Qiyaas lasameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in wax soo saarka shirkadaha adduunka ay saameyn adag ku leedahay nolosha, waxa eyna u geystaan dhaawac maskaxeed iyo dhimasho.

Cilmi baarayaasha caafimaadka ayaa aaminsan in sababtu tahay ka koobnaanshaha walxo kimikaleed oo kabuuxa waxa ey shirkaduhu sameeyaan haba ugu badnaatee alaabta caagadaha ah.

 

  1. Take-Away {ku qaado oo hasoo celin}

Weelasha kasameysan caagadaha halka mar ookaliya la’isticmaalo {Single Use} waxa ey aad halis ugu yihiin naftaada iyo deegaanka aanu kunnoolnahay, warka ugu xun ee kusaabsan ayaa ah  in qubarada caafimaadku sheegeen in habayaraatee wax faa’iido ah uusan ulahayn caafimaadka, qasaaro ma’ogiye, nafteenana waxa uu kureebaa walxo kimikeed oo ugu danbeyn sababa cudurka dilaaga ah ee kansarka, waxa uu dhaawacaa xubnaha jirka ugu muhiimsan sida maqalka, aragga iyo neerfaha.

  1. Saabuunta Dareeraha ah Ee Katirsan Kooxda Jeermis Dilayaasha:

Intabadan saabuunaha dareeraha ah waxaa kudarsan walxo kimikeed oo looyaqaan Triclosan, mana’ahan kaliya in ey deegaanka udarantahay ee sidookale waxa ey qatar kuyihiin caafimaadkeenna. Maadada Triclosan waxa ey sababtaa kansarka kudhaca beerka.

  1. Aaladaha Kaneecada Lagu Gubo

Waxaa jiro electronic machines oo loo isticmaalo in kaneecada lagu gubo, badanaa Somalia gaar ahaan Caasimadda waalagu isticmaalaa lagamana war qabo in ey halis caafimaad leedahay.

Marki hal Kaneeco lagu gubo waxa ey siideysaa qiic ilmo-aragto ah oo kayimaada gubashada kaneecadi ey ku dhagtay. Halkii kaneeco qiica kayimaada waxaa lagu qiyaasaa in uu lamid yahay adiga oo halmar cabbay Todobaatan iyo Shan illaa boqol soddon iyo todobo xabo oo sigaar ah.

Xaddigaan ma’ahan mid aadanaha uu kunnoolaan karo.

  1. Walxaha La’isku Qurxiyo

Waxaanu ognahay in ey waxyaabaha la’isku qurxiyo ey kabuuxaan kiimiko haba ugu badnaadaan kuwa midabka lagu badalo, waxaa lasoo marsiiyaa mashiinno iyada oo lagu daraayo kiimika suurtagalineyso in ey ladagaasho ama disho unugyada jirkaaga qaar kamid ah si ey ujoojiyaan  shaqadi ey haayeen jirka isla markaana uu isbeddal kuyimaado.

Tusaale marka uu qofku marsado walxo beddala midabka jirka side ayay ku dhacday?

Waxaa uu jirka joojinayaa sameyntii midabkaada oo joogta ahayd waxaana awood yeelanayo kiimikada cusub ee jirka soogashay iyada oo ey jirka kubillaabmeyso dhimashada unugyadii asalka ahaa.

 

Halkaan hoose waxaan ka heli kartaa dhammaan qoraalada qoraagga:

http://www.tukesomalism.com/archives/author/ilhaan2018

Fikirkaada Waa Muhiim