi Muxamed indhihiisa ayaa ilmo ka shubmi jireen, balse nasiib wanaag ima uusan waydiin jiriin qofka aan ahay iyo meesha aan kasoo jeedo mar kasta wuxuu iiga jawaabi jiray wixii aan waydiiyo maxaa yeelay aad ayuu ii ixtiraamayay waayo waxa uu ogaaday in aan ahay marti uyimid wadankooda in aan kashaqaysto wadankooda waxaana doortay in aan lanoolaado shiikhaan matalaya nabi Muxamad Calayhi Salaatu Wassalaam.

Tani waxaay xujo u ahayd in aan siijoogo magaalada Istanbuul shiikha ayaan waxaan ku iri waxaan ahay nin dhalin yaro ah aabahay iyo hooyadayna waa ay dhinteen wax walaalo ahna malihi wax hanti ahna igama tagin waxaan go’aansaday in aan shaqaysto qur’aanka iyo culuumta Islaamkana barto waxaan imid xarunta Islaamka si’aan uxasiliyo diinta, shiikhii ayaa si’aad ah iisoo dhaweeyay waxa uuna yiri: waxaa nagu waajib ah inaan ku ixtiraamno dhoowr qodob dartood.

1- Waxaad tahay nin muslima muslimiintuna waa walaalo.

2- Waxaad tahay nin marti ah rasuulkuna waxa uuا yiri: (Martida Karaameeya) oo macnaheedu yahay martida karaameeya.

3- Waxaa tahay nin arday ah oo cilmi doon ah Islaamkuna waxa uu doonayaa in la karaameeyo qofka diinta baranaya.

4- Waxaa tahay nin doonaya shaqo xadiis ayaa wuxuu oranayaa (Qofka Shaqeysta Allahu Tacaalaa Waa Jecelyahay), waxa aan aad ula yaabay qodobadaan uu shiikhu ii sheegay

Waxaan naftayda ku iri war shalaytadaydee diinta Masiixiyddu may lahaato xikmadan oo kale waxaanse aad uga xumaaday diinta Masiixiyaddu inaysan lahayn xikmadaan oo kale hase ahaatee waxaa aan aad ula yaabay wanaaga iyo sharafta uu leeyahay Islaamku iyo sida uu u dayacmay gacmo dad jaahiliin ah shiikhii baa waxa aan ku iri: waxa aan doonayaa inaad ibartid qur’aanka shiikhii aad buu u soo dhaweeyay arinkaa waxa uu ii bilaabay suuratul Faatixa mar waliba marka uu qur’aanka ibarayo waa uu soo weeso qaadanjiray anigana waxa uu I amri jiray in aan soo weeso qaato waxa aanu ujeesan jirnay dhanka qiblada waxa uu ii fasirijiray qur’aanka macnihiisa mar marka qaarkood waxaa igu adkaan jirtay ku dhawaaqidda erayo ka mida qur’aanka sikastaba ha ahaatee qur’aankii waxa aan ku dhameeyey laba sano, waxaa xusuus mudan in laga sheekeyo muslimiintu sida ay u wayso qaatan waxa ay dhaqaan xubnaha qayb kamida mar ka hore waxaay dhaqaan wajiga marka labaadna waxay dhaqaan gacanta midigta ah laga bilaabo faraha ilaa iyo xusulka marka sadexaad waxa ay dhaqaan gacan bidix laga bilaabo faraha ilaa suxulka marka afaraad waxa ay masaxaan madaxa iyo dhagaha marka shanaad waxa ay dhaqaan lugaha.

Waxaan aad uga walwalay muslimiintu sida ay u isticmaalaan cadayga, cadayguna waa laan yar oo ay ku nadiifiyaan afkooda iyo ilkahooda, mar marka qaarna afka ayey dhiig ka keentaa waxaana ku qasbanaaday inan istic maalo cadayga maxaa yeelay waxay aamin sanyihiin suno adag nabigooda Muxamadna Calayhi Salaatu Wassalaam amray, waxa ayna ku sheegaan fadli wayn, dhab ahaantii markaan ku cadaysadaba ilkahaa idhiiga lakiin wax yar kadib wuu i joogsadaa afkaygan wax qurun ah kuma harin balse waxaa aad usoo ura Ingiriiska afkooda.

Mudadii aan joogay Istanbuul waxaan la joogay ama lanoolaa qaadimka masjidka layiraahdo (Masjidul Liqaa) wuxuu ahaa nin dabeecad wanaagsan magaciisana waxaa la yiraahaa Marwaan Afandi wuxuu la magac yahay saxaabadii rasuulka Calayhi salaatu wassalaam, wuxuuna ahaa mid kamida magacyada barakaysan waxaa uuna idhihi jiray haddii wiil laguu dhalo waxaad ku magacawdaa Marwaan maxaa yeelay Marwaan waxa uu ka mid ahaa raggii diinta Islaamka usoo halgamay waxaan ahaa mid ku nool khaadimka agtiisa waxa uuna ahaa mid ii soo diyaariya cuntada gaar ahaan maalinta jimcada(ciidda muslimiinta), ma aanan aadayn shaqada maalinka jimcada, maalmaha kalena waxaan aadi jiray shaqada oo ahayd farayaamiiste waxaana shaqayn jiray subixii waxaana uu isiinjiray intaan shaqaystay hal meelood barkii markii loo eego shaqaalahiisa.

Waxa uuna ahaa magaciisu Khaalid waxa uuna ahaa mid akhrista qisooyinka Khaalid Binu Waliid xilliyada uu firaaqada haysto, Khaalid waxa uu ahaa halyaygii muslimiinta xilligii saxaabada, waxaa murjin jirtay xilkaqaadistii Cumar Binu Khadaab uu ku sameeyay Khaalid3 waxa uu ahaa mid dabeecad xun wuxuuna ahaa mid igu kalsoon maxaa yeelay kama horimaan jirin amaradiisa waxa uu ahaa mid yimaada salaada Jimcada maalmaha kalane run ahaantii ma hubo inuu tukan jirin, waxaan ahaa mid ka cuna tukaankiisa cuntada ka dibna waxaan ahaa mid aada masaajidka, waxaan joogi jiray masaajidka ilaa waqtiga salaada casar kadib kadibna waxa aan aadi jiray guriga Sheekh Axmed waxaan la joogi jiray mudo laba saacadood ah kana baranjiray qur’aanka, luuqada Turkiga iyo Carabiga maalin kasta oo Jimca ah waxaan siin jiray lacag maxaa yeelay waxa uu ibari jiray waxbarashada tan ugu fiican waxa uuna ahaa mid aan ka gaabin dadaalkiisa barida uu ibaraayo qur’aanka iyo diinta.

[3] In guulo Badan uu gaaro Abuu Cubayda Binu Jarraax oo lagu badalay Khaalid Binu-Waliid waxay tusaalo u tahay in sababta guushu aysan ahayn Khaalid ee ay tahay kaalmaha Allahu Tacaalaa oo kaliya.

 Waxaa kaloo si’aad ah iibari jiray labada luuqadood Carabiga iyo Turkiga markuu ogaaday Sheekh Axmed in aan ahay guur doon waxa uu iga dalbaday inuu igu daro gabdhihiisa mid ka mid ah hasa ahaatee waan ka diiday arintaa maxaa yeelay ma’anan haysanin waxa ay ragu haystaan mana ahayn mid u muujiyay Sheekha arintaas waxa ay ku dhawaatay in uu xiriirkeenu go’o waxuuna Sheekhu yiri guurku waa sunno rasuul, rasuulku waxa uu yiri “Sunadeyda Qofkii Kataga Umadeyda Kama Mid Aha” markaas ayaan Sheekha u sheegay cudurkii (beeenta ahaa) wuuna ku qancay Sheekha arinaas waxaana soo laabtay xiriirkii naga dhexeeyaay aniga iyo Sheekha.

 Markay ii dhamaaystirantay laba sanadood joogistii aan joogay Istanbuul waxa aan ka codsaday Sheekh Axmed in aan ku laabto wadankeygii hase ahaatee Sheekha iima uusan idmin aritaas maxaad ulaabanaysaa?

Maxaa yeelay Istanbuul waxa aad ka helaysaa waxay naftu jeceshahay indhahuhuna ay ku macaan sadaan, Allahu Tacaalaana waxa uu Istanbuul iskugu daray diin iyo aduunyaba, magaalda Istanbuul waxa uuna raaciyay Sheekha soo ma aadan oran aabahay iyo hooyaday waa ay dhinteen walaalna malihi ee ka dhigo wadankaaga halkan (Istanbuul) waxa uuna ahaa Sheekha mid igu qasba in aan jooga Istaanbuul waajibka isaarnaa ayaa ahaa mid igu qasba in aan ku laabta wadankayga si’aan ugudbiyo warar ku saabsan caasimada Khilaafada muslimiinta iyo si’aan usoo qaato amarro cusub ku saabsan shaqadayda waxa ay noqotay in aan ku nagaado Istanbuul wakhti dheer bilkastana waxaan ugudbin jiray warbixino ku saabsan xaaladayda, horumarkayga wasaarada gumaysiga, waxa aan xusuustaa maalin aan ugudbiyay su’aal ahayd inuu iga dalbaday saaxiib aan isku meel kashaqayn jirnay (Ragga oo Dabada Loga Tago) oo macnaheedu yahay inay ay isku tagaan laba rag waxa ay wasaaradu iigu soo jawaabtay in aan sameeyo arintaa hadii ay igaarsiinayso danta aan leeyahay maalintii uu isagootinayay Sheekhii ayuu ooyay oo waxaana uu yiri Illaahaybaa kula jira wiilkaygiyaw hadad ku soo laabtid Istanbuul aniga oo dhintay oo aad isoo xasuusato qabrigayga waxaad ku aqrisaa suurada (Faatixada) waxaan ku kulmidoonaa maalinta khiyamah nabiga aktiisa laakiin aniga dhab ahaantii waa isaamaysay waxay iisaamaysay saameen aad uwayn waxaana iga qubatay ilmo farabadan, waajibka iga saarnaa wadan kayga ayaa ka wayn wax kasta.

….La soco qaybaha xigga

 

Haddii aad doonayso qeybtii ka horeysay qeybtaan halkaan hoose ayaad ka heli kartaa ee guji.

QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA Iyo Cadawtinimada Ingiriiska ee Islaamka u hayo -Qaybtii 1aad

Fikirkaada Waa Muhiim