Cinwaankaan waxa aan uga hadli doonnaa dhibaatada aadka u xooggan ee heysata qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, ha’ahaadaan kuwa ku sugan dalka gudihiisa ama qurbaha.

Iska-noolaansho waa wax aad ucajiib ah in aad aragto qof sootoosa dabadeedna aanan lahayn wax qorshe ah, kama hadlaayo kafakiridda mustaqbalka, kama hadlaayo yididiilo iyo kacaan ama rabitaan qofeed, ee waxa aan farta ku fiiqayo ayaa ah in qofi sootooso oo hurdada uu kasoo kaco barqankii macnaha 11: 00 aroornimo, deedna uu cunteeyo asaga oo ukicitimayo dhallinyaro lasoo sheekeysi, gurigana usoo doonto uun cunno xilliga uu garowsado in uu gaajeysan yahay, jiifkana uu usoo hoydo 11: 00pm ama 12: 00 habeennimo.

Cali waxa uu ahaa 18jir billaabay Jaamacad sanadkaan waligiisa waxa uu saaxiib la’ahaa qaar kamid ah ciyaalka xaafadda asaga oo aad ugu qanacsanaa, dhaqamadiisana waxa ey ku dhax -milmanaayeen kuwa aan kasoo hadalnay, dhibka ugu badan waxa uu ahaa in hooyadiis ey waqti waliba lahadli jirtay in uu guriga uun usoo dhaqsado habeenkii, si’ iyadana dhaqso ey isaga seexato maadaama ey habeen waliba bannaanka fariisan jirtay iyada oo ey dhaxanta kusugi jirtay si’ay iridka uga furto.

Hasa ahaatee wax dhag ah jalaq uma uusan siin waxa uuna kuqeylin jiray mar waliba oo ey Hooyadiis lahadasho asaga oo qiil kadhiganaayo “dhallinyarta faceyga ah bannaanka lagama celiyo xurnimadana lagama qaado anigana habeen waliba qeylo joogta ah ayaad igu waddiin” asaga oo ula jeedo labadiisa waalid. Shaqada uu reerka uqaban jiray waa in uu naftiisa uun uu soo xaadirin jiray si’uu uhelo cunno iyo meel uu seexdo…

Hooyadiis aad ayay ujeclayd waxa eyna dhihi jirtay wiilkeyga caano mallooreebay” wiilkeyga ma’imaaday” haddii Maya lagu yiraahdana waxa ey dhihi jirtay aniga maseexan karo wiilkeyga oo maqan waxa eyna u carari jirtay Teleefanka gacanta si’ey durbaba u wacdo una ogaato in uu bad qabo iyo inkale, hase ahaatee marna ma’uusan kaqaban jirin haddii uu kaqabtana waxa uu dhihi jiray Hooyo garoonka Ayaan kujraa kumana maqlo ee anaa imaanaayo” taas oo Hooyada kuqasbi jirtay in ey isaga sugoto bannaanka.

Intaas oo dhan dhib lama’ahayn reerka laakiin waxa ey aad uga argagaxeen marki Faarax oo ahaa curudka reerka uu ogaaday in Cali jaamacadda laga soo ceyriyay waliba sababtuna ay tahay in uu ku dhacay imtixaankii sanadkaan ee Jaamacadda.

Xilligaan waa 20 jir reerku fiirsanayeen aadna ujeclaayeen in uu kaqeybqaato kobaca iyo korinta caruurta kayar, lagana sugaayay in uu garaad unoqdo reerka horseedna ey kadhigtaan dhallinta asaagiis ah ee kula nool xaafadda.

Waxa aase kaaga sii darnayd marki uu dhowr maalin jaamacadda uusan aadin Hooyadiisna kutiri Caliyow maxaa kuhelay? Uuna kuyiri aniga Jaamacaddaan waan-nacay oo mawadi karo, oo maxaa dhacay ayay Hooyadiis kucelisay? Mawadi karo sow kuma dhihin, Haa, Mawadi karo waa intaas. Oo hadda maxaa kuu dan ah? Waxa uuna ku warceliyay ma’aqaan wax ii dan ah oo xanaaq raacsanyahay.

Cali Waxa Aan Kula Talin Lahaa Aniga:

Miskiin Cali, walaal ma’ahan xilliga aad xoog u hadli lahayd, ma’ahan xilliga aad Hooyadaa ku hadal celin lahayd, ma’ahan xilliga aad naftaada kadhigi lahayd mid saxan, mana’ahan xilligi aad isku sheegi lahayd in aad wadadii caddayd heysid. Xaqiiqdana waxa ey tahay in lajoogo xilliga aad naftaada canaanan lahayd, xilliga aad naftaada weydiin lahayd su’aalaha runta ah ee aad uga baahantahay jawaabahooda {Maxaa igu dhacay?

Maxaan asaakeyga uga haray? Maxaan juhdigayga oo dhan aan ugu bixiyay wax aanan mustaqbalkeyga anfacayn? Maxuu noqondoonaa mustaqbalka aan sugaayo……}, waxaa lajoogaa xilliga aad raadin lahayd garab ku caawiyo si’aad ukabsato, waxaa lajoogaa xilligi aad maciin san lahayd ducadi Hooyadaa oo aad garabkeeda ku’ooyi lahayd adiga oo raaligalinayo, caawinna kadalbaayo.

Cali sandkaan wuu 21 jirsaday walina wax tallaabo ah uu qaaday majirto aan ka’ahayn in uu barqankii kaco dabadeedna asxaabtiisa raadsado, nolosha waqtigeeda badanna uu sidaas ku dhaafo.

Bal-adigu Cali maxaad kula talin lahayd haddii uu walaalkaa ahaan lahaa…???

 

W/Q: Dr.Ilhaan Ciise Maxamed

Fikirkaada Waa Muhiim